Falis oo si warkaan oga naxday misna xaalkeedu uu yajay siduu gacaliyaheeda sheegay oo aysan jecleysan inuu ka safro oo uu ka fogaado maadaama noloshooda xiligii ugu macaneyd ay ku jiraan saacad walba ay isku baahanyihiin oo aysan maalin kaliya ismoogan karin ayaa waxey ku tiri'' xabiibi waxaa wax walba nooga muhiimsan mustaqbalkeena iyo hurumarkiisa waxaana ogaataa inaan heysano jaceyl kii ugu sareeyey farxad tii ugu balaarneyd kalsooni tii ugu baxadweyneyd sidaa daraadeed waxa an hada cagta saaray waa wadadii aan ku dhisanlaheyn nolol aayatiin wacan iyo mustaqbal mustakafi ah sidaa daraadeed hadii aad noo safarto waxna noo soo barato adigoo diktoor ahna noo soo laabta waxay ila tahay waa waxaan dooneynay nolasheenana sara u qaadayey marka macan marnaba haka laba labeyn safarkaan faa'iidada inoo leh anigana marwalba garabkaada iga fiiro '' Asad erayadaa kasoo maaxay maskaxda gacalisadiisa aad ayey usoo jiiteen maskaxdiisii halka dhan wax ka eegeysayna waxey u iftiimiyeen wadooyin kale oo ay faa'iido ugu jirto runtiina warka kasoo yeeray Falis wuxuu qaboojiyey qalbigiisa wuxuuna markaliya isku duubay xabiibtiisa isagoo farxad la dhoola cadeynaayo wuxuuna ku yiri '' Gacaliso waa tii horey loo yiri Nin kastoo halyey ah waxaa hareer joogta haweeney halyeeyad ah marka runtii waxaan dareemayaa inaan ahay halyeyga aduunka hadiiba aan adiga ku heysto '' Falis oo qosleysa ayaa la soo booday '' Oo kaalay Asad marki hore ma ogeyn miyaa inaan ahay halyeeyad waxeyna raacisay qosol aad u qurux badan '' Asad ayaa lasoo booday isagoo ku qoslayo kaftanka gacalisadiisa '' Waaba taan kugu doortey macanbadaney'' iyagoo sidii u kaftamayo qosolka iyo farxada ka muuqatana la yaabayo ayaa waxaa kusoo biirey lamaanayaashii saaxiibadood ahaa waa Qamar iyo Qadare oo waxaana goobtii lagu galay kaftan sheeko iyo is wareysi iyadoo markii dambe loo gudbay mowduucii habeenkaa miiska saarnaa oo ahaa safarkan soo boodada ah ee uu Asad ugu kicitimayo cariga talyaaniga, run ahaantii dhamaan marka firiso ma aheyn kuwo ku faraxsan iney kala tagaan waa dad ay nafta u dhaxeyso sheekada isugu baxdo inta kalena iska xigsado isagana dhow waxeyna afartooda ahaayeen kuwo aan kala harin har iyo habeena iska warhayo iskuna heelan garab iyo gaashaana isku ah waxaana u muuqatay iney dareemayaan firaaqo aad u baaxad weyn marba hadii uu ka dhoofo Asad waxaana igu darneyd Falis oo uu u ahaa nafteeda qeybta ugu muhiimsan, hadana waxey is tuseen in hurumarka uu ku talaabsanayo Asad iyo fursada uu heysto ay tahay mid mudan in laga faa'iideysto wax walboo kasoo harana meel leyska dhigo lagana talaabsado waxaana Asad habenkaa lagu dhiiri galiyey safarka taasoo uu isna ugu dambeyntii aqbalay waxaana habeenkaa lagu soo kala tagay iyadoo arinta ay kusoo idlaatay sidii loo baahnaa,
Falis markii ay sii dhaweysay asxaabteeda gacaliyaheedana sagootisay ayey soo abaartay qolkeedii jiifka waxeyna isku tuurtay sariirteedii iyadoo gashay fikir iyo isla sheekeysi dheer waxaana marba marka ka dambeysa u sawirmayey filim aysan jecleysan waxaana wax walba kala weynaa inuu ka fogaado mataankii qalbigeeda waxay isweydiineysay sida ay ku noolaan karto la'aantiis iyo waxa ay sameyneyso inta uu ka maqanyahay, runtii arinta kuma koobneen Falis kaligeed oo Asad isna wuxuu ku dhex dabaalanayey fikir lamid ah kan Falis waxaana uu isweydiinayey waxa uu baran karo iyo sida uu u noolaan karo una guuleysan karo Falis oo aan bar bartaagneen oo uusan arkeyn, Habeenkaas labada dhanba waxaa waaga ugu baryey soojeed hayeeshee tii Falis ahyed oo iscelin weysay ayaa kusoo jarmaaday hoygii gacaliyaheeda iyadoo dareemaysay xiiso aad u baaxadweyn iyo kalgacal gaamuray waxeyna iyadoo aan dhag la qabto laheyn isa soo taagtay albabkii guriga Asad iyadoo sidagan u garaacday waxaana ka furtay Asad walaashii oo si diiran usoo dhaweysay waxeyna markiiba abaartay halkii uu ka xigay qolka Asad iyadoo .........................................................................................