photo

                                                                                

 

Copyright ® 2008 Dankahadal.com

 

 

 

                                                      Contact us:-    shiine@dankahadal.com

 

 

 
 
www.worldofkisses.com

 
 

  • matchmakingside.
    www.match.com
  • Free Personals Chat
    Find Your Soul Mate Or Network With Friends On Paltalk. Chat For Free!
    Paltalk.com

 
 

 

 

Meet Muslims For Marriage
Thousands of Muslims Online Now Create Your Profile. Meet Someone.
 

  • Marry Muslim Girl
    Meet Muslim girls & women. Chat, dating & marriage. Join free now.
     
  • Muslim Matrimonials
    Find The Perfect One This Season. View Free Profiles This Valentine's
     
  • Women Seeking Older Men
    Post your profile free! Let young beautiful Cali women write you
     
     
  • Love, friendship, romance
    Give yourself a chance to find your luck. Lonely attractive singles.

     

  • Ukrainian girls
    Elected Ukrainian girls for long term relationship and marriage!
     
  • Filipinas look for love
    Pretty girls from Philippines look for serious relation worldwide

     

  • Nolosha Cusub
    Ma doonaysa nabadqab iyo khayr? Warka wanaagsan ma maqashay?
    noloshacusub.net
  •  
  • Open XML supports the features that businesses demand.
    openxmlcommunity.org/
  •  
  • Call Somalia
    Watch Rebtel double your money pay $10, get $20 to call with!

     

    Nolosha Cusub

    Intee laga hela magangal? Yaa inoo siin karaa nabaaddiino?
    noloshacusub.net
  •   INAAN ISA SIRNO MIYAAN KU SAAXIIBNAY ....?

     

    Qeybtii-6aad

     

     

    Qadadii markii aan dhamaysanay oo aan in cabaar wada sheekaysanay sheeko guud is fahamkeenuna uu noqday mid heer sare ah ayaan ugu dambayntii Suleeqo ka codsaday in ay I fasaxdo maadaama waqtigu uu sii dhamaanayo, intaysan iga ogolaanin Codsigaygii ayay u yeertay walaasheed markii ay qolkii soo gashay ayay iskeen bartay walaasheed waxayna u sheegtay in la I soo dhaweeyo mar walba oo aan gurigan imaado, ka dibna dib ayay isaga laabatay wax yar ka dibna labadeena oo wada socono ayaan ka soo wada baxnay gurigii dhowr talaabo ayayna ila soo qaaday iyadoo iiga sheekaynayso in ay jiraan labo gabdhood oo kale oo hadeer iskuul ku maqan iyo sadex wiil oo kale oo dhaamaan iyada la wada dhashay, runtii Suleeqo Maalintaas waxay aad u jeclayd in aan u sii sheekeeyo oo aan ilaa galabtii la sii joogo, maxaa yeelay maalintii ugu horeyay ee aan Shirkada ku kulanay sida ay ii malaysay ma noqon oo waxaa u bidhaamay markan dabeecadayda dhabta ah, markaasaa malihii meesha ka baxay oo ay iska jeclayd in aan iskala sii joogo, hase yeeshee waqtiga ayaa ii saamixi waayay in aan la sii joogo oo aan u sii sheekeeyo, balse laba isgoys markii ay ila soo dhaaftay ayaan ka codsaday in ay iska laabato, oo kulanka kan xiga ee aan guriga ugu iman doono aan halkeeda ka sii wadi doono Sheekada, Suleeqo oo u riyaaqday hadalkaas ayaa iyadana markeedii iga codsatay in aan u sii sheego goorta aan u soo laabanayo, Anigoo dareensan xiisaha aan iyada u qabo mid ka daran in ay ii qabto, ayaa anigoo sii dhaqaaqaya ku iri:- "Beri galab iyo Shanta hadii alle idmo" "yaanan ku waayin beri galab iyo shanta" intay igu tiri ayay indhahana iigu baaqday iyadoo suniyaha dhaqdhaqaajinaysa, Anigoo aan fahmin micnaha ay suniyaha u dhaqdhaqaajinayso ayaan ka soo dhaqaaqey, iyadiina markii aan baaqeedii jawaab ka bixin wayay  ayay dib isaga laabatay.

    Xaafadaydii markii aan ku soo laabtay ilaa iyo habeenimadii waxay maskaxdayda soo celcelinaysay qaabkii uu u dhacay kulankii aniga iyo Suleeqo iyo sida wanaagsan ee aan qoyskooda u soo bartay, iyo kalsoonida ay igu abuurtay in aan mar walba gurigooda iman karo, waxaan hoosta ka gunuday in Suleeqo ay tahay qof aan caadi ahayn marka laga fiiriyo xaga insaanimada, dabeecada, xushmaynta iyo soo jiidashada, run ahaantii waxay ii ahayd wax ii dhiman noloshayda qof igu cusub oo sidaas ii qaabishay inkastoo aanan weli si fiican isu dhex gelin hadana bilowgeena ayaa ahaa mid aad u wanaagsan markaasaan anigana qalbiga gashaday in inta dhimana ay iska hagaagi doonaan insha alaah.

    Subixii markii uu waagii baryay ee la soo toosay anigoo isu

    diyaarinaya shaqadaydii ayay Hooyaday oo ku jirta jikada ii yeertay   markii aan u tagay ayay I soo hor dhigtay canjeero, shaah iyo saliid si aan u quraacdo markiiba gacmihii ayaan iska dhaqey ka dibna waxaan bilaabay in aan cuno quraacdii, labo jeer markii aan qaatay ayay hooyadey igu furtay Sheeko dheer oo ku saabsan Taariikhdayda iyo dhibaatadii ay nala soo martay iyo arimihii dhex marey iyada iyo aabahay mudadii ay is qabeen kuwaasoo isugu jiray murugo, tiiraanyo, Anigana waan u dheg raaricinayay, inkastoo Hooyaday intii ay sheekada ii wadey ay indhaheeda ka soo muuqanayeen ilimo muujinaya xanuunkii ay soo martay oo ay soo gocotay, hadana marna ma aysan hakinin sheekadii oo waa ii wadey ilaa ay ugu dambayntii ka soo gaarto ujeedadii ay iigu yeertay, Anigoo madaxa kor u soo taagaya rabana in aan hubsado waxa ay Hooyaday soo wado ayay mar kaliya hadalkii qaadatay oo igu tiri:- "Wiilkaygiyow dhibaato kasta oo aan soo maro koriimadiina darteed maanta al-xamdu lilaah waan ka noolahay, Adinkana Ilaahay waan idiin koriyay oo waad u jeedaa maanta adigaa curadkii ah oo waliba gacanta nagu haya ilaahay ka sakow, balse hooyo waxaa jirta arin aan waligay rabey in aan kuu sheego laakiin aanan weli kugu soo hadal qaadin maanta ka hor taasoo aan axdi iyo balan kula galay Abtigaa Nuur anagoo sida aan maanta nahay ka liidano, balantuna waa shey adag waxay ku fiican tahay in la oofiyo, sida ii muuqatana maanta maalin ay nooga wanaagsan tahay ma jirto ee wiilkaygiyow sow in aan oofino ma aha balantaas aan la galay abtigaa" anigoo aan weli hubsan Balanta ay hooyaday la gashay Abtigay nooca ay tahay iyo waqtigii ay balanta wada galeen ayaan la soo booday:- "Haa, hooyo maacaan waa in aan oofinaa Balanta aad gashay waxay doonto ha ahaatee" Hooyadey oo iska tiraysa ilintii ka soo muuqatay indhaheeda intii yareyd ee ay sheekada ii waday ayaa igu tiri:- "Muddo haatan laga joogo Afar sano ayaan aniga iyo abtigaa wacad ku wada galnay in Adiga Khaliif ah iyo ZamZam Nuur aan isku kiin guurino, Marar badan ayuuna abtigaa arintan igu soo hadal qaaday oo aniga ayaa dib u dhigi jirey oo oran jirey mar xalad adag ayaan ku jiraa  ee ii yara kaadi, balse waqtul xaadirkan la joogo go’aan kama dambays ah ayuu iga sugayaa oo ah in aan diyaar u ahay guurkaas aan balanta ku wada galnay iyo in aan ka baxay balantii midood, anigana waxaa ceeb igu ah in aan walaalkay balanta uga baxo, sidaas darteed qaladkana Hooyo anigaa iska leh oo saakay ka hor kuuma sheegin arintan, Saacadan aan kula hadlaayana waxaa iga go’an in aan fuliyo balantii aan la galay Abtigaa Nuur  ee uusan mar kale igu soo hadal qaadin ee wiilkaygiyow maxaad ka leedahay arintan" Nabar aadan fileyn naxdin ma leh ayaan maqli jireye, balse arintan ay hooyadey iila timid saakey aad baan uga naxay runtii waayo

    meesha ay sheekada iiga soo bilowday iyo meesha ay ku soo gabagabaysay kama fileyn in ay arintan iiga soo baxayso, yaab iyo amakaag ayaa alle igu dhaliyay markaasaan canjeeradii aan cunaayay hakiyay.

    Sakano gudahood baa dhowr fikradood igu soo dhaceen anigoo aan u jawaabin hooyadey, kow waxaan is hor dhigay muuqaalkii Suleeqo iyo qorshihii dheeraa ee aan ka damacsanaa Mustaqbalka markaasaan go’aansaday in suleeqo qorshaheeda aan loo baabi’in Karin gabadha abtigay dhalay ee la ila rabo, anigoo ku dhiiraday in aan markiiba hooyadey u gudbiyo diidmadayda iyo go’aankayga dhabta ah, welina aan afkaygii kala qaadin ayay hadana igu soo dhacday arintii muragada xambaarsaneyd ee ku dhalisay Hooyadey saakey in ay iiga sheekayso  oo waliba ilinta kulul ka keentay, dib ayaan hadalkii ula noqday markaasaan go’aan deg deg ah gaarey anigoo hooyadey ku qancinaya in aan diyaar ula ahay arin kasta oo ay iila timaado markaasaan la soo booday:-"Hooyo Macaan Dhibaato kasta oo aad darteen u soo martay oo aad sabarkeeda soo yeelatay ujeedadaada ugu weyn ay ahayd in marka aan weynaano aan wax kuu qabano oo aad nagu nasato, ma ahan Hooyo in anigoo labaatan jir ah aad saakay la ilmayso xusuus hore, balan waxaa igu ah Hooyo Macaan wax alla waxaad igu amarto in aan kuu Sameeyo, axdiga iyo balanta aad abtigay ka qaaday waan oofinaynaa shuruud la’aan ee ka murug la’ow," Markii ay hooyadey hadaladaas afkayga ka soo baxay ay maqashay markiiba duco aan qiyaas lahayn ayay is daba dhigtay intay gacmaha kor u taagtay, cabaar ayaan fiirinayay……….. markii aan arkay sida ay ugu faraxday hadalkaygii iyo saacado ka hor sida ay u murugaysnayd, aad baan anigana ugu  farxay ka dibna hooyadey ayaan ka codsaday in ay I fasaxdo si aan shaqadii u aado, markiiba fasax iyo duco ayay I daba dhigtay.

     Anigoo qorshihii iyo arimihii Suleeqo ee aan xalay oo dhan qalbiga ku hayay, ee aan marba dhan ula liicayay iska ilowsan oo aad moodo in laabtaydii laga tirtiray ayaan ka soo baxay gurigeenii waxaan soo aaday shaqadaydii................................

     

    Lasoco qeybta Xigta  Insha'allah

     

     

    Waxaa Qorey

     

     

      Abuukar Max’ed Jimcaale

    (Abmojiyare) 

     

     

      Abmojiyare@hotmail.com

     

     

     

    Xafiiska Arimaha Bulshada dankahadal

      Bergen Norway

     shiine@dankahadal.com