|
AYAAN DARAN
Asli waxay ahayd gabadh aad iyo aad u qurux badan, baarinimadeeda iyo farxaddeeda joogtada ahina ay soo jiidatay kalgacalka gaar ah ee Waalidkeedu u qabaan, halka ay jaarka iyo Qaraabadeedu si gooni ah carabka ugu hayaan. Wuxuuna ahaa guriga Asli gole ay ku kulmaan Gabdhaha da’deeda ahi, iyagoo u soo xiisi jiray Sheekada Asli oo markey bilowdo dadkoo dhan ka qoslin jirtay. Asli in kastoo ay 16 jir ahayd, hadana meel fog bay wax ka arki jirtay, waxayna la sheekaysan jirtay dadka ka da'da wayn, waxaana loo yaqaan "Farxaan", waayo iyadoo cadhaysan weli lama arag, cidina ma sheegin.
Waalidka Asli waxay siin jireen wax alla wixii ay u baahato, waxay aad u jecleyd Riwaayadaha, iyo Shineemoyinka Hindiga ah, taas oo aanay markay Suuqa tagayso iyo markay ka soo noqonaysaba cidina aanay weydiin jirin halka ay tagayso, waalidkeeduna uu siiyay xorriayd buuxda, iyagoo kalsooni weyn ku qaba in aanay wax xumaan ah u soo jiidayn.
Asli oo dhigan jirtay dugsiga dhexe ee macalim Jaamac may lahayn saaxiibad u gaar ah, hablaha xaafadooda oo dhan iyo kuwa ay dugsiga isku barteen dhammaantood way jeeclaayeen guriga ayayna ugu iman jireen. Cali Amuur waxay walaalo ahaayeen Asli, wuxuuna ka waynaa saddex sanno iyo saayid, maadaama Amuur iyo Asli ay ahaayeen laba da’oo aan loo dhaxeyn, waxay isu hayeen kalgacayl wada dhalasho kii ugu weynaa. Amuur wuxuu galay Xalane, wuxuuna ka mid noqday Macallimiinta (PP) waxaana loo beddeley Degmada Beledweyne. Inkastoo aanu weligii ka bixin Amuur Xamar, hadana ma ahayn dadka isku dhejiya goobtii ay ku dhasheen oo wuxuu jeclaa in uu gobolada dalka oo dhan tago.
Markii uu Cali-Ammuur u ambabaxayey Beled weyn, waxaa sii sagootiyey reerkii oo dhan waxaana u sii duceeyey lana sii dardaarmay labadiisa Waalid, Asli aad bay uga xumayd in Ammuur ka tago, waayo walaal kale oo wehel u noqda ma ay haysan oo aan ka ahayn Aamina oo 3 jir ah. markii baabuurkii dhaaqay dhammaan qoyskii gacanta ayay wada luleen iyago leh nabad gelyo soo noqo ado naabd ah. "Hooyo jaaw.. Asli Jaaw .. Aabbe Nabadgelyo" buu si farxad leh u yidhi Cali Ammuur.
Asli oo qolseysa baa cod aanay hubin in uu maqlay iyo in kale ku tidhi "Walaalo Cali, Beerlula igu salaan", Cambaro oo ahayd hooyadeed baa intay Asli gacanta soo qabatay ku tidhi, "Naa Beerlula lahayne dadkii kaa tegye ina keen". "Hooyo macaan markii Dugsiga la xidho Ammuur baan u tagayaa iyo isagaa imaanayee maxaad ka dooni", oo Asli iyo hooyadeed ku murmayaan ayaa Aw Jaamac oo ahaa Odaygii reerka intuu tagsi joojiyay ku yidhi, "Soo dhakhsada gabalkii dhacyee".
Dugsiga Macalin Jaamac, Asli waxay ku baratay Gabadh ugu yaraan shan sanno ka weyn oo la yidihaahdo Canab oo aad ugu dheggan dhaqankii hore, loona oggoleyn Gabadhu in ay guriga ka baxdo amar la'aan, haddii ay soo daahdana ul iyo suunka aabbaheed la dhici jiray. Cadaadiskii Canab qoysku ku hayey kamuu ilaalin in ay samayso xumaanta ay waalidkeedu ka ilaalinayay.
Canab iyadoo mar marsiinyo macquul ah sheeganeysay bay ballan la dhigan jirtay rag aan mustaqbalkeeda dan ka lahayn, waxayna gaadhay heer ay qaadka haddii aanay helin xayraanto, sigaarkana midba mid bay u shidi jirtay. Shariif Macow iyo Xaajiyo Xaliimo oo ahaa waalidkii Canab waxba kama ogayn amuuraha dhacaaya, waxayna la ahayd maadama aana cidna gurigooda soo galin karin oo loo ogolayn in gabadhoodu bed qabto.
Asli waxay tegi jirtay guriga Canab oo reerkooga oo dhan ay is barteen. Canabna sidoo kale ayey ahayd. Maalin maalmaha ka midi ah waxaa Canab iyo Asli dhex maray doodda soo socota:
-Walaal Asli Horta Saaxiib ma leedahay?
-Saaxiib baa! Maya, ma lihi, adiguna?
-Ilahaay Saaxiib la'aan igama dhigo.. sannadkii hore waxaan saaxib la ahaa wiil magaciisa la yidhaahdo Axmed oo Sarkaal ahaa, waanu is dagaalnay, kaddibna waxaan la saaxiibay wiil kale oo Macallin ah, isna waan heshiin weynay sannadkana waxaan bartay wiil kale oo caafimaadka ka shaqeeya oo ah wiil aad u dabci fiican, waana aad taqaanaa waa wiilkii galabtii aan imtixaanka u soo noqoneynay albaabka noo taagnaa oo aan tagsiga wada raacnay, kaddibna labadayadu aan la gudubnay waxaana magaciisa la yidhaahdaa Khaliif.
Asli waxaa ka soo hadhay la yaab iyo dhafoor hays, faraxii lagu yaqaanayna wuxuu isu beddelay yaab, waayo kama ay fileyn saaxiibadeed barnaamijka ay guda gashay, Asli oo yaabban baa waxay tidhi:
-Canabey goormaad Khaliif is guursaneysaan?
-Waxaan is guursaneynaa sannadkan dambe, markaan fasalka siddeedaad ka baxo.
Khaliif oo ahaa nin daacad ah markii uu ogaaday taariikhdii Canab lana kulmay raggii ay hore isu yaqaaneen buu go’aan ku gaadhay in uuu uu ka hadho, inkastoo aanu rasmi ahaan ugu sheegin, wuxuuna reerkooga ku odhan jiray ma joogo dhaha haddii ay isagoo guriga ku jir ay timaaddo. Canab waxay maalintii dambe ku soo kadisay Khaliif oo aanay ka qasnayn oo la jooga gabadh Canab ay hore sheekadeeda u maqashay ayna ku tuhunsanayd in Khaliif saaxiib la yahay, Canab oo indhaheeda ilmo ku soo joogsatay oo cadhaysan gurigii dib uga noqotay. Khaliif oo qoslaaya baa intuu gabadhii soo kaxeeyay iyada iyo Canab is baray, markaa kaddibna Canab buu dibadda ula soo baxay, wuxuuna daaradda uga sheegay in uu yeeshey saaxiibad cusub, iyadana wuxuu ka codsaday in ay ka hadho oo mar dambe ayna gurigiisa iman.
//////
Canab oo kacsan baa tagtay gurigii Asli, waxayna u sheegtay wixii qabsaday, Asli way qososhaya, waxayna ku tidhi "Maxaa ka macna ah ma nin baad waayeeysaa.
Asli waxaa fikraddeeda ku soo dhacay, gabadhu waaba yar tahaye, maxaa badaa geliyay may waxbarashadeeda iska wadato. Canab waxay Asli u soo martay in ay gurigooda u raacdo, hase yeeshe Asli hooyadeed ayaa maalin suuqa ku maqnayd guriguna cidluu ahaa.
Canab oo lamiga tagsi Hodan geeya ku sugeysaa ayaa waxaa loo joojiyey baabuur ay saaran yihiin laba wiil oo midkood ay si fiican isku yaqaanaan, Canab wey faraxday, "Haye Cali", ayey tidhi inta ay gadhigii hore u fuushay, Cali wuxuu u sheegay inuu dhowr bilood raadinaayey, wuxuuna baray ninkii la socdey oo magaciisu ahaa Caddaawe, markii cabbaar la kaftamaayey oo loo dhowaaday gurigii Canab buu Cali yidhi, "Canabey wali ma sidii baa gaadhka lagaaga hayaa". Intaanay jawaabin buu ku adkeeyey in caawa iyada iyo gabadh kale oo saaxiibadeed ah isaga iyo Caddaawe ay marti qaadeen.
Canab waxay tidhi, "Anigu waa imaanayaa, hase yeeshee saaxiibadday waa miskiinad aan balwad lahayn, umana una maleyn maayo haddii ay I soo raacdo in ay faa'iido idiin leedahay". Caddaawe ayaa qoslay oo yidhi "Anigu waxaan ka helaa gabdhahaa masaakiinta ah ee aamuska badan bal adigu gacantayda ku soo hubso aad aragtid sida aan u aqaan sida gabdhaha ugub loo godlee".
Canab baa Cali oo hinqaday inuu jawaabo hadalkii ka dhifsatay oo tidhi "Oo ma cabsi galineysaa gabadha". "Xamar xisaab baa taal", buu ku war ceshey Caddaawe.
Cali oo muddo aamusnaa baa yidhi: "Canabeey inta aad gabadh shaki ku jiro aad noo soo kaxaynaysid, maad mid la hubo noo keentid". Intaanay Canab hadlin Caddaawe yidhi "Anigu gabadha aan tii Canab sheegtay ahayn ma rabo".
Cali iyo Caddaawe baabuurkii bay kaxaysteen, waxayna ku yidhaahdeen Canab, Baay baay.. Waa inoo habeen dambe labada saac iyo halkiii".
Goor Casar ah baa Canab is dul taagtay Asli oo hurudda, markaas bay ku shiday Radiyihi oo ay ka socotey hees macaan oo Magool qaadeysay, markay toostay bay ku booday labada daan ka dhunkatay oo ku tidhi; "Iska waran saxiib beryahan kuma arage". Sow innagii doraad wada joogney," Bey Asli ugu jawaabtay waxaana dhex maray dooddan:-
-Asliyey.. Caawa sidaan filaayo, waxa barnaamij ah malihid bay ila tahay.
-Barnaamij caynkaas ah ma lihi, waxaan doonayaa in aan soo booqdo uun Habar yartey oo deggan Kaaraan.
- Oo maxaa Karaan fogaantiisa kugu wada tagsiiba heli meyside.
-Koyeeri baan ka raacayaa Afar-iridood.
Canab oo ka baqeysa in hadalkeeda la maqlo baa intay ku soo dhowaatay Asli ku tidhi, "Saaxiibey haddii aad ogaan lahayd caawa barnaamijka aan inoo hayo waad qosli lahayd" Intaanay hadalkii dhammeystirin baa Asli farxad la soo boodday oo tidhi" Ma riwaayad fiican baa socota?" "Maya riwaayad maxay qiimo leedahay.. Waxaan shalay subax la kulmay wiil aan aad isugu dheer nahay, muddo badanna aan is raadinaynay, caawa ayuuna labadeenaba na casuumay, wuxuuna wataa Baabuur, wuxuuna ina geynayaa Jungal".
Asli dhugmo uma lahayn hadalkii Canab waxaa madaxeeda ku wareegayey, oo haddii saaxiibkeed casuumay may tagto, maxaan anigu dhexdooda ka samaynayaa... "Anigu ma socdo ee kaligaa tag", ayay Asli jawaab niyadda ka soo go'day ku tidh.
Canab ereygaas aad bay uga naxday inkastoo aanay muujin, waxayna tidhi, "Walaal macaan Asli, jilbahaan ku haystaa, ha i ceebayn, waan ku baryayaaye, ballan ayaan qaaday, maxaa ku jaba... aniga iyo saaxiibkey waxaan garanay in aan ku casunno.. waxba ha ka biqin, waa loo baahan yahay in aan saaxiibkaa barto adna keyga baratid".
Asli intii hadalka Canab ay dhegeysaneysay bay go'aan qaadatay iyadoo leh, mar haddii saddex qof aad tihiin wax xumaan ahi dhici maayaan ee saaxiibadaa raac yaanay kaa cadhoone.
-Waa tahay.. waa imisada balantu?..
-Siddeeda Caawa...ee waqtigii wuu dhow yahaye dhaqso u lebbiso
/////////
Asli iyo Canab oo dharkooda kii ugu bilicsanaa ku soo labistay ayaa soo istaagay halkii ay ballantu ahayd, oo ka soo horjeeday Dugsiga Dhagax-tuur ee Shineemo Hodan dabadiisa ku yaal, waxa yar ka dib gaadhigii ayaa yimid, markaasuu Caddaawe yidhi, "Balantii waad oofiseen.. waa siddeedii oo gaw ah". Cali baa yidhi markaa, "ina keena".
Markii baabuurkii la fuulay ee uu dhaqaaqay ayaa Canab oo kursiga hore fadhiday intay dhinaca dambe oo Asli iyo Caddaawe wada fadhiyeen soo eegtay tidhi: "Barasho wanaagsan, gabadhan waa saaxiibaday aan isku dhimanno, oo ruuxba ruux aan nahay, magaceeda waxa la yidhaahdaa Asli, isku dugsina waanu nahay, wiilashanna waxaa la kala yidhaahdaa Cali oo saaxiibkeyga ah, intay timaha ka salaaxday, iyo Caddaawe oo aan rajeynaayo inuu saaxiibkaa noqdo". Markay is bartay bay hore u jeesatay.
Asli amakaag iyo aamusnaan baa ka soo hadhay, waayo saaxiibadeed umay sheegin ninkan labaad. "Xaggee u tagnaa idinka i xukumee" buu yidhi Cali oo baabuurka waday. Canab oo u hollatay in ay tidhaahdo Jungal, ayaa Caddaawe oo ogaa in baabuurka baasiinku ku yar yahay dhaqaaluhuna iska liito oo aakhir mushahar lagu jiro yidhi "Na gee Tiribunada". Intii baabuurku socday laba laba ayaa loo sheekeysanayey, Canab iyo Cali hadalkii sii fiican buu isugu baxay, qosol iyo maad baana ka dhaceysay.
Asli oo aamusnayd waxa ku ekeyd oo qudha inay ka jawaabto su'aalaha la weydiiyo, Caddaawe markii lambar afar laga soo leexday buu Asli gacanta intuu duleedka ka saaray xaggiisa u soo riixay, Asli oo xanaaqsan baa cod dheer ku tidhi, iyadoo weliba iska qaadeysa, "Iga daa Jaalle gacantaada". "Haye, iga raali ahow", buu ugu jawaabay intuu midigtiisa la soo noqday, waxaana markii la casheeyey loo soo noqday magaaladii.
Asli in ay degto ayey dooneysay, hase yeeshee waxa saaxiibadeed ku adkeysay in guriga Cali ay soo arkaan. Markii la gaadhay hoygii Cali oo ahaa firaaqo, afartoodiiba waxay fadhiisteen fadhiga, Asli mooye saddexda kaleba sigaar ayey shiteen, Caddaawe oo kursi u dhow fadhiyey baa intuu xabbad sigaar ah shiday u taagay Asli, hase yeeshee waxay tidhi "Mahadsanid, anigu sigaarka ma cabbo".
Cali iyo Canab oo faraxsan iskuna dheggan baa gurigii u firaaqeeyey Asli iyo Caddaawe, waxayna tageen maqsin kale, Caddaawe wuxuu bilaabay sheeko dheer, wuxuuna Asli oo uu dhali karayey uu kaga adkaaday waayo-aragnimadiisa, wuxuuna dhacsiiyey in aanu gaabsi ka rabin ee uu jecel yahay, doonayana inuu la saaxibo.
Caddaawe, Asli intuu gacanta qabtay buu fadhiisiyey iyadoo aan raali ka ahayn, waxayna isku dayday inay sare kacdo, hase yeeshee wuu u diiday. "Dooni maayo in aan halkan joogo, ii oggolow gurigeygii baan tagayaaye" bay Asli ku celicelisay, hase yeeshee Caddaawe oo kaashanaya waayo-aragnimadiisa wuu hubay in xaalku siduu rabo ku dhammaan doono. "Asli waan ku jeclahay sow kuma odhan, xabiibi soo dhowow, waan kuu dhimanayaaye, la'aantaa noloshu waxa qiimo ah iima laha". Erayadaa iyo kuwo kale oo ka sii macaan badan buu ku af gubaabadsanaayey Cadaawe, si uu beer nugeyl uga helo Asli, iyadoo gacantiisa iyo afkiisu ay isla socdaan.
Ugu dambeyntii Asli oo u adkeysan wayday ereyadii xoogga badnaa iyo arartii Caddaawe, dhalanteedkii bay run u malaysay, waxaana qaaday caadifad ka saa'id celeysay, oo gabadhnimadeedii burburisay.
Markii arrintii xumaatay baa Asli ogaatay khatarta ay ku jirto, degdeg beyna u carartay iyadoo cidna waxba ogeysiin. Cadaawe markuu muraadkiisii bogtay dan kama lahayn jahwareerka ku dhacay Asli, wuxuuna Cali iyo Canab u sheegay in ay Asli tagtay isna uu sii soconayo. Canab baa markaa tidhi:
-Oo maxaa dhacay oo idin dedejiyey?
-Nabad gelyo iyo tumasho wanaagsan, buu intuu yidhi Caddaawe durbadiba baxay.
Asli habeenkii oo dhan way soo jeedday, subaxnimadiina dugsi may tagin. Asli oo isla hadleysa hadbana dhinaca isu rogeysa baa hooyadeed u soo gashay oo ku tidhi:
-Naa Asli.. hooyo waadiga saaka iskuulkii ka baaaqdee miyaad xanuunsanaysaa? ... heedhe indhaha dheeridaa, xaggee lagaa hayaa?
-Hooyo waan iska roonahaya, bay ugu jawaabtay Asli.
-Hooyo macaan ma kuu keenaa quraac?
-Hooyo saaka wax cunto ah ma rabo.
Asli hooyadeed isla markiba way garatay in inanteedu u baahan tahay sharaab, sidaa darteed waxay u yeedhay Kuusey oo ahayd adeegtadii qoyska, waxayna u dirtay laba xabo oo Maango ah, markaa ka dib bay intay sariirtii kula soo fadhiisatay Asli oo si raxmad leh beerka uga taabatey ayay Cambaro weydiisay inanteeda halka laga hayo Aslina waxay ugu jawaabtay:
-Hooyo caloosha waxba kama qabo, waanigii bishii hore isa soo baadhay ee I yidhi waxba ma qabtid.
Aw Jaamac oo ahaa Asli aabbaheed baa maqlay dooddii markasuu intuu gurigii soo galay oo Cambaro il canaan ka muuqato ku eegay, isagoo isla markaana ku foorarsanaya Asli gacantana dhabanka ka saaraya ku yidhi;
-Maxaad iigu sheegi weyday in inantu ay xanuunsanayso?
-Goormaan kuu sheegaa amba imminkaan ka war helaye ayay Cambaro ugu jawaabtay.
Aw Jaamac intuu gacantii qoorta ka saaray Asli buu ku yidhi:
-Aabbo iska warran, sidee tahay, xaggee lagaa hayaa, goormuu xanuunku kugu bilowmay. Intaanay Asli jawaabin ayay Cambaro Duqa u sheegtay xanuunka Asli iyo calaamooyinkiisa. Aw Jaamac intuu istaagay buu yidhi, "Cambaroy anigu shaqadii baan tagayaaye inanta u dadaal oo waxay doonto u samee". Xaafadihii u dhowaa reer Aw Jaamac oo dhan ee maqlay xanuunka Asli oo aad ugu dheerey, waxay ku soo xoomeen sariirtii Asli, iyagoo u sheegaya in ay aad uga xun yihiin, illahaheyna ka baryaaya inuu caafiyo, markii dadkii waaweynaa ay ka tageen waxaa ku hadhay hablihii saaxiibadeed ahaa, gaar ahaan kuwii ay isku da'da ahaayeen ee gelinka dambe dugsiga tagayay
///////
Asli maalintii danbe aad bey u roonaatay, waxayna tagtay dugsiga, hase yeeshee waxay go’aan ku gaadhay in anaay dib dambe u la hadlin oo Canab, markii ay dariiqad dugsiga taga sii socotayna wey gunuunucaysay, iyadoo hoos ka leh, "Dhibaatadaas oo dhan waxaa ii keentay Canab.. Illaahay waxaan uga ballan qaaday in labadayada midkaayo aakhiro tago bal iyadu haddii ay quusatay, maxay mustaqbalkayga ugu ciyaaraysaa". Markii Asli dugsiga soo gaadhay cid aragta waxa ugu horreysay Canab oo albaabka ku sugeysay si ay uga waraysato wixii habeen hore ay Caddaawe kala kulantay, intay u soo dhawaatay oo salaan u soo taagtay bay ku tidhi: "Saaxiib Asli iska warran, miyaad xanuunsanaysaa, maxaad shalay dugsiga u iman weyday". Asli salaantii kama ay qaaadin Canab, waxay u foorarsatay in ay kabteeda siibato si ay Canab oo yaab ka so hadhay ugu dhirbaaxdo, hase yeeshee waxa ka hor yimid Macallinkoodii Cismaan Fanax oo labadoodiiba intuu salaamay ku yidhi, intuu gacmaha soo qabtay, "Inakeena, maxaa idin taagay dugsigii waa la galaye". Asli iyo Canabba galaaskii ayay galeen, xiisadii ugu horreysay oo ay lahaayeenna waxay ahayd Xisaab, Asli la ma socon waxa la dhigaayo, waayo waxa horteeda joogay muuqaalki iyo falkii foosha xumaa ee habeenkii hore dhacay waxaana ku soo duxanaayey karaahiyo iyo ciil ay u qabto Canab. Markii xiisaddii dhammaatay ayay Asli oo isku buuqsani fasax ka qaadatay Maamulihii dugsiga, waxayna tagtay gurigoodi. Waxay xaalladdu hadba heer soo ahaato, laba bilood ka dib Asli aad Ayay u xanuunsatay waxaana la dhigay qaybta bukaanka ee Cusbitaalka Guud ee Digfeer. Inkasta oo uu jiray amar ah in xiliyada qaarkood aan cusbitaalka la iman karin haddana waqti walba waxa dul joogay Asli Saaxiibadeedii Dugsiga iyo xaafadda oo dhamaan hadyado kala duwan u keenayay, markii miisasku qaadi waayeen hadyadahaa kala duwan ayaa dhulka la daadiyey, dadkii xanuunsanayay ee cusbitaalka ku jirayna loo qaybiyey. Dakhtar Jimcaale oo madax u ahaa qaybtaa, waxa ka yaabiyey sida gabadha yar loo jecel yahay ee maalin iyo habeenba aan looga faaruqeyn qolkeeda. Aw Jaamac iyo Cambaro, Digfeer wuxuu u noqday gurigoodii. Markii laba toddoayaad Asli ay ku jirtay Cusbitaalka oo la garan waayey xanuunka haya, ugu damayaystii Shayabaarku cadeeyey in ay uur laba bilood iyo badh ah leedahay, sidaa darteed aroortii Asli oo kaligeed ah ayaa waxa u soo galay Dhakhtar Jimcaale, wuxuuna ku yidhi; "Asliyey haddii aad socon karto iigu kaalay Xafiiska baadhitaanka". Asli isla markiiba intay xaydatay ayay u tagtay Dhakhtarkii, waxaana dhexmaray su’aalahan iyo jawaabaha soo socda: -Asliyey nin ma leedahay? -Maya ma lihi. -Saaxiibna? -Saaxiibna ma lihi -Run iisheeg,Dhakhaatiirta waxba lagama qariyee .
-Adeer wallaahi waa runtay waxba kaa qarin maayo, nin iyo Saaxib midna ma lihi.
Dhakhtarkii warqadihii baadhitaanka ayuu soo saaray, wuxuuna aad u eegay waraaqihii mid ka mid ah, waxaana wejigiisa ku soo joogsaday dhidid aan caadi ahayn, markaasuu intuu soo eegay Asli yidhi; -See tahay imminka". -Waan iska roonahay Digtoore", ayay ku war celisay. -Asliyey xanuunadu sidaad og tahayba way la kala leeyahay, sidaa darteed maanta iyo wixii ka dambeeya waxa laguu wareejiyey Jiinokoloojiya waa qeybta haweenka" Markii ereygaasi Dhakhtarkii ka soo baxay, qarracan iyo naxdin darteed ayuu hadalkii ka soo bixi waayey, waxaana indheheeda ka soo booday ilmo xooglehoo qoysay shalmadeedii.
Dhakhtarkii intuu u soo dhowaaday ayuu Asli ilmadii suuf kaga biiyay kuna yidhi "Asli… is deji .. wax kastoo qofka ku dhacaaya waa wax minaallaahi ka yimid, waana in loo samraa, waxba ma aha, sow ma taqaanid ninka iska leh Ilmaha saddexda bilood ku dhow ee aad uurkiisa leedahay." Asli waxa jawaab ahi kamay soo bixin ee oohintii ayay sii kordhisay, muddo nus saac ah ayuu Dhakhtarku hadba hadal samirsiin iyo dejin ah u soo jeedinayey, Asli erey qudh ah ayaa ka soo baxay oo ahaa, "Digtoore ha u sheegin waalidkey iyo dadkoo dhan in aan Uur leeyahay". "Dhakhaatiirta waa ka xaaran inay sirta sheegaan", ayuu ugu jawaabay Dhakhtar Jimcaale, wuxuu ugu yeedhay Kalkaaliyihii isagoo amray in Asli uu geeyo qaybta cudurrada haweenka. Haweenkii ku jiray qaybta daawada markii ay maqleen in Asli la wareejiyey ayay iska fahmeen in ay uur leedahay, waxaana muddo yar kaddib Cusbitaalkii ku faafay warka ah in Asli Ilmo aan aabbe lahayn siddo. Asli waxaa la dhex keenay haween sidkoodii dhammaaday iyo kuwo aan u dhamaaninba waxayna halkaa kala kulantay su’aalo miyir keedii rogay oo ay ka mid ahaayeen: Imisa bilood ayaad tahay, Ninkaagu magacii, Xagee buu ka shaqeeyaa, Imisa sanaa lagu qabay? Asli juuq umay odhon, waxayna hoosta ka gashay oo isku duubtay go’eedii waxayna gashay fikir ah sidee ayaad yeeshaa, ma is dishaa mise waad carartaa? Oo haddii aan cararto xagee ayaan tagi, yaa doonaya gabadh ilmo aan aabbe aan lahayn sidda, alla ciil badanaa waxaasoo dhan Canab ayaa ii keentay. Alla hoogay, hooyadey iyo aabahay ayaan ceeb u soo jiiday. Ereyadaa iyo kuwo la mid ah ayay Asli iskula hadlaysay.
Haweeney dhalmo days ah oo sariirteedu ta Asli ku xigtay ayaa la yaabtay is rog rogga iyo xasillooni la’aanta Asli, waxayna garatay in Gabadha mushkilad xoog lihi haysato, markaasay intay ku soo dhowatay ku tidhi "Hooyo xaggee lagaa hayaa, ma nabar ayaa kugu taagan?"
"Eeddo waan iska ladanahay", ayay Asli ugu jawaabtay. Markay wax yar joogtay Asli intay istaagtay ayay musqusha gashay, markaasay intay caloosheedii taabatay hoos u tidhi, "Illaahow Dhakhtarka hadalkiisa run haka dhigin" waxaana maskaxdeeda ku soo dhacay waxyaabo badan.
Asli cadhadii iyo buuqii ku timid waxay u keentay hurdo yari, waxayse in yar oo ay seexatay ku riyootay, iyadoo hooyadeed iyo aabbaheed ay leeyihiin "Dib ha loogu noqdo baadhitaanka, gabadhayada kama suurtowdo arrintaasi. Shaybaadhka ayaa khaldamay, gabadhayadu uur ma laha", waxay kaloo ku riyootay Asli iyadoo baadhitaan labaad lagu sameeyay, markaana la ogaaday in gabadh uur leh kaadideedii iyo teedii la isku khalday, iyo iyadoo Dhakhtar shaybaadhkaa iska lahaa uu raali geliyay". Asli waxay kaloo ku riyootay iyadoo dib loogu celiyay qaybtii dawaada. Asli oo ku jirta riyadii ayaa waxa toosisay haweeneydii jaarka la ahayd oo ku tidhi "Asliyey toos aad qadayside"
///////
Asli markii ay indhaha kala qaaday ayay ogaatay in wixii ay aragtay ay riyo waqti lumis ah ahayd. Xilligaas waxa la joogay kowdii duhurnimo, labada duhurnimana Cambaro iyo Aw Jaamac oo ahaa waalidkii Asli ayaa sida ay caadadu ahayd qado u soo qaadayey, Asli waxay ka werweraysay waalidkeedu marka ay yimaadaan qaybta daawooyinka in loo sheegi doono in halkan la keenay, markaasna ay wax waliba fashilmi doonaan.
"Alla abbahay isagaa is dilaaya, ama aniguu i dilayaa haddii uu i ogaado inaan uur leeyahay!! Alleylehe waa in aan cararo oo Cusbitaalka ka dhuunto" Ayay Asli ku fakareysay.
Aw Jaamac iyo Cambaro sidii caadada u ahaan jirtay duhur walba waxay isu soo raaci jireen Cusbitaalka si ay u booqdaan Asli oo labadooda indhood ay ka jeclaayeen. Markii la gaadhay waqtigii qadada ayaa waxa shaqadii ka yimid Aw Jaamac oo lalaadinaya Bac Xabxab iyo Liin Macaan ku jiraan, dabadeedna wuxuu yidhi yidhi "Anigu galabta iskaa wax u qabso ayaan u noqonayaa Asli u geeya qadada, khudaartana u miira aad ayay u anfacaysaaye, iguna salaan una sheeg in aan caawa oo dhan aan la joogi doono iyo in aan akhbaar iyo hadiyad uga hayo walaalkeed Cali-Ammuur".
Aw Jaamac markii qadadii uu afka ka qaaday buu jaanta rogay, wuxuuna tagay xaafadda Wadajir oo uu ka socday dhismaha Dugisyada Waxbarashada Khasabka ah. Cambaro kama ay dambayn waxa badan Aw Jaamac waxayna u soo ambabaxday Cusbitaalka Digfeer.
Cambaro iyo Kuusey ayaa iyagoo faraxsan oo qoslaaya soo galay qaybtii daawooyinka ee Cusbitaalka Digfeer wax yar ka dibna waxay Cambaro dalaq tidhi qolkii ay ku ogeyd Asli, hase yeeshee markii ay aragtay sariirtii Asli oo haweeney kale ku huruddo, Ayay is moodsiisay oo ay la noqotay in ay marin habowday oo qolkii gaftay, hase yeeshee intii aanay dib uga noqon ayay waxay garatay Muslimo oo madaxa la soo kacday in muddo ahna jiiftey sariirtii Asli ku dhegganeyd, Cambaro dib ayey isla qolkii ugu noqotay markii ay Muslimo xaggeeda u dhaqaaqeysayna waxay ka il buuxsatay dadka qolka jiifay oo badh garatay.
Cambaro oo yaabban ayaa Muslimo ku tidhi "Walaal iska warran! Meeday Asli, maxaa ku dhacay, inaan qolkii gafay ayaan mooday oo anoo dib u noqon raba ayaan ku arkay".
Markii Muslimo u hollatay oo damacday inay Cambaro u sheegto Asli iyo wixii ku dhacay, ayaa waxaa si lama filaan ah u soo gashay Kalkaaliso Cadar oo intay Cambaro gacanta qabatay ku tidhi "Eeddo … Asli waxaa loo beddeley qaybta naga korreysa, qolka 25ad ee orod u tag". Intii aanay Cambaro ka bixin qaybtii daawada ayaa Muslimo ka daba timid una sheegtay in Asli Uur ku soo baxay awgeed loogu beddelay qaybta haweenka.
Cambaro ereygaasi wuxuu uga dhignaa falaadh sumaysan oo wadnaha ka abaartay, waxaana ka dhacay jeegii caanaha ahaa oo ay gacanta ku haysay, waxa qooyey dhidid hadalkiina wuu ka soo bixi waayay.
"Alla goblamayeey!! Alla goblamayeey!!! In ay ii saqirirto ayaa la ii qaatay", Cambaro oo ku barooraneysa ayaa intay Kuusay gacanta soo qabatay ku tidhi "Naa intaad cuntada haweenka jirran u kala qaybisid ina keen gurigey ayaa ba’aye"!!!
Shanqadhii alaabtii iyo baroortii Cambaro ayaa laga maqlay qaybihii u dhowaa oo dhan, waxaana dadkii ku soo xoomay goobtii oo buuq ka bilaabmay. "Gabadheedii ayaa uur ku soo baxay, maxay u ceshen wayday iyo ma gabdhaha waqtigan jooga ayaa haddii aanay iyagu is dhowrin la celin karaa", muran ah ayaa dhinac kasta ka yeedhay.
Cambaro oo aad moodeysid in wadkeedii loo soo sheegayayaa u soo luuday albaabka cusbitaalka oo ay durbadiiba Tagsi ka raacday. Kuusay markii ay aragtay in Cambaro ka tagtay ayay dib u soo noqotay, waxayna u tagtay Asli oo markii ay Kuusay aragtay naxdin la soo boodday.
-Iska warran yaa kula socda?
-=Habaryar Cambaro ayaa ila socotay.
-Oo meeday?
-Albaabka ayey ka noqotay iyadoo barooraneysa ayayna Tagsi raacday.
Asli warkaas wuxuu ku gilgilay leebkii hore ugu tagnaa, waxay cusbooneysiisay urugadii iyo ilmadii, waxayna iyadoo hinraageysa tidhi, "Alla see ayaan yeelaa Hooyo iyo Aabo wey ogaadeen, bal yaa u sheegay!!!".
Kuusay oo samiirsiin iyo dejin ula jeedda kana naxsan jirrabka haysta Asli ayaa ku adkeysay in ay dulqaadato iyadoo ku tidhi "Dhibayaatada kugu dhacday sanooyin bey kaa weyn tahay, sidii Alla ka dhigo Ayayna noqon".
Cambaro oo meeshii laga saraa aysan dhiig lahayn oo Ilmadu ka dhammaatay, ayaa gurigi soo gashay iyadoo tagsiilihii keenay u garabka hayo, wuxuna Suuban oo reer Aw Jaamac ay deris ahaayeen u sheegay in Cambaro besteed tahay una baahan in sariirteedii la jiifiyo si ay u nasato.
Suuban ayaan markii ay aragtay diifta ka muuqata Cambaro waxay u qaadatay in Asli ay sakaraad tahay ama geeriyootay, markaasay iyadoo qudheedu naxsan intay ku soo dhawaatay ku tidhi: "Walaal Cambaro maxaa kugu dhacay.. xaggee laga hayaa, Asli ka warran, maxaa dhacay"!! "Alla iyadoo dhimataa la ii qaatay .. Alla ilaahow ceebtayda astur"ayaa Cambaro ku celcelisay, waxayna ugu dambeystii u sheegtay Suuban in Asli uur laba bilood iyo badh ah ku soo baxay
////////
Aw Jaamac oo daalan ayaa Makhribkii iskaa wax u qabsadii ka yimid, waxaana la socday saaxiibkii Cawaale oo doonayey in uu Aw Jaamac u raaco Cusbitaalka si uu u soo booqdo Asli. Aw Jaamac markii uu qolka soo galay wuxu arkay Cambaro oo sariirtii jiifta oo gunuunucaysa, markaas buu ku yidhi "Naa Cambaro, maxaa saacaddaan ku jiifiyay, miyaanad gabadhii u tagin, miyaad xanuunsanaysaa?"!!
"Aw Jaamac reer Aw Jaamac ceeb ayaa la soo daristay" ayay ku musanawday Cambaro, waxayna u sheegtay in Inantoodi Asli Uur alla ku saar ah ay leedahay.
Aw Jaamac mar kaliya ayaa oogadiisa ruuxii laga siibay naxdin awgeed, Sara joogii buuna ka dhacay, waxaana madaxa ka gaadhay jug khafiif ah, Cawaale ayaa soo orday oo ka qaaday Aw Jaamac dhulkii geeyayna sariirtiisii. Aw Jaamac isagoo leh "Alleylehe wax kastaba aan fishee weligey cindigeyga ma gelin Asli ayaa ceeb kuu soo jiideysa!!! Adduunow magacaa ba, tanina ma ii dambeysay?"!!
Aw Jaamac isagoo diidsan buu soo baraarugay wuuna sara kacay wuxuuna ku booday sawir hortiisa ka muuqday oo Asli leedahay, markasuu kidfay isagoo leh, dooni maayo in aan gurigayga ku arko Sawir Asli ay leedahay, waxa gurigii ka bilwoday Olole ay Aw Jaamac, Cambaro iyo Kuusay ku qadeen sawiradii Asli oo oo muddo toban daqiiqo ah qaadatay.
Aw Jaamac markii uu hubsaday in la wada jeexjeexay dhammaan sawiradii Asli, buu inta uu yeedhay Cambaro ku yidhi "Maanta laga bilaabo iyo wixii ka dambeeya Asli deyro Ayay naga tahay, ogaada, gaadhsiiyana, haddii ay agagaarka gurigayga timaaddo in aan ballan ku qaaday in aan laba isle’eg u kala gooyo, haddii la doono inta tiirka la igeeyo ha la I toogto.
Cambaro oo Aw Jaamac cadhada wejigiisa ka muuqaata la yaaban ayaa tidhi "Aw Jaamac naga daa taasi inaga dhimataye, Illaahay beddelkeeda wax khayr qaba ha innaga siiyo". Jacaylki Aw Jaamac iyo Cambaro u qabeen Inantoodi Asli wuxu isu beddelay naceyb iyo xiqdi.
Aw Jaamac oo habeenkaa ballan lahaa gurigii kama soo bixin, waayo wuxuu ogaa in marka uu la kulmo saaxiibadii ay hadalka ugu horreeya ee ay waydiinayaan uu noqonayo xaalada Asli oo ay xanuun ku ogaayeen. Aw Jaamac wuxuu soo qaatay qalin iyo warqad. Wuxuu bilaabay in uu xaashi u qoro wiilkiisi Cali-Ammur oo macallin ka ahaa degmada Beledweyne, si uu ugu sheego mushkiladda dhacday.
"Aw Jaamac xaggeed warqadda u qoreysaa" ayay ku tidhi Cambaro. Aw Jaamac intuu qalinkii iska tuuray oo sariirta isku kala bixiyay ayuu Cambaro ku yidhi "Waxaan doonayey in aan Cali-Ammur warad u qoro, hase yeeshee waan ka noqday waayo in aan ka nixiyo dooni maayo, sababtoo ah haddii Cali-Ammuur ogaado in Asli Uur leedahay, waxaan ka baqayaa in uu waasho"
Xaafadii oo dhan dhowr toddoayaad sheeko aan Asli iyo Uurkeeda ahayd lagama hayn Dugsiyada Macallin Jaamac labadii arday ee isku tagtaaba arrintaa ayey isku tebinayeen.
Asli jiif iyo joogba way diiday habeenkii oo dhan sidii ay u soo jeeday ayuu diiggu dusheeda ka ciyay, waxayna mar marka qaarkood Illaahay ka baryeysay in uu wadkeeda soo dedejiyo. Asli oo u baratay in aan laga dul dhaqaaqin saddex cisho cidi umay iman.
"Waa yaabe hooyaday iyo aabbbahay maxay igu naceen?! Maxaa ku dhacay saaxiibaday" ayay Asli isweydiisay iyadaase isu jawaabtay markii fikraddeedii ay ku soo dhacday "Yaa raba oo wax ku falaaya Gabadh, ilmo aan aabbe lahayn sidda" Asli waxay soo xasuusatay xikmad Carabi ah oo ay dugsiga ku baratay oo ahayd, "Yaa ka tiro badan walaalaha marka la tirinaayo, yaraase waqtiga dhibaatada".
Asli muddo saddex cisho dhexdood ah ayaa jidhkeedii isku bedelay, midabkeediina ku qayirmay, waayo cunto afkeeda may saarin aan shaah iyo biyo ahayn, fikir iyo hiif ayayna waqtiga ku dhammeysan jirtey.
Aroortii dambe Asli oo isku buuqsan ayaa waxa u soo galay Dhakhtar Gacal oo u sheegay in caafimaadkeedu fiican yahay, berrina ay cusbitaalka ka bixi doonto. Daawadana ay dibada ku qaadan doonto. "Mahadsanid Dhigtoore" ayay ugu war celisay. Hase yeeshee markii Dhakhtarkii dhaqaaqay ayaa waxa ku beermay welwel hor leh oo ah meesha iyo jihada ay tagayso marka ay Cusbitaalka ka baxdo.
Asli oo isla hadleysa ayaa waxa soo dul istaagtay Umuliso Faadumo oo ay si wacan isu yaqaaneen derisna la ahaan jirtay reer Aw Jaamac, markaasay ku tidhi, "Asli saaka si ayaad u niyad xun tahaye, maxaa soo kordhay?" Eedo waan iska caafimaad qabaa, laakiing garan maayo waxaan sameeyo, Dhakhtarkii wuxuu ii sheegay in aan burrito bixi doono meel aan tagana afarta jiho kama garanaayo"
Faaddumo oo la socota xiisadda ka taagan guriga Aw Jaamac waxay isla goobtii ku qaadatay go’aan ah in ay heshiisiiso Asli iyo waalidkeeda inta ka horreysana ay Asli gurigeeda geyso, fikraddaa ayeyna u sheegtay oo Asli culays weyn ka ridday.
Subaxdii ayay Asli cusbitaalka ka baxday hase yeeshee wax kasta waxa kaga darnaa dadka oo qofkii xaggeeda soo eegaba ay moodaysay inuu og yahay in ay Uur leedahay, waxayna soo raacday Tagsi oo laamiga ku dejiyey. Intii ay jidka guriga Faadumo ka sokeeya ay soo socotay qof alla qofkii ay taqaanay ee ay aragto way ka dhuumanaysay. Umuliso Faadumo wakhtigaa guriga way ka maqneyd, waxaana joogtay hooyadeed ayaydan oo indha la iyo adeegtadii.
Asli gogol intay fidsatay ayay iska jiifsata. Duhurnimadii waxaa shaqadii ka timid Faadumo oo weydiisay in ay u timid gabadh Asli la yidhaahdo. Adeegtadii ayaa tidhi "Waa taa halkaa hurudda". "Naa Asli maxaa dhulka ku jiifiyay, maad sariirtu waa cidlee seexatid". Mahadsanid eeddo waa isku mid" ayay Asli ku warcelisay
///////
Umuliso Faadumo galabtii ayay tagtay gurigii reer Aw Jaamac waxayna nasiib wanaag la kulantay Aw Jaamac iyo Cambaro oo wada jooga. Iska warrama, see la yahay ayay tidhi Faadumo. "Dareen Asli ka wayn ma qabno" ayuu yidhi Aw Jaamac.
Faadumo intay fadhiisatay ayay Aw Jaamac iyo xaaskiisii muddo uga sheekeysay dunida iyo waxa ka dhaca iyo amuuraha bulshadu ku sugan yihiin, markaa kadibna waxay u guda gashay xaalkii Asli oo ay ku tidhi "Fallaadhi gilgilasho kaagama go’do" waxayna ka codsatay in inta ninkii Asli uureeyey la helaayo ay guriga sii joogto. Aw Jaamac oo xanaaqsan ayaa intuu istaagay ku yidhi; "Faadumo walaal dhegeyso, waxaan kaa baryayaa in aanad wixii dhimatay hadalkeeda igu soo qaadin, ta kale waxaan ku sheegayaa in reer Aw Jamaac hiddo ayna u lahayn inay ilmo aan meher ku dhalan korsadaan"
Cambaro ayaa iyana soo gashay hadalkii iyadoo leh, "Ha tagto oo meel ha geeyo kii uurka u buuxiyay, iskana daa guri oo aan keenee maanta haddii la yidhaahdo way dhimatay wan ayaan qali lahaa".
Faadumo oo dhakafaarsan ayaa tidhi, "Aw Jaamac iyo Cambaro sow dinkii jeclaa ee ku dhaaran jiray Asli maxaa dhacay." Hal mar ayay ku wada jaweebeen Cambaro iyo Aw Jaamac "Maxaa jacaylkii ka dambeeyey,"
Umuliso Faadumo markii ay muddo laba sacadood ah la doodeysay reer Aw Jaamac, quusna ay ka gaadhay in Asli reerkoodi dib loogu soo celiyo ayay dib ugu soo noqotay gurigeedii, waxayna Asli u sheegtay wixii ay kala kulantay ababaheed iyo hooyadeed. "Eeddoy waan naxsanahay, ma aqaan waxa alal waxaan sameeyo" ayay ku cabatay Asli.
"Maxaad isu dhowri weyday Asliyey oo isaga celin wayday raga waraabaha ah ee haweenkii oo dhan qaydhiinka ku liqay" "Eeddo hal habeeyn ayay si wax iga noqdeen" Ma taqaan, xageese jooga ninkii balaayadan ku baday?"
"Eeddo meel uu joogo ma aqaan, hase yeeshee magiciisii waxa la yidhaahdaa Caddaaawe"
"Naa alla cadaabaha maxaa Caddaawe loogu daraa?"
"Eeddo ma aqaan ina ayihiisa mid jinni madoobi qabta oo isla wareegto ah ayaa i bartay, habeeynkii mashaqadu dhacday ayaana iigu horreysay iiguna dambaysay, ka dibna dib uma arag".
Faadumo oo yaabban ayaa tidhi "Alla haweenku! Weligood fudeed ayay leeyihiin, naa maxaa nin aanad hore u aqoon ku raaciyay!!". Asli umay jawaabin oo hoos ayay intay u hogatay oohin bilowday. "Waxba ha ooyin waxaanad isu geysan kuguma dhicine", ayay hadalkeedii ku soo xidhay Faadumo.
Galabnimadii Asli waxay tagtay gurigii Canab si ay u tusto hoyga Caddaawe. Markii ay Asli Guriga Canab soo gashay waxa aragtay Xaajiyo Xaliimo oo ahayd Canab hooyaded oo markaas salaaddii casarka ka salaama naqsatay. Mar alla markii ay Xaajiyadu Asli indhaha ka qaaday ayay tidhi "Acuudu bilaahi ! waa tii waa tii! Naa dib u noqo, gurigaygana ha soo gelin, gabadhaydana ha iga fidneyn".
Canab qayladii ayay ku soo kacday, waxayna aragtay Asli oo aamusan iyo hooyadeed oo caytamaysa. "Hooyo gabadh iska daa" ayay tidhi Canab oo dibadda u soo baxday, isla markaana soo raacday Asli, waxayna dhiigteen ballan ah in subaxda ay Caddaawe isku raacaan.
Canab hooyadeed iyadoo qaylineysa ayey soo baxday waxayna tidhi "Naayaa imisa jeer ayaan ku idhi ka hadh gabadhaas uurka sheydaan sidda". "Hooyo buug aan ka haystay ayay iga soo doonatay, imikana iska noqotaye maanaa u yeedhay, iyadaa isoo doonatee" "Dooni maayo mar dambe in aan qofkaas reerkoodii eryeen in aan arko" ayay xaajiyadu ku canaanatay Canab.
Canab iyo Asli subixii dambe ayay isugu yimaadeen halkii ay ballanta ku dhigteen, waxayna markii ay kulmeen isku waafaqeen in ay si wadajir ah u raadiyaan Caddaawe. Canab waxay saaxiibadeed u sheegtay in aanay aqoon badan u lahayn Caddaawe, hase yeeshee ay isku fiicnaan jireen saaxiibkiis Cali.
Asli waxay Canab ka bariday in ay soo tusto oo u raacdo guriga Cali si ay u raadguraan Caddaawe. Galabnimadi ayaa Asli iyo Canab oo wada socdaa tageen gurigii Cali oo markay albaabka soo garaaceen uu ka furay Cali. Cali oo ahaa saaxiibka koowaad ee Caddaawe aad buuna u soo dhaweeyey ugu horreyntii labadii Hablood, wuxuuna u keenay waxay cabayaan.
Cali muu garan Asli oo uu arkay hal habeen oo qudha, manuu xusaanu xataa markii ay Canab magaceeda u sheegtay. Wax yar kadib markii la sheekeystay, Canab waxay Cali u sheegtay in ay faq u leedahay, sidaa darteed gurigii waxaa lagu cidleeyay Asli, Cali iyo Canabna daaradda ayey fadhiisteen.
Canab waxay Cali u sheegtay sheeko dheer oo ku saabsan Asli iyo Dhibaatada haysata, waxayna ku cadaysay in dhibaatada ku dhacday Asli uu u keenay Caddaawe.
Cali muu garowsan hadalkii Canab, wuxuuna u sheegay in Caddaawe uu yahay nin xaas leh, wuxuuna ka codsaday Canab in ay ka dhaadhiciso saaxiibadeed in aanay marnaba isku dayin in ay Caddaawe korka ka saarto Ilmo aanu dhalin isagoo ku waaniyay in ay doontaan rag kale oo aan xaas lahayn. Canab waxay Cali ku tidhi "Jaalle shaki kuma jiro oo Caddaawe ayaa iska leh Ilmaha, Asli weligeed nin aan Caddaawe ahayn far muu saarin."
Cali, Canab oo aan hadalkii dhammeysan ayuu ka boobay wuxuuna yidhi "Walaal waxaannu nahay reer magaal gaboobay, khiyaamada iyo dhagartana waanu naqaan.. yaad caqliga ka xadeysaan.. Caddaawe iyo Asli hal habeen oo qudh ah ayay is arkeen hal habeena uur laguma yeesho.
Canab iyo Cali markii ay hadalkii ku heshiin waayeen oo murankoodii kululaaday ayaa waxaa soo dhex gashay Asli oo ku tidhi Cali "Walaal Cali arrintani waa mid cad, iska daa difaaca oo naga horkeen saaxibkaa Caddaawe isagaa arrinku khuseeyaaye"
Cali wuxuu u sheegay Asli in Caddaawe uu yahay nin kulul, haddii arrintaa ay ula tagaanna in aanay kala kulmayn wax aan guul darro ahayn.
Canab waxay ka codsatay Cali in uu Caddaawe u raadiyo oo u keeno si ay arrintan ugu bandhigaan. Cali wuxu yidhi "Sidaan horeba idiinku sheegay Caddaawe waa nin Xaas iyo carruur leh, haddaad diideen waanadaydii isu keen keena Caawa"
////////
Canab iyo Asli dib ayay u soo noqdeen, Calina Caddaawe ayuu markiiba raadsaday, Makhribkii goor ay tahay ayaa Caddaawe oo markaa gurigiisa inuu ka baxo raba oo afartiisii caruur ah kii ugu yaraa gacanta haya ayaa waxa ku soo kediyey Cali oo u sheegay inuu arrin degdeg ah wado, sidaa darteed, Caddaawe Ilmihii uu rabay in uu suuqa u kaxeeyo ayuu intuu hooyadii u celiyay Cali soo raacay.
Cali iyo Caddaawe waxay fadhiisteen Haramaayo, Cali wuxuu u sheegay Caddaawe wixii Canab iyo Asli u kala kulmay.Caddaawaa xanaaqay, wuxuuna isagoo cadho ka muuqato yidhi; "Waa wax aan caqli lahayn…. Iska daa annagaa naqaane… naago aanu sanooyin badan la socday ayaa i soo marsiin waayey inay igu tolaan ilmo aanan lahayn, markaasay mid aan hal habeeyn oo qudha is aragnay dooneysaa in ay aniga ilmo islaameed oo masabid ah dusha iga saarto. Alla way caqli xun tahaye yaa u sheega in Caddaawe uuna dheel dheel aqoon".
Caddaawe iyo Cali way ka soo hormareen ballantii, Canab iyo Aslina wey yimaadeen, waxaana hadalkii bilowday Canab oo tidhi "Walaal Caddaawe gabadhani waa Asli waana gabadhii habeenkii aynu isku raacnay Tiribuunda, guriga Calina aynu nimid, xaalka aan kuu dooneynaana waad ka war qabtaa sidan filayo oo Cali ayaa kuu sheegay, Asli waxay leedahay uur saddex bilood ah, adiga ayaana iska leh sidaa darteed aniga iyo Asli waxaan kuugu nimid arrintaa".
Caddaawe jawaabta iyo hadalka uu bixin lahaaba horuu u soo qorsheystay, wuxuuna dhulka ku tufay xaako, markasuu ku yidhi Canab liq" Canab waxay tidhi "Wax suura gal ah ma aha in qof liqo candhuuf qof kale"
Caddaawe oo kalsooni ka muuqato ayaa yidhi, "Doqon farwaawayn ayaa waxa loogu dhiggaaye arrintaad wadataanna sidaas ayay ka dhigan tahay, waayo Ilmo aanu dhalin ninna qaadan maayo waana uu idiin sheegay Cali in aan ahay nin xaas leh, sidaa darteed walaashey Asli waan ka xumahay dhibka iyo kadeedka haysta diyaar ayaana u ahay in aan caawino, hase yeeshee ha raadsato ninkii uureeyey, anigana mar dambe yey ii soo raadin waxaasoo kalena ha iilla imanina haddii kale dhalashadiinii ayaad qoomameeyn doontaan".
Asli oo ilmeyneysa ayaa tidhi "Walaal waxba ha dafirin adaa Ilmaha iska lehe, waligey nin aan adiga ahayn ismaanu arag, sidaa darteed waxaan ka baryayaa in aad dafiraada iska daysid oo ilmahaaga qiratid.
Caddaawe intuu istaagay oo Cali gacanta qabtay ayuu yidhi "Hadal badan waxba ma taro, warkii oo kooban anigu iskama lihi waxaad sheegeysaana, haddii mar dambe arrintaa oo kale aad iiila timaadaanna abaalkiina ayaan idin marsiin doonaa, nin xaas leh oo sharaf leh ayaan ahay ee ogaada".
Markii Canab ay damacday in ay hadasho ayuu Caddaawe intuu baxay ku yidhi "Nabad gelyo" Cali ayaa intuu dib ugu soo noqday labadii hablood ku yidhi "Walaalayaal ina keena Caddaawe wuu tagayee.. hore ayaan idinku sheegay in aydaan Caddaawe waqti iskaga luminin". Cali markii uu labadii Hablood dibadda u soo saaray ayuu yidhi "Nabadeey Caddawaan ka dabategayaaye"
Canab iyo Asli intay istaageen ayay bilaabeen doodad soo socota:
-Walaal, Canabeey sideen yeellaa, maxaan sameynaa?
-Berrito aan qaadiga tagno oo dacweyno
-Oo haddii aan dacweyno oo uu darifo sideen yeeleynaa?
-Waxaa laga qadayaa dhiig, waxaana la ogaanayaa in uu Ilmaha dhalay iyo inkale.
-Oo Ilmo Uurka ku jira sidee dhiig looga qaadayaa,ma waxaan sugayaa intuu dhalanayo?
Asli iyo Canab waxay go’aan ku gaadheen inay Qaadiga u tagaan berri subaxda dacwadna ay ku soo oogaan, hase yeeshee rajo weyn kamay qabin in Caddaawe qirto falkii uu sameeyey.
Canab iyo Asli waxay subaxdii u soo dhaqaaqeen Maxkamadda degmada Hodan, intii jidka ay soo socdeeenna Asli waxay soo xasuusatay hees ay Idaacadda ka maqashay oo ay Hibo qaaddo oo ah "Luqunteyda dheer iyo laafyaha garraaraha, dhabannada labeenta leh midabkeyga luulka ah, nimaan laasaneynoo lulufku u macaan yahay anigaa u looga lingaxa uga gooyee, leefoo ha liqintaa lurtan ii horseedee, laabtaydaney lululka iga daa". Alla sida Hibo sheegeyso oo kale ayaan ahay ee maxaa qaddi ii qaban.
Canab ayaa aragtay in Asli fikirayso, markaasey ku tidhi "Naa Asli ina soo leexi Maxkamaddii way dhowdahaye" Markii labadii Hablood ay Maxkamaddii yimaadeen waxay Qaadigii u sheegeen arrintii ku dhacday Asli wuxuuna amray in la keeno Caddaawe, Hablihiina wuxuu la ballamay maalintii ku xigtey, isagoo ka codsaday in ay dacwad qoraal ah u soo gudbiyaan xoghaynta Maxkamadda degmada.
Subaxdii dambe, waxa xafiiskii Qaadiga isugu yimid Asli iyo Caddaawe, waxaana furantay dooddii; Caddaawe wuxuu sheegay inuuna lahayn uurka, wuxuuna caddeeyey in uu diyaar u yahay in uu Kitaab Quraanka ah ku dhaarto oo gacanta saaro.
Qaadigii Maxkmadda Sheekh Axmed, wuxuu u sheegay Caddaawe kutubka beenta loogu dhaarto dhibaato uu leeyahay, wuxuuna ku waaniyay in uuna runta dafirin. Caddaawe wuxuuna yidhi "Qaadi anigu run ayaan sheegayaa, sidaa darteed Kutubku waxba i yeeli maayo". Caddaawe kutubkii ayuu gacanta saaray wuxuuna ku dhaartay inuuna lahayn ilmaha Asli uurka ku siddo.
Qaadigii markii Caddaawe baxay wuxuu Asli ku yidhi "Waan ka xumahay
/////////
Asli iyo Canab markii ay maxkamaddii ka soo baxeen waxa dhex martay sheekadan:
-Walaal Canab waa yaab! Waa kaas Caddaawe i dafiray, maxaan haddaba sameeyaa?
-Dacwadda intaan Racfaan ka qaddanno Maxkamadda Sare aan u gudbinno.
-Maxkamadda Sare haddii loo gudbiyo sow Caddaawe sidii oo kale u dafiri maayo.
Markii ay cabaar aamusnaayeen ayay Canab tidhi " Waa wax lala yaabo.. Caddaawe saddex sano ayaan is naqaanay, waligayna doob ayaan u haystay, waayo isagaa ii sheegay in uuna xaas lahayn.
Xaawa oo ahayd haweeneydii Caddaawe waxay ka war heshay in ninkeedii loo haysto gabadh uu uureeyey dacwadna lagu oogay, sidaa darteed duhurkii markii Caddaawe gurigii yimid wuxuu la kulmay Xaawa oo cadheysan oo markay Caddaawe ay aragtay cod dheer ku tidhi "Weligey waan la socday warkaaga, intaana waan dulqadaanaayey imminkana waan maqlay in aad gabadhii miskiinta ahayd oo ina Aw Jaamac intaad uureysay aad dafirtay"
"Xaawa Sheydaanka iska naar .. yaa kuu sheegay beentaas waxba kama jiraan… waa masabid iyo asaraar", ayuu ku celceliyay Caddaawe. "Jaallow waxa la yidhi "Sacab haddaan wax ku jirin maxaa habeenkii loo tumaa…" Maxay keligaa kuu soo doonatay may gabadhu qabsato kumanaanka nin ee Xamar jooga", ayay tidhi Xaawi.
Dooddii Xaawa iyo Caddaawe meel halis ah ayay gaadhay waxaana kala qabtay deriskii. Xaawa isla markiiba intay ilmaheeda ugu yaraa dhabarka u ridatay ayay tagtay gurigii hooyadeed oo ku yaalay degmada Wardhiigley.
Caddaawe mushkilad ayaa ku furantay, wuxuuna bilaabay inuu ka fikiro cidda ogeyd ee xaaskiisa la socodsiisay arrimahaas. Caddaawe gurigii Cali ayuu tagay, wuxuuna ka codsaday inuu u soo cadho celiyo xaaskiisa. Cali way ka xishoon jirtay Caawi. Arrimaha qoyskana isagaa garsoore lagu kalsoon yahay ka ahaan jiray. Cali oo aan waqti lumen ayaa soo galay gurigii Xaawa joogtay, wuxuuna bilaabay sheeko dheer oo ku meydhaayo Caddaawe uuna uga raaridaayo sida uu Cadaawe u jecel yahay uguna kalsoon yahay, wuxuuna uga dambeystii Cali, Xaawa ku waaniyey in ay ilmeheedii iyo ninkedii ku noqoto.
Xaawa oo weligeed qaddarin jirtay Cali waxaa ka soo fakaday wixiii uurka ugu jiray, sidaa darteed, iyadoo aan is ogeyn hadalkeeduna miisaaneyn ayay tidhi "Adiga iyo Caddaawe midna in aan arko dooni maayo, mid mid ayaan ula socdaa meel alla maashaad cagta dhigtaan, waan maqlay in gurigaaga fidnadu ka dhacday, hase yeeshee midi ayaan kaa codsanayaa iiga soo qaad saaxiibkaa warqaddeyda … aniga iyo Caddaawe oo guri wada noolaanana waa hebeenkii xalay ahaa ee tegey".
Cali oo u bartay in aan Xaawa hadal ku soo celin, amakaag ayaa ka soo hadhay, waxaana u muuqatay in Xaawa degganaantii iyo miyirkii lagu yiqiin uu ka lumay ayna xaaladdu ka dhab tahay. Cali dib ayuu u soo noqday, wuxuuna Caddaawe u sheegay wixii isaga iyo Xaawa ay kala muteen.
Caddaawe oo saddexdiisi caruurta ahaa ay maskaxdii ka cuneen, dhibaatadii guriguna ku soo fara baxsatay, wuxuu si fiican u dareemay in maalin qudha la’aanta Xaawa uuna hayn karin caruurta.
Caddaawe wuxuu go’aan ku gaadhay in uu maslaxdo Xaawa, wuxuuna fiidkii ugu yimid gurigii hooyadeed, wuxuna yidhi markuu la kulmay; "Walaal Xaawa iga raalli ahow, xaal ayaan bixinayaa si xun ayaa wax laguugu sheegay, in la isku keen diraa la doonayaa, wax hubso, sheydaanka iska naar, nimaan kuu furaynin yuu rarin, ilmahaagu yey cidlo ku beylihin".
"Jaalle sixun wax la iiguma sheegin, haddii hadal dad aan yeelaayo afar da’dood kuuma dhaleen, sideed sanana guri kulamaan joogeen, waad ka war qabtaa inta jeer hadal la iiga kaa sheegay, ee aan idhi Caddaawe ilaa aan indheheyga ku arko isagoo arrintaas sameeyey qof bani’aadam ah waxba ka maqli maayo. Maanta Jaalle, dafir ama ha dafirin kiiska waad ku jirtaa, mase ogtahay Jaalle, gabadha aad uureysay in aan habarwadaag nahay?
Caddaawe ereygaasi wuu shiday, aad buuna uga gubtay, wuxuuna Xaawa ku yidhi, "Xaawa dhegeyso, ha igu gefin, ma anaad i rumaysaneysaa mise dadka doonaaya in ay gurigeena dumiyaan, xumaanteennana ka shaqeeyaan". Caddaawe oo aan hadalkii dhammeyn ayay Xaawa ka goysay, markaasay ka dhinac hadashay iyadoo tidhi "Jaalle run iyo ilkaba waa la caddeeyaa, wanaagga iyo sharafta xushmadda jacaylka weligey keligey ayaa ilaalinayey, maanta way inoo dhammaatay, axsaan ii samee masruuf, meher iyo wax kaleba midna kaama rabo ee ii dhig madaxeyga" Caddaawe si kasta ula hadal, baryo, waano, canaan, hanjaayaad, wax kasta ku day, hase yeeshee wuu soo jeedin kari waayey.
Arrintii Caddaawe iyo Xaawa ka dhexeysay waxaa loo saaray guddi, waxaana la isku dayey in xeer Soomaali lagu dhammeeyo, hase yeeshee, inkastoo Seyn Cirroolayaal iyo qaraabo oo dhammi isugu tageen Xaawa waa la soo marsiin waayey Caddaawe, waxaana arrintii ku dhammaatay in warqaddeedii farta laga saaro.
Goor casar gaaban ah ayaa maalintii dambe gurigii reer Aw Jaamac waxaa soo galay inan magaciisa la yidhaahdo Ganey oo ka yimid Baledweyne, akhbaar iyo warqadana ka sida Cali-Ammuur wuxuuna kaloo inankaasi siday dhar iyo kabo Cali-ammuur Asli ugu soo dhiibay. Ganey markuu reerkii salaamay, Cali-amuurna uga warramay, ayuu yidhi isagoo hareerihiisa eegaya, "Asli meeday, ma suuqa ayay ku maqan tahay"
Cambaro markay cabaar aamusneyd ayay tidhi "Eedo Asli way dhimatay". Way dhimatay aah", ayuu Geney la soo booday wuxuuna ku celceliyey isagoo naxsan "Alla ha u naxariisto… Allaahu yarxam" "Cambaro oo hadalkii ku soo noqotay ayaa tidhi. "U malaynmaayo in Illaahay raxmaddiisa tusaayo".
Ganey naxdiintii qabatay awgeed wuxuu is moodsiiyey in Cambaro leedahay illaahay ha u naxariisto Asli. Ganey oo yaaban ayaa intuu istaagay ku yidhi Cambaro "Eedo Illaahay samir iimaan ha idin siiyo, una sheeg Aw Jaamac in aan barito soo mari doono".
Ganey markuu albaabka maraayey ayaa intay Kuusay u yeedhay ku tidhi "Abboowe… Asli ma dhiman ee way nooshahay, hase yeeshee wax dhimatay ayey reerka u xisaabsan tahay, waana la deyriyey markii uur ku soo baxay".
"Oo hadda yey la joogtaa?", ayuu weydiiyey Geney. "Ma aqaan meelahaas ayaa lagu sheegayey", ayay ku warcelsay Kuusey, waxayna intaas ku dartay in ninkii Ilmaha dhalay uu dafiraad la soo jeestay. Kuusey waxay tidhi "Walaal igu salaan Cali-ammuur, hana u sheegin Asli in Uur leedahay, adeeraa yidhi yaan loo sheegine
////////
Intii ay Asli uurka yeelatay Shariif Macow iyo Xaajiya Xaliimo oo ahaa Canab waalidkeed, fara kulul ayay Canab ku hayeen, waxaana arrintu qaraxday markii reer Shariif Macoway ogaadeen in gabadhoodu ay masuul ka ahayd dhibaatada Asli ku dhacday. Canab dilkii, Canaantii iyo caydii joogtada ahayd ee waalidkeed ku hayay ayay u adkeysan weyday, gurigiina way ka carartay. Canab sida Asli oo kale may ahayn ee albaabo badan ayaa u furnaa, waxayna taqaanay dhowr aqal oo laga soo dhoweynayo oo ay ku jiraan Hablo aan la qabin.Canab maalintii dambe waxay soo raadisay Asli, waxayna u sheegtay in gurigii laga eryay. Asli waxaa niyaddeeda ku soo dhacday, istaahil alleylehe, ha laga eryo. "Waan ka xumahay Canabey", ayay tidhi Asli, waxayna weydiisay meesha ay joogto: "Anigu meeshaan doono aan tagee, marna u darsan maayo gurigii Xaaji Macow ee jeelka ahaa", ayay tidhi CanabGaney oo wada warqad Aw Jaamac u soo dhiibay ayaa gaadhay Beledweyne, wuxuuna markii uu gaadhiga ka degey isku sii daayey gurigii Cali-ammuur. Cali-ammuurna markuu Ganey arkay ayuu farxad la soo booday, intuu fadhiistay oo ku soo dhawaaday ayuu ku yidhi; "Haye… Ganey wallee akhbaar waad ii waddaa … ii warran.. ka warran Asli, Hooyo iyo Aabbo".Ganey hoos ayuu ka yidhi "Wallee war xiiso leh igama heshid". Cali-ammuur wuxuu ka yaabay Ganey oo ahaan jirey inan furfuran oo sidii caadada u ahaan jirtay ka beddelan. "Ganey maxaa kugu dhacay.. maad soo daashay … iiga warran reerkii… Asli iiga warran. Maxay warqad iigu soo dhiibi weyday", ayuu weydiyey Cali-ammuur.Reerkii waan u tegay wayna caafimaad qabeen laakiin Asli, markuu yidhi ayuu wax yar hakaday Ganey… "Ii wad hadalka, maxaa ku dhacay Asli", ayuu yidhi Cali-ammuur. Ganey markii uu muddo aamusnaa wuxuu Cali-ammuur oodda uga qaaday warkii Asli oo dhan, min bilow ilaa dhammaad.Cali-ammuur sheekada Ganey inteedii dambe oo dhan lamuu socon, waayo markii uu yidhi Asli ayaa uur aan aabbe lahayn sidda ayaa miyir ugu dambeeyey. Ganey qudhiisii ayaa naxay markuu arkay Cali-ammuur oo wareersan, markaasuu isku canaantay: "Anaa dambigaas oo dhan iska leh.. bal maxaan ugu sheegay, maan ka qariyo".Ganey, Cali-ammuur ayuu intuu sariirta la fadhiistay ku yidhi "Cali-ammuur, waan ka xumahay in aan warkaa foosha xun oo wadnahagii dhaawacday kuu keenay aan ku sheego, anaa noqday war xun sheeg". "Mahadsanid walaal Ganey waxba ma aha, midda qudha ah ee aan aad uga naxay waxay tahay, waxaan ogaa sida xad dhaafka ah ee ay Hooyo iyo aabbe Asli u jeclaayeen uguna dhaaran jireen, waxana hubaa in qoyskii murugo darani ku dhacayso".Guriga Cali-ammuur gees ka gees waxa ku sharraxan sawiro Asli leedahay, hase yeeshee, inkastoo uuna u bogin hadana muu jeex jeexin, sidii hore uga dhacday gurigii Aw Jaamac. Cali-ammuur wuxuu goostay in uu fasax gaaban qaato oo uu tago Xamar, si uu reerka ula qaybsado dhibaatada ku dhacday, wallow hal bil ay ka soo wareegatay markii Asli uurka ku soo baxay, waayo wuxuu ogaa in reer Aw Jaamac weli aanay ka bogsan danqashadii gaadhay.Goor duhur ah ayaa Aw Jaamac oo diyaarsaday biyihii weysada ee uu ku tukan lahaa, ayaa waxa ka daadisay Aamina oo saddex jir ahayd oo qoyska ugu yareyd. Aw Jaamac dhirabaaxo xoog leh ayaa kaga baxsatay yartii oohinteediina waxaa ku soo oraday Cambaro oo tidhi.."War Aw Jaamac maad waalatay.. maxaa kugu dhacay.. maxaad saqiirka uga dhawaajineysaa". "Naa bulxan iyo buuq uma baahniye orod oo weyso ii soo dhaami", ayuu yidhi Aw Jaamac.Cambaro intay Kuusey u yeedhay ayay ka codsatayin ay yarta sariirta u gogosho oo seexiso.. "Alla eeddo Cambaro, maxaa Aamina ku dhacay", ayay la soo booday Kuusey. Cambaro ayaa ku jawaabtay: "Eeddo cilkii uu Asli u qabay ayuu kula dhacay Aamina.. maalmahaan dambe Aw Jaamac waxaa ka soo hadhay cadho, xanaaq iyo dagaal, xaalkii Asli ayaana maskaxdiisa wax u dhimay ayaan u maleysnayaa, waayo Aw Jaamac weligii Ilmo uu dhalay dhengad kuma xariiqin, farna ma saarin".Cali-ammuur oo aan la fileyn ayaa maalintii dambe soo galay, farax iyo rayn rayn ayaana lagu salaamay, waxaana la isugu soo baxay oo la wada fadhiistay daaradii guriga. Aw Jaamac wuxuu hadalkii ku bilaabay: "Aabbo Cali waad nala socotaa in aan dhammaan nabad qabno, wixii xilka lahayd ee illaahay naga beerayna waad la socotaa in aan dayrinay". Oo xaggee ayay imminka joogtaa", ayuu Cali-ammuur weydiiyey aabihii. "Meel baas alla ha geeyee ma naqaan meel ay jirto" ayay tidhi Cambaro oo Gambadh Aw Jamac ka soo horjeeda fadhiday.
Subaxdnimadii dambe ayaa Cali-ammuur ku soo kacay gurigii Asli joogtay, waxaana Asli loo sheegay in walaalkeed dibada ku sugaayo. Asli wey ka baqaneysay manay dooneyn in ay ka hor timaado Cali-ammuur oo ay u haysatay in ay godob ka gashay, hase yeeshee jacaylkii walaalkeeda ay u qabtay ayaa ka xoog badiyey, degdeg ayayna u soo orodday, hab ayaa la isa siiyey.
///////
Asli waxay ku dul barooratay Cali-ammuur sidii isagoo awood u leh inuu dhibaatada haysata ka dul qaadi karo. Asli waxay Cali-ammuur uga sheekaysay sidii ay uurka ku yeelatay, dhibaatadii gaadhay iyo wixii ugu dambeystii Caddaawe ay kala kulantay. Cali-ammuur wuxuu yidhi; markii Asli uu dhegeystay, Walaal Asli waxaasoo dhan adaa isu geystay, imisa jeer ayaan ku waaniyay, oo ku idhi rag waa wareebe, wareebana yurbaa la iska yidhaah, haddase wixii dhacay waa dhaceen, ha isu dhiibin waxyeellada, ha rajo beelin hana ka qaanu nolosha, waxaad tahay gabadh da’yar, mustaqbalkaagana dib waad u dhisi kartaa".Cali-ammuur wuxuu kaloo ku yidhi,"Walaal Asli, waxaan maqlay in aanad bil dugsi tagtin.. waa inaadan Waxbarashadadaada joojin, iyadaa wax kasta ka muhiimsane, fasalka siddeedaad saddex bilood oo qudha ayaa kaaga hadhay".Asli oo dadka kale ka xishoon jirtay, Cali-ammuur si lab xaadhan ayay ula sheekeysatay. "Walaal Cali see ayaan anoo uur leh dugsi u dhiganayaa, sow gabdhuhu I dacaayadeyn maayaan?" ayay tidhi Asli. "Maxaa kaaga jira caydu ma jidhkaagey geleysaa, mise cad syay kaa jareysaa, si aad dantaada u gaadhid waa inaad wax kasta oo kugu yimaada u dul qaadataa", ayuu yidhi Cali-ammuur, wuxuuna u sheegay in uu la hadlaayo Maamulaha iyo Macallimiinta Dugsiga Macallin Jaamac, iyadana wuxu ku waaniyey in ay dadaasho.Asli aad ayay ugu adkeyd in ay dhex gasho gabdhihii ay taqaanay ee hadalka iyo xanta badnaa, inkasta oo ay jecleyd in ay ka xijaabnaato bulshada, hadana way garwaaqsatay waanadii walaalkeed.Asli oo 16 jir ahayd dhibtii ay mudatay awgeed waxaa soo baxay labadii dhafoor, waxaana qofkii arkaa u moodaayey dhowr iyo soddon jir. Cali-ammuur Galabnimadii Asli wuxuu u soo kaxeeyey Bacadlaha, si uu dhar ugu iibiyo. Markii Cali-ammuur iyo Asli ay soo hor marayeen Baar Major ayaa waxa isha ku dhuftay inan la yidhaahdo Farey oo reer Aw Jaamac ay deris yihin, markaasuu intuu koobkii shaaha ahaa ee uu cabayaayey dhigay ku soo jeestay dhalintii Baarka hor fadhiday, intuu Asli iyo Cali farta ugu fiiqay ayuu ku yidhi; "Gabadhaa wiilka la socotaa waxaa la yidhaahda Asli Aw Jaamac, waxayna leedahay uur aan cidina lahayn, wiilka la socdaana waa walaalkeed" Farey oo hadalkiisi sii wata ayaa yidhi, "Allaah haddii aad ogaan lahaydeen sidi gabdhaasi u eedeb badneyd madaxaad gacmaha saari lahaydeen".Inan Farey ag fadhiyey ayaa yidhi; "Oo walaalkeed sow ma aha mid xishoonaaya, maxaa daba geliyey, muu iskaga hadho". Farey ayaa hadalkii boobay oo yidhi "Raacid aan raaco iska daaye, walaashey haddii ay uur xaaran ah yeelato qudhaan ka goyn lahaa".Farey iyo kooxdiisii muddo dheer ayay Baarka fadhiyeen, mana ka dhicin oo ma qabin shaqo aan ahayn in ay gabdhihii Baarka soo hormara xantaan oo aflagaddeeyaan. Markii Bacadlihii la dhex yimid ayaa Cali-ammuur wuuxu arkay Asli oo dib u hadheysa oo hadba jaanta ka goosaneysa, markaasuu ku yidhi, "Walaal Asli, maxaa kugu dhacay, wadiga iga hadhayee?" "Walaal cabaar iga horee waa ku soo daba soconayaa, yaan dadku igu kaa arkine", ayay Asli tidhi.Cali-ammuur aad iyo aad ayuu ereygaas uga danqaday, ilmaana indhiiisii ku soo joogsatay, markaasuu intuu garabka gacanta ka saaray oo la soo dhaqaaqay ku yidhi, "Walaal Asli waan ka xumahay, mana moodayn in muraalkaaguu ilaa heerkaa gaadhsisan yahay, iska saar cuqdada, aniga sidii ayaad ii tahay, walaashey aan jeclaa, bani’aadam waxba igama gelin, waxay doonaan ha ku hadlaan, waan ku ogahay nin iiga kaa aqoon badanina ma jiro in aanad ahayn gabadh xun ee amarkaa iska yimid, Asli walaal, iska saar fikirka iyo calool xumada, cidna dembi kama aad geline".Markii Meheradii la dhex yimid Asli Shalmadii ayay jiq isku siisay, labadii indhood oo qudha ayeyna muujisay, hoos ayeyna u hogatay sidii goroyo gabbal u dhacay, iyadoo diidaneyd in la arko ama ay waxa aragto.Cali-ammuur markii uu soo arrad tiray, ayuu Asli gurigii Faadumo ku soo celiyay, waxayna labadoodu ay iskaga sheekeeyeen sheekooyin ku saabsan taariikhdii caruurnimadoodi.. markaasoo Asli ay ahayd markii ugu horreysay ee ay qososho muddo dhowr bilood ah.Cali-ammuur imaatinkiisi wax weyn ayuu ka taray sare u qaadidda niyadda iyo yididiilada Asli. "Walaal Asli nabad gelyo, berri ayaan kuu imaanayaa". Intuu yidhi ayuu Cali-ammuur albaabka ka baxay.Markaa kaddib Asli oo rajo adduunyo soo gashay ayaa hoos u tidhi, "Illaahayow, walaalkey, Cali-ammuur ha iga qaadin, waxa ii naxariista isagaan hayaaye
////////
Cali-ammuur maalintii dambe ayuu ku soo noqday Asli wuxuuna u sheegay inuu kala hadlay Maamulihii Dugsigii, wuxuuna u keenay dhamaan buugagii ay u baahneyd, wuxuuna ku adkeeyay in ay berrrito duruusta bilowdo isagoo u sheegay inuu isla burrito dhoofi doono haddii uu Gaadhi helo. "Walaal Cali mahadsanid, weligey iloobi maayo wanaaga aad ii sameysay", ayay tidhi Asli. "Laa shukra calal waajib, la isagama mahad naqo gudashada waajibka" ayuu Cali-amuur ugu jawaabay walaashii.
Cali-ammuur subaxii dambe ayuu dhoofay, hase yeeshee habeennimadii ilaa saqdii dhex wuxuu la joogay Asli, isagoo waano iyo dardaaran u soo jeediyay, wuxuuna u sheegay in uu ku balamiyay dukaan nin saaxiibkii ahi leeyahay, wuxuu awoodana uu u soo diri doono.
Asli oo fulineysa dardaarankii walaalkeed waxay isla maalintiiba tagtay Dugsigii oo maamulihii iyo macalimiintii si fiican ugu soo dhoweeyeen, inkastoo sheekadeeda ay maqleen Ardayda Macalin Jaamac badidoodu hadana Asli may aqoonin, sidaa darteed markay maqleen imaanshaha Asli, ayaa qof kastaa uu doonay inuu arko wejigeeda.
Markii nasashadii loo soo baxay, Ardaydii dhammaad waxay yimaadeen Baarka ka soo horjeeda dugsiga iyo kan Golaha murtida, hase yeeshee Asli waxay tagtay oo ka soo quraacatay Makhaayad luuq ku taal. Asli oo aad moodeysid tuug la qabtay ayaa soo hormartay lix hablood oo ku dhereg dhacsanaaya dugsiga albaabkiisa, markaasay intay dhaaftay ku tidhi "Waan idin salaamay". "Waa lagaa qaaday", ayay ugu jawaabeen.
Markii in yar Asli ka durugtay ayaa gabadh gabdhihii ka mid ah oo Sahra la yidhaahdo tidhi, "Alla maxay madoobaatay, oo fool xumaatay, bal sidey u caatowday eega". "Bal indha adeygeeda maxay dugsiga ka soo doontay, may gurigooda isku qariso", ayay tidhi Jawaahir oo Sahara garab taagneyd.
Gabadh kale ayaa iyana soo dhex gashay hadalkii oo tidhi "Waadiga leh may gurigooda joogto ee miyaanad ogayn in la eryay"
"Oo hadda xagay joogtaa", ayay Safiyo weydiisay? "Ma aqaan.. malaha guryaha doobabka ayey seexataa", ayay Jawaahir gabdhihii ugu jawaabtay. Gabdhihii oo Asli xamanaaya ayaa ogaaday in dugsiga mar hore la galay markaasay kala ordeen
Asli dabcigeedii wax weyn ayaa iska bedelay, haddii ay ahaan jirtay oo lagu yaqaanay gabadh qosol iyo farxad badan oo bulsho ah, waxay soo baxday ruux baahsan, oo joogta maqan ah, waxaana ka lumay fahankii iyo fircoonaantii lagu yaqaanay.
Asli waxay go’doon ahaato oo ay samirto una dul qaadato aflagaaddada, xinka iyo xanta liidiga ku ah ee uga imaanayey gabdhaha da’deeda ah, Asli waxay ku guuleysatay in ay dhammeysato fasalka siddeedaad.
Jaraa’idka waxa ku soo baxay Raadiyow Muqdishana laga sheegay in Wasaaradda Tacliintu u baahan tahay 2000 oo macallimiinta "PP"da ah oo haysta Shahaadada Dugsiga dhexe, waxaa kale oo isla waqtigaa soo baxay Jagooyin ka bannaanaa Madbacadda Qaranka iyo Dugsiga Kalkaaliyaasha ee Wasaaradda Caafimaadka.
Shaqooyinkaasi iyo tababarradaas Asli weligeed kuma fikirin in ay shaqo raadsato ilaa ay Jaamacad ka baxdo, hase yeehsee arrinta ku dhacday ayaa bedeshay. Galabtii dambe makhribkii ayaa Asli oo la sheekeysaneysa ayaydan oo indha la’ayd, ayaa waxaa u yeedhay Faadumo o ku tidhi; "Eeddo Asliyey sidaad og tahay gurigani waa buuq iyo cidhiidhi badan yahay, dadkuna waa is dul saaran yahay, ninkeyga Cabdillaahina inkastoo aanu kaa qariyay, dartaana aanu isku qabsanay, wuxuuna iga dalbaday waqtigii aad timaadidba in aan guriga kaa eryo, isagoo mar marsiinyo ka dhiganaaya inuu doonayo in uu gabdhihiisa ka badbaadiyo halista, aniga iyo Sheekh Cabdillaahi mudo dheer ayaan doodeynay, waxaanna ka raariday in aanad wax halis ah u keeneyn qoyska, maaddaamse aad uur leedahay Cabdullaahi wuxuu kuu maleeyey in aad tahay gabdhaha wax duufasada, calaa kulli xaal weli ninkeygu fikrad xun ayuu kaa haystaa, ugu dambeyntii wuxuu iga oggolaaday markaan si ba’an u baryey in aad sii joogto inta aad ka dhaleyso, sidaa darteed waxaan filayaa in aad siddeed bilood ama toddobo tahay, haddaba labada bilood ee kuu hadhay nala sii joog hase yeeshee meel sii daydayo", ayay Faadumo hadalkeedii ku soo gabagabeysay.
Asli arrintaasi waxay ku soo kordhisay dareen iyo murugo cusub, waayo may garanayn meel ay tagto haddii guriga Faadumo ay ka tagto, Asli markii Faadumo ay tagtay intay madaxa gacmaha saartay oo kursi dayrka yaalay ku fadhiisatay ayay gashay fikir iyo walwal ku saabsan, "Allow ha na kashifin, maanteyba iigu daran tahay, anigoo keligey ah ayaan nafteydii meel aan geeyo u waayay, bal waa yaabe sideen odhan, xageese geyn ilmaha aan dhali doono, illaahow ha i badin in aan magan alla iraahdo oo ilmahayga la tuugsado", ayay Asli ku ducaystay
/////////
Asli waxaa fikraddeedii ku soo dhacday, "Faadumo cumrigeeda alla ha raajiyo, iyadoo aan waxba ii ahayn haddii ay afar bilood i haysay imiinkana diyaar u sii tahay in aan laba bilood oo kale la sii joogo".Asli si ay uga gudubto dhibta haysta waxay garatay in ay talo u baahan tahay, sidaa darteed warqad iyo qalin ayay intay soo qaadatay bilowday in ay warqad u qorato barnaamijka "Illa tali" ee Raadiyow Muqdisho, hase yeeshee markey warqaddii dhexda marineysay ayay intay jeex jeexday tidhi "Alleylahe aan iska daayo, maxaan Raadiyaha u dhibayaa, mar hadduuna nin ii keeneyn waalidkeyna igu celineynin" Habeenkii oo dhan Asli labadeeda indhood iskumay keenin, waxaana wax kasta kaga darnaa meesha ay beegsaneyso marka ay dhasho. Canab ayaa maalintii dambe Asli soo booqatay, markaasay Asli u faahfaahisay welwelka ku kordhay. Asli kama fileyn Canab oo cid kale iyaduba dul saar ku ah in ay meel geyso. Canab ayaa iyana u sheegtay in ay isku xun yihiin reerkii ay la joogtay oo meel ay tagto la’dahay. "Sow digii i yidhi ma aha anigu Xamar oo dhan ayaan aqaan una darsan maayo guriga Shariif Macow, maxaa kugu dhacay?", ayay Asli weydiisay Canab. Canab oo madaxa ruxeysa ayaa tidhi "Walaal Asli, meel kasta maray oo waxaan ogaaday in aan gabadh gurigooda loo dhaamin, dadkii rag iyo dumarba lahaa ee aan aqaanay mid waliba surin ayuu ka baxay… illeyn Asliyey inta gabadh la jecel yahay ee laga dambeeyaa waa intay gurigooda joogto".Waxay Canab Asli uga sheekeysay rafaadkii ay mudatay muddadii ay gurigooda ka maqnayd, waxayna ku soo dhammeysay iyadoo leh: "Jinni ayaa ii harga lulay, caqli xumo ayaan reerkayagii iyadoo la i jecel yahay oo joog la i leeyahay uga soo kacay".Asli ayaa hadalkii qaadatay, waxayna ku cabatay in ay iminka gogal qof kale kula seexato, subaxyada qaarkoodna iyadoo aan curaaqan ay dugsiga u lugayso, mararka qaarkoodna intay jidka soo socoto haddii ay habsaanto laga hor qadeeyo.Xaaladdu waxay hadba heer soo ahaato, wax Asli dul qaadato dhib iyo hawltii ugu qallafsaneyd u samirto, waxa goor fiid ah Asli dareentay xanuun, markii ay astaamihii sheegtayna waxay Faadumo ogaatay in ay fooli hayso, sidaa darteed waxay degdeg u keentay Cusbitaalka Martiini. Waxaana loo sheegay in aanay berito ka hor dhalayn, sidaas darteed Faadumo intay seexisay Asli qaybta haweenka ayay ka tagtay.Subaxnimadii, Asli waxa loo soo gudbiyey qolka dhalmada lagu sugo, umulisayaalshu intaa way kala ordayeen oo waxay ku hawlanaayeen daawo siinta iyo xannaaneynta haweenka diyaarka u ah dhalmada. Asli umulisayaasha iyo kalkaaliyayaashu orod Ayay ku dhaafayeen xaggeedna may eegayn, waxayn aragtay in daawooyinka lagu daldalaayo haween subaxnimadii yimid oo iyadu ka soo horreysa. Asli markii dambe intay istiishay oo madaxa sare u qadday ayay ku tidhi haweeney umulisayaashii hore ka mid ah, "Eeddo , sow dad islaam ah ma tihidin, maxaa sidaas la iigu gelayaa, ilaa saaka oo dhan ayaan halkan jiifay oo cidina dan igama laha ee maxaa dhacay, anigaa dadka ugu soo horreeyaye". Umilisada oo magaceeda la yidhaahdo Xaajiyo Cadar, waxay Asli ku tidhi "Walaal raali ayaad naga ahaaneysaa, kuwii aabbaha lahaa ee xalaasha ahaa ayaanaan hawshoodii weli dhameystirin ee adigu xagee joogtaa?"Asli hoos ayey ku tidhi "Alla mujtamacu u daranaa gabdhaha sida ilmaha aan aabbaha lahayn, bal anigu haddaan gefay muxuu galabsaday ilmahan ilaahay caloosheeyda ku beeray, sow xaq uma leh nolol iyo jiritaan?".Ugu dambeystii waxaa soo gashay dhakhtaraddii qaybta Umulisooyinka madaxa ka ahayd, waxayna waraysatay Asli sida xaalkeedu yahay. Asli dhakhtaraddii ayey u cabatay iyadoo uga warrantay sida loo xaqirayo. Dhakhtaraddii ayaa xanaaqday waxayna tidhi intay isugu yeedhay kalkaaliyayashii, "Jaallayaal i dhegeysta, maanta waxaad meel kaga dhacdeen qaanuunka waddaniga ah iyo kan caalamiga ah ee caafimaadka, qof Dhakhtarka ahi dadku wuu u siman yahay, mana laha kala sooc, mar haddii uu dhibaato qabo".Dhakhtaraddii waxay tidhi iyadoo hadalkii sii wadata "Waan la socdaa in Asli siddo Ilmo aan aabbe lahayn, hase yeeshee taasi innaga waxa micnaha inooguma fadhido, shaqadeenna ma aha in aanay baadhno ama ogaano haweenka uurka leh in la qabo iyo in kale, shaqadeenu waa in aynu badbaadino hooyada iyo ilmaheeda, waajibkeenu waa in aynu gudanno xilka aadamiga ah ee ku dhisan naxariista iyo daweynta qofka gargaarka u baahan sida Asli oo kale, waa in aynu isku si ugu shaqayno taajirka iyo faqiirka
////////////
Qisadii Nabi Ibraahim (CS )
Waa khaliilkii illaahay (SW) ugu doortay risaaladiisa ee uu ka fadilay in badan oo khalqigiisa ah, Ibraahim waxa uu ku dhex noola qoom caabuda xidigaha arinkaan raali kamuu ahayn waxa uu dareemay iimaankiisa in uu jiro illaah ka weyn waxan ay caabudayaan ilaa illaahay hadeeyay una doortay siraaladiisa, Ibraahim waxa uu u yaboohay goomkiisi kalinimada illaahay (SW) iyo cibaadadiisa laakiin way beeniyeen waxana ay isku dayeen in ay gubaan illaahayna (SW) waa uu ka badbaadiyay, Tafiirtii Nabi Ibraahim (CS) waxa ahaa Nabi Isaxaaq iyo Nabi Ismacil, Nabi Ibraahim (CS) waxa uu dhisay Kabcada waxana ku welininayeen Ismacil .
Qisadii oo Dhamaystiran .
Nabi Ibraahim (CS) waxa uu ka mid yahay shanta Nabi ee la yidhaa (uulul Casmi) ee illaahay (SW) balanka adag la galay oo kala ah, Nabi Nuux, Nabi Ibraahim, Nabi Muuse, Nabi Ciise (CS) iyo Nabi Maxamed (CSW) oo sida ay u qoran yihiin u kala horeyay .
Nabi Ibraahim (CS) waa nabigii illaahay (SW) ku ibtileeyay ibtixaanka weyn, Nabi Ibraahim (CS) waxa uu ahaa adoonkii illaahay (SW) uu yidhi "Kii wanaaga oofiyay" Illaahay (SW) waxa uu ku kareemeyay Nabi Ibraahim xushmad gaar ah waxa laga dhigay aftirsiintiisi tawxiid saafi ah, waxana lagu tilmaamay kuwii diintiisa raacay in ay yihiin ehlu caqli .
Illaahay (SW) waxa uu ku tilmaamay Nabi Ibraahim (CS) in uu yahay mid tooban keen badan oo ka mid ahayn mushrikiinta, fadliga illaahay (SW) siiyay ibraahim waxa ka mid ahaa in looga dhigay dadka Imaam tafiir-tiisina laga dhigay Nabiyo, anbiyada ka denbaysay oo dhami waa awlaadiisi waxana xaqiiqobay balankii uu illaahay la galay oo ah in anbiyada isaga ka denbeeya ay noqdaan tafiir-tiisa, ilaa Nabigii ugu denbeeyay Anbiyada Nabi Maxamed (CSW), isla markaana ay xaqiiqowday aqbalaada ducadii nabi ibraahim (CS) uu illaahay beryay ee ahayd:- in umadan umuyiinta ah laga soo dhex saaro rasuul iyaga ka mid ah .
Hadii aynu wadno oo aynu baadhno fadliga Nabi Ibraahim (CS) iyo sida uu illaahay (SW) u karaameyay waxa inaga buuxsamaya layaab, waxaynu arkaynaa shaqsi rabigiisa la hortagay qalbi saafi ah, illaahay (SW) waxa uu ku yidhi nabi ibraahim islaam ilaa uu yidhi waxa aan isku diibay rabiga caalimiinta, waa nabi waana kii ugu horeyay ee yeesha maqaca muslimiinta, waa nabi midhiihii ducadiisu ay noqdeen soo saaridii Nabi Maxamed (CSW ).
Nabi Ibraahim (CS) waxa uu ahaa awoowga iyo aabaha Anbiyadii ka denbaysay oo dhan waxa uu ahaa mid hanuunsan oo dulqaad badan, illaahay (SW) waxa uu inana xasuusiyay fadli ka balaadhan waxaa hore oo dhan oo ah illaahay waxa uu khaliil ka dhigtay ibraahim, kuma jirto kitaabka quranka ah Nabi illaahay (SW) ka dhigtay khaliil oo aan ahayn Nabi Ibraahim (CS ).
Culumadu waxay yidhaahdeen waxa Khaliil loo yidhi jecel uu illaahay (SW) u qabo dartii, darajada aadka u saraysa ee ibraahim oo ah ku dhowaansha illaahay (SW), dhinaca kale hadii aynu ka eegno darajadani waa dhamaadka rajada masaakiinta, ujeedaha iyo hadafka dadka ehlu xaqiiqada ah iyo kuwa illaahay yaqaana in ay jeclaadan illaahay (SW) ee doonana in iyagana illaahay jeclaado .
Ibraahim waxa uu ahaa adoon rabaani ah oo xaq u yeeshay in uu illaahay ka dhigto khaliil .
Quraanku inagamuu warami dhalashadiisi iyo caruurnimadiisi kumanuu hakani wakhtigiisi si cadaan ah laakiin waxa la inoo tilmaamay muqaal jawigii nolosha ee maalmihisi, waxa aad arkaysaa dadku in ay u qayb sameen sadex qaybood, Qayb caabuda Sanamyo laga qoray dhagaxaan iyo looxyo, Qayb caabuda xidiga iyo dayaxa iyo cad-ceeda iyo Qayb caabuda boqorada iyo kuwa xukuma .
Jawiga sidaas ah ayuu ku dhashay Nabi Ibraahim (CS) waxa uu ka dhashay qoys ka mid ah kuwaa noola wakhtiga fog, odayga qoys koogu dhinaca qolada sanamka caabuda waxa uu ahaa nin aan ka fogayn waxana gacantiisa ugu samayn jiray sanamyada ay caabudaan. Qoyskani waxay ahaayeen qoys balaadhan oo sameeya sanamyada, sidaa darteed qoyskoogu waxa uu ahaa qoys aad loo qiimeeyo oo ku dhow dhow dadka degaanka maamula .
Hadaba qoyskaa muqadiska ah waxa u dhashay inan awood u leh in uu ka hor yimaado qoyskooga iyo nidaamka mushtamaca kana hor yimaado kuwa sanamyada caabuda iyo kuwa xidiga iyo dayaca caabudaba dhamaan shirkiga oo dhan waana wax iska dabiici ah, qofka talaabadan oo kele qaada ee umadi wixii ay aaminsan tahay ka hor yimaada in dhib uu la kulmayo isagana (nabi ibraahim) dab ayaa lagu dhex tuuray .
Ma doonayo in aan dhacdooyinka qaar aan soo qadimo aanu ka bilowno caruurnimadiisi, Nabi ibraahim Caqligiisu waxa uu ahaa mid iftiimaya illaahaybaana (SW) u iftiimiyay waxana uu illaahay siiyay xigmad, ibraahim waxa uu gartay isagoo yar aabihii in uu sameeyo sanamyo la yaab leh waxa uu weydiiyay maalin wixii uu samaynayay waxa uu ugu jawaabay waa sanamkii aynu caabudeynay waana uu la yaabay ibraahim waxana uu caqligiisu gartay in uu ku ciyaaro waxa uu ka fuulfuulayay dusha sida ay dadku u fuulan fardaha iyo dameeraha aabihii ayaa maalin arkay isagoo fuushan sanamkii odaygii wuu ku cadhooday waxana uu amar ku siiyay in aanu ku ciyaarin mar denbena aanu u dhowaan .
Ibraahim waxa uu weydiiyay aabihii aabo sanamku dego waaweyna inaga wuu inaga dego waaweyn yahayee waxa uu ugu jawaabay waa kuwa soo qabta fahankiisa xeesha dheer ibraahim wuu ku qoslay xiligaana ibraahim waxa uu ahaa lix jir .
Ibraahim waxa uu aabihii weydiyay yaa dadka sameeyay waxana uu ugu jawaabay adiga aniga ayaa ku sameeyay anigana aabahay ayaa I sameeyay ibraahim waxa uu yidhi arintu sidaa maaha ee maalin ayaan maqlay oday weyn oo leh illaahay maxaad ubad ii siin weyday aabihii waxa uu ku yidhi waa runtaa illaahay dadka waxa uu ka caawiyaa sida ay dadka u samayn lahaayen laakiin illaahay dadka gacantiisa kuma sameeyo, halkana waxanau ka fahmaynaa ibraahim isagoo yar sida uu ula yaaban yahay aabihi iyo arinka uu sheegayo .
Waxa kale oo uu weydiiyay ibraahim aabihi illaahayadu waa imisa waxa uu ugu jawaabay tiro malaha, ibraahim waxa uu yidhi aabo maxaan sameeya hadaan mid u shaqeeyo oo kii kalena aan u shaqayn waayo xumaan ila doono hadii ay mashaqo dhacdo iyo dood dhex marta labadan sanam hadii la dilo kii aniga u shaqaynayay miyayna runtu ahayn in anigana I dilayo maxaan sameeya? Odaygii intuu qoslay ayuu yidhi ha baqan inankaygiyow illaahyadu ma murmaane waxay wada hoos yimaadaan illaah kale oo weynee anigu waxa aan jiray totobaantan (70) sanno welina ma arag laba illaah oo is haysta, iska dhaaf hadaa heshiish ayaa ka dhexeeye, aabihii waxa uu yidhi waa runtaa, ibraahim waxa uu yidhi maxaa laga sameeya illaah yadan waxa uu yidhi waxa laga sameeya geed timireed iyo saytuun bal kuwan yar yar ee saaga ah eeg maxaa ka qurux badan runti waxa ka maqan uun naftii .
Waxa uu ku yidhi ibraahim illaah yadani hadii ayna nafba lahayn sidee cid naf u gelinayaan hadii ay iyaguba nolol lahayn sidee cid ay u noolaynayaan anigu wax aan ku adkaysanayaa aabo kuwani illaah maaha, odaygii u aabaha ahaa ibraahim aad ayuu uga gubtay hadalkan wuxuna yidhi hadii aad qaan-gaadh ahaan lahayn madaxaaga ayaan faash ku kala jeesi lahaa, ibraahim waxa uu yidhi hadii illaah yadu dadka ay ka gargaaran samaynta dadka maxaa dadka ku kalifay in ay illaahyo sameeyan, hadii illaahyadu ka samaysan yihiin geedo in dhirta la gubaa waa khalad weyn laakiin aabo waxa aad I tidhaahdaa sidee u saacidaysaa illaah oo u samaynaysaa hadana kuwa kele oo tiro badan illaah-yadanba kaama caawinayaa sida aad caruur badan u yeelan lahayd dadkana ugu awood badnaan lahayn. Halkaas ayayna ku dhamaatay doodi u dhexeysay ibraahim iyo aabihii .
Maalmo ayaa ka soo wereegay ibraahimna wuu weynaaday qalbigiisana waxa ka buuxay caruurnimadiisi in uu si dhab ah u karaahisnaa sanamyadan ay samaynayaan walidkii dadkuna ay caabudayaan manuu fahan sanayn sida qof caqli lihi uu gacantiisa sanam ugu samaysanayo ka dibna ugu sijuudayo wixii uu gacantiisa ku samaystay, ibraahim waxa uu arkay in aanay sanamyadani waxba cabin waxba cunin oo ayna hadal oo ayna karayna in xitaa hadii qof isisoo dhinac istaago ogaanayn, sidee ayay dadku ugu qaateen waxani dhib iyo dheef toona lahayn .
Figradan in badan ayay dhibtay ibraahim in qoomkiisa oo dhamina khaldan yahay oo uu kaligii xaqa ku sugan yahay miyayna ahayn wax lala yaabo ?
Qoomka ibraahim waxay lahaayeen macwad weyn oo ay ka buuxan sanamyo bartankana waxa uu ku lahaa mixraab la dhigo ka ugu weyn, sanamyadu waxay ahaayeen noocyo leh muuqalo kala duwan, ibraahim isagoo yar ayuu aabihii u raaci jiray, waxana uu aad u beenin jiray looxantan iyo dhagaxanta ee ay caabudayaan waa arin la yaab leh isagoo dhex jooga qoomkiisi, marka ay soo galaan madaxa ayay hoos u foorarinayeen waxayna bilaabayeen in ay ooyaan oo baryaan sida wax maqlaya waxna fahmaya, bilowgii ibraahim waxay la ahayd wax lagu qoslo ka dibna waxa uu bilaabay in uu dareemo cadho miyayna wax lala yaabo ahayn? In waxaas oo dad ihi ay khiyaamaynayaan, mushkiladuna way sii koradhay .
Ibraahim aabihii waxa uu doonayay marka uu weynaado in uu noqdo kuhaan waxana uu ka doonayay uun in uu ixtiraamo sanamyadan, ibraahimna si cadaan ah umuu soo bandhigi karaahidiisi, maalin ayuu ibraahim soo galay macbadkoogi isagoo la socda aabihii waxana bilaabmatay xafladii sanamyada, xaflada bartankeedi ibraahim waxa uu raacay kuhaan la hadlaya sanam, ibraahim waa uu dhagaystay ninkan uu dhagaysanayaana waxa uu weydiisanaya sanamka in uu naxariisto arsaaqona, codkii ibraahim ayaa laga maqlay mar qudha macbadka oo dhan isagoo la hadlaya kuhaankii waxa uu yidhi kuma maqlayo kuhaan-yahow miyaanad ogayn in aanu sanamkani waxba maqal dadkii oo dhan ayaa soo eegay inanka yar waxa ay arkeen in uu yahay ibraahim kuhaankiina waxa uu dareemay cadho, aabihii ayaa cudur-daar sameeyay oo yidhi waa inan yar oo buka oo waxa uu leeyahay aan is ogayn .
Macbudkii ayay ka soo noqdeen waxana soo raacay laba qof isaga iyo aabihii waxa uu jiifsaday ibraahim furaashkiisi wayna ka tageen, ibraahim inta uu ka soo hingaday furaashkiisi ayuu u jeestay dhinaca buur weyn isagoo rumaysan in aynan sanamyadan qoomkiisu sameeyeen aanay koobka abuurin kuna tasarufin abuurtiisa waxa uu eegay samada waxa uu ku arkay xidigihii dhulka lagu caabudayay, ibraahim waxa ka buuxsamay qalbigiisa murugo, intaa ka dib waxa uu eegay waxa ka denbeeya dayaxa iyo xidigaha waxa uu la yaabay in ay dad caabudaan waxan kii abuuray caabudaya ee idinkiisa ku soo baxaya kuna dhacaya .
Dood ayaa dhex martay ibraahim iyo neftiisa doodina way socotay ilaa ay gaadhay qoomkiisi caabudayay xidigaha, illaahay (SW) arinkan waxa uu inooga cadeeyay quraanka "Markuu ku yidhi ibraahim aabihii sanamyo ayaad ka dhigateen illaahyo waxa aan u arkaa adiga iyo qoomkaaguba in aad baadi cad ku sugan tihiin, (74) sidaas ayaanu u tusnay ibraahim malakuudka samada iyo dhulka si uu u ahaado kuwa muuqiniinta ah, (75) mar kuu gabalku dhacay ayuu arkay xidig waxa uu yidhi kaasi waa rabigay" [suuratul-ancaam ]
Quraanku kamuu waramin jawiga ibraahi ku dhaaway arinkan laakiin inagu waxaynu dareemaynaa socodka aayadka ku dhawaaqidan in ay ahayd qoomkiisa dhexdiisa in ay ku xasilaan wayna xidheen mar ki uu diiday in uu caabudo sanamyada kuna hamiyay in uu caabudo xidigyada, sadexdan qolo ee aynu soo sheegnayna qolol kastaba xor ayay u ahayn wixii ay caabudayso isla waabirigi ibraahim wuu badalay mawqifkiisi hore waana uu ka beenayay xidigihii uu caabudayay waayo xidigihii way dhaceen ibraahimna xidig kolba soo baxaysa kolna dhacaysa illaah uma noqonayso .
"Markii ay dhaceen waxa uu yidhi ma jecli kuwan qarsoomaya (76) markii uu arkay dayaxa oo soo baxay waxa uu yidhi rabigay waa kaa" ibraahim habeenkii labaad waxa uu ku noqday in uu yidhaahdo dayaxa waa rabigay laakiin qoomkiisu darajo ku filan iyo may lahayn garasho ay ku gartaan in uu isagu yahay mid loo sikhiray iyo khaladka ay tahay caabudida shay kalna soo baxaya marna qarsoonaya, nidaaminta cibaada illaahay manay fahmin qoomkiisu markii hore waxay ka fikireen dayaxa dayaxu waa sida ubaxa sida falagyada kale ayuu kola soo baxa kolna dhacaa.
"Markii uu qarsoomay waxa uu yidhi hadii aanu rabigay isoo hanuunin waxa aan ka mid noqonayaa qoomka daalimiinta ah"
waxaynu halkan ka arkaynaa in uu u soo bandhigay qoomkiisa sidii u diidan yahay waxyaabahan ay caabudayan, dadku sidee ayay u caabudaan rabi qarsoomaya waa dayaxee, markuu leeyahay hadii aan illaahay isoo hanuunin iyaga waxa uu fahansiinayaa in uu jiro illaah kale oo ahayn waxan ay caabudayaan.
"Markii uu arkay cadceedi iyadoo soo baxday waxa uu yidhi waa kaa rabigay isaga weyn markii ay dhacdayna waxa uu yidhi anigu beri ayaan ka ahay xumaanta aad ku jirtaan anigu waxa u jeediyay wejigayga kii abuuray samad iyo dhulka isagana u hagaansanay kamana mid ihi kuwa mushrikiinta ah" .
Hadalkiisa hore ee caqiidada cadceeda waxa uu soo gaba gabeeyay doodi kuwa caabuda xidigaha waxana uu kaga gar helay maadama ay cadceedu ka weyntahay xidigaha in ay cadceedu ka mudan tahay si sahlana waxa uu u soo mariyay dhaqihii qoomkiisa kuwii cadceeda caabudayna may fahmin ay caabudayeen waxyaabo illaahay abuuray, markii uu ibraahim ku dhawaaqay isagu in uu caabudayo cadceeda markii ay dhacdayna illaahnimadii loo nusmaynayay waxay noqotay waxba kama jiraan sida xidigaha oo kale.
Waxa uu awood u yaashay xujadii nabi ibraahim in uu xaqa uu cadeeyo soona bandhigo waxana bilaabmay is fahan la’aantii isaga iyo qoomkiisa, may aamusin kuwii caabudayay xidiguhu waxay bilaabeen in ay la doodan cabsina ay geliyaan una hanjabaan .
"Ma waxa aad igu xujuynaysaa illaahay dartii runtii wuu I hadeeyay kamana baqayo waxan aad u shariid yeelaysan in illaahay doono mooyane rabiga shay kasta og miyaydaan waxba ku qaadanee, (80) sidee uga baqaa wax aan shirkiga ah idinku kama baqanaysaan illaahayna waad u shariid yeelaysan idinka oo haysanin wax ogolaansho ah labadeene midkee in uu nabadgelo xaq u leh hadii aad wax garanaysaan"
Ma garan karno weerarka lagu soo qaaday ibrahim iyo heerka ay taagnayd dooda kuwa isaga ka soo horjeeday asluubta qoomkiisi isaga raacay iyo cabsiga la geliyay illaahay quraanka inoogumuu sheegin, dood-doodu waxay ahayd mid baadil ah sidaa darteed quraanka laguma soo darin, laakiin waxa lagu xusay hadalkii ibraahim ee caqli galka ahaa sida ay isaga u cabsi gelinayeen iyo sida ayna illaahay uga cabsanayn labadooda midkeeba in uu nabadgelyo helo xaq u leh illaahay (SW) ayaana kala shaagay.
"Kuwa muuminiinta ah ee iimaankooga ku dedin dulmiga kuwaas ayuu u sugnaatay nabadgelyo iyagaana hanuunsan"
Iska hor imaatinkii Nabi ibraahim iyo kuwii sanamyada caabudayay
"Markuu ku yidhi aabihii iyo goomkiisi waa maxay sanamyadan aad caabudaysaan (52) waxay yidhaadeen waxanu ka soo gaadhnay aabayaashayo oo caabudi jiray (53 wuu ku yidhi xaqiiqdii idinka iyo aabayaashiinba waxa aad ku sugantii baadi cadaan ah (54) waxay yidhaahdeen ma xaq ayaad noola timid mise waad nagu dheel-dheelaysaa (55) waxa uu yidhi rabigiinu waa rabiga samooyinka iyo dhulka waana ka abuuray anigana sidaa idinka markhaati ah (56)" Suuratul Al-anbiyaa.
Waxa dhamaatay arintii waxana bilaabmay iska hor imaadkii ibraahim iyo qoomkiisa ka ugu darnaana waxa uu ahaa aabihii, waxa isku dhacay inan iyo aabihii iska hor imaadkaa waxana kala gaxeeyay mabdayo kala duwan inankuna waxa uu raacay dhinaca illaahay (SW) aabuhuna waxa uu raacay dhinacii baadilka, aabihii waxa uu ku yidhi aabo masiibo ayaa iga kaa haysta ibraahimow waad I khiyaamaysay waanad I xumaysay ibraahi isagoo ka jawaabaya arinta ayuu yidhi sida quraanku tilmaamay "Aabo maxaad u caabudaysa mid aan ku maqlay oo aan ku arkayn waxbana ku tarayn (42) aabo aniga waxa iigu yimi cilmi ahaan wax aan adiga kuu iman isoo raac aan kugu hanuuniyee dariiqa toosane (43) aabo shaydaan ha caabudin shaydaanku raxmaanka wuu caasiyayee (44) aabo waxa aan kaaga baqayaa in uu ku asiibo cadaab dhinaca raxmaanka oo aad shaydaanka xidhiidh la yeelato (45)" Suuratul Maryan .
Aabihii ayaa soo kacay isagoo aad u cadhaysan waxana uu ku yidhi ibraahim isagoo canaanaya waxan aad wado hadii aad joojin weydo dhagax ayaan kugu dili doona, taasina waa baal-marino kuwa illaahayaga ka hor yimaada iigana bax gurigayga mana doonayo in aan ku arko iga bax .
Iska hor imaadkaasi waxa uu keenay in ibraahim laga eryo guriga, Nabi Ibraahim (CS) waxa uu aabihii ula dhaqmi jiray si xushmad leh waxana uu kula hadli jiray aabihii edabtii Nabiyada waxana uu ugu jawaabay aabihii "Nabadgelyo dushaada ha ahaato danbi dhaaf ayaan kuu weydiinayaa rabigay aniga waa mid I xafidayee (47) waan idinka dheeranayaa idinka iyo waxan aad baryaysaan illaahay sokadiisa rabigay ayaan baryayaa ducada rabigayna deyn mayo (48)".
Nabi Ibaraahim (CS) waxa uu u soo baxay si taxadri leh isagoo u socda dhinaca macbadka dariiqyaduna waxay kuwa lagu dhibtoonayo macbadukuna wuu madhnaa dadkuna waxay tageen xaflado, ibraahim waxa uu soo galay macbadkii isagoo sita faash waxa uu eegay sanamyadii laga sameeyay dhagaxa iyo geeda, wuxuu eegay cuntadii la agdhigay sanamyada, wuxuuna ku soo dhowaaday sanamyadii waxana uu weydiiyay miyaanad cunayn isagoo ku dheel-dheelaya garanayana in aanay waxba cunayn, wuxuu mar labaad weydiiyay maxaad u hadli la dihiin intaa ka dibna waxa uu bilaabay in uu sanamyadii ku burburiyo faashkii uu sitay, illaahyadii goobtaa lagu caabudi jirayna waxay isku rogayn qurubyo yar yar oo dhagaxaan ah iyo foliidho yar yar oo looxan ah .
Ku dayashada ayaa waydaarisay wixii ay fikir iyo garasho la haayeen manay waydiin nafahooga hadii ay waxani illaahyo yihiin sidee ayay u dhaceen waxan ku dhaca kuwa kale ee waxba iskaga celin wayeen, waa kaa kii weynaayee sidee ayuu kuwa kale waxba uga celin wayay, waxay yidhaadeen yaa sedan u galay illaahyadii? Kaasi waxa uu ka mid yahay kuwa daalimiinta ahee, waxana la sheegay in ay dadku maqlayeen ibraahim in uu diiday aabihii iyo sanamyadan la caabudayaba oo uu balan ku qaaday in uu baabin doono marka ay ka tagaan !
Waxay u yimaadeen Ibraahim (CS) dadkiina way ku soo aruureen waxayna weydiiyeen:- ibraahimow ma adiga ayaa sidan u galay illaahyadii, ibraahim waxa uu ugu jawaabay waxa sidaa u galay ka ugu weyn bal weydiiya hadii ay hadlayaan, waana ku takrifal cadaan ah jawaabtan ku dheel-dheelka ah, mana aha in la yidhaado ibraahim been ayuu sheegay, jawaabta ku dheel-dheelkuna waxay ku noqotay mid gelisa ka fikir iyo dib u noqosho "Waxay dib ugu noqdeen nafahoogi waxayna yidhaadeen idinku waxaad tihiin dalimiin (64)" Suratul anbiyaa .
Fikirkan iyo dib u noqoshadani waxay keentay in ay dareeman in ay ku sugnaayeen marxalad liidata sanamyadan ay caabudayeena ay ahayn dulmi, markii ugu horeysana waxa u furantay garashada arintiina way rog rogeen laakiin waxay ahayd talaabo kaliya "Waxay hoos u rogeen madaxoogi waxana ay ogaadeen waxanu in uuna ahayn wax hadalaya (65)" Anbiyaa .
Runtiina markii ugu horaysa nafahooga ayay dib ugu noqdeen markii labaadna madaxa ayay foorariyeen sida ka muuqata macnaha quraanka, marka hore naftoodu waxay samaysay in ay waxyaabahan u fiirsadan mar labaadkiina waxa uu inqilaab ku dhacay kuwii aan caqliga iyo fikirta toona lahayn oo waxay yidhaadeen ibraahim waaka ina xujeeyay wixiina hadli waayeen ee maxaynu naguna ibraahim ku xujaynaa, waxa uu ku yidhi ibraahim "Ma waxa aad caabudaysan inta illaahay ka so kaysa wax aan waxna idiintarayn waxna idin yeelayn (66) waxna la soo dhowaysta toona maaha idinka iyo waxan aad caabudaysaan" Anbiyaa .
Sidii Illaahay (SW) Nabi Ibraahim uga badbaadiyay Dabkii
Dhacdadan… waxa bilaabmatay in ay u diyaar garoobaan in ay gubaan nabi ibraahim (CS) warkaasina waxa uu ku fuday boqortooyada oo dhan, dadku waxay isaga yimaadan miyi iyo magaalo, buur iyo banaan, si ay goob-joog uga ahaadaan ciqaabta ninkan burburiyay illaahyadoodi sanamyada ahaa kunan dheel-dheelaya Kuhaanadoodi .
Waxay qodeen god-weyn waxayna ka buuxiyeen xaabo iyo xansan iyo dhagaxaan waxayna ku huriyeen dab waxayna soo qaateen Mijiniiq oo ah aalad awood u leh in ay ibraahim ku dhex tuurto dabka, ibraahim ayay ku xidheen Mijiniiqi, godkii ay dabeeyeen ololkii ayaa kirka isku shareeray, dadkuna way ka fogaayeen godka kuleelka dartii, Kuhaankii ugu weynaa ayaan amar ku bixiyay in ibraahim lagu tuuro dabka .
Waxa u yimi Malaku Jibriil oo madaxa iska soo taagay ibraahim waxana uu weydiiyay ibraahinow wax miyaad iiga baahan tahay, ibraahim waxa uu ku yidhi adiga miyaa maya, Mijiniiqi ayaa lagu sii daayay si uu ibraahim ugu dhex tuuro dabka, dabku wuu ka holcayay halkiisi, laakiin dabkii muu qaban dantii laga lahaa oo ay ahay in uu gubo naba ibraahim, illaahay (SW) ayaana dabkii amar ku siiyay in uu ahaado "Qabow iyo nabadgelyo ibraahim u sugnaatay" ibraahim waxa uu fadhiistay bartankeeda si wixii u dhex fadhiyo beer waxana uu ku tasbiixsanayay mahadnaqa rabigii qalbigiisana kamay banaaneen meel ay ka gasho cabsi iyo argagax kale, qalbigiisa waxa ka buuxay jacalka illaahay oo kaliya .
Waxa soo fadhiisatay kuhaankii amarka bixiyay dadkoo meel fog ka soo eegaya, dabka kuleelka dabkuna waxa uu gaadhay heer ay gaaladii u maleeyeen in ayna weligay bakhtiyeen, markii denbe uu bakhtiyay ayay arkeen ibraahim oo caafimaad qaba kana soo baxaya wajigiisana nuur ka widh-widhayo maryihiisuna ayana guban, manuu lahayn raadkii qiiqa iyo gubashada, ibraahim waxa uu uga soo baxay sidii wax uu beer ka soo baxay, waxa kale oo gargaaray baroortii u qaadan waagi kufaarta waana ay ku qasaareen, "Waxay la dooneen khiyaamo waxana aanu ka yeelnay kuwa khasaaray (70)" Suuratul Anbiyaa .
Quraanku inagamuu waramin ibraahim markii u burburiyay sanamyada da’diisu inta ay ahayd kamanuu warami sannadkii lagu amray in uu risaalad fuliyo, laakiin waxa quraanka ku cad ibraahim in uu ahaa nin shabaab ah markii uu arintaa sameeyay .
Iska hor imaatankii nabi ibraahim iyo kuwii boqorada caabudayay .
Wakhtigii uu illaahay (SW) uu doortay nabi ibraahim quraanku muu-xadidin ta labaad ma karno in aynu ka bixino jawaab sugan laakiin ibraahim waxa uu watay xujooyin uu ku gaciyay kuwii caabudayay sanamyada iyo kuwii caabudayay xidigaha si dhamays-tiran waxa soo hadhay kuwii caabudayay boqorada taasina waxay noqoto in ay xuju ku noqoto gaalada .
Ibraahim waxa uu u tagay boqor ka mid ah kuwii wakhtigiisi noola quraanka illaahay (SW) nagumuu sheegi magaciisi qiimo la’aantiisa dartee, laakiin waxa lagu tilmaamay in uu ahaa Namruud waa boqorkii araamiinta ee reer iraq, boqorka iyo ibraahim waxa dhex martay dood dheer quraankuna waxa uu inooga waramay xujadii ugu horeysay ee nabi ibraahim uu hor dhigay boqorka xadgudubsan in ay ahayd "Rabigay waa ka I nooleyay waana ka nafta iga qaadi doona" boqorkii waxa uu yidhi anigu waxna waan noolayn karaa waxna waan dili karaa, waxana karaa in aan u yeedho nin wadada iska maraya oo aan dilo waxana karaa in aan iska cafiyo nin lagu xukumay dil oo natiijadiisu ahayd dhimasho, sidaa dartee waxa aan awood u leeyahay in aan waxna dilo waxna nooleyo .
Ibraahim waxa uu kula dooday boqorkii mar hadii boqorkii isku tuhmay in uu karo in uu waxna dilo waxna nooleeyo, ibraahim waxa uu ku yidhi mid aanu isku dayi karayn oo ah "Illaahay waa ka cadceeda ka keena beri ee galbeed ka soo saara" markii uu maqlay boqorkii wuu aamusay waxana ay ku dhamaatay in uu dareemo boqorki in uu ka jawaabo waxan uu isku dayay in uu nabi ibraahim ku sheego beenale, ibraahim waxa u sugnaatay in uu boqorku beenale yahay aduunyaduna waxay leedahay nidaam iyo qowaamiin ay ku socoto, qawaamiinta illaahay (SW) u sameeyay aduunkana qof illaahay abuuray ma karo in uu xukumo, hadii ay dhab tahay sheegashada boqorka ee illaahnimadu waxa uu badali lahaa nidaamka koomka iyo qawaamiintiisa laakiin waxa uu dareemay in uuna karayn waana uu garan wayay wax alle wuxuu yidhaa .
Hijradii Nabi Ibraahim (CS )
Waxa meel kasta ka dhacday caan-nimadii ibraahim boqortooyada oo dhan dadka ayaana ku sheekaysta mucjisooyinkiisi iyo sidii uu uga badbaaday dabkii waxa kale oo ay ku sheegayteen mawqifkii uu iska taagay boqorkii sida uu u baabiyay boqorkaa garan wayay waxa alle wuxuu yidhaa, ibraahim wuu sii wada dacwadii waxana uu sameeyay dadaal badan si ay qoomkiisi u hanuunaan waxan uu isku dayay in uu ku qanciyo dariiqa kasta, markii uu yaraaday jacalkii uu u qabay iyaga (qoomkiisa) ayuu ka cadhooday kana hijiraaday, nabi ibraahim (CS) waxa rumeeyay oo kaliya nin iyo gabadh qoomkiisa ka mid ah, gabadhu waxay ahayd Saara oo markii denbena noqotay xaaskiisi iyo Luud oo isaguna noqday nabi ka denbeeyay .
Hadaba markii uu gartay in aanu qofna rumaynay ayuu go’aansaday in uu ka haajiro ka hore intaanu haajirin ayuu waalidkii ugu yeedhay imaanka ka dibna waxa u cadaatay waalidkii in uu yahay cadow illaahay oo aanu lahayn iimaan, waxana uu yidhi beri ayaan ka ahayn cilaaqaadkiisina wuu jaray .
Mar labaad qisaska anbiyadu waxa uu leeyahay lama filaan qisadii Nabi Nuux (CS) aabuhu nabi ayuu ahaa inankuna gaal, Qisadan Nabi Ibraahim (CS) aabuhu waa gaal inankuna waa nabi, hadaba labadan qiso waxaynu ka aragnaa sida muuminku ugu dhawaaqay in uu bari ka yahay cadowga illaahay in kastuu inankiisi yahay ama aabihiiba, illaahayna (SW) waxa uu ina fahansiinayaa inta aynu ku jirno qisadan cilaaqadka kaliya ee waajibka tahay in ay ku taagnaato isku xidhnaanta dadku in ay tahay cilaaqadka iimaanka ee ayna ahayn ta dhiiga iyo wada dhalashada .
Ibraahim waxa uu ka soo baxay dulkiisi waxana uu bilaabay hijradii waxana uu u safray magaalo la yidhaa Arwa iyo Xaaran waxana uu u socdaal ilaa iyo Falastiin waxana la socotay gabadhiisi, Falastiin ka dib waxa uu tagay Masar, wakhtiga uu ku jiray socdaaladan oo dhan dadka waxa uu ugu yeedhayay jidka illaahay (SW) waxana uu u dagaalamayay dartii waxana u adeegayay dadka taagta daran iyo faqarada waxana uu dhex-dhaxaadinayay dadka, waxana uu ku hadeynayay xaqa .
Waxa jira qisas kale oo ka waramaya ibraahim iyo gabadhiisi mowqifka ay ka gaadheen boqorkii masar oo ah….
Boqorka masar waxa soo gaadhay warar odhanaya masar waxa yimi nin ay la socoto gabadhii aduunyada ugu quruxda badnayn waana uu damaaciyay, waxana uu u diray ciidankisii si ay ugu keenaan waxana uu ku amray in ay waydiiyaan ninka la socda hadii uu ninkeedi uu noqdo ay dilaan, Nabi ibraahim (CS) ayuu illaahay (SW) u soo waxyooday waxana uu ku yidhi nabi ibraahim gabadhiisi hadii ay aniga I kaa waydiiya waxa aad ku tidhaahdaa waa walaalkay, macnaha in ay ku walaaloobeen illaahay dartii .
Hadaba aynu ku noqoto kalmadii ahayd waxa sidan yeelay kooga u weyn ee waydiiya iyo tan ah waa walaashay mid waliba waxay wadataa tafsiir gaar ah iyadoo taasi jirto illaahay waxa uu aad ugu cabsanayay xisaabtiisa kalmadahan maalinta qiyaamaha, marka dadka qiyaamaha la soo saaro lana xisaabinayo nabi ibraahim (CS) waxa uu odhanayaa anigu rabigay sadex jeer ayaan been u sheegay, imikana waxanu arkaynaa in ay dadku umada hortooda been ka sheegan iyagoo ka xishoonay kana cabsanayn illaahi abuuray .
Saara markii ay ogaatay in boqorka masar uu yahay qof xun iyadana uu doonayo waxay go’aansatay in ay illaahay (SW) barido waxayna tidhi "Allahayow adigu waad ogtahay in aan adiga ku rumeeyay iyo rasuulkaaga oo aan iska ilaaliyay xumaanta illaahayow ha igu salidin gaalkaa"
Markii ay u soo galeen ayuu boqorkii gacantiisa ku fidiyay si uu u taabto wuu fashilmay gacantiina waxay ku engegtay halkeedi, waxa uu bilaabay boqorkii in uu aad u qayliyo markii ay gacantii dhaqdhaqaa yeelan wayday waxana u yimi kuwo noocisa ah laakiin way kari waayeen in ay wax u taraan, Saara waxay ka cabsatay in ay nafteeda u dilaan waayna tidhi "Rabiyow iga gaxee yaanay I dilinee" illaahayna (SW) waa uu ka caqbalay .
Boqorkii muu tooban keenin waxna kumuu qaadan waxana uu u malayeeyay dhacdo laga soo gudbay wuu tagay waxana uu soo weeraray mar labaad mar labadkiiina wuu ku fashilmay waxana uu ku yidhi ii ducee illaahay (SW) ayay u bariday waana laga caqbalay, mar sadexaad ayuu hadana sidii yeelay markaa denbena wuu ku fashilmay waxana uu ku yidh hanada ii ducee waan iska kaa siidaynayaaye, hadana illaahay (SW) ayay u bariday illaahayna wuu ka caqbalay .
Boqorkii waxa uu u dhawaaqay kuwii noocisa ahaa waana uu ku yidhi iga fogeeya gabadhan qof iimaad keenine shaydaamad ayaad ii keenteene
boqorkii wuu sii dayay waxana uu siiyay shay dahab ah waxa kale oo uu siiyay adoomada magaceeda la yidhaado Haajira, qisadani waa caan markii Nabi Ibraahim (CS) soo galay masar qisadanina ku dhacday ee boqorku ka damaciyay gabadhiisi Saara, qisadununa ay dhex martay boqorkii iyo Saara .
Gabadha Nabi ibraahim ee Saara waxay ahayd mid aan wax ubad ah u dhalin, boqorka masarna waxa uu siiyay dahab iyo gabadh reer masar ah si ay ugu adeegto, Ibraahimna waxa uu noqday nin da'ay madaxuna cadaaday wakhtigaa dheerna waxa uu ku jiray dacwada illaahay (SW), Saari waxa ay ka fikirtay in iyada iyo ibraahim ay yihiin kali wax ubad ahna ayna lahayn waxayna jeclaaday gabadha reer masar ee loo soo siiyay in ay u shaqayso uu guursado, gabadhu waa Haajira, ibraahimna wuu guursaday waxayna u dhashay ilmihii ugu horeyay waxana loo bixiyay Ismacil .
Nabi Ibraahim (CS) waxa uu ahaa markii uu dhalay ismaacil nin da'ah, mana garanayno masaafada uu u maray dacwada illaahay (SW) waxana uu ahaa inta badan mid ku jira safar illaahay dartii ah, hadii uu degan yahay maqaamka gurigiisa iyo hadii uu qaado talaabo kale oo socdaal ahba .
Nabi Ibraahim waxa uu u socdaalay illaahay dartii waxana uu ogaa aduunyada inta lagu nool yahay in ay tahay ayaamo ka dibna ay xaqu imanayo suurna al afuufayo qiyaamuna dhacayo dadka qubuurahana la soo saari doono .
Soo noolaynta dadka dhintay
Nabad iyo Jacayl uu u qabo maalinta Qiyaamaha ayaa buuxusay qalbiga ibraahim, waxana uu doonay in uu arko sida uu illaahay (SW) u soo nooleeyo dadka dhintay sida ku sugan quraanka "Markii uu yidhi ibraahim rabiyow I tus sida aad u noolayso dadka dhinta waxa lagu yidhi miyaanad I rumayn waxa uu yidhi haa laakiin si qalbigaygu ugu dego "
Ahaan maayo kalgacalka deganaashaha qalbiga ee iimaanka wata wax aan ahayn darajo jacalyka illaahay (SW) "Waxa illaahay ku yidhi soo qobo afar shinbirood qurub qurubna u goo qayb kastana buur ka tuur ka dibna u yeedh way ku iman iyagoo ordaya, waxa aad ogaata in illaahay yahay mid cisi iyo xigmad leh "
Nabi Ibraahim (CS) waxa uu fuliyay amarkaa illaahay (SW) waxana uu soo qabtay afar shinbirood qurub qurubna ayuu u jaray, qurub kastana waxa uu ka tuuray buur intaa ka bacdina wuu u yeedhay baalashii waxa ay doonteen garbahoodi, madaxiina waxa uu doontay laabtiisi qurub kastana halkiisi ayuu doontay ilaa ay shinbirihii nooladeen una yimadeen .
Nabi Ibraahim oo la socdaalay Haajira iyo Ismacil waadiga Maka
Ibraahim ayaa toosay maalin waxa uu amray xaaskiisi haajira in ay soo qaadato inankeena ismacil una diyaar garowdo safar dheer maalmo ka dib ayuu bilaabmay safarkii, gabadhiisa haajira oo wadata inankeedi ismaaciil, inanka yarina uu naaska jaqayay ka dibna naaskii lama jaqsiin, ibraahim waxa uu marayay dhul beero ah ka dibna waxa uu soo galay saxare hadana waxa uu galay buuralay ilaa uu soo galay saxaraha jasiirada carabta waxana uu ku soo hagaagay waadi aan lahayn beero iyo timir geedho iyo cunto iyo biyo midna aan lahayn, halkaas oo ahayd meel aan lagu noolan Karin ibraahim waxa uu soo gaadhay waadigi waxana uu ka soo tagay daabadiisi waxana uu soo dejiyay gabadhii iyo inankiisi halkaas ayuuna kaga tagay, waxana uu uga tagay in yar oo cunta ah iyo in yar oo biyo ah ka dibna wuu ka tagay .
Way ka daba carartay gabadhii ibraahim iyadoo leh ibraahimow halkee ayaad tagaysaa ma waxa aad nagaga tagaysaa meeshan aan waxba oolin, ibraahim waxa uu jawaabay hadhku wuu soconayaa waxay ka ku celisay hadlakii markii hore mar labaadkii waxay fahantay in aanu go'aankani ahayn mid naftiisa ah laakiin uu yahay amar illaahay (SW) waxayna waydisay ibraahim in illaahay (SW) sidaa amray ibraahim waxa uu yidhi haa, waxay tidhi gabadhaa muuminada ah dayacmi mayno mar hadii illaahay sidaa ku amray .
Intaa ka dib ibraahim wuu socodkiisi ilaa ay buuri kala qarisay labadiisi gacmood ee karamaysnaa ayuu samada u taagay waxana uu baryay illaahay (SW) "Rabiyow anigu waxa aan ku suganahay iyo duruyadayduba tog aan lahayn beer beedkaaga muxaramka ah agtiisa "
Wakhtigaa muu jirin beedka illaahay (SW) waxana la dhisay mar denbe manay jirin kabcadu iyana waa la dhisay halkan waxa taalay xigmad wayn oo ah tasarufaad xeel dheer, Ismaaciil waxa uu ahaa wiil kan yare ee hooyadii lagaga tagay isla goobtan inankaa yari waa ka noqon doona masuulka waalidkiina la dhisi doona kabcada, xigmada illaahay (SW) waxa ay fulisay in meesha ay ku sugnaato deganaasho lagana taago beedka illaahay (SW) ee dhamaanteen salaada xagiisa aanu ula jeesano .
Nabi Ibraahim (CS) waxa uu kaga tagay gabadhiisi iyo wiilkiisi yaraa ee naaska jaqayay saxaraha waana uu soo noqday gabadhiisi iyadoo wiilkii yaraa naaska nuujinaysa ayay dareentay haraad cadceeduna waxay ahayd mid kulul biyihii yaraa ee ay haysatayna laba maalmood ka dib ayay ka dhamaadeen canihiina ka engageen, haajira waxay dareentay in wiilkeeda yari ooman yahay iyadoo wakhtiga cuntadiina ay ka dhamaatay, waxa bilaabmatay xaalad qalafsan .
Biyaha Samsamka
Ismaacil waxa uu bilaabay in uu haraad la ooyo hooyadiina way ka tagtay iyadoo biyo u soo deydayaysa wayna soo noqotay iyadoo deg degsan waxayna soo gaadhay buurta Safa way ka noqotay iyadoo baadhaysa ceel biyo ah ama dad socota ah halkaan waxba may jirin si deg deg ah ayay uga soo degtay safa ilaa ay soo gaadhay waadigi wayna socotay socod qof aad u dadaalaya waxay ka gudubtay waadigi waxay gaadhay buurta Marwa wayna istaagtay waxayna eegtay hareera si ay cid u aragto laakiin cid may arag waxayna hadana ku soo noqotay inankeedi ismaacil waxayna hadana aragtay isagoo ooyaya oonkiina ku sii adkaaday waxayna u carartay dhinaca safa waana ay istaagtay hadana waxay u carartay dhinaca marwa wayna ay istaagtay wayna carartay totoba jeer iyadoo marna tagaysa marna soo socotan una dhexaysa labada buurod ee Safa iyo Marwa totoba goor ayay marna tagtay marna soo noqotay, sidaas ayayna xujaastu totoba goor marna u tagaan marna u soo noqdaan inta u dhaxaysa Safa iyo Marwa si loo nooleeyo xusuusta hooyadii koowad iyo Nabigii waynaa ee ismaaciil .
Way noqotay haajiri totoba jeer ka dib iyadoo daalan waxa ay agfadhiisatay wiilkeedi ismaacil oo haraad la ooyaya hadaba daqiiqadahan quusta ah ayay haleeshay raxmadii illaahay (SW) ismaacil ayaa ku garaacay lugihiisa dhulka isagoo ooyaya waxana ka soo booday lugihiisa hoostiisa ceelka Samsam waxana kor u soo kacay noloshii ismacil iyo hooyadii, intaa ka dib illaahay (SW) ayay u mahadnaqday ilmihiina way waraabisay, waxana bilaabmatay nolol lagu degay goobtaa, waxana rumoobay hadalkeedi markii ay lahayd dayacmi mayno mar hadii illaahay lanaga tagay .
Waxa bilaabmatay in ay safaradu degaan halkaa oo ay ka dhaansadaan biyaha, waxa kale oo bilaabmatay in goobtii la dego deegaankuna balaadho .
Amarkii gowricida Nabi Ismaaciil
Waxay waynaadya ismaaciil waxana ku xidhmay qalbiga ibraahim ismaacil, waxa uu dhashay mar uu waynaaday wanaa uu jeclaaday illaahay (SW) waa uu ibtixaamay jacalkaa dartii waxana uu riyo ibraahim ku arkay isagoo gowracaya inankiisa kaliya ee ismaacil, ibraahimna waxa uu ogaa riyada anbiyadu in ay tahay wax yi .
Eeg sida uu u dooranayo Illaahay (SW) adoomadiisa, rajee nooc kasta oo ka mid ah noocyada doorashada inagu waxaynu horjoogna nabi qalbigiisu ugu raxmad badan yahay qalbiyada dhulka ku sugan oo ay ka balaadhisay qalbigiisa jacaylka illaahay (SW) iyo jacaylka waxa la abuuray, waxa uu dhalay inankiisa ismaacil isagoo waynaaday waxana uu damcay isagoo da'ah oo rajo qabin in uu ubad dhalo, waxana uu riyo ku arkay isagoo qowracaya inankiisi kaliya ee uu lahaa, nooc kasta oo ka mid ah hirdanka waxa uu la galay naftiisa, waana uu khaldan yahay ka u malaynaya hirdanku in aanu korin waligii oo aanu noqon balaayo wayn .
Hadaba mawqifkan ka madhan hirdanka ee dexmaray Nabi Ibraahim (CS) iyo naftiisa kagana tagay raadka iyo caadifada, ibraahim muu is waydiin sababta ka denbaysa qawricida inankiisa ismaacil, ibraahimna illaahay ma waydiiyo amarkiisa, ibraahim waxa uu ka fikiray inankiisa ismaacil muxuu odhan doona marka aad dhulka jiifiso ee aad gawracayso? Ma waxa ka wanaagsan in aad ku tidhaado sidan ayaa ka wanaagsan qalbigiisa una fududaynaysa in uu inta uu soo qabto xoog ku qawraco sidaas ayaana ka fiicanatay arintiina ay ku dhamaatay .
Nabi Ibraahim (CS) waxa uu u tagay inankiisi ismaacil waxana uu ku yidhi "Inankaygiyow manaan ayaan ku arkay aniga oo ku gowracaya" eeg maxaad aragtay waxa uu eegay aabihii sida uu u gaarsiyay inankiisa wuu ka tagay amarkii si uu inanku u fahmo cadeecid, amarku waxa uu ahaa aragtida ibraahim oo ahaa waxyi kaga yimi dhinaca rabi sidee ayuu hadaba u arkayaa inan wanaagsani arinkaa ?
Waxa uu ku jawaabay ismaacil aabo arinkaa hore u fuli "Abaabo fal waxa lagu amray waxa aad iga heli doontaa hadii alle yidhaado in aanu noqdo kuwa samra" waxa uu rajaynayay jawaabta inanka qofka garanaya in la gowracayo oo u muuqato amar illaahay oo doonistiisa soo hor dhigaya si uu walidkii u dejiyo waa samir xaalku nooc kasta ha ahaadee, lagana yaaba in uu jeclaystay inanku isagoo lagu gowracay amar xaga illaahay ah waxana kala cadanaysa jacaylka ibraahim ee illaahay iyo inankiisa mana garanayno dareenka nafta ibraahim markii uu isku dhiibay inankiisi saabirka ahaa .
Waa ismacil oo dhulka jiifa wajigana dhulka ku haya si aanu u arag naftiisu in uu gowracayo isla markaana ibraahim waxa uu dul hayay mididii uu ku gowricilahaa oo uu gacanta ku hayo isagoo marka illaahay (SW) fulinaya, quraanku waxa uu ku tilmaamay tacbiirtan islaanimo dhab ah isla markaa ay mididina ku socotay fulinta amarka illaahay (SW ).
Illaahay (SW) waxa uu u dhawaaqay ibraahim illaahay baana furtay ismacil, imtixaankina wuu ka dhamaaday ibraahim, maalintaasi waxay noqotay ciida islaamka ciid lagu xusayo islaanimada dhabta ah ee ibraahim iyo ismacil, ibraahim illaahay (SW ).
Wayna socota qisadii Nabi ibraahim waxana uu ka tagay inankiisi ismacil waxana uu soo maray dhul badan kaligii maalmo ayaana ka soo wareegay ibraahim waxa uu ka tagay dhulka Al Kaldaaniyiin waxana uu ka gudbay Urdun waxana uu dagay dhulka Kancaan, ibraahim wuu ilaabin intii uu dhacwada ku jiray in uu waraysto Nabi Luud iyo qoomkiisi oo ahaa qofkii ugu horeyay ee rumeeyay, illaahay (SW) ayaana doortay qoom casiyiin ah oo xun in uu nabi ka soo saaro .
Markii Loogu Bishaareeyay isaxaaq
Ibraahim oo fadhiya kaligii daqiiqad kaliya waxa dhulka u soo degay sadex malag Jibriil, Israafil iyo Mikaa'il iyagoo u eeg dadka aadna u qurux badan, way soo socdeen iyagoo aamusan waxayna u yimadeen ibraahim waana ay u bishaareeyeen, ibraahim waxa uu u tagay qoomkii luud waxana u sameeyay sharci lagu qaado cidii denbi gasha, malaa'igtii way socdeen mid ka mid ah ayaan ibraahim u dhiibay shay, ibraahim markii uu wajigoogi eegay wuu garan wayay iyagoo ku bilaabay salaan isna uu salaamay, ibraahim wuu soo kacay wuuna soo dhoweeyay waxana uu geeyay gurigiisa isagoo moodaya in ay yihiin marti qariib ah wayna fadhiisteen, ibraahim wuu baxay waxa toostay iyana gabadhiisi Saara oo ahayd gabadh aad u da-wayntaaday oo madaxeedu cadaaday ibraahim waxa uu ku yidhi gabadhiisi waxa ina soo booqday sadex nin oo socota ah waxayna waydiisay sida ay yihiin waxa uu yidhi midna kama garanayo cid kalena ma garanayso shakina kuma jiro in ay meel fog ka yimaadeen laakiin dharkooga kama muuqato in ay safar soo galeen ee wax la cuno maxaad inoo haysay ?
Waxay tidhi waxa aan ahaa neef adhi ah badhkii waxana uu yidhi iska dhaaf oo dibi gowrac una shiil waa marti waxay rartaana ma haystaan waxana laga yaaba in ay fagoro ahaayeen .
Ibraahim waxa uu doortay dibi waxana uu amray in la gowraco waxana uu ku bilaabay magaca illaahay waana uu gowracay waxana la bilaabay sidii dibiga loo shiili lahaa waxana la soo diyaariyay cuntadii ibraahim waxa uu u geeyay martidii ibraahim ayaa inta uu hor dhigay gacanta geliyay isagoo ku dhiiri gelinaya in ay cunaan, ibraahim waxa uu ahaa nin aad u karaamo badan waxana uu haystay dibigaa oo kaliya sadexdan martida ahna waxaba ku filnaa ama ka badnaa neefkii adhiga ahaa badhkii, ibraahim wuu dhaqaaqay waxana uu arkay in aanu midkoodna waxba cunayn waxana uu u soo dhoweeyay cuntadii isagoo leh waar maxaad u cuni waydeen ka dib hadana wuu eegay waxa uu arkay iyagoo waxba cunayn .
Dhaqanka dadka reer baadiyaha ah wakhtigaa waxa uu ahaa in aan martidu waxba la cunin qofka guriga leh iyagoo ka baqaya sharka qofka guriga leh .
Ibraahim iyo naftiisiba waxa la yaab ku noqotay nimankaan waxba cuni la waxayna ugu soo galeen si lama filaan ah waxana uu arkay iyagoo madaxiisa taagan manay wadanin wax gaadiid ah wajigooguna waxa uu ahaa mid la yaab leh waxayna ahaayeen socoto manay lahayn boodh iyo calaamadihii safarka ka dibna waxa uu ugu yeedhay cunto si ay ula cunaan waxana ku korodhay cabsi .
Malaa'igtu waxay akhriyaysay afkaarta ku dhex wareegaysa nafta ibraahim mid ka mid ah malaa'igta ayaa ku yidhi ha cabsanin ibraahim waxa uu ugu jawaabay si dhab ah isagoo leh gartay in aan cabsanayo waxana idin keenay cunto waana idin soo dhoweeyay laakiin gacantiina maydaan gelin ma sharbaa iga fisheen? Waxa dhoolo cadeeyay mid ka mid ah mala'igtii isagoo leh anagu ibraahimow waxba ma cuno anagu waxanu nahay malaa'ig illaahay (SW) waxana naloo soo diray qoomka luud waxa kacday gabadhii ibraahim oo goorahaba la socotay doodan ninkeeda iyo malaa'igta dhex martay wayna qoshoshay waxayna eegtay mid ka mid ah malaa'igta waxana ugu bishaareeyay Isaxaaq way aamustay iyadoo la yaaban waxay tidhi "Waxay tidhi hoogaygee ma waxan dhalayaa aniga oo gaboobay ninkayguna gaboobay taasi waa arin la yaab leh" [Suuratul Huud-12 ]
Waxa soo noqday mid malaa'igta ka mid ah oo ku yidhi "Waxa ka denbaynaya isaxaaq iyo yacquub" waxa galay dareen layaab leh qalbiga ibraahim iyo gabadhiisaba, ibraahim waxa ka bacay cabsidii waxana galay qalbiga ibraahim farxad iyo layaab isku jira, ibraahim gabadhiisu waxay ahayd gabadh gaboowday oo tukubaysa laakiin waxa gelgelishay ruuxdeena bishaaradii malaa'igta waxana ay is waydiiyeen wadaadan gaboowday iyo odaygan ibraahim sidee ayay ubad u dhalayaan "Ma waxaad igu bishaaraynaysaan aniga oo gabow I taabtay" [Suuratul al Xajar-54] ma waxa uu doonayaa in uu maqlo bishaarada mar labaad? Mise waxa u doonayaa in uu qalbigiisu ku nagaado bixinta illaahay ku manaystay? Mise naftiisa waxa ku jiray dareen bila'aadam si uu ugu helo kalsooni ?
Waxa uu la gariiray laba jeer farxad malaa'igta ayaa ku adkaysay in ay si dhab ah ugu bishaareeyeen "Waxay yidhaadeen waxanu kugu bishaaraynay xaq ee haka mid noqon kuwa quusta" [Suuratul al xajar 55] "Ma jiro qof ka quusta raxmada illaahay kuwa halowsan mooyane" [Suuratul al xajar 56 ]
Malaa'igtu may fahansiin dareen bashar isna wuu diiday in uu noqdo kuwa quusta ah waxana uu fahansiyay in aanu ahayn mid raxmada illaahay (SW) ka quustay, bishaarayntaasina kumay ahayn nabi ibraahim (CS) iyo gabadhiisia shay sahlan manuu ahayn ibraahim mid leh inamo aan ismacil ahayn, waxana uu kaga yimi ismacil jaziirada carabta, saara may ahayn mid mudada badan ee wada joogayn mid u dhashay ubad iyadana u guurisay haajira, haajira waxay dhashay ismacil laakiin saara ubad may lahayn .
Maalmo badan ayaa ka soo wareegay waxana ay odhan jirtay waa amar illaahay sidaas ayuuna illaahay la damcay iyadoo gabowday oo aakhiru cimri ah ayay la kulantay bishaaradan "Waxaad dhalaysaa inan" intaas oo kaliya maaha ee waxa u bishaaraysay malaa'ig uguna bishaaraysay in inankeedu noqon doono mid sida ay u og tahay dhalashadiisa u ogaan doonto noloshiisa, in badan ayay samirtay ka dibna way ilowday ka dibna waxa timid abaal marintii illaahay (SW) si lama filaan ah oo ka masaxday waxaas oo dhan ilbidhicsi kaliya ilma ayaa ka soo dadatay indhaheeda iyadoo taagan ibraahimna waxa uu dareemay dareen qiiro leh iyo raxmad, ibraahim waxa uu dareemay in uu helay nimco aanu garanayn sida uu u gudan lahaa mahadnaqa illaahay (SW) xaqa ugu leeyahay, ibraahimna illaahay (SW) ayuu u sujuuday, amarkaasina sidaas ayuu ku dhamaaday ibraahim oo ku sugan dad-nimadii ee illaahay (SW) geliyay, ibraahim markii uu ka soo toosay sujuudi ayay ka tagtay cabsidii waxana dagay qalbigiisi, waxana xusuustay in malaa'igta loo soo diray qoomkii luud, luudna waxa dhalay walaalkii Naasix oo deganaa meel ku dhow .
Ibraahim muu garanayn macnaha loo soo diray malaa'igta looguna diray qoomka luud iyo cadaabta ku dhacaysay, dabeecada ibraahim waxay ahayd raxmad iyo kalgacal kumanay ahayn cidhiidhi halaaga qoom, ibraahim waxa uu bilaabay in uu la dodo malaa'igta arinka qoomka luud waxana uu uga waramay sida ay iimanka u qaateen markii denbena ugu noqdeen xumaantii waxana uu fahansiiyay malaa'igtii in ay yihiin qoom mujrimin ah muhiimadooduna ay tahay in dhusha lagaga soo tuuro dhagaxaan iyo dhoobo naar ah oo xaga rabi laga keenay .
Nabi ibraahim (CS) wuu ka soo noqday isagoo ku waramaya kuwa muuminiin ahaa ayuu ku yidhi malaa'igtu waxay yidhaadeen anagu waanu og nahaya cida muumininta ah ee ku dhex jirta qoomkaa waxayna fahmeen in illaahay (SW) arintan amar ku bixiyay oo la fulinayo amarkii illaahay oo ahaa in la halaago qoomkan, ibraahimna u uu malaa'igta la dooday laakiin amarkii illaahay (SW) ayay malaa'igtu fulinaysay qoomkii luudna sidaas ayaa loo halaagay doodi ibraahimna kamay celin cadaabtii qoomkii luud, ibraahim wuu ka aamusay malaaigtii malaa'igtiina waxay u kaceen dhinicii qoomkii luud .
Dhis-mihii Kacbada
Illaahay (SW) waxa uu yidhi "Markaan u sheegnay ibraahim meesha laga dhigayo kabcada iyo in aanu cibaada illaahay cidna aanu u shariik-yeelin una gargaaro xajka kuwa dawaafaya kuwa jooga kuwa rukuucsan iyo kuwa sujuudsan (27) dadka uga yeedh xajka way ku iman rag iyo dumarbee iyagoo ka imanaya meel kastoo fog" Suratul Xaj 26-27 ]
Illaahay (SW) ayaa ku amray Nabi Ibraahim in uu dhiso xajka (beedka illaahay) illaahay baana tusay halka laga dhigayo xajka, waxana la yidhi waxa tusay Malakul Jabriil, ibraahim waxa uu tagay Maka waxa uu helay ismacil oo jooga ceelka samsamka agtiisa waxana uu ku yidhi ismacilow illaahay baa I amray in aan dhiso masjid, ismacil waxa uu ugu jawaabay samee wixii illaahay ku amray ibraahim waxa uu yidhi mar labaad adigana waxa lagugu amray in aad iga caawiso dhisidiisa, ismacil waxa uu yidhi hadaa waan kaa caawin .
Ibraahim waxa uu u kacay xagii masjidka laga dhisi lahaa waxana uu bilaabay dhismihii inankisi ismacilna waxa uu u soo gurayay dhagaxa, mar kasta oo uu saf dhameeyana wuxuu bilaabay safka ka sareeya ilaa uu dhamaaday masjidkii, ibrahim waxa uu ku taagnaa dhagax uu u dhigay ismacil su uu kor ugu dheerado .
Illaahay (SW) waxa uu yidhi "Markii kor ibraahim u qaaday masjidkii waxa uu yidhi illaahayow naga aqbal adiga ayaa na maqlay oo na ogee (127) rabiyow naga yeel muslimiintada tafiirtaydana ka dhig umad islaam ah natusna halka aad na dejinayso toobadana naga caqbal adiga ayaa toobada caqbala oo naxariis badan (128) Rabiyow ka soo dhex saar rasuul ka mid ah iyaga oo u akhriya ayaadkaaga oo bara kitaabka iyo xigmada daahiriyana adigu waxa aad tagay mid cisi leh oo xigmad badan(129)" [Suratul Baqra ]
Nabi Ibraahim (CS) waxa uu dhisay masjidkii ugu sharafta badnaa isagoo ka dhisay goobtii ugu sharafta badnayd tog aan lahayn goodo ehelkiisa waxa uu illaahay (SW) u baryay in uu illaahay ku arsaaqo midho iyagoo jooga meel biyuhu ku yar yihiin dhirna aan lahayn iyo in uu illaahay ka dhigo xaram aamin ah, waxa kale oo ibraahim illaahay ka baryay in umada ka denbaysa ka soo saaro rasuul ka mid ah iyaga oo jidsiyadooda ah luqadoodana ku hadlaya barana kitaabka iyo xigmada illaahay (SW) wuu ka caqbalay waxana uu ka soo saaray carab dhexdeeda qabiilkii ugu sharafta badnaa Nabi Maxamed (CSW ).
Ibraahim markii uu dhameeyay dhismihii kabcada waxa uu ku yidhi inankiisi ismacil ii keen dhagax aan dhigo koonaha si ay dadku u gartaan waxana u keenay jibriil Xajar aswadka wuuna qabtay waxana uu dhigay halkiisi .
Baraarujin :
Si loo ogaado xajaru aswadka in uu ahaa yaaquud cad lagana keenay jannada laakiin markii ay taabteen mushrikiintu ayuu madoobaday, kacbadu waxay ku beegan tahay Macmuur dusheedana waxa ah masjidka ay ku tukadaan Malaa'igtu maalin kastana waxa soo booqda totobaantan kun oo malag marka ay ka baxaana aan dib ugu soo noqon .
Dimashadii Nabi Ibraahim (CS )
Waxa uu Nabi Ibraahim (CS) dhintay isagoo dadiisu tahay 200 sanno sida laga fahmayo xadiiska Ibnu Xabaan: waxa kale oo la yidh ibraahim waxa uu noola 175 sanno, Ibraahim markii uu ka so haajiray Iraq waxa uu degay falastiin waxana uu ku noq-noqon jiray maka si uu u soo ogaado xaalka ay ku nool yihiin inankiisi ismacil iyo hooyadii Haajira .
Waxana aasay labadiisi inan ee ismacil iyo isaxaaq waxayna ku aaseen qubuurihii lagu aasay Gabadhiisi Saara tuulada la yidhaado Xamruun oo maanta loo yaqaano Khaliil oo ku taala falastiin .
Illaahay (SW) iyo Rasuulkii Maxamed (CSW) sida ay u amaaneyn Nabi Ibrahim (CS )
Illaahay (SW) isaga oo amaanaya Nabigiisi Ibraahim waxa uu yidhi "Ibraahimkii oofiyay" ibraahim waxa uu oofiyay wax kasta oo illaahay amray oo ah qaybta iimaanka kamanay mashquulinay fulinta amarada illaahay wax kale .
Waxa kale oo illaahay (SW) yidhi "Markii illaahay ku ibtixamay kalmado wuu dhamays tiray illaahay waxa uu ku yidhi dadka ayaan kaga dhigayaa imaam waxa uu yidhi tafiirtaydana waxa uu ku yidhi illaahay balan kayga kuma jireen kuwa dalimiinta ah" ibraahim markii uu dhamaystiray wixi illaahay amray ee ah waajibaadka waawayn dadka ayaa looga dhigay imaam si ay ugu deydaan, ibraahim waxa uu waydiisatay illaahay (SW) in imaam-nimadan ay ku xidhiidhsanato tafiirtiisa, illaahay (SW) waxa uu ugu jawaabay inaanay wanaaga lahayn dalimiintu ee khas ay ku tahay inta tafiirtiisa ah ee muuminiita ah iyo kuwa wanaag farayaasha ah .
" Waxanu siinay isaxaaq iyo yacquub dhamaantoodna waanu hadaynay nuuxna tafiirtiisa hore ayaan u hanuuninay, da'uud, saleeban, ayuub, yuusuf, muuse iyo haarun, sidaas ayaana ku abaal marinaa kuwa wanaag falayaasha ah (84) Sakeriye, Yaxye, Ciise iyo Ilyaas waxay ka mid ahaayen kuwa wanaagsan (85) Ismacil, Yasac, Yuunis iyo Luud dhamaantood waxanu ka fadilnay caalimiinta (86) aabayaashoodi iyo duriyadoodi iyo walaalahood waxanu ku hanuuninay dariiqa toosan (87)" Suratul Ancaam]
Nabi Maxamed (CSW) isagoo amaanaya Nabi Ibraahim waxa uu yidhi "Waxan istaagi doona goob ay khalqiga oo dhami ay rajeeyan ibraahim" tafiirta Nabi ismacil kuma jiro Nabi aan ahayn Nabi Maxamed (CSW ).
Halkaas ayaana ku soo dhamastirnay qisadii nabi ibraahim (CS) inagoo website badan ka soo aruurinay oo carabi ah, Waana website hoos ku qoran .
////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////
Inaan isa sirno miyaan ku saaxiibnay ?
Sheeko Xiiso Badan )
Farxad aan la qiyaasi Karin iyadoo la iga dareemayo ayaan hurdadii ka soo toosay, anigoo aan garanayn farxadaas waxa igu dhaliyay ayaan markiiba gudo galay in aan isku diyaariyo Shaqadii aan aadi lahaa ee Caadada ii ahayd intii aan is diyaarinta ku gudo jiray ayaan gacantayda midig ka dareemay cun cun saa’id ah waan xoqey si uu cun cunka iiga ba’o balse wuu iga bi’i waayay, wax yar hadaan sii joogay hadana isha midig ayaa libiqsi bilowday Markaas ayaan dareemay in cun cunka gacanta iga haya iyo libiqsiga ay ishaydu samaynayso in ay yihiin waxyaalihii ay dadku ku sheegi jireen Marti ayaa kugu soo fool leh iyo lacag baad heleysaa iyo wax la mid ah, dan kama gelin oo is diyaarintaydii ayaan iska sii watay ilaa aan guriga ka soo baxo .
Waxaan ka mid ahaa Shaqaalaha Shirkadaha Xawaaladaha ee ka dhisan Muqdisho midood, shaqadayduna waxa ay ahayd lacag bixiye, markii aan soo xaadirey oo aan Shaqadaydii bilaabay ayaa waxaa mar kaliya indhahaygu qabteen gabar joog dheer Midabkeeduna uu casaan yahay kuna labisan dharka isku jooga loo yaqaano nooca dumarka (suit) midabkiisuna yahay midabka dameerka madaxa sare qamaar cadays ah ayaa ugu xirnaa da’deedana qiyaastii kama badnayn 18 ilaa 19 jir, Mana ahayn macaamiisha shirkada ee aan is baranay waayo muuqaalkeedu wuxuu ahaa mid igu cusub, daymadii aan ku bilaabay markii ay iridka ka soo gashay kama qaadin ilaa ay ii soo jirsato qadar sadex talaabo ah, mar alla markii ay la siman tahay Muraayada ay dadku soo istaagaan marka loo baarayo liiska lacagaha ayay I salaantay markaasaan anigoo is xariifinaya salaantii ka qaaday ka dibna waxa aan weydiiyay waxa ay u baahan tahay oo loo qanabaayo, markaasey cod macaan oo qafiif ah igu tiri:- "Walaal waxaan rabey in aad liiska iiga baarto lacag Shirkadan la iigu soo direy?" "waa yahay" intaan iri ayaan weydiiyay in ay ii sheegto qofka loo soo direy lacagta Magaciisa oo saddexan?" waxayna iigu jawaabtay:- "Suleeqo siyaad Cumar" markiiba baaris ayaan ku dhaqaaqey nasiib wanaag waan helay magaca ay sheeganayso gabadha, waxaa u qoran lacag dhan $150 (boqol iyo konton dollar) london ayaa laga soo direy wax cinwaan ama Telefoon laga heli karo kuma qorna, waxaan dareemay in aan gabadhan looga yeerin Xarunta balse soo diruhu ku wargeliyay in ay shirkada tagto, markaas ayaan weydiiyay Magaca ay ii sheegtay in ay iyada tahay iyo in kale, waxayna ii sheegtay in ay iyada tahay, ka dibna waxaan weydiiyay cida u soo dirtey lacagta iyo meesha looga soo direy waxay iigu jawaabtay:- "London ayaa laga soo direy waxaana soo direy Mustafa xasan Guhaad," "Cadadka lacagtana ma kuu sheegaa su’aalaha ayaad iga badisaye" ayay hadana ii sii raacisay, intaan hadalkeedii ku Qoslay ayaan ku iri:- "Marka la gaaro ayaa lagu weydiinayaa ee Lacagta waa Diyaar waan haynaa laakiin damiin ayaa lagaa rabaa" gabadhii Markay hadalkaas Maqashay ayay iyadoo is xariifinaysa la soo booday:- "Maxay tahay Damaanada aad I weydiinayso, waligayba damaanad iyo wax la mid ah la ima weydiine" "haddii aan waligaa lagu weydiin Maanta ayaa lagaa rabaa" ayaan hadalkeedii u daba dhigay, Markaasey iyadoo iska dhigaysa qof la xumeynaayo igu tiri:- "walaaloow I dhagayso aniga lacagta iskama soo doonan, adigana iima yeerin, anigaa kuu imid oo kuu sheegay in ay lacag ii taalo, waliba cadadkeedu waa $150 Dollar, walaaloow macaan ha I dhibin haddii lacagtaas aad hayso i sii, haddii kale iska key fasax, aniga koley lacag dad leeyahay ma soo doonan mana damcaayo" intaan hadalkeedii kul kulaa ka yaabay ayaan ku iri:-"Abaayo damaanadu waa Sharci u yaala Shirkadaha oo dhan ee ma ahan mid anaga noo qaas ah, waxaana loogu talo galay qofka marka ugu horeeya lacag loogu soo diro shirkada in la weydiiyo damaanad ka dib waqtigaas wixii ka dambeeya wuxuu ka mid noqonayaa macaamiisha Shirkada, sidaas darteed Adiga maanta ayaad noo timid dabcan sida aan qiyaasayo waad nagu cusub tahay oo Maanta ka hor lacag laguuguma soo dirin halkan, marka si aan macaamil u samaysano cid ku taqaano oo ku damaanata noo keen wixii markaas ka dambeeya waan wada macaamilaynaa hana u maleyn abaayo mid adiga laguugu dhibaayo, waa sharci jira ma garatay" markii aan hadaladaas ku iri wey aamustay madaxa ayay ruxday wey is eegtay iyadoo uu xanaaq ka muuqdo waxayna igu tiri:- "Iska haysta, hadii aad I xujeyseen koley ninkii soo direy ayay u taalaa" "Maxaad sidaas u leedahay danta aad leedahay maad fiirisid oo damaanad waxba kaa dhibi meysee maad la timaadid maxaad reer baadiye isaga dhigaysaa" ayaan markiiba ku iri, markaasey iigu jawaabtay :- "Cid I damiinanaysa oo meelahan ka dhow ma jirto, adigana damaanad la imow ayaad iska leedahay, Aqoon daro ayaa iga kaa hayso dhibaato ma leh laakiin wax walba waxaa iiga daran ninka lacagta Shirkadan soo dhigay" "Maxaad hadana ka rabtaa qofka lacagta kuu soo direy oo aad uu eedaynaysaa" ayaan si hoose oo kaftan ah ugu iri, markaasey markiiba iigu jawaabtay :- "Meel aan damaanad la iga weydiin jirin ayuu lacagta ii soo dhigi jirey, ma aqaan wuxuu meeshan aan dadka laga qiimeynin iigu soo dhigey lacagta" "Aa.aa!, ha dhihin sidaas" ayaan markiiba la soo boodey, markaasey igu tiri:- "Maxaanan u dhihin, haddii meesha aan ka imid iyo dadnimadayda aad ogaan lahayd sidan iima gasheen, hadal badan ma rabo ma i siisay lacagta mise waan iska tagaa ......
.
aniga damaanad ma heli karo" Anigoo aan weli
jawaab siinin doodeedana aan weli u xiiso qabo ayaa waxaa muraayada lacagta soo istaagay wiil ka mid ah macaamiisha Shirkada, gabadhii aan maanta oo dhan murmaynay ayuu Salaamay ka dibna Aniga ayuu i salaamay, Salaantii markii aan ka qaadey ayuu haddana iga codsaday in aan liiska u baaro intii aan liiska u baarayay ayuu gabadhii mar kale weydiiyay waxa ay sugayso markaasey ku tiri:- "Lacag ayaa meeshan iga taalo wiilkan madowga badan inuu I siiyo wuu diidan yahay" "Maxaa Dhacay oo uu kuugu diidan yahay" ayuu ku yiri, waxay ugu jawaabtay:- "Isma naqaano damaanad ayuu igu xirey, anigana waligay Shirkadan lacag kama soo doonan oo Shirkad kale ayaan macaamil la lahaa oo aan ka qaadan jirey" "Intaas hadey tahay dhibaato ma leh waa lagu siinayaa lacagtaada aniga ayaa ku damiinanaya" ayuu gabadhii ku qanciyay, iyadana "waa yahay aboowe, waad mahadsan tahay" ayay u raacisey.
Inkastoo intii ay wada hadlayeen labadooda aan hadaladooda la socday haddana waxaan ku mashquulay daawashada qalqigan quruxda badan ee hadana codka macaan ee saakey ilaah ila kulmiyay waxaan go’aansaday inta aysan iga fara baxsan in aan is baro, oo soo dhaweeyo qalbi furnaan, niyad sami u muujiyo si doodii yareyd ee na dhex martay aysan u arkin in aan anigu ahay nin xun oo xir xiran dabeecadna aan lahayn soo dhaweyntana aan ku fiicnayn, Markaasaan wiilkii iyada la hadlayay u sheegay in lacagta uu I weydiiyay ay u taalo, ka dibna warqadii ayaan u jarey lacagtiina faraha ayaan ka saarey, markii uu warqadii iyo lacagtii iga gudoomay ayuu igu yiri:- "khaliif aboowe gabadhan hadii aad lacag u haysaan oo iyada ku qoran waad siin kartaa aniga ayaa damiin ka ah, hada ka dibna ha ku xujeyn Damaanad xaafad dheer ayay ka timid" "Waad mahadsan tahay, aniga igu haleey" ayaan ku iri anigoo ku faraxsan wadada uu iigu furey gabadhan maanka iga gashay waayo hadii uusan wiilkan iman lahayn waxaa dhici kartay in ay iska tagto oo ay dib dambe u soo laaban weydo, anigana waxaan qorsheystay in aysan iga fara baxsan maanta oo aan ugu yaraan ka helaa isbarasho gaaban, laakiin nasiib wanaag sidii aan filaayay ayay noqotay oo damaanad buuxda ayay heshay, wiilkii markii uu naga tagay ayay ii soo jeesatay iyadoo I leh:- "Maxaa kuu dhiman oo aad iga rabtaa maanta intaad i rafaadsan karto waad i rafaadsataye" "Abaayo aniga kuma rafaadsan ee wax sharci ah ayaan isku haynay, hadii dhib aad u aragtay waajibka aan gudanaayay raali ahow aniga ayaa ku raali garaynaayo" ayaan si naxariis leh uga codsaday, markaasey iyadoo ila kaftamaysa igu tiri:- "Markaad dantaada gaartay ayaad I raali garaynaysaa miyaa, saaxiib kaama yeelin raali garayntaas ee i soo sii lacagtayda anigaan mar dambe agtaada iman doonine" "Xanaaqa iska yaree Macaamiisha Shirkada in aan ka mid noqoto ayaan rajaynayaa" intaan ku iri ayaan warqadii u dhiibay, wey saxiixday ka dibna lacagtii ayaan faraha ka saarey .
Markii ay lacagtii iga gudoontay ayay boorso yar oo aad u qurux badan oo aan garan waayay meesha ay ku wadatay ayay la soo baxday markii ay lacagtii ku ridatay boorsada ayay igu tiri:- "Khaliif barasho wanaagsan maanta waan ku bartay" anigoo barashadaas ku faraxsan hadana u arko mid colaadin ah ayaan la soo booday:- "Barasho wanaagsan, maanta waa maalintii isbarashadeena wixii hadda ka dambeeya gacmo furan ayaan kugu soo dhaweynayaa, wixii dhacay ka raali ahow" "Raali waan ahay aboowe" ayay iigu jawaabtay ka dibna waxaan ka codsaday in ay ii sheegto magaceeda waxayna igu tiri:- "Magacayga oo sadexan waad haysataa ee nabadey" intaan ku qoslay ayaan ku iri:- "waa yahay barasho wanaagsan mar kale" wax yar ka dibna wey iga dhaqaaqday, Anigoo waliba indhaha la sii raacaya muuqaalkeeda dambe maadaama kii hore aan ku qancay, hase yeeshee mar ay ku beegan tahay iridka laga baxo ayay gadaal ii soo eegtay mise waxaa isku dhacay labadeena indhood markiiba wadnaha ayaa qac i yiri naxdin darteed iyadana koley kama warami karo sidey noqotaye laakiin qosol yar oo dhoolo cadeyn ah ayay ii muujisay oo aan u qaatay in ay raali ka tahay barashadeena .
,,,
3
Ilaa labo maalmood iyo ka badan ayuu qalbigayga ka go’i waayey Muuqaalkii Suleeqo Siyaad Cumar, waxayna ii ahayd markii iigu horeysay oo aan ruux bini’aadam ah ku mashquulo, aqoon hore uma lahayn waligayna ma arag maalintaas ka hor balse waxay igu reebtay ayaa iigu muuqday in ay tahay ruux aan hore u aqooni jirey, si kastaba ha ahaatee Suleeqo aragtideedii ayaan u xiisey anigoo jeclaa marka ugu horeysa oo aan arko in aan ka codsado in aan soo barto gurigooda, si danta aan ka leeyahay ay iigu hirgasho iyadana ay si fiican u barato dabeecadayda wanaagsan iyo hab la dhaqankayga, waxaan aaminsanaa oo aan nafta ku sasabi jirey in Maalintay ahaataba ay iman doonto Shirkada iyadoo doonaysa lacag looga soo direy dibada, hase yeeshee wixii aad dhararto maba soo dhawaadaan ayaa horey loo yiri dhowr bilood ayay ila noqotay waqtiguna wuu ila dheeraaday anigana hamigii igaley ayaan u hiloobey oo bidhaantaydii ayaa is bedeshay anigoon Suleeqo mar kale la kulmin waa yaab ..
Bil iyo shan iyo toban maalmood markii ay ka soo wareegatay ayay mar kale cagaha soo dhigatay Suleeqa Shirkada xawilaada si ay mar kale u qaadato lacag, nasiib daro anigoo maqan ayay timid Shirkadii hase yeeshee sidoo oo kale ayaa hadana mar kale damaanad la weydiiyay, waxay isku difaacday in aniga khaliif ah aan aqoon u leeyahay oo aan Damiin ka ahay, waxaa loo sheegay in aan maqanahay balse aan soo laabanayo, kuraasta loogu talo galey in ay fariistaan dadka Shirkada yimaada mid ka mid ah ayay ku fariisatay iyadoo wajigeeda laga dareemayo xanaaq, nin kasta oo ka mid ah Shaqaalaha Shirkada Quruxdeedii iyo sida ay u labisan tahay marka uu arko inta uu u yimaado ayuu weydiinayay waxa loo qabanayo, iyadana si degan ayay u lahayd :- "Khaliif ayaan sugayaa".
Waqtigaas ay Suleeqo Shirkada igu sugayso Aniga suuq Bakaaraha ayaan dhex wareegayay kamana warqabo oo alow sahal ayaan ka ahaa, wax waliba qadarta eebe ayay ku dhacaane Anigoo ku dhex jira mid ka mid Bakhaarada Bakaaraha ayaa waxaa iigu soo galay mid ka mid ah Shaqaalaheena oo Raashin ka soo doontay Bakhaarka markiiba wuxuu igu wargeliyay in xafiiska ay gabar ii fadhido, "gabar ceynkee ah ayaa ii fadhido" ayaan markiiba weydiiyay wuxuuna iigu jawabay: - "waa gabar dhalinyaro oo ciyal food ah" markiiba waxaa qalbigayga ku soo dhacday Suleeqo markaasaan Ilaahay ka baryay in uu iyada ka dhigo, Saacadba ma sii joogin wadada ayaan isku soo dhigay anigoo talaabada boobaya si aan u haleelo gabadha oo aanan uga habsaamin, Iridka weyn ee laga galo Xarunta markii aan isa soo taagay ayaa mid Shaqalaha ka mid ah igu wargeliyay in gabar laga yaaban yahay ay ii fadhido anigoo hadalkaas ku faraxsan ayaan gudaha u galay mise waxay indhahaygu qabteen Suleeqo oo sidii maalintii si aan ka liidan u labisan kuna fadhida kuraasta fadhiga intaan dhankeedii soo abaarey ayaan markiiba ka hor geeyay salaan iyadoo aad ugu faraxsan aragtidayda ayay salaantii si wanaagsan iiga qaadey, markaasey iyadoo aan hadal kale ii gelin igu tiri:-"Shirkadiina in ay Shirkad xun tahay horey ayaan kuugu sheegay ee nimankan igala hadal" "Maxaa idin dhexmaray oo aad isku qabateen" ayaan ku iri anigoo raba in sheekadu noo sii socoto, waxay iigu jawaabtay:-"Sidaadoo kale ayay iyagana damaanad I weydiiyeen anigana waxaan ku iri wiilkii madowga badnaa ee khaliif la lahaa ee meeshan fadhin jirey ayaa iga damiin ah, waxay igu xujeeyeen in aan adiga ku keeno, waa yahaye ma anigaa aqaan meel lagaa helo" "maya" ayaan ugu jawaabay markaasay igu tiri:- "Maye lama rabee nimankan igala hadal, oo aan sharciga iyo shaqadaba aqoonin".
Anigoo is xariifinaya ayaan fadhigii ka soo istaagay iyadiina waxaan amray in ay soo istaagto, wey soo istaagtay ka dibna talaabada ayaan isla soo qaadnay ilaa aan ka soo gaarno murayada ay dadka istaagaan wiilkii fadhiyay markaas ee shaqada hayay ayaan ku amray lacagta gabadhan ku qoran inuu soo jaro damaanadna uu aniga igu qoro, ka dibna waxaan u soo jeestay iyadii markaasaan ku iri:- "waan ka xumahay in sidan laguula dhaqmo adigoo hada ka hor halkan lacag ka qaatey, aniga ayaa ku raali gelinaya raali ahow 100 jeer" "Micno ma leh ee iyaga lee igala hadal si aysan mar kale sidan oo kale ii dhibin" ayay si hoose igu tiri, Anigoo qancinaya ayaan ku iri:-"Hadeerba ma dhici lahayn ee anigaa maanta dan yeeshay oo maqnaa" ka dibna warqadii saxiixa ayaan soo hor dhigay waxaan u dhiibay qalinkii wax lagu saxiixi lahaa intay saxiixa ku maqneyd anigana waxaan ku maqnaa in aan daawado dhabanadeeda shuban oo midabkoodu casaanka yahay iyo indhaheeda dugulka ah ee la moodo in khad la mariyay, iyadoo marna kor ii soo eegaysay marna warqada eegaysay, warqadii markii ay saxiixday oo ay gacanta ku dhigtay lacagtii ayay igu tiri:-"aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay, Haddii aad Maanta maqnaan lahayd waan dhibaatoon lahaa, sidaan qiyaasayo" "waqtigii lagaa lumiyay iyo sidii laguula dhaqmay aniga Khaliif ah ayaa kaa xaal marinaayo, ee waxba ha u arkin abaayo" ayaan si qancin ah ugu sheegay markaasey igu tiri:- "waxba uma arko, raali gelintaadana waa qaatay, ee maalin wanaagsan waan sii baxayaa" kalmadaas afkeeda ka soo baxday ma jeclaysan waayo waxaan rabay in ay sii joogto oo ay sheekadeenu sii dheeraato, markaasaan ku fekerey inta aanan u Fasixin bixitaankeeda inaan ka codsado in aan sii dhaweeyo, anigoo ka baqaya in ay igu diido sii dhaweynteyda ayaan ku iri:-"ina keen aan ku sii dhaweeyee" ka dibna iyadoo aan hadal ka soo celin codsigaygii ayay ii muujisay in ay diyaar u tahay in aan sii dhaweeyo markaasay socodkii ii bilowday anigana waan ka daba qaatey iyadooo shaqaalaha Shirakadu ay sidaa noo fiirinayaan ayaan iridkii is kala deganay Aniga iyo Suleeqo Siyaad Cumar.
Wadadii dheereyd ayaan isku soo dhignay anagoo ku jihaysan halka uu naga xigo guriga ay ku nooshahay Suleeqo, intii aan wadada ku sii jirnay Sheekadeenu waxay ahayd Sheeko iska caadi ah, ilaa aan ka soo gaarnay guri nus Villa ah oo ganjeelkiisu giriije yahay diishna uu saran yahay, una dhisan qaab casri ah, markiiba waxaan dareemay inuu gurigoodu yahay intaysan iyadu ii sheegin, waxaan damcay inaan meesha kaga haro oo aan shaqadaydii dib ugu laabto, balse waa igu diiday oo waxay igu qasabtay in aan gudaha u soo galo, markiiba gudaha ayaan u soo galnay ka dibna waxaan u sii gudubnay qolka fadhiga markii aan fariisanay ayay u yeertay walaasheed iyadoo ka dalabtay in ay noo keento biyo qabow, intii aan biyaha qabow sugaynay ayay Suleeqo igu tiri:- "Barasho wanaagsan Khaliif gurigeena waa kan, ku soo dhawow gacmo furan waad Igu soo booqan kartaa mar walba cid kaa xigto ama kaa hor istaagi karto ma jirto" anigoo aad
ugu faraxsan hadalkaas qiiimaha leh ee ay igu tiri ayaan markiiba ugu jawaabay:- "Barasho wanaagsan ayaan leeyahay, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta soo barto gurigiina, waana igu balan in aan mar walba soo booqdo, oo aysan barashadeenuna halkan ku ekaan ileyn adiga Suleeqo ah ayaa ku noole" iyadoo qoslayso ayay igu tiri:- "Waad mahadsan tahay Suleeqo dadka kale maxay dheer tahay markaad sidaas leedahay" Markaasaan la soo booday:- "Wax badan oo badan oo aan la sheegi Karin ayay gabdhaha asaageed dheer tahay, ee qof aan ogayn maxaad isaga dhigaysaa" Intay mar kale qososhay ayay igu tiri:- "Maashaa alaah waad I amaantay, ilaahay ha ku amaano, aniga koley waxba iskuma ogi, oo aan ahayn in aan ahay Suleeqo Siyaad Cumar" markuu hadalku meeshaas noo maraayo biyihii qaboobaa ee ay noo dalabtay ayaa na loo keenay, ka dibna waxay u holatay in ay biyihii noo wada shubto, markii ay galaasyadii ku shubtay ayay dibada u baxday iyadoo aan ii sheegin sababta ay u baxayso, cabaar ayaan sii fadhiyay qolkii anigoo isku maaweelinaya daawashada sawiro iyo ubaxyo qurux badan oo surnaa qolka aan ku dhex jiray iyo armaajo iga yaabisay qaabka ay u samaysan tahay oo aan u maleeyay in ay ku jiraan TV iyo Cassete, niyada ayaan iska iri:- "Ma anigaanba ka garan labiskeeda ileyn gabadha reer ladan ayay ka dhalatay" "Hadaan nin nasiib leh ahay Ilaahow Suleeqo Barashadeeda yaanan ku qasaarin, ileyn wey dhamaystiran tahay" daqiiqadihii yaraa ee aan kaligay dhex fadhiyay qolka waxaan ku mashquulay sidii aan u qiyaasi lahaa nolosha qoyskooda ka hor inta aan wareysi kala yeelan, ninkuu nasiibku saacidayo lama hor istaagi karee waxaan markiiba qorshaystay in aysan gacantayda ka bixin oo aan faraha ku dhigo maadaama waqtigii yaraa ee aan la kulmay gabadhan ay I soo jiidatay muuqaal ahaan iyo xushmo ahaan balse ay ii dhiman tahay oo kaliya dabeecad ahaan in aan barto hadana waxaan qiyaasayay in ay ahaan doonto gabar dabeecad wanaagsan oo aysan igu noqon doonin qof dabeecada ka aradan .
Anigoo mashquulkaas iyo isla hadalkaas ku jira ayaa waxaa qolkii soo galay Suleeqo oo ay la socoto islaan dheer oo midabkeedu casaan yahay joogeeduna uu aad u dheer yahay oo aan ku qiyaasay in ay tahay Hooyadeed markiiba salaan ayay ii soo gudbisay Islaantii anigana si wanaagsan ayaan uga qaadey, ka dibna suleeqo oo wajigeeda laga dareemayo farxad ayaa hadalkii qaadatay oo tiri:- "Khaliif barasho wanaagsan Hooyadey ayaan ku barayaa magaceeda waxaa la dhahaa Ambiyo Sh. Yuusuf," anigoo aan jawaab ka bixin barsahada ay Hooyadeed I bartay ayay hadana dhankii Hooyadeed u jeesatay iyadoo leh:- "Hooyo barasho wanaagsan wiilkan madowga badan khaliif ayaa la dhahaa, wuxuu u shaqeyaa shirkada cusub ee aan bishii hore lacagta ka soo qaaday waana wiilkii aan ku lahaa lacagta ayuu igu dhibay" ka dibna wey qososhay, anigoo hadalka ay hooyadeed u sheegtay ka naxsan ayaan inta qosol dhoola cadayn ah iska raadiyay ayaan hooyadii ku iri:- "Barasho wanaagsan Hooyo, magacayga khaliif ayaa la dhahaa sida ay Suleeqo kuu sheegtay Shirkada xawilaada ayaan u shaqeeyaa" iyadoo laga dareemayo sida ay raaliga uga tahay barashadeena ayay igu tiri:- "Barasho wanaagsan Khaliif, gabadhan waa walaashaa ii dhaqaalee, Shirkadiinana waa nagu cusub tahay inta aan iska baranayno shaqaalaha kale ee shirkadana kala hadal, adiga ayaan kugu ogahay, soona dhawow guriga waa gurigaaga" Anigoo cabsi iyo xishood ay isugu key darsameen dhidid fara badana uu iga soo yaacay ayaan hooyadii ku iri:- "Aniga ayaad igu og tahay, mar dambe lama dhibaayo, ileyn marka horeba lama dhibi lahayn aqoon dari ayaa jirtay" markaasey Hooyadii gabadheedii ku tiri iyadoo sii baxayso:- "Naa Suleeqo orod wiilka walaalkaa qado u soo gur waa diyaare" ka dibna inta dhankeygii u soo jeesatay ayay igu tiri:- "Khaliif Barasho Wanaagsan guriga waa gurigaaga marti ha iska dhigin" markaasaan anigana ugu jawaabay "Maya, Hooyo Marti kama ahi guriga waa gurigayga" ka dibna qolkii ayay dibada uga baxday .
Runtii ma fahmin wiilka qadada loo soo gurayo in uu yahay aniga, waxaan u maleeyay wiil iyada la dhashay oo guriga jooga in ay hooyadu tilmaamayso waan iska aamusay oo haa iyo maya midna ma oran, wuxuuse shakigu igu dhashay markii ay Suleeqo dibada uga baxday qolkii anigoo yaaban ayaan daqiiqado ka dib ka war helay saxan qado ah iyo qudaartiisii iyo hillib shiilan oo ood kac ah oo miiska la soo saarey ka dibna dhinacayga ayay soo fariisatay iyadoo I leh:- "Khaliif faraha iska dhaq ee qadada cun" runtii hadalkaas yax yax iyo xishood ayuu I geliyay waayo wax aan ku jawaabo ayaan garan waayay hadii aan ku diido waxaan ka baqey in ay iga carooto oo ay qalad iga fahamto anigana uu qorshahaygu halkaas ku baaba’o, hadii aan ogolaadana waxaan ka baqey in aan cuno raashin aan la igu talo gelin, sidaas darteed aniga oo qiimeyn iyo sharaf isku yeelid raadinaya, ayaan aamusnaa cabaar oo uu hadalku iga soo bixi waayay Suleeqo oo amusnaantaydii ka yaabtay ayaa igu tiri:- "Khaliif maxaa dhacay ma xishoonaysaa, maad qadada cuntid mise gurigeena in aad wax ka cunto ayaad diidan tahay" hadalkaas xikmada xambaarsan markii ay igu tiri ayaa waxa qasab igu noqotay in aan fara dhaqdo oo aan qadadii wax ka cuno anigoo niyada iska leh "Saaxiibadey Max’ed siidka iyo Siyaad Buzuri iyo Dhamaan Reera Qurbaan haday ila joogi lahaayeen wacdaro ayaa ka dhici lahaa laakiin nasiibxumo ilama joogaan waxaan leeyahay alaha gaarsiiyo".
5AAD
Qadadii markii aan dhamaysanay oo aan in cabaar wada sheekaysanay sheeko guud is fahamkeenuna uu noqday mid heer sare ah ayaan ugu dambayntii Suleeqo ka codsaday in ay I fasaxdo maadaama waqtigu uu sii dhamaanayo, intaysan iga ogolaanin Codsigaygii ayay u yeertay walaasheed markii ay qolkii soo gashay ayay iskeen bartay walaasheed waxayna u sheegtay in la I soo dhaweeyo mar walba oo aan gurigan imaado, ka dibna dib ayay isaga laabatay wax yar ka dibna labadeena oo wada socono ayaan ka soo wada baxnay gurigii dhowr talaabo ayayna ila soo qaaday iyadoo iiga sheekaynayso in ay jiraan labo gabdhood oo kale oo hadeer iskuul ku maqan iyo sadex wiil oo kale oo dhaamaan iyada la wada dhashay, runtii Suleeqo Maalintaas waxay aad u jeclayd in aan u sii sheekeeyo oo aan ilaa galabtii la sii joogo, maxaa yeelay maalintii ugu horeyay ee aan Shirkada ku kulanay sida ay ii malaysay ma noqon oo waxaa u bidhaamay markan dabeecadayda dhabta ah, markaasaa malihii meesha ka baxay oo ay iska jeclayd in aan iskala sii joogo, hase yeeshee waqtiga ayaa ii saamixi waayay in aan la sii joogo oo aan u sii sheekeeyo, balse laba isgoys markii ay ila soo dhaaftay ayaan ka codsaday in ay iska laabato, oo kulanka kan xiga ee aan guriga ugu iman doono aan halkeeda ka sii wadi doono Sheekada, Suleeqo oo u riyaaqday hadalkaas ayaa iyadana markeedii iga codsatay in aan u sii sheego goorta aan u soo laabanayo, Anigoo dareensan xiisaha aan iyada u qabo mid ka daran in ay ii qabto, ayaa anigoo sii dhaqaaqaya ku iri:- "Beri galab iyo Shanta hadii alle idmo" "yaanan ku waayin beri galab iyo shanta" intay igu tiri ayay indhahana iigu baaqday iyadoo suniyaha dhaqdhaqaajinaysa, Anigoo aan fahmin micnaha ay suniyaha u dhaqdhaqaajinayso ayaan ka soo dhaqaaqey, iyadiina markii aan baaqeedii jawaab ka bixin wayay ayay dib isaga laabatay .
Xaafadaydii markii aan ku soo laabtay ilaa iyo habeenimadii waxay maskaxdayda soo celcelinaysay qaabkii uu u dhacay kulankii aniga iyo Suleeqo iyo sida wanaagsan ee aan qoyskooda u soo bartay, iyo kalsoonida ay igu abuurtay in aan mar walba gurigooda iman karo, waxaan hoosta ka gunuday in Suleeqo ay tahay qof aan caadi ahayn marka laga fiiriyo xaga insaanimada, dabeecada, xushmaynta iyo soo jiidashada, run ahaantii waxay ii ahayd wax ii dhiman noloshayda qof igu cusub oo sidaas ii qaabishay inkastoo aanan weli si fiican isu dhex gelin hadana bilowgeena ayaa ahaa mid aad u wanaagsan markaasaan anigana qalbiga gashaday in inta dhimana ay iska hagaagi doonaan insha alaah .
Subixii markii uu waagii baryay ee la soo toosay anigoo isu
diyaarinaya shaqadaydii ayay Hooyaday oo ku jirta jikada ii yeertay markii aan u tagay ayay I soo hor dhigtay canjeero, shaah iyo saliid si aan u quraacdo markiiba gacmihii ayaan iska dhaqey ka dibna waxaan bilaabay in aan cuno quraacdii, labo jeer markii aan qaatay ayay hooyadey igu furtay Sheeko dheer oo ku saabsan Taariikhdayda iyo dhibaatadii ay nala soo martay iyo arimihii dhex marey iyada iyo aabahay mudadii ay is qabeen kuwaasoo isugu jiray murugo, tiiraanyo, Anigana waan u dheg raaricinayay, inkastoo Hooyaday intii ay sheekada ii wadey ay indhaheeda ka soo muuqanayeen ilimo muujinaya xanuunkii ay soo martay oo ay soo gocotay, hadana marna ma aysan hakinin sheekadii oo waa ii wadey ilaa ay ugu dambayntii ka soo gaarto ujeedadii ay iigu yeertay, Anigoo madaxa kor u soo taagaya rabana in aan hubsado waxa ay Hooyaday soo wado ayay mar kaliya hadalkii qaadatay oo igu tiri:- "Wiilkaygiyow dhibaato kasta oo aan soo maro koriimadiina darteed maanta al-xamdu lilaah waan ka noolahay, Adinkana Ilaahay waan idiin koriyay oo waad u jeedaa maanta adigaa curadkii ah oo waliba gacanta nagu haya ilaahay ka sakow, balse hooyo waxaa jirta arin aan waligay rabey in aan kuu sheego laakiin aanan weli kugu soo hadal qaadin maanta ka hor taasoo aan axdi iyo balan kula galay Abtigaa Nuur anagoo sida aan maanta nahay ka liidano, balantuna waa shey adag waxay ku fiican tahay in la oofiyo, sida ii muuqatana maanta maalin ay nooga wanaagsan tahay ma jirto ee wiilkaygiyow sow in aan oofino ma aha balantaas aan la galay abtigaa" anigoo aan weli hubsan Balanta ay hooyaday la gashay Abtigay nooca ay tahay iyo waqtigii ay balanta wada galeen ayaan la soo booday:- "Haa, hooyo maacaan waa in aan oofinaa Balanta aad gashay waxay doonto ha ahaatee" Hooyadey oo iska tiraysa ilintii ka soo muuqatay indhaheeda intii yareyd ee ay sheekada ii waday ayaa igu tiri:- "Muddo haatan laga joogo Afar sano ayaan aniga iyo abtigaa wacad ku wada galnay in Adiga Khaliif ah iyo ZamZam Nuur aan isku kiin guurino, Marar badan ayuuna abtigaa arintan igu soo hadal qaaday oo aniga ayaa dib u dhigi jirey oo oran jirey mar xalad adag ayaan ku jiraa ee ii yara kaadi, balse waqtul xaadirkan la joogo go’aan kama dambays ah ayuu iga sugayaa oo ah in aan diyaar u ahay guurkaas aan balanta ku wada galnay iyo in aan ka baxay balantii midood, anigana waxaa ceeb igu ah in aan walaalkay balanta uga baxo, sidaas darteed qaladkana Hooyo anigaa iska leh oo saakay ka hor kuuma sheegin arintan, Saacadan aan kula hadlaayana waxaa iga go’an in aan fuliyo balantii aan la galay Abtigaa Nuur ee uusan mar kale igu soo hadal qaadin ee wiilkaygiyow maxaad ka leedahay arintan" Nabar aadan fileyn naxdin ma leh ayaan maqli jireye, balse arintan ay hooyadey iila timid saakey aad baan uga naxay runtii waayo
meesha ay sheekada iiga soo bilowday iyo meesha ay ku soo gabagabaysay kama fileyn in ay arintan iiga soo baxayso, yaab iyo amakaag ayaa alle igu dhaliyay markaasaan canjeeradii aan cunaayay hakiyay .
Sakano gudahood baa dhowr fikradood igu soo dhaceen anigoo aan u jawaabin hooyadey, kow waxaan is hor dhigay muuqaalkii Suleeqo iyo qorshihii dheeraa ee aan ka damacsanaa Mustaqbalka markaasaan go’aansaday in suleeqo qorshaheeda aan loo baabi’in Karin gabadha abtigay dhalay ee la ila rabo, anigoo ku dhiiraday in aan markiiba hooyadey u gudbiyo diidmadayda iyo go’aankayga dhabta ah, welina aan afkaygii kala qaadin ayay hadana igu soo dhacday arintii muragada xambaarsaneyd ee ku dhalisay Hooyadey saakey in ay iiga sheekayso oo waliba ilinta kulul ka keentay, dib ayaan hadalkii ula noqday markaasaan go’aan deg deg ah gaarey anigoo hooyadey ku qancinaya in aan diyaar ula ahay arin kasta oo ay iila timaado markaasaan la soo booday:-"Hooyo Macaan Dhibaato kasta oo aad darteen u soo martay oo aad sabarkeeda soo yeelatay ujeedadaada ugu weyn ay ahayd in marka aan weynaano aan wax kuu qabano oo aad nagu nasato, ma ahan Hooyo in anigoo labaatan jir ah aad saakay la ilmayso xusuus hore, balan waxaa igu ah Hooyo Macaan wax alla waxaad igu amarto in aan kuu Sameeyo, axdiga iyo balanta aad abtigay ka qaaday waan oofinaynaa shuruud la’aan ee ka murug la’ow," Markii ay hooyadey hadaladaas afkayga ka soo baxay ay maqashay markiiba duco aan qiyaas lahayn ayay is daba dhigtay intay gacmaha kor u taagtay, cabaar ayaan fiirinayay……….. markii aan arkay sida ay ugu faraxday hadalkaygii iyo saacado ka hor sida ay u murugaysnayd, aad baan anigana ugu farxay ka dibna hooyadey ayaan ka codsaday in ay I fasaxdo si aan shaqadii u aado, markiiba fasax iyo duco ayay I daba dhigtay .
Anigoo qorshihii iyo arimihii Suleeqo ee aan xalay oo dhan qalbiga ku hayay, ee aan marba dhan ula liicayay iska ilowsan oo aad moodo in laabtaydii laga tirtiray ayaan ka soo baxay gurigeenii waxaan soo aaday shaqadaydii .
Galabnimadii markii la gaarey ee aan soo xusuustay balantii aan la lahaa Suleeqo ayay talo igu dhalatay markaasaan kusigii ku fariistay oo cabaar ka fikirey bal sidii aan ka yeeli lahaa labadan arimood ee hal mar isoo food saarey, inkastoo ay igu adkaatay in aan xal ka gaaro isla waqtigaas hadana waxaan qorshaystay in aan dib isaga dhigto oo aan waliba kala tashto saaxiibkay maadaama horey loo yiri talo adiga kaa maqan maan walaalkaa ayay ku jirtaa sidaas darteed waxaan isla gartay in qorshaha galabta ee suleeqo xageeda aan sheeko caadi ah ku soo dhamaysto ka dibna aan saaxiibkay kala kaashado sidii laga yeeli lahaa maadaama talooyinka dhalinyarada uu aad ugu fiican yahay, markiiba labis heer sare ayaan isku taagay ka dibna waxaan toos u soo abaarey Hoygii Suleeqo .
Markii aan cagaha soo dhigay hoygii suleeqo ee aan garaacay albaabkii waxaa markiiba iga furtay suleeqo oo aan kaga shakiyay in ay markaasba diyaar ku ahayd albaabka maxaa yeelay hal mar oo kaliya ayaan garaacay iyadana horey ayay ka furtay, salaan qiimo leh iyo soo dhaweyn ka wanaagsan tii maalintii hore ayaan gurigii kala kulmay ka dibna waxaa la iigu baaqey in aan hore u soo dhaafo, qolkii fadhiga ahaa ayaan wada fariisanay iyadoo horey loogu sii diyaariyay cabitaano fara badan oo kala nooc ah, anigoo niyada iska leh "tallow gabdhaha oo dhan haday sidan oo kale dhalinyarada u soo dhaweyn lahaayeen gabar guur la’aan ku dhacdaa lama arkeen" ayaan salka ku hubsaday fadhigii .
Suleeqo oo iyadana kursi aan iga fogeyn fadhida ayaa markiiba bilowday in ay cabitaankii noo wada shubto iyadoo leh: - "Khaliif Cabitaan noocee ah ayaad dalbanaysaa" markaasaan anigoo ku qanacsan dalabka ay ii soo jeedisay, hadana indhaha la sii raacaya cabitaanadii ku iri:- "Marindada ayaan aad u jeclahay" marakaasey koob ka shubtay iyadoo leh:- "Anigana kugu dooq ayaan ahay oo waxa aad jeceshahay ayaan anigana jeclahay" ka dibna hal mar ayaan wada qosolnay hi..Hi.hi…hiii Koobkii marindada markii aan ka laacay oo aan weli dhadhankeedii sii muudsanaayo ayay indhahaygu qabteen bashqad kala furan oo ay ka soo muuqato warqad ku qoran qoraal aad u qurux badan oo aan ku qiyaasay in ay tahay warqad dhambaal jacayl xambaarsan intaan isku naxay ayaan markiiba gacanta ku soo dhigay bashqadii, warqadii ayaan ka soo saarey ka dibna aqris ayaan ku bilaabay, aqrintii warqada markii aan dhameeyay ayaan Suleeqo weydiiyay cida warqadan qortay, Suleeqo oo moodey in tuhun iga galay warqada ayaa si degan ii tiri:- "Haa Aboowe, warqadan gabar aan saaxiibo nahay ayaa halkan ku ilowday, hadeer ayayna iridka ka baxday oo waxaa laga yaabaa in ay wadada kaaga hor timid ileyn ma garanayside" Anigoo jecel in aan sii hubsado hadalkeeda ayaan hadana weydiiyay:- "ujeedka ay kuugu timid gabdhan maxay ahayd ii sheeg bal" waxay iigu jawaabtay:-"Sheekadeeda aad ayay u dheer tahay oo hadeer lagama sheekayn karo, waxayna iigu timid in aan talo siiyo, taladaydiina wey igu diiday" "Talo noocee ah ayay kuugu timid" ayaan markiiba weydiiyay, markaasey si aan u qanco tuhunka I galayna iiga baaba’o ayay sheekadii ii bilowday waxayna tiri:- "Khaliifoow gabadhan magaceeda Shukri Siidoow ayaa la dhahaa isku fasal ayaan ahayn, waxay ahayd gabar aad u dabeecad wanaagsan oo dadka aad u xushmaysa, waxay la shaqeysaa qolooyinka NGO’yada, maalin maalmaha ka mid ah iyagoo xaflad qaba ayay xafladii gudaheeda isku barteen wiil isugu sheegay inuu wariye ka yahay idaacadaha muqdisho ka howl gala, wiilkii aad ayay isugu dheeraadeen oo jacayl ba’an ayay u qaadey, sidaas oo tahay waxaa kaloo jirey wiil kale oo iyada aad u jeclaa oo ay been ku waday, oo aan dhihi jirey war hoy wiilkan miskiinka ah ha lugoynin iska fasax, wey iga diidi jirtay mar walba oo aan ku soo hadal qaado.
Markaad fiiriso saaxiibtay uma muuqan dhibaatada ka iman karta jacaylka beenta ah waxay u aragtay oo kaliya wax iska caadi, anigana waxaan dareensanaa wiilka wariyaha ah in ay aad u jeclayd, balse aysan dan ka lahayn wiilkan kale ee iyada jecel, xitaa dhowr maalmood ayaa gurigeena la keenay wariyihii oo qado loogu sameeyay oo aniga xitaa la I barey, waxay arintu sidaas ahaataba maanta gabadhii wiil adeerkeed dhalay ayaa loo guurin rabaa iyadana ma ogola oo wey diidan tahay, wiilkii wariyaha ahaa ayay arintii u soo bandhigtay iyadoo u sheegtay in ay diyaar u tahay go’aan kasta oo uu kula taliyo ha ahaado in ay sameeyaan meher qarsoodi ah, ama in ay si toos ah gurigooda ugu raacdo, hase yeeshee sidii ay fileysay uma suurto gelin oo wiilkii wariyaha ahaa go’aankiisu wuxuu noqday inuu ku jees jeeso oo uu yiraahdo:-"Aniga iyo adiga xiriirkeenu ma ahayn Guur iyo wax la mid ah in aan isku soo hadal qaadno, hadii xaalkaagu heerkaas maraayo wiilka adeerka yuusan ku dhaafin, oo waalidkaa habaar ha ka muteysan anigana haddii aad igu qaldantay iga raali ahow"…………. hadeer wiilkii sidaas ula hadlay ee sharafateedii meel uga dhacay ayay leedahay waan ku laabanayaa sida ay wax u jiraan ayaan ka dhaadhicayaa, waxaa laga yaabaa in la igu direy" "war ileyn doqonsanaa, Maxay ku laabashadiisa ku falaysaa ileyn wuuba deyriyaye," ayaan ku iri anigoo la fajacsan arintan,… "Iyada ayay u taala sidey doonto ha ka yeesho" ayay sheekadii iigu soo gabagabaysay, si aan natiijada kama dambaysta u ogaado ayaan ku iri:- "Hadeer maxaad ku kala tagteen" "Maxaan ku kala tagi lahayn taladaydii wey diiday waxay ku indho cadahay in ay mar kale ku laabato, ana waan iska fasaxay" ayay iigu jawaabtay .
Aad iyo aad ayaan uga xumaaday sida gabadhaas miskiinta ah loola dhaqmay iyo waliba sida ay weli daacada u sii tahay miskiin ilaah ayaa
u maqan anigoo dhacdadaas la yaabka leh ee ay suleeqo iiga sheekaysay ku maqan ayay anigana igu soo dhacday qiso kale oo xaafadeena ka dhacday markiiba waxaan damcay in aan uga sheekeeyo waxaan hadalkaygii ku bilaabay sidan:- "Suleeqooy I dhagayso sheekaba sheeko ayay keentaa ayay la yiriye, muddo afar bilood qiyaastii waqti laga joogo ayaa qiso yaab leh ay ka dhacday xaafadeena, waxaa jirtay gabar magaceeda la yiraahdo Naciimo oo xaafada nala deganayd da’deedana ay ahayd sideed iyo toban jir, waxaa caado u ahaan jirtay gabadhaas in ay maalintii oo dhan dhagaysato raadiyayaasha Fmta ee ka shaqeeya Magaalada muqdisho, mudo markii ay ku taxnayd waxaa dhacday gabadhii in ay ka hesho mid ka mid ah wariyayaasha Idaacada codkiisa ka dibna uu ku beermo jacayl iyadoo aan muuqiisa arag, heer wuxuu gaarsiiyay gabadhaas marka ay hooyadeed howl u dirto in ay ku diido oo ay is xanaajiso iyadoo ka door bidayso dhagaysiga codka wariyaha ay jeceshahay ee aysan aqoonta u lahayn .
Naciimo waxaa ku adkayd qaabkii ay wiilkan kula xiriiri lahayd oo ay ku baran lahayd hadii ay telefoon kula xiriiri lahayd gurigooda telefoon ma lahayn haday guryaha kale ka dirsan lahaydna ma aysan haysan numbarada Telefoonada Idaacada uu ka shaqeeyo wariyaha ay jeceshahay, iyadoo sidii taladu isaga ciirsan tahay ayay maalin maalmaha ka mid ah kula kulantay guri deriskooda ah gabdho badan oo ka sheekaysanaya wariyaasha idaacadahaha Mudisho ka shaqeeya, gabdhahaas waxaa ka mid ahaa gabdho horey u tagay idaacadaha oo wariyaasha qaarkood si ka fool ka fool ah ula kulmay oo soo bartay oo telefoonadoodana is weydaarsaday, Naciimo sheekadii la hayay ayay dhegta u taagtay ileyn waxay u bugtay ayaa meesha lagu hayaaye meel gees ah ayay ka fariisatay, mid ka mid ah gabdhihii oo wariyayaasha muqdisho aad u kala taqiinay ayaa hadalkii qaadatay waxayna tiri:- "wariye hebel sida uu codkiisa u macaan yahay ma aragteen, laa ilaaha ila laahu hadaad muuqiisa arki lahaydeen waad ka yaabi lahaydeen, waa caato fool xun gooman dhaadheer, codkiisa iyo muuqiisa maba is laha" tu kale ayaa hadana hadalkii qaadatay oo tiri:- "Alla aniga waxaan ka yaabay kan barnaamij hebel sheega waxaan u malayn jirey nin dheer oo casaan, oo isneela ah, markaan arkay sow ma yaabin, waa cutush murqo kuukuusan, oo gig ah oo aad ka yaabayso markii aan baranaayay xitaa inuu wariye yahay uma malaynayn" tu sadexaad oo meesha fadhiday ayaa gabdhihii weydiisay oo tiri:- "kuwaas waanba garanaye Heblaayada markay hadlayso la moodo ruux la ceejinaayo ee hadana barnaamij walba aan laga waayin iiga warama," tii horaa soo booday oo tiri:- "Taas iga daa, waa caariyad, oo raga iskama xijaabto, dharkii haweenka lagu yaqaanayna wey ka faantaa, sida ay wariyayaasha kale ii sheegeen" hadana gabar kale ayaa soo booday oo tiri:- "Maxaad iyada kaligeed u tilmaamaysaa gabdha kale ee wariyaasha ahna waa la mid" mid kale oo koonaha fadhiday ayaa hadana hadalkii qaadatay oo tiri:-"Taas ha inoo dambaysee kan subax walba idaacada furo waxaan maqlay inuu dhegaha ka culus yahay iyo tan ku lamaanan ee codka waaweyn maxaad ka og tihiin," tii kalaa ku jawaabtay:- "Kan subixii Idaacada fura isagoo aan soo quraacan Habeenkii inuusan waxba arkin ayaa la ii sheegay laakiin dhegihiisa waxba kama sheegi karo, balse mida ku lamaanan waa iska caadi, inkastoo qurux la sheego aysan lahayn hadana, waji rageed ayay leegahay laakiin heblaayo hebel iyo hebel hebel oo barnaamij hebel sheega, jameecadaas ayaa heer sare ah labiskooda markaad aragto waxaad dareemaysaa in ay yihiin reer magaal saxaafada ku gaamuray".
Naciimo hadaladaas la buufinaayo wey maqlaysaa, waxay sugaysaa kii ay jeclayd in la soo hadal qaado oo ay xaalkiisa wax ka ogaato, laakiin markii ay dareentay in la kala tagi rabo sheekaduna gabaabsi ku sii dhowdahay ayay is tiri ka faa’iidayso inta aan la kala tegin markaasey tiri:- "Abaayey hebel sees yahay xaalkiisa iiga waramba" tii maantoo dhan faalada bixinaysay ayaa intay Naciimo dhankeedii soo eegtay ku tiri:- "Abaayo wiilkaas waaba kan ugu quruxda badan inta wariye ee aan arkay, laakiin maxay kugu taalaa waa shuluq aad u buuran" Naciimo warkii ayaa farxad geliyay oo wariyihii ay jeclayd ayaa lagu sheegay qurux aysan ka malaysanayn, ka dibna qaar ka mid ah gabdhihii ayaa fadhigii ka istaagay si ay u kala dareeraan, naciimo oo ka faa’iidaysanaysa fursadan qaaliga ah ayaa gabar agteeda fadhiday weydiisay:- "Day!! Day!! Abaayo gabdhahaaney inteey wariyaasha ku barteen, waaba yaabanahaye" markaasaa loogu jawaabay:- "Intey ku barteen maxay tahay, Idaacadahaa la booqdaa waxaa la yiraahdaa dalxiis ayaanu nahay waxaan u nimid in aan idaaacada iyo Shaqaalaheeda soo barano, markaad sidaa tiraahdo gacmo furan ayaa laguugu soo dhaweynayaa meel walba oo idaacada ka tirsan ayaa lagu gaynayaa adigoo faraxsan oo maqsuud ah ayaa lagu soo dirayaa" Naciimo oo hadalkaas ku faraxsan ayaa markiiba ku jawaabtay:- "abaayo halkoo maalin ma I gaysidoo wariyayaasha dhamaantood aan soo bartee".
Naciimo maalin maalmaha ka mid ah ayaa idaacadii la geeyay iyadoo Xijaab iyo indha shareer wadata nasiib wanaag wariyihii ay jeclayd ayaa qaabilay oo ay la kulantay iyadoo garatey codkiisa, ka dibna wey is barteen idaacada iyo dhamaan shaqaalaheedii ayuu soo barey, wixii maalintaas ka dambeeyay xiriir fiican ayaa dhex marey waxayna Naciimo kasbatey qalbigii wariyaha waxay kaloo sababtay inuu xiriirka u jaro gabar kale oo uu xiriir hore ula lahaa Naciimo darteed, taasina waxay sababtay in maalin maalmaha ka mid Naciimo wadada loo galo iyadoo ka timid idaacada waalidkeedna uu ku ogaa iskuul, daqar iyo dhaawacyo ayaa loo geystay, dhiig badan ayaa ka baxay, nasiib daradii ugu weynayd waxay soo baxday markii la ogaaday gabadha Naciimo la diritay ee daqarka u geysatay in ay walaalo ilmo habreed ah ahaayeen" Suleeqo oo sheekadayda aad ula socotay ayaa markii aan halkaas maraayo la soo booday :- "Ma dhici karto siday isku aqooni waayeen labo gabdhood oo walaalo ah" markaasaan anigoo qoslaayo ugu jawaabay:- "Hortaa ayaan aniguba la yaabay, gabdhuhu walaalo ayay ahaayeen Laakiin isku xaafad ma ahayn, balse labadooduba xijaab iyo indho shareer aan lagu aqooni jirin ayay wateen sidaas ayuuna shilku ku dhacay".
Suleeqo oo markan garaysatay sida uu shilku u dhacay ayaa igu tiri:-"Walaahi waa mashaakil waana arin yaab leh, sidee markii dambe lagu xaliyay arinta" "Odey adeer u ah ayaa labadoodiiba labo wiil oo reerahooda ka tirsan u kala guuriyay waliba hal guri ayaa la wada dejiyay sida igu maqaalo ah, wariyihiina maalintaas ayaa ugu war dambaysay warkooda" ayaan hadalkeedii u daba dhigay .
Suleeqo oo sheekadii aan u hayay ay weli dhegaheeda ka sii shanqarayso ayaa igu tiri:- "gabdhaha maanta jira khaliifoow maxay wariyaasha u xiiseeyaan oo ay afka ugu hayaan habeen iyo maalin" anigoo aad u qoslaayo ayaan ugu jawaabay:- "Maanta nin aan wariye ahayn inuusan gabdhaha agtooda qiimo ka lahayn Maba ogid, waayo ninka wariyaha ah dadka oo dhan ayaa yaqaano, waa nin famous ah oo codkiisa maalin walba dadka gaarsiiya, laakiin nin iska dhalinyaro ah oo xaafada uu degan yahay oo kaliya laga yaqaan gabdhaha agtooda qiimo kama laha, sida gabdhihii aan hadeer kaaga sheekaynaayay oo kale, iyagaa lugahooda ku doontay si ay u bartaan, marka dambana iyaga ayaa afkii ay shalay ku amaanayeen ku caayaya hebel waa saa iyo heblaayo waa saa, lax kasta shilkay is dhigto ayaa lagu gowracaa, gabar kasta oo wariye hebel ayaan aqaanaa ama saaxiib la ahay gabdhaha kale ugu faanto ha ogaato in ragu rag wada yahay, aniga runta ayaan kuu sheegayaa" Suleeqo oo hadaladaas aan u sheegayay hadala kala soo dhex baxday ayaa markiiba la soo booday:- "Haa waa runtaa saaxiibtay ayaanba ka arkay habeen iyo maalin wariyahaas ayay afka ku hayn jirtay, waxaan aad ula yaabi jirey markay tiraahdo wariye ka cod macaan idaacadaha muqdisho kama hadlo" anigoo hadalka ka dhex galaya ayaan ku iri:- "Waa runteed
saaxiibtaa waxaa laga yaabaa inuu isaga uga sheekeeyay oo uu ka dhaadhiciyay inuusan jirin wariye isaga ka cod macaan oo Muqdisho ku nool, ileyn hadalkiisa ma beenin karto oo aad iyo aad ayay u aaminsan tahay" intay gacmaha dhabanka saaratay ayay igu tiri:- "Walaahi ma saasaa, waa yaab ma anaan garan waayin waxa ay wiilasha kale dheer yihiin ileyn iyagaaba is xayaysiiya oo iidheh isu sameeya oo wariyanimada ku faana" "Suleeqo wax badan ayaa kuu dhiman yaa ku gaarey ma adigaaba wariye kula kulmay goob xaflad, ama munaasabad ama gaari BL ah gudihiis burhaantiisa ayaad arki lahayd" ayaan hadalkii ugu soo koobay .
Sheekadii dheerayd markii ay intaas no marayso ayaan saacadaydii eegay mise waa waqti dambe intaan fadhigii ka booday ayaan Suleeqo ugu baaqey in ay I fasaxdo iyadoo ka xun hadalka iga soo yeeray ayay igu tiri: - "Xagee u oradysaa khaliif ma anagaaba kala sheeko boganay" "waan ogahay in aanan kala sheeko boganin laakiin wiil aan saaxiibo nahay ayaan balansanahay, marka balantaas ayaan ka baqayaa in aan ka dib dhaco ee kaama tagi lahayn abaayo" ayaan si degan ugu iri, Suleeqo oo markan qanacsan ayaa igu tiri:- "Balanteena kale goorma ayay noqonaysaa" "laba habeen ka dib" ayaan ugu jawaabay, "Waan ku sugayaa ee ha iga baaqsan" ayay si hoose iigu tiri, markaasaan anigana ugu jawaabay:- "Aniga ayaa kaa jecel mar walba in aan ku soo booqdo oo aan kula sheekaysto, laba habeen ka dibna insha allaah waan kula joogaa ee nabadeey".
Sakano ka dib waxaan ka soo baxay gurigii quruxda badnaa ee ay ku noolayd Suleeqo Siyaad Cumar anigoo aad ugu farxsan bilowga sheekadeeda halka ay ii marayso iyo sida ay ii xiisaynayso oo aan qiyaasayo in ay ku qanacsan tahay qaab la dhaqankayga wallow uu juhdi adag iga hor yaalo in aan u daah furo in aan xiriir la sameeyo maadaama ay Hooyadey ila damacsan tahay Gabadha abtigay taasoo marka aan soo xusuusto igu noqota waran laabta igaga mudan, inkastoo qadarta alle aan la celin Karin hadana ma jeclayn in waqtigan oo kale ay I soo wajahaan labadan arimood ee kala culus .
Habeenimadii markii la gaarey sidii qorshahaygu ahaa waxaan toos u soo aadey hoygii uu deganaa saaxiibkay Siciid Sulaymaan markii aan gurigii soo gaarey waxaan la kulmay walaashiis Nashaad Sulaymaan oo dhowr mar iila timid in aan xiriir wada yeelano, ka dibna diidmo aan ka diiday darteed aad ii neceb oo aan I arki Karin salaanta xitaa aan iga qaadeyn, in aan la hadlo oo aan walaalkeed weydiiyo waan kala xishooday iyadoo indhaha ii ged gedinayso sankana kor u taag taagayso ciil ay ii qabto darteed ayaan dhinac marey oo aan gudaha u sii galay guriga, qolkii uu deganaa ayaan markiiba abaarey nasiib wanaag markii aan madaxa la sii galay isagoo dhexda xiranaayo oo muraayada dheer hor taagan oo marba dhinac u jees jeesanaayo si uu qaab labiskiisa u jeegareeyo ayaan qolkii gudaha u soo galay "waah! Waaah waxaasaa labis ah" intaan iri ayaan soo dhinac istaagay, Siciid isagoo la yaaban sida aan uga soo hoos dhashay ayuu markuu indhaha I saarey la soo boodey: - "weey Khaliif madoobe ahaa, ii waran waad soo dheeraatay" "Waa la fiican yahay, ee saaxiiboow waxaan ku weydiiyay muraayadan weyn labiskaaga inaad ku jeegarayso oo aad marba dhinac ula jeesato miyaad guriga u soo dhigatay" ayaan anigoo yaaban ku iri, markiiba jawaab waafi ah ayuu iga siiyay isagoo I leh:- "reer magaalnimada ayay ka mid tahay in horey iyo gadaal muraayad la isaga jeegareeyo maxaa yeelay dhex xirashada maalmahan dhalinyaro aan aqoon u lahayn ayaa nagu ciriirinayso waliba suunkii odoyaasha ama kii xerta ayaa dhexda laguugu soo dhuuqsanaa meel aad ka marto ma laha ha ila yaabin nimankaas ayaa iska dhicis iiga baahan" intaan ku qoslay ayaan ku iri :- "Saaxiib waqtiga lagu jiro kama war haysid waad iska ciyaaraysaa ee aniga ayaa caawa kuu baahan oo qorsha weyn kaa leh ee soo fariiso halkan" markiiba sariir meesha ka dhaweyd madaxeeda ayuu ku fariistay isagoo leh:- "Saaxiibow Muslimo yarey ayaan balan la lahaa ee qorshahaaga ma mid culus baa mise waa lacab saqiir ii sheeg" Muslimada uu saaxiibkay ii sheegay waa gabar uu muddo badan raadinayay laakiin ay ku adkaatay sidii uu ula kulmi lahaa anigana waxaa iigu war dambaysay iyadoo marka ay wadada ku kulmaan indhaha ka candhuufayso diidmo ay diidan tahay darteed, balse markii aan afkiisa ka helay inuu caawa Muslimo la balansan yahay ayaa anigoo u hambalyaynaayo weydiiyay:- "Saaxiib Muslimo goormaad gacanta ku dhigtay waa adigii u waal waalan jiraye" Intuu fadhigii ka kacay oo sacabka sacabka ku garaacay ayuu igu yiri:- "Saaxiib war ma haysid hadeer miyaad I weydiinaysaa Muslimo, Adiga gadaashaa roob ayaa ii da’ay waa la nimcaystay hadii aan sheekadeeda kuu bilaabo ilaa subixii ma dhamaanayso balse waxan ku leeyahay ku bishaareyso Muslimo waa Dumaashidaa hada ka dib ka xishoo" anigoo aad ugu faraxsan guusha Saaxiibkay gaarey ayaan ku iri:- "Haddii aad Muslimo la balansan tahay anigana qorshe aad u weyn ayaan kaa leeyahay ee sidee ku heshiinaa" "Dhibaato ma leh adiga ayaa Muslimo ka weyn dantaada ayaa la qiimaynayaa koley Muslimo Nolosha ayaan ku hayaa iga baxsan mayso, ee qorshaha aad caawa igu timid ii bilow" ayuu igu yiri .
Markaan arkay Sida saaxiibkay ii qiimaynayo waxaan garaystay in aanagtiisa ku weynahay kalgacalkii aan u hayay mid ka sii daran ayaan u sii gunuday ka dibna dantii aan ka lahaa ayaan u soo bandhigtay oo ahayd inuu talo iga siiyo sida aan ka yeeli lahaa Suleeqo Siyaad Cumar oo aan aad u danaynayo in aan xiriir la yeesho iyo gabadha Abtigay dhalay ee ay Hooyaday ila damacsan tahay in aan guursado, Saaxiibkay Siciid Suleymaan markii uu iga dhagaystay labadii arimood ee aan u soo bandhigtay inkastoo aan qiyaasayo inuuu wajigayga ka dareemay welwelka ay igu hayaan ayuu isagoo qoslaayo hadalkii iigu bilaabay:- "Khaliif war aan ku siiyo labadan arimood ee aad rabto in aan talo kaa siiyo, talo kaa siiyay, mida hore gabadha ay hooyadaa kula rabto waad guursanaysaa oo ma diidaysid, tan kale Suleeqo xiriirka aad ka damacsan tahay in aad la samayso waad la samaynaysaa wax kaa hor istaagi karo ma jiro aniga sidaas ayaan qabaa saaxiib" taladii saaxiibkay ii soo jeediyay wey igu qaraaraatay oo wey ii dhadhami weyday inkastoo uu talo I siiyay, hadana waxaan ka jeclaa in labada dhinac midood uu talada iga siiyo, waayo waxaa aad igula weynayd anigoo xaas leh in aan hadana gabar dhalinyaro oo aad u da’yar aan been ku maaweeliyo waqtigana aan ka lumiyo anigoo aan awoodin in aan guursado si aan talada saaxiibkay I siiyay aan u sii jilciyo micnaha uu ula jeedo ayaan weydiiyay:- "Siciidoow hadii aan gabadha abtigay la aqal galo oo aan noqdo nin xaas leh sidey ku suurto geli kartaa in aan hadana Suleeqo xiriir la sameeyo ileyn waad og tahay gabdhuhu ma jecla raga xaasaska leh, sideese ii saamayn karaa xiriirkeeda cusub hadiiba aan guursanaayo gabar kale" Saaxiibkay Siciid hadalkaygii ayaa u cuntami waayay sacabada ayuu isku garaacay madaxa ayuu rux ruxay markaasuu inta garabka iga dharbaaxay igu yiri:- "Khaliif arinta aad tilmaamaysid way jirtaa balse sidee xeego loo xagtaa ilkana ku nabad galaan ayay soomaalidu tiraahdaa, Suleeqo in aad jeceshahay oo aadan ka maarmi karin ayaad ii sheegtay, anigana saaxiibkaa ayaan ahay wixii adiga dantaada ah aniga dan ayay ii tahay si jacaylka aad u qabto Suleeqo uu kuugu hir galo xiriir la samee la sheekayso hana la socodsiin in aad xaas leedahay lacala hadii ay ku weydiisana ka qari, ilaa ay dantaada ka hir galayso, ujeedada aan sidaa kuu leeyahay igama ahan in aad been sheegto waqatigana aad ka lumiso Suleeqo ee waxaan ula jeedaa gabadha abtigaa dhalay waa gabar aan dooqaaga ahayn rabitaankaagana aan ku iman hadii aad la aqal gasho waxaa la arkaa in aad is fahamtaan oo aad far iyo faraati noqotaan ama waxaa la arkaa in aad is fahmi weydaan oo aad kala tagtaan, siday noqon doontana alaa og hadii aad is fahmi weydaan Suleeqo cid kaa hortaagan ma jirto booskii ay walaashaa banaysay iyada ayaa kuu buuxinayso, hadiise Shini iyo malabkeed aad adiga iyo gabadha
abtigaa isku noqotaan afar ayaa ilaah kuu baneeyay Suleeqo xaaskaaga labaad ayaad ka dhigan kartaa waqtigii aad doonto oo aad awood u yeelato, ma fahamtay saaxiib" Anigoo aad u faraxsan aadna u fahamsan talada saaxiibkay meesha ay diirada saarayso ayaan ku iri:- "Saaxiib aad iyo aad ayaan u mahadsan tahay hadeer ayaan fahmay macnaha oo dhan markii hore ma fahamsanayn taladaada ayaan raacayaa natiijada ka soo baxdana hadii aan wada nool nahay waan isla joognaa waan isla falanqeyn doonaa sidii Suleeqo loo soo xero gelin lahaa inkastoo guur deg deg ah aanan jeclayn hadana waa lama huraan" saaxiibkay Siciid Suleymaan oo ii dhoola cadaynaayo ayaa igu yiri:-"Guurka gabadha abtigaa hadal ha ka soo celin iskala aqal gal iska raaxayso maskaxdana ha kuu degto, laba bilood ka dib ayaan arinta Suleeqo ka howl geli doonaa insha alaah" anigoo hadalkiisa ku qoslaayo ayaan ku iri:- "Waa yahay Sxb, waa inoo mar kale, waqtiga yaanan kaa sii luminin, dumaahiday muslimo ayaa ku sugayse" intuu igu qoslay ayuu igu yiri:- "ah ah xaa….Muslimo yarey alaha ii dhaafo qof I deeqday waaye, sacdiyo, iisho, barni, shariifo iyo sihaam Dhamaantood xiriirka ayaan u wada jarey hadiiba Muslimo yarey gacanta aan ku dhigay" "alaha kula garab galo anigana dumaashi fiican alaha iiga dhigo" intaan ku iri ayaan fadhigii ka istaagay oo isku diyaariyay in aan baxo, markiiba intuu I gartay ayuu igu yiri:- "waan wada baxaynaa ee I sug catar iyo barafuun waxbaan is marinayaa" waan ka ogolaaday daqiiqado ka dib gurigii ayaan ka soo wada baxnay, cabaar ayaan wadada dhexdeeda ku sii wada kaftanay ilaa laga soo gaarey wadadii ku toosnayd guriga Muslimo Siciid markiiba Dhankii guriga Muslimo uu naga xigay ayuu u leexday anigana gurigeena ayaan toos u soo aaday .
Laba maalmood ka dib ayay Hooyadey igu wargelisay in Xafalada Arooskayga ay dhici doonto sadex maalmood ka dib ayna isku afgarteen iyada iyo abtigay, waxay kaloo hooyadey iigu baaqday in aan wargeliyo dhamaan asxaabtayda oo dhan si ay uga qeyb qaataan Damaashaadka xafladayda Arooska .
In kasta oo uu hadalka Hooyadey aad u wanaagsanaa hadana waxaan ka door biday in aan iska aqal galo anigoo aan cidna la socodsiin marka laga reebo saaxiibkay Siciid, maxaa yeelay soomaalidu waxay tiraahdaa dhagax meel dhow ayuu ku dhacaa dhawaqna meel dheer waxaan ka baqey in warku meel kasta gaaro oo dantii aan ka lahaa Suleeqo ay ii hirgeli weydo sidaas darteed waxaan ku xisaabtamay in qorshaha ii degsan ay arintani kow ka tahay dhaqan gelinteeda ka dibna waxaan go’aansaday ka hor inta aysan xafladu dhicin in aan isla Caawa u tago walaashay Zamzam Nuur si aan ugala soo sheekaysto sida ay u aragto Aqalgalkeena maadaama aysan arintu ahayn mid aan labadeena go’aansanay .
Habeenimadii markii la gaarey ayaan soo abaarey hoygii abtigay oo ku yiilay xaafadda Boondheere abaarihii 7:00 fiidnimo, markii aan soo gaarey hoygii abtigay waxaa iridka laga galo aan ku kulmay abtigay oo ay la socdaan laba oday oo aan garanayn markiiba salaan ayaan u soo gudbiyay iyagiina wey iga qaadeen ka dibna Abtigay odoyaashii la socday ayuu I barey ka dibna wuxuu iigu baaqey in aan gudaha sii galo "waa yahay abti" intaan iri ayaan gudaha u sii galay nasiib wanaag markii aan gudaha u soo galay guriga waxay indhahaygu qabteen Zamzam oo ay la fadhiyaan koox gabdho ah oo aan ku qiyaasay in ay ahaayeen saaxiibadeed markiiba salaan guud ayaan u gudbiyay iyagana si wanaagsan ayay iiga qaadeen ka dibna Zamzam oo xishood aanan ku baran uu ka muuqdo ayaa soo istaagtay oo dhankayga soo aaday Iyadoo I leh "Aboowe soo dhawow, horey u soo gal" anigoo aad ugu faraxsan sida xushmada leh ee ay iila hadashay ayaan u soo dhaqaaqey halkii ay gacanta iigu tilmaantay ka dibna qolkii ay ka deganayd guriga Ayaan gudaha u sii galay Zam zam oo laga dareemaayo farxad aan qiyaas lahayn xishoodna uu ka muuqdo ayaa igu tiri:- "waan ka xumahay aboowe in anigoo aan diyaarsanayn aad I soo kediso, waxaa wanaagsanayd in aad I soo wargeliso si aan kuu soo dhaweeyo" "ma guriga abtigay oo markii aan yaraa ku ciyaari jirey ayaad igu soo dhaweynaysaa, hadii aan rabo lix saac habeenimo ayaan imaanayaa cid aan soo dhaweyn ka rabo ma jirto sidey kaa noqotay Zam zam mise walaaltinimadii naga dhaxaysay ayaa laga soke marey markaasaa xishood ku galay ix.. ix.. ix." ayaan ku iri, markaasey iyadoo qoslaysa la soo boodey:- "Dabcan, in aan dadaal dheeri ah sameeyo oo sidii aad igu ogayd si ka bedelan aan kuu soo dhaweeyo ayaan ku qasbanahay maadaama mas’uuliyada naftayda aad la wareegtay" hadalkaas xikmada xambaarsan markii ay iigu jawaabtay farxad ayaa igu dhalatay waxaan gartay in walaashay Zamzam ay ku qanacsan tahay guurkeena oo uusan ku jirin wax diidmo ah, inkastoo shaki badan uu iska jiri karo hadana wajigeeda waxaan ka dareemay in ay igu qanacsan tahay markaasaan anigoo la kaftamaayo ku iri:- "koley sida aad la socoto Hooyo iyo abti waxay go’aan ku gaareen oo ay waliba ku faraxsan yihiin in aan is guursano oo aan nolosha wadaagno, sida aan qiyaasayo labo maalmood ayaa ka hartay maalintii loo iclaamiyay inay dhacdo xaflada Arooskeena, sidaas darteed waxaan kaa rabaa in aad ii sheegto sida aad u aragto guurkeena, ma ku faraxsan tahay mise dirqi ayuu kugu yahay" Zam zam markii aan su’aashaas weydiiyay bey iyadoo xishoonaysa igu tiri:- "aad baan ugu faraxsanahay wax jujuub ah ma jiro aniga ayaa raali ka ah oo ogol in aan wada aqal galno" ka dibna wey aamustay xishood dartii markaasaan ku iri:- "marna ha isku dayin waxa uurkaaga ku jira in aad iga qariso, ogow labada qof ee is guursanaya waa labadeena yaanan been isku sheegin, hadhow shalaay iyo calaacal waxba kuuma taraayo, anagaa dhalinyaro isla ah waxaa la arkaa in uu jiro wiil aad jeceshahay ama aad balan la gashay si daacad ah iigu waran waxba ha iga qarin" Zam zam oo aan qiyaasayo markan in ay ila garatay micnaha aan su’aalaha u weydiinayo ayaa afkii kala furatay waxayna hadalkii ku bilowday :- "Aboowe runta markaan kaaga hadlo balan adag ruux aan la galay ma jiro laakiin wiil aan iskuulka caafimaad isla dhiganaynay ayaa jirey oo aan sheekaysan jirnay isagiina markaan u kuur galay wiil run wata ma ahayn waana iska reebay, waqti xaadirkan la joogo cid aan balan la galay ama aan xiriir la leeyahay ma jiro, guurkagaana waan ku faraxsanahay waayo marna seygayga ayaad tahay marna walaalkay ay eedaday dhashay yaa isku heli karo" sacabada intaan isugu garaacay ayaan ku iri:- "waaw waxaasaa gabar fiican ah, aniga sidan ayaa I anfacayso waayo haddii hadhow adigoo hoosta ka guuxaya ama ka ooynaya lagu soo guuriyo, sidee dhadhan iyo macaan ku yeelanayaa guurkaas wuxuu noqonayaa guur qasaarey, oo waa kaligaa waalo, balse hadii labada dhinac laga wada qoslaayo waxaa hubanti ah mirihii ka soo baxa in lagu aayi doono, caawa waxaan xaqiiqsaday in aan nasiib u yeeshay oo ay calafkayga noqotay gabar aad u caqli badan oo hadana walaashay ah al xamdu lilaah ilaahay ayaa ii sahlay ee iskama helin sow sidaas ma aha" Walaashay iyadoo aad u xishoonayso ayay iigu jawaabtay:- "Haa aboowe" daqiiqado ka dibna waxaan ka dalbaday in ay I fasaxdo weyna iga ogolaatay ka dibna si wadajir ah ayaan dibada ugu soo baxnay, inta aanan banaanka guriga uga bixin ayaan soo xusuustay in aan ilaawey in aan Eedaday Salaamo, si aan la ii eedaynin ayaan qolkii ay ku jirtay ugu galay, waxaan si gooni ah ula hadlay Eedaday marna sodohday waxaan dareensiiyay sida aan raaliga uga ahay guurka gabadheeda, waxaan kaloo u sheegay sida aniga iyo walaashay aan wax waliba isula meel dhignay oo aan raaliga isaga nahay ka dibna waxaan ka dalbaday in ay noo ducayso, duco aan qiyaasi Karin inta ay la’eg tahay ayaa la igu daadiyay ka dibna inta dhabarka la iga dharbaaxay ayay igu tiri :- "Orod hooyo macaan waad ducaysan tahay" Anigoo ducada sodohday aad ugu qanacsan ayaan dibada u soo baxay ka dibna Zam zam oo weli taagan meeshii aan markii hore kaga soo dhaqaaqey ayaan u tagay mise gabadhu wey xishoonaysaa waa yaab, intaan garabka ka dharbaaxay ayaan ku iri :- "Koley wixii qorshe ahaa oo
dhan waan dhamaysanay, inta noo hartayna ilaahay ayaan ka rajaynayaa inuu noo fududeeyo, ee maxaad I oran lahayd oo kuu harey" "Waxba iima harin aboowe sidaas ayay ahaanaysaa balanteena" ayay si hoose iigu jawaabtay, markaasaan anigana u sii raaciyaya:- "Waa yahay orod iska laabo sida aan qiyaasayo gabdho ayaa ku sugaya oo guriga kuu jooga" intay gacanta ii soo taagtay ayay I macsalaamaysay ka dibna dib ayay gurigi ugu laabatay anigana markiiba waan soo dhaqaajiyay .
Si farxad iyo guul leh ayuu ku soo gaba gaboobay xafladii arooskayga aniga iyo walaashayna si farxad iyo qosol leh ayaan ku wada dhamaysanay todobobadii maalmood ee arooska, maalintii sideedaad ayaan shaqadaydii caadiga ii ahayd dib u bilaabay iyadoo shaqaalaha ka shaqeeya shirkada oo dhan aysan la socon Arooskayga, maalintii maalintaas xigtay galabnimadeedii ayaan go’aansaday in aan booqdo gabadhii sida ba’an qalbigayga ugu qornayd ee Suleeqo Siyaad Cumar Waqti Casar ah ayaan soo abaarey gurigoodii waxaana albaabka laga galo iga furtay gabar la dhalatey Suleeqo oo aan aqoon fiican ii lahayn, markii ay I aragtay ina garan weyday ruuxa aan ahayn ayay igu tiri:- "Aboowe yaad rabtey" "Abaayo Suleeqo ayaan rabey ee ma joogtaa" ayaan u sii raaciyay, ka dibna intay "Haa wey joogtaa ee horey u soo gal" igu tiri ayay farta iigu sii tilmaantay qolka ay ku jirto, "Mahadsanid" intaan iri ayaan talaabada horey u soo qaadey, anigoo aan weli sii dhaafin barandada guriga ayay Suleeqo ka soo dhex qeylisay qolkii ay ku jirtay iyadoo leh:- "Yaa waaye qofka I rabo" iyadoo aan weli loo jawaabin ayay madaxa ka soo dhiibatay qolkii ay ku jirtay si ay u aragto qofka soo galay guriga ee iyada raadinaya, mar alla markii ay madaxa la soo baxday oo ay indhaheenu isku dhaceen sidii caruur hooyadood arkay oo kale ayay dhankaygii u soo carartay iyadoo leh:- "allaa…!!, alla waa khaliif madoobe, ii waran aboowe xagee ka dhacday waa lagu waayaye, mise gurigeena ayaad nacday oo xiisoole ayaad ahayd markaagii horeba" "Magaalada ayaan kula joogay meelna ugama bixin caafimaadkayguna aad ayuu u sareeyaa ee adiga ii waran, aniga nin xiisoole ah hadaan ahay galabta gurigaaga ma imaadeen, ee mar kale ha I dhihin xiisoole ayaad tahay" ayaan ugu jawaabay markaasey iyadoo qoslayso igu tiri:-"hi.. hi..Horey u soo gal, waadba fiican tahay hadii aad is difaacayso" ka dibna anigoo aan weli hadalkeeda u jawaabin ayay hadana ii sii raacisay:-"Khaliifoow hadaadan xiisoole ahayn meeqa maalmood waaye inta aadan ii imanin ma la socotaa" "waan la socdaa ee maalmaha aan kaa maqnaa xaaladayda waxa ay ku sugnayd miyaad ka warqabtay markaad maqnaanshaha igu eedaynaysid" ayaan u daba dhigay, intay xoogaa
yar qushuuc muujisay ayay iigu jawaabtay:- "Mayee kaama warqabine maxaa ku helay aboowe miyaad xanuunsatay" Anigoo salka sii dhiganaya kursigii fadhiga ayaan ku iri:- "Walaahi xanuun iska yar yar ayaa I helay oo aan xitaa dhowr maalmood shaqo la aadi waayay," "dhakhtar ma la xiriirtay intii aad xanuunanayd? Hadase sidee tahay, ma caafimaad qabtaa mise weli waa laguugu dambeeyaa?" ayay I weydiisay, waxaan ku iri:- "Dhakhtar waan la xiriirey dawooyin ayaa la ii soo qorey, oo aan ku caafimaaday, ee adiga ii waran intaan xanuunsanaa oo dhan adiga ayaan kaa wel welsanaa laakiin adiga naxariis daradaada hadii aad I weyday xitaa shirkada igama soo raadineysid" "Aboowow iga raali ahow aniga in aad xanuunsanayd kama warqabin, oo waxaan is lahaa kii khaliif la ahaa wuu kaa dhuuntay oo nin xiisoole ah ayuu ahaa, ee hadii aan ogaan lahaa in aad xanuunsan tahay, sidaan kuugu imaadaba gurigaaga ayaan iman lahaa" ayay si qancin ah iigu jawaabtay, anigoo gacanta u sii laacaya biyo cabitaan ahaa oo miiska la soo saarey intii ay sheekadu noo socotay ayaan ku iri:- "mashaakil ma laha ruux walba meesha uu joogo alaha ku nabad yeelo, galabta ayaan is iri bal ka war doon gabadhii suleeqo ahayd waa tii sheeko bilow ah ay idiin socotaye, waa kanaa oo waan is hor fadhinaa galabta ilaah ayaa mahadaa iska leh ee warka isii intii aan kala maqnayn maxaa soo kordhay" "Walaahi anigu war ma hayo argtidaada ayaa ii darnayd oo kaliya oo aan u xiiso qabay, ee adiga xagaaga maxaa ka cusub" ayay hoosta iigu dhigtay, intaan cabaar aamusay oo aan madaxa sal salaaxay ayaan ku iri:- "sida aan qiyaasayo Aniga iyo adiga sheeko xiiso leh ayaa qabyo noo ahayd, sideedana waxaa haboon wax waliba in lagu saleeyo sida ay yihiin ama loogu talo galey, sidaas darteed galabta qorshaha ugu weyn ee aan kuugu imid ayay tani kow ka tahay ee waxaan ku weydiiyay hadii aan sheeko wadaag noqono balana aan wada dhigano siday kuula muuqataa suleeqo ahaan" Suleeqo hadalkaas markaan ku iri wajigeeda farxad ayaan ka dareemay oo waxaan qiyaasay in ay iyadana sidayda oo kale ay u baahi qabtay in aan xiriir yeelano .
Cabaar ayay aamusnayd oo marba dhan intay u jeesato hadana aniga dhinacayga u soo jeesanaysay iyadoo aad moodo xishood iyo cabsi inuu hadalku u diidan yahay, mar dambe ayayse su’aal la soo booday waxayna igu tiri:- "Khaliifoow hadalka aad tiri waa mid runtii aad u wanaagsan balse inta aanan jawaab kaa siinin waxaan jeclaan lahaa in aan ku weydiiyo laba su’aalood adigoo iga raali ahaanaya maxaa yeelay raga hada jira aamin ma galaan oo kan runta wata iyo kan beenta wata waa isku mowqif oo lama kala garan karo waayo nin xaasle ah ayaa ku dhahaayo xaas ma lihi, ama nin balan gabar kale la
galay adigana aan guur kaa rabin ayaa ku dhahaayo waan ku guursanayaa, adigiina wuu ku lugoonayaa gabadhiina sidoo kale ayuu u lugoynayaa mar waqtigii kugu dhamaaday ayuu gabar kale iska guursanayaa haduu doono, runtii waad ku wareeraysaa in aad si fudud ku kala fahamto, sidaas darteed adiga khaliif ah Xaas ma leedahay?".
Nin maalintii Sagaalaad aroos ku jiro ayaan ahaaye, su’aashaas madax xanuun ayay igu ridey oo waxaanba is iri "armay arooskaaga soo maqashay oo ay ku gaadi rabtaa," marna waxaan is iri "ma ahee waa naag iyo caadadeed siduu saaxiibkaa horey kuugu sheegaye, intay ku yiraahdaan xaas ma leedahay ayay hadana iyagoo ku raba mar marsiiyo ka dhiganayaan, anigu nin xaas leh ma rabo," "War nacas yahow gabdha in aad xaas tahay ha u sheegin hadii kale qorshahaaga oo dhan ayaa halaabaya, oo suuro aan jirin ayay hadhow la imaanaysaa" intaan niyada iska iri ayaan markiiba jawaab uga dhigay:- "Maya Abaayo, weli ma guursan" markaasey dhoolo cadaysay oo si fiican indhaha iigu eegtay, waan ka baqey daymadeedii maxaa yeelay waxaan u qaatey in bohoshii aan ka baqaayey aan ku dhacay oo ay sidaa iigu qososhay, anigoo qosolkeedii la yaaban ayay hadana I sii raacisey "Saaxiib xitaa ma lihid" "Maya" ayaan mar kale ugu jawaabay, intay dhabarkeeda ku tiirisay kursigii ay ku fadhiday ayay hadana igu tiri:- "Wax dhici karo maad ii sheegtid khaliifow, shirkad dhan oo xawilaad ayaad u shaqeysaa guur iska daaye saaxiib xitaa ma lihi ayaad I leedahay sideen hadalkaas ku rumaysan karaa" anigoo wadnuhu I gariiraayo welina aan kala garan la’ahay ujeedada ay su’aalahan badan ii weydiinayso, hadana u maleeyo in ay arimahayga wax ka og tahay ayaan ugu jawaabay:- "wax I qanciya hadii aan waayay sow ma dhici karto, in aan faraha isaga qaado" "Dabcan wey dhici kartaa, laakiin u malayn maayo aniga" ayay iigu jawaabtay iyadoo candhuuf sii liqeyso "Sabab" ayaan markiiba ku iri, markaasey iigu jawaabtay "waa bilaa sabab" ka dibna hadal kale ima weydiinin oo wey iga aamustay, aamusnaanteedana waxba kama dhigan anigana waan isaga aamusay oo waxaan u qaatey in ay hadalkayga ku qanacdey oo ay ka fikireyso jawaabtii ay ka bixin lahayd dalabkii aan u soo jeediyay ee aan kaga dalbanaayay in aan sheeko wadaag isku kalsoon noqono .
Dabcan suleeqo in ay waayo arag tahay, gabdhaha da’eedana ay wax dheer tahay ayaa ii kala cadaatey ka dib su’aalihii ad adkaa ee ay I weydiisay, walaahi weli ma arag intaan gabdho soo shukaansanayay gabar sidan oo kale su’aalo ii weydiisay ama igu soo hadal qaadey qiyaanooyinka ay ragu kula kacaan haweenka iyo sida aan loo kala
saari Karin kan daacada u ah jacaylkiisa iyo kan kale .
Suleeqo oo aad moodo markan in ay go’aan ka gaartey arintaydii ayaa la soo booday:- "een khaliifow sida aad warka iigu sheegtay hadii ay run kaa tahay oo uu ilaahey kula og yahay, warkaagii waan qaatay oo in aan sheeko wadaag noqono laga bilaabo maanta ayaan balan kaaga qaadayaa, teeda kale ma anigaa ugu horeeyo gabar aad sheeko wadag noqotaan mise waa la iga horeeyay?" "Maya, waa lagaa horeeyay, laakiin nasiib daro waan kala haajirnay oo calafkoodii ayaa intaas ku ekaa," ayaan si tartiib ah ugu jawaabay…."Ma laha adigaan run wadanin, oo waad iga qarinaysaa sow ma aha" intay igu tiri ayay hadana ii sii raacisay:- "su’aal kale" "haye soo daa" ayaan ku iri anigoo waliba ka naxsan su’aasha kale ee ay I weydiin rabto, waxay igu tiri:- "khaliifoow markii aad iga dalbatay in aan sheeko wadaag noqono waxaan ku weydiiyay in aad xaas leedahay iyo in kale iyo in aad gabar xiriir la leedahay, adigase ima weydiin in aan xaas ahay iyo in kale ama aan wiil xiriir la leeyahay maxay ku dhacday arintaas miyaysan haboonayn in marka hore wax la iska hubsado oo la is wareysto ileyn anigoo xaas ah ayaan been kuu sheegi karaa oo aan ku dhihi karaa xaas ma lihi ama anigoo balan wiil la leh ayaan ku dhihi karaa keli ayaan ahay wax kasta in la iska hubsado ayaa wanaagsan sow sidaa ma aha" "Haa, wey wanaagsan tahay" ayaan ugu jawabay anigoo ka naxsan warka dhiilada xambaarsan ee ay ii soo wado, markaasey igu tiri:- "iska jir hee…., hada ka dib yeysan kaa hoos bixin" .
Neef weyn ayaan markiiba soo tuurey farxada uu hadalkaas igu dhaliyay darteed ka dibna anigoo is xariifinaya ayaan la soo booday:- "Nin waayo arag ku ah Shukaansiga ayaan ahay, kalsoonina isku qaba, gabdhaha su’aalaha noocaas oo kale la weydiiyo ama laga shakiyo waad iiga qiimo badan tahay, waayo gabar da’ yar ayaad tahay oo degan hadana aan weli u talaabo qaadin dhankaas, hadiise aad u qaadayna aan talaabo kale ku darin, micnaha dhabanadaada ayaan ka garanayaa in aad gabar tahay oo aan weli la guursan, mida kale ee saaxiibtinimada waa caadi maba loo baahno in la is weydiiyo maxaa yeelay ninku haduusan ku qabin waxaan qabaa in tartan lala geli karo ileyn naag ninkii u roon iyada ayaa taqaano, marka anigoo waayo aragnimadaas kaashanaayo ayaanan kuu weydiinin su’aalahaas ma garatey" wey aamustay mar kale oo maskaxdeedii ayay ka shaqeysiisay, inkastoo aan qiyaasay in ay aad ula dhacday sida aan warka ugu kala dhig dhigay oo aan u dareensiiyay waayo aragnimada aan u leeyahay shukaansiga .
In cabaar ah markii ay aamusnayd ayay mar kaliya la soo boodey:- "Khaliifow maalintii labaad ee aad gurigeena iigu timid ee aan waqtiga dheer wada qaadanay hadii aad xusuusato, Maalintaas ayaad qalbiga ii dhaaftay anigoo waliba ka baqaayay in aad igu noqoto nin xaas leh ama gabar saxiib la ah hadana nasiibkayga galabta waxaa ii cadaatay in sidii aan jeclaa uu ilahay ila jeclaaday maadaama aadan xaas lahayn, xiriirna aadan la lahayn gabar kale, Hambalyo ayaan ku leeyahay iyo xiriir wanaagsan" "wanaagsan oo wacan hadiiba aad ila garatay wanaaga aan kuu doortay" ayaan warkii u sii raaciyay, wax yar ka dib aamus ayaan wada galnay labadeenaba, runtii farxada maalintaas laga dareemayay wajiyadeena ma ahan mid hadal ama faalo lagu soo koobi karo, ruuxba ruuxa kale wuxuu u arkayay inuu ka guulaystay oo uu helay waxay ay naftiisu u oomanayd, dabcan waxaan qiyaasay markaan farxadeeda iyo xishoodkeeda arkay in ay aad ugu qanacsan tahay in aan xiriir wada yeelano anigana sidoo kale aad baan ugu faraxsanaa in aan ku guulaysto gacan ku dhigida Suleeqo Siyaad Cumar oo qalbigayga ku abuurtay jacayl aad u qara weyn, inkastoo farxada maalintaas aan dareemay aysan weli qalbigayga ka go’in hadana waxaan xusuustaa in Suleeqo Siyaad Cumar ay afkeeda iiga cadaysay Maalintaas in ay aad ii jeceshahay oo aysan iga maarmi karin, Qadar 7 daqiiqo ah wax hadal ah nama dhex marin oo ruux waliba filim u gooni ah ayaa u shidnaa oo la iskama warqabin, alla jacaylku dhib badanaa, intaan wajigeeda si fiican u eegay ayaan ku iri:- "Suleeqo maxaa ku helay oo aad la aamustay" sidii qof maqane oo kale inta ay hadalkayga ku soo baraarugtay ayay igu tiri:- "Walaahi ma garanaayo wax baa iga awood badinaayo" "awood side ah" ayaan weydiiyay si aan wax u sii ogaado, balse nasiib daro intay ii dhoolo cadaysay ayay iska aamustay iyadoo ka xishoonaysa in ay jawaab iga siiso su’aashii aan weydiiyay, dhowr daqiiqo oo kale markii aan sii fadhiyay ayaan ugu dambayntii fadhigii ka istaagay si aan xaafadaydii u soo aado, Suleeqo oo aan jeclayn in aan ka tago sida aan ka dareemay wajigeeda ayaa iyadana fadhigii ka soo istaagtay si ay ii sii sagootiso markiiba si wadajir ah ayaan guriga uga soo wada baxnay, dhowr talaabo markii ay ila soo qaadey ayaan u sheegay in aan u iman doono habeenka jimcaha ee nagu soo food leh "waa yahay waan ku sugayaa" intay cod nuxuus leh igu tiri ayay dib ugu laabatay gurigooda anigana waxaan soo abaarey hoygii aan ku noolaa .
Sidii balantu ahayd Maqribnimadii jimcaha markii la gaarey ayaan soo abaarey hoygii ay ku noolayd Suleeqo si Sheekada curdanka inoo ah aan halkeeda uga sii ambaqaado, 45 daqiiqo ka dib ayaan soo gaarey gurigii suleeqo ay ku noolayd albaabkii ayaan garaacey waxaana iga furtay walaasheed salaan ka dib waxaan weydiiyay in ay Suleeqo joogto iyo in kale, markiiba waxay iigu baaqdey in ay joogto oo ay ku jirto qolka jiifka, horey ayaan talaabada u sii qaadey si aan u sii galo qolkii fadhiga ahaa ee aan badanaa fariisan jirnay aniga iyo Suleeqo, wax yar haddii aan sii fadhiyayna waxaa qolkii fadhiga iigu soo gashey Suleeqo oo aan la yaabay qaabka ay u labisan tahay iyadoo waliba qosol farxadeed uu ka muuqdo, waxay xirnayd Funaanad Buluug ah oo diilimo cad leh, hoostana waxay ku sidatay Goono jeenis ah oo ku dhegan soona saareysa qaabka jirkeedu uu u samaysan yahay, waxay huwanayd garbasaar yar oo qafiif ah oo aan waxba u qarinayn, anigoo la dheygagsan quruxda ka muuqata ayay soo fariisatay dhinacayga iyadoo I leh : "Khaliif caafimaadka iiga waran Aboowe wax waliba caafimaadkaaga ayaa iiga darane" "Abaayo aad ayaan u caafimaad qabaa al-xamdu lilaah, ee adiga iska waran sidee xaaladaadu tahay" ayaan markiiba ugu jawaabay, Suleeqo oo cidiyaha wasaq aan jirin ka raaraadinayso ayaa igu tiri:- "Walaahi khaliifow maalintii aan ku bartey ilaa iyo maantadan la joogo wey ii kala duwan tahay, maxaa yeelay ruux bini’aadam ah inuu ilaa xad sidan ii saamayn karo ma aaminsanayn aboowe, laakiin waan arkay waana xaqiiqsaday inuu I hayo jacayl dhab ah, waana garan waayay runtii sida ay ku dhacday arintan ileyn waad og tahay in xiriirkeenu uu hadeer bilow yahay, bal kawaran haddii uu bilooyin ama sanad uu sidan ku sii socdo maxaa dhici doona" Xoogaa yar oo dhoola cadayn ah intaan u muujiyay ayaan ku dhahay:- "Walaahi Abaayo anigaba kaama liito oo xaalkayga waad la socotaa inkastoo arimaha aad hadeer sheeganayso aan kaaga horeeyay xanuunkooda hadana waad dareemi kartaa sida aan u jeclahay ama aan u xiisaynaayo in Mustaqbalka aan noqono kuwa nolosha wadaaga, sidaas darteed dhibaatada aad sheeganayso mid ka weyn aniga ayaa qaba, ee ilaahay waxaan ka baryaayaa inuu towfiiqda na waafujiyo nagana dhigo kuwii calaf isku yeesha oo macaanka nolosha hal mar wada dhadhamiya AAMIIN" iyadana sidoo kale "AAMIIN, AAMIIN, AAMIIN" ayay Sadex jeer ku cel celisay, ka dibna intay labada gacmood dhabanada saaratay ayay deymo hor leh bilowday sidii ruux ku cusub oo aysan waligeed arkin oo kale, anigana lama yaabine intaan indhaha u kala furey ayaan ka hor jeediyay si ay uga bogato muuqeyga ileyn ruuxa jacaylka haya wuxuu mar walba jecel yahay inuu iska daawado ama uu arko muuqaalka ruuxa kale ee uu jecel yahay, sidii laba ruux oo dhowr sano kala maqnaa oo maanta is helay ayaan noqonay, roonaan lahaydaa ruuxba ruuxa uu jecel yahay inuu la noolaado .
Anagoo sidii isugu maqan oo labadeena gacmood ay is dhaafsan yihiin ayaa waxaa qolkii fadhiga noogu soo gashay gabar dhalinyaro ah oo joog leh oo aad u labisan, ookiyaal cadaan ahna xiran, garabka waxaa u surnaa boosro yar oo aan ku qiyaasay in ay ugu jiraan dukuminti, markii ay qolkii soo gashay ayay u soo dhaqaaqday dhankii suleeqo ay ka xigtay iyadoo leh:- "Suleeqo Siyaad Cumar waan ku salaamay abaayo, xaalka ka waran ayaamahan isma arkin waan iska mashquulay, ee ma ii fiican tahay" labada gacmood inta dhak dhak la isku siiyay oo labada dhabana la iska dhun dhunkadey, ayaa hadana labada dhabar la is dhaafsaday, yaab ayaa iga soo harey salaanta noocaas ah markaan arkay, balse markaan u fiirsadey qaabka ay gabadhan u labisan tahay ayaa waxaan u qaatey in ay dibada ka timid, Suleeqo oo salka sii dhiganaysa ayaa ku tiri gabadhii:- "aad ayaa loo fiican yahay, wax dhibaato ah ma jiraan ee soo fariiso" "Maya, abaayo ma fariisan karo, wiilal badan ayaa ila socdo oo banaanka ii taagan, anigaa mar kale kuu iman doono oo kuu sheekayn doono" ayay gabadhii ku jawaabtay, dhowr mar ayaa loogu cel celiyay in ay fariisato, hase yeeshee gabadhii waxay ku adkaysatay in aysan fariisan Karin oo uu waqtigu ku yar yahay wax yar ka dibna si wadajir ah ayay qolkii uga wada baxeen iyagoo wada qoslaayo oo dhexda is haysta .
Cabaar markii ay iga maqneyd Suleeqo, qolkii fadhigana aan ku kaliyoobay ayay dib ugu soo laabatey qolkii iyadoo iga raali galinaysa daqiiqadihii ay iga maqneyd, anigoo raali gelinteeda ku qanacsan ayaan ku iri:- "Dhibaato ma leh abaayo waa iska caadi martiba marti ayaa ka weyn, waan u jeedaa inay tahay qof aad kuugu weyn, ee ma yurub bey ka timid mise Ameerika" Suleeqo oo aan ku qiyaasay in ay su’aasheyda la yaabtay ayaa markiiba iigu jawaabtay:- "Ameeriko iyo yurub aaaa!!!, waligeed xamar kama bixin hadaan ku dhaho ka waran" Anigoo fadhiga nidaamsanaya ayaan ku iri:- "run ii sheeg abaayo ha igu ciyaarine, ma gabadha sidan u quruxsan, hadana labiska aan arkaayay wadatey ayaad I leedahay xamar ayay ku nooshahay, wax dhici kara ii sheeg" Intay ii dhoola cadeysay ayay igu tiri:- "Maxaa dhacay Khaliif anigaaba ku leh waligeed xamar kama bixin, ima aaminaysid mise labiskeeda ayaa ku cajab geliyay, oo waxaad is leedahay gabdhaha xamar jooga sidan uma labisan karaan, " "Dabcan Haa, weli wey ii dhiman tahay gabadhan oo kale, labiska waxaa iiga sii daran Midabkeeda siduu ahaa, sow ma arkayn, mise weli aniga ayaad igu ciyaareysaa" ayaan ku iri anigoo wali sii danaynaya in aan runta sii ogaado, suleeqo oo markan faruuryaha qal qaloocinayso ayaa igu tiri:- "Khaliifoow waan u jeedaa in ay ku qancisay gabdhaas, laakiin waxba ha is raac raacinin hadii aad is waasho xitaa waligaa ma helysid" "helitaankeeda waxaa ka horeeya rabitaankayga sow ma aha, haday iyada is waasho xitaa aniga khaliif madoobe ima helayso, Ogow saaxiibtaa haday sidaas u qiimo badan tahay aniga agtayda waxba kama goyso" ayaan hadalkii oo dhan ugu soo koobay, Suleeqo oo aad moodo in ay hadalkayga ka kululaatay ayaa si ay ii fahamsiiso gabadhan iga yaabisey ayaa igu tiri:- "Khaliifoow is deji bal, gabadhan waa gabadhii aan kaaga sheekayn jirey ee aan ku dhihi jirey wiil weriye ah ayay aad u jeceshahay, in ay isaga hartana wey iga diidan tahay, ee ma ahan gabar yurub ama ameeriko ka timid ma garatey" Markii ay intaas igu tiri ayay igu soo dhacday xusuustii gabadhaas markaasaan ku iri:- "Haa hadaan gartey, gabadhii aad I dhihi jirtey NGO ayay u shaqeysaa oo wiil weriye ahaa ayaa aad u xumeeyay sow ma aha" "Haa" ayay iigu jawaabtay, markaasaan hadana weydiiyay:- "Xaalkeedu muxuu ku dambeeyay, ma weriyihii ayaa guursadey mise wey isaga hartey" waxay Suleeqo iigu jawaabtay:- "Alla Khaliifoow gabdhaha qaarkood waxa ay ka samaysan yihiin ma aqaan, in ay caag yihiin iyo in aysan dhiig lahayn lama kala yaqaan, runtii gabadhan waa saaxiibtayda qaaliga ah ee aan ku kalsonahay talo kasta oo aan u soo jeediyo waa iga qaadan jirtay, balse wiilkan weriyaha ah markii ay baratey waaba ku waalatey, habeen iyo maalin warkiisa iyo faaladiisa ayay haysaa, isagana uma oga, maalin walba wuxuu jecel yahay inuu ka ooysiiyo, oo uu ku jees jeeso, iyadana kama damqanayso sideen ka yeelaa talo waa iga diidey waa soo taagan tahay" waxaan ku iri:- "Saaxiibtaa weriyaha ayaa wax weyn la ah, ee ha la yaabin, aniga waxaan qabaa in aad isaga gaabsato oo aadan hadal ku darsan, waxay kuu sheegto haye iska dheh, ilaa ay weriye waxa uu yahay ay ka soo arkayso iyo haduu dadka kale wax dheer yahay" intay igu qososhay ayay igu tiri:- "Sidaas wax dhaama ma leh, in teeda la raaco ayay noqonaysaa" "haaheey miskiin waaye ilaahey ha u dhib dhaamo, weriyaha wax uga qeyr roon alaha la kulmiyo waan u ducaynaynaa" ayaan u daba dhigay hadalkeedii, Aamiin ayay iyadana ii sii raacisey .
Suleeqo iyo aniga sheekadeena aad ayay u dheeraatey in kastoo waqtigu uusan ii samixi Karin in aan waqti badan la qaato, hadana maalintaas aad ayaan ugu daahey xaafadooda taasna waxaan u aaneyn karaa jacaylka dhabta ee aan isu hayno labadeena ileyn ruux aadan jeclayn waqti intaas la’eg uma sheekayn kartid isna kuuma sheekayn karo, habeenkaas si farxad leh ayuu kulankii noogu dhamaadey .
Dhanka kale Guurkii walaashey Zamzam inkastoo uu calaf iska ahaa hadana markii aan wada aqal galnay waxaa dhexdeena ka abuurmey jacayl aad u baaxad weyn oo midba midka kale uu u qabo, waxaad arkaysaa habeenada qaarkood sida ay sheekada noogu baxayso in aan waqti dambe ku gaarno, subixii iyadoo aan dharka ii xirin quraacna afka ii gel gelin labada dhabana iga dhunkan shaqo ma aadi jirin, marka aan shaqada aadayana waxay ilaahay iiga baryi jirtey inuu nabad igu soo celiyo anigana intaan madaxa u salaaxo oo labada dhaban ka dhunkado ayaan ku dhihi jirey :- "Ilaahey ha isk keen dhaafo" lagama sheekayn karo isbedelka weyn ee guurka walaashey ka dib aan isku arkay farxad joogto ah, fur furnaan saa’id ah, waqti walba oo aan guriga xaadir ku ahaado iyo waxyaalo kale oo aan ka sheekayn jirin balse uu dareemi karo ninka hela gabar baari ah sida Zam zam oo kale, waxay niyadayda ka baabi’sey fikirkii aan marka hore ka qabey guurka ay is guursadaan dadka walaalaha ee isla dhashay, waxay ii muujisey baarinimadeeda, iyo sida ay u jeceshahay in aan abid isku waarno, waxay kaloo midaas mid la mid ah u muujisey Hooyadey oo marna Eedo u ah marna Sodohdeed ah, Ducada iyo amaanta ay maalin walba afka ku hayso ayaan ka dareemay in Zamzam ay Hooyadey u roon tahay, markii aan hooyadey arimahaas wax ka weydiiyayna waxay iigu jawaabi jirtey oo kaliya in ay kaga nasatey howl maalmeedkii dhibka badnaa ee ay qaban jirtey maalin walba, waxay kaloo hoosta iigu dhigtay in aan Zam zam xaqeeda ilaaliyo dambina aan ka gelin .
Bil walba marka ay dhamaato lacag ayaan siin jirey si ay ugu iibsato waxyaalaha ay sida gaarka ah u doonayso maadaama biilka guriga ay hooyo gacanta ku hayso, aad iyo aad ayaan uga waanin jirey in ay Hooyadey ka hor timaado waxaan kula talin jirey xumaan kasta oo ay hooyo kala kulanto in ay ilaah dartiis iyo jacaylka naga dhexeeya ay u sabarto, waayo sida caadada ah guurka dhex mara dadka walaalaha ah ama dadka kaleba badanaa marka uu waalid ku dhex jiro buuq kama dhamaado waayo dabeecado badan oo qarsan ayaa bananka soo baxa marka hal meel lagu wada nool yahay, buuqa badana wuxuu keeni karaa in dad is jecel ay isku xumaadaan oo xitaa salaantaba ay iska qaadi waayo sidaas darteed ayaan Zamzam maalin iyo habeen uga waanin jirey in ay iska ilaaliso Hooyo anigoo waliba dareensiin jirey in waalidka oo laga ducayso lagu heli karo liibaan aduun iyo mid aakhiro iyo awlaad baari ah .
Markii Nolosha raaxada leh aan dareemay mudadii yareyd ee aan xaaska noqdey, markii aan arkey Xushamada iyo Wanaaga ay
walaashey ku kasbatey in aan jacayl dhab ah u qaado, markan arkey jacaylka xad dhaafka ah ee ay ii qabto walaashey waxaan ka baqi jirey hadii aan gabar kale la guursado in qalbigu si noqdo inkastoo aysan aniga khaliif ahaan uusan wax naaqus ah ku iman jacaylkii aan u qabey Suleeqo Siyaad Cumar hadana walaashey waan u baqi jirey, mar marka qaarkiis marka aan habeenkii wada sheekaysanayno ayaan ku kala kaftami jirey in aan xaas kale yeelan doono maadaama guurku uu aad u wanaagsan yahay, waxay iigu jawaabi jirtey:- "Hadiiba xaqa laguugu leeyahay aad gudan karto aniga Zamzam ah raali ayaan kaaga ahay laakiin waxaan ka baqayaa in aad xaqa sidii la rabey aad u gudan weydo oo aakhiro lagu cadaabo" walaashey Zamzam waxay I taabsiin jirtey runta waxay I dareensiin jirtey in wixii aan wanaag u arko iyadana uu wanaag uu u yahay, yaa iska heli kara gabar sidan oo kale baari u ah ilaahey ha ii dhaafo ayaan qalbiga iska dhihi jirey marka aan soo xusuusto hadaladaas .
Dhanka kale Wanaag kasto oo Xaaskayga Zamzam ah ay ii samayso sida haday dharka iga bixinayso, ama ii xireyso, haday raashin afka ii gelinayso, hadey habeenkii laabteeda igu hurdo siinayso hadana marna qalbigayga kama marnaanaynin in aan habeen habeen ku qaldamo oo aan u maleeyo in ay Suleeqo ila joogto oo aan laabteeda ku hurdo, balse marka aan arko in aysan ila joogin oo aan Xaaskayga Zamzam laabteeda ku hurdo ayaan ilaahey ka baryi jirey inuu Suleeqo sidan oo kale iiga yeelo .
Qiyaastii muddo afar bilood ah markii uu xaalkeygu sidaas ahaa, Noloshaydana ay wax iska bedeshay ayay Zamzam Xanuunsatey raashinkii ayay ka go’dey, wadxanuun iyo neef tuur aan la yaabey ayaan ku arkey, midabkeedii oo dhan wuu qayirmey, markii aan xaaladeedii ka yaabey ayaan dhakhtar u kaxeeyay baaritaano fara badan markii lagu sameeyay ayuu ugu dambayntii dhaktarkii cadeeyay in Zamzam ay leedahay uur sadex bilood ah runtii hadalkaas aad ayuu ii farxad geliyay in aan duulo ayaan ku siktay, Xaaskayga Zamzam iyo Hooyadey iyo dhamaan reerka oo dhan aad ayay ugu farxeen Uurka soo siyaadey, markaasan ilaahay ka baryey inuu kheyr iiga dhigo .
Maalintaas aan dhakhtarka geynaayo Xaaskayga Zamzam habeenimadeedii oo ahayd Habeen jimco ah waxaan la balansanaa Suleeqo Siyaad Cumar, maadaama ay caado ii ahayd in aan habeen walba oo jimco aan gurigooda ku booqdo si xiriirka naga dhaxeeya uusan hakad u gelin, maqribnimadii ayaan iska xaadiriyay Gurigii suleeqo, sheekadii taxanaha noo ahayd ayaana nooo bilaabatey ,
habeenkaas farxadii I haysay waxay I badey intii Suleeqo gurigooda aan dhex joogay oo aan wada sheekaysanaynay in aan dhowr mar ku sigto in aan Suleeqo u sheego in xaaskayga Zamzam lagu soo sheegay uur sadex bilood ah, ilaah ayaa hadana afkayga ka qabanayay mar walba oo aan soo tufi rabo hadalkaas .
habeenkaas Kulankeena si farxad leh ayuu noogu dhamaadey inkastoo Suleeqo ay dareentay farxada iga muuqatey oo ay wax iga weydiisay hadana aniga uma faaqidin sababta ugu weyn ee aan la faraxsanahay, waxaan ugu koobay oo kaliya in aan ku faraxsanahay joogista aan iyada la joogo, weyna isaga qanacday, abaarihii 9:00 habeenimo ayaan ka soo tagey .
Habeenkaas wixii ka dambeeyay waxaan go’aansadey inta goori goor tahay in aan Suleeqo iska mehersado, ka hor inta aysan ogaanin in aan xaas leeyahay, meherkuna uu noqdo mid qarsoodi ah, Anigoo ra’yigaas aad ugu riyaaqsan ayaan iyadii u soo bandhigey habeen habeenada ka mid ah balse nasiib daro wey igu diidey in ay igu raacdo ra’yigaas, anigana kama caajisin oo habeen walba oo jimco ah marka aan u tago waan Ku soo hadal qaadi jirey anigoo waliba dhan kasta ka tusaalayn jirey si ay wax iila fahamto hase yeeshee si kasta oo aan wax ugu sheegey oo aan u tusaaleeyay marna Suleeqo go’aankeedii diidmada ahaa wey ka soo dabci weyday, balse Muddo todobo bilood iyo ka badan markii ay ka soo wareegatay welina aan xal u la’ahay sidii aan ka yeeli lahaa guurka qarsoodiga ah ee ay Suleeqo igu diidan tahay ayaan ugu dambayntii go’aan ku gaarey in aan kala tashto Saaxiibkay Siciid Suleymaan .
Habeenkii aan qorshahaas gaarey habeenkii xigey ayaan soo aadey saaxiibkay Siciid Sulaymaan si aan ula socodsiiyo arimaha igu soo kordhey, Abaarihii lixdii maqribnimo ayaan soo abaarey gurigii saaxiibkey nasiib wanaag banaanka gurigooda isagoo taagan ayaan la kulmay markaasaan ku iri: - "Anigaaba nasiib leh hadeer ayaan is la lahaa ku gaarimeysid ee xaalada iiga waran, sidee tahay" intuu dhankayga u soo jeestay isagoo waliba si fiican ii fiirinaayo ayuu igu yiri:- "Ninka dadka nacay, ii waran saaxiib hadiiba lagu arko," anigoo hadalkiisa ku qoslaayo ayaan ugu jawaabay:- "waan joogay meelna ma aadin, ee adiga xaaladaada iiga waran, dumaashidey sidey tahay" intuu igu qoslay ayuu igu yiri:- "Dumaashidaa miyaad rabtaa in aad dambiga kaga gambato, eedeysane ayaad tahay ee ii waran maxaa soo kordhay dumaashidey wax ma noo dhashay" "weli wax ma dhalin laakiin insha alaah wey dhow dahay, oo kheyr ayaan rajaynayaa"
ayaan markiiba ugu jawaabay:- intuu labada gacmood kor u taagay ayuu igu yiri:- "Al-xamdu lilaah ilaahey wax kheyr qaba ha inaga siiyo, aduunyada waxa loo joogo waa intaas" ka dibna waxaan isku raacnay baar meesha ka dhawaa si aan shaah uga soo cabno ka dibna aan wada falanqeyno qorshaha aan ugu imid, Baar Maka Al mukarama oo barxad weyn oo lagu qaxweysto leh, dadka reer magaalka ahna ay isugu yimaadan ayaan meel barxad ah ka fariisanay labo kursi iyo miis ayaan gooni ula baxnay, ka dibna waxaan dalbanay laba koob oo kafee ah iyo labo cabitaan .
Baarku wuxuu ahaa mid aan buuq lahayn inkastoo dadka imanaya ay aad u fara badnaayeen hadana ma dareemaysid qeylo iyo buuq labo labo iyo sadex sadex ayaa loo wada fadhiyaa oo ay sheekadu isugu baxaysaa hadana ma maqlaysid hadalkooda, aniga iyo saaxiibkay xiise gaar ah ayaan habeenkaas isu qabnay oo mudo badan ayaan kala maqnayn balse is eedeyn iyo is qancin ka dib ayaan uga waramey dhamaan wixii igu soo kodhay oo dhan iyo qorshahii aan damacsanaa oo ay Suleeqo igu diidey, ka dibna waxaan ka dalbadey inuu bal talo ka keeno sida laga yeeli karo arintan, Saaxiibkay aad ayuu ugu riyaaqey gadaashiis wixii soo kordhay wuxuuna ilaahay iiga baryay in inta dhiman uu alle ii dhamaystiro ka dibna wuxuu hadal iiga bilaabay arimihii Suleeqo wuxuuna igu yiri:- "Saaxiib hadii Suleeqo ay dhowr mar kaa diidey, adigana aad ku qancin weyday in ay arintan kaa yeesho aniga waxaan qabaa in aad mar kale ku laabato oo kama dambays ah, waliba aad u muujiso Xanaaq, haddii ay kugu diido oo xanaaqaaga uu waxba ka badeli waayo mowqifkeeda, xiriirka lala leeyahay ayaa loo jarayaa dhibaato ma laha" anigoo hadalka saaxiibkay la yaaban ayaan ku iri:- "Hadii aan isu xanaajiyo oo aan isaga tago sow khasaaro ma noqonaayo jacaylkii aan muddada badan soo dhisaayay" intuu afka ii qaloociyay ayuu igu yiri:- "naga tag nacas yahow, Jacayl qaasey ayaad ka hadlaysaa, laakiin qiyaanada ku hoos jirta uma jeedid, war hadey sida aad u jeceshahay ay iyadana kuu jeceshahay iyada ayaa kaa wel wel badan, waxba ha is kurbaynin oo niyada ha iska mashquulinin, iska dulqaado inta ay wax noo kala cadaanayaan".
Anigoo saaxiibkay tusaalaynaya una muujinaya in Suleeqa diidmadeeda uusan ka ahayn nacayb ay I nacayso ayaan ku iri:- "Saaxiiboow aan kuu waramo Suleeqo in ay labadeeda indhood iga jeceshahay cidna la warsan maayo aniga khaliif ah ayaa huba in aysan iga maami karin, sow ma haboono intaan diidmada arintan darteed aan xiriirkeeda u jari lahayn in aan xal kale raadino ileyn Suleeqo
guurkayga diyaar ayay u tahay waxayse ogolayn in meher masaafo ah ay ii raacdo" Saaxiibkay intuu igu qoslay ayuu igu yiri:- "Walaahi in jacayl dhab uu ku haayo aniga ayaa marqaati kaaga ah, ee iska daa wareerka saaxiib, taladayda raac oo ku laabo mar kale, runta faraha ka saar hadii ay wax iska bedeli weydo isaga soo tag, hadal kale ha u gelin, Suleeqo gabdho kale ayaa ka badan" anigoo la yaaban go’aanka saaxiibkay uu ku adkaysanayao kana cabsi qaba hadii aan sidaas yeelo in ay wax iga halaabaan, ayaan talo ahaan ugu soo jeediyay anigoo ku dhahay:- "Saaxiib ogow waxani waa dumar waa maan gaab, waa caruur oo kale, hadana Suleeqo waa da’yar oo aan caqligeedu dhamaystirnayn, meesha aad wax ka arkayso meel ka soke ayay wax ka arkaysaa, sow ma haboono intaad go’aan ka tagis ah aan ka qaadan lahaa in aan digniin kama dambays ah siiyo oo aan u qabto muddo cayiman oo ay jawaab iga siin karto" Saaxiibkay oo neef weyn soo tuuraya ayaa intuu garabka iga dharbaaxay ayuu igu yiri:- "Saaxiib waa runtaa oo wey wanaagsan tahay in muddo loo qabto laakiin waxbaa isaga kaa dhex qasan, hadii taada aan kuu raaco oo aan muddo cayiman u qabano mudadii loo qaban lahaa wey soo qaadatey oo todobo bilood iyo ka badan ayay kugu diideysay mudo kale looguma dari karo, teeda kale gabadhan xiriir ayaa idinka dhexeeya balantiinuna waa in mustaqbalka aad is guursataan, hadii aad jeclaysatay in aad soo af jarto xiriirkiina oo aad guur u soo bandhigtay ma ii sheegi kartaa sababta ay ku diidi karto hadaysan dulmi ka ahayn," waxaan ku iri:- "Dulmi kama aha ee waxaan qiyaasayaa in ay jeceshahay in waalidkeed laga doonto, waqti xaadirkan diyaar uma ahi in aan waalidkeed ka doonto oo waad og tahay caqabada iga hor taagan, sidaas darteed sida aan aniga wax u rabo ayay diidan tahay mooyee, dhibaato kale ma jirto" wuxuu igu yiri:- "Markaan ku leeyahay isu xanaaji ulama jeedo in aad kala tagtaan ee waxaan rabaa in aan ogaado in ay si dhab ah kuu jeceshahay iyo in ay danaysi ka tahay oo ay waqtiga kaa luminayso, haddii ay ku jeceshahay oo aysan kaa maarmin waxaa xaqiiqo ah in ay ku raali geliso oo ay kuu sheegto wax macquul ah oo baajin kara arintaas ama in ay kaa ogolaato iyadoo ka baqeysa in aad isa seegtaan hadii ay diidmadeeda ku sii adkaysato", intaan hadalkii saaxiibkey ku farxay ayaan ku iri:- "Aad ayaad u mahadsan tahay isha ayaad ka ridey, waana igu balan in aan sidaas sameeyo wixii natiijo ee ka soo baxana waan kula soo socodsiin doonaa haduu alle yiraahdo" "Saaxiib sir naageed lagama sal gaaro ayaa horey loo yiri, ad adeeg muuji, hadii kale inta la arko sida jacaylka aad daacada ugu tahay yaan meel cidlo ah lagaaga tegin" ayuu igula kaftamey saaxiibkey, anigana waxaan ugu jawaabey:- "Nin jacayl uu hogaaminaayo ayaan ahay goormaan ad adeeg muujin
karaa, waxaanba u maleeyaa in aan suufka ka jilcanahay" ka dibna si wadajir ah ayaan u wada qosolnay aah… aaha……..aaaah….aaahaahha ..
Sakano ka dib baarkii aan wada fadhinay ayaan si wadajir ah uga soo dhaqaaqnay maadaama qorshihii aan u nimid uu noo soo dhamaadey, saaxiibkay siciid intii aan wadada ku sii jirney aad ayuu iigu dhiiro gelinaayay in aan sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galo oo aan ka caajisin si aysan waqti badan iigu qaadanin ka miro dhalinta arintan, anigana si kalsooni ku jirto ayaan saaxiibkay ugu sheegay kulanka ugu horeeya ee aan la yeelan doono Suleeqo Habeenka jimcaha ee fooda nagu haya in aan natiijo fiican ka keeni doono, ka dibna wuu ii hambalyeeyay isagoo waliba iigu sii adkeeyay in aan habeenkaas ka guul gaaro Suleeqo Siyaad Cumar diidmo kasta oo ay la timaado, habeekaas aniga iyo saaxiibkay sidaas ayaan ku kala tagnay waxaan ku wada balanay in kulanka Suleqqo ka dib aan yeelano kulan kale oo kan la mid ah oo aan kaga wada hadlayno wixii nagu soo kordha .
Abaarihii sagaalkii iyo barkii habeenimo ayaan gurigaygii dib ugu soo laabtay, Nasiib wanaag waxaan la kulmay hooyo oo dhagaysanaysa raadiyaha, Markii ay muuqeygii aragtay ayay ii yeertay intaan dhankeedii u soo gadoomey Anigoo aad uga naxsan ayaan ku iri:- "Hooyo Macaan ii waran, wax dhibaato ah ayaa jira Maxay tahay saacada aad halkan fadhido" Hooyadey oo dareentay in aan hadalkeedii ka naxay ayaa markiiba iigu jawaabtay:- "Maya, hooyo macaan wax dhibaato ah ma jiraan, alaha naga haayo, balse Gabadhii Zam zam ahayd baa xanuun qabtay galabta, naag umuliso ah ayaan u geeyay, baaritaan ka dib waxay noo sheegtay in ay fool tahay laakiin ay wax u dhiman yihiin, intaas ka dib waxay na martay in aan dib ugu celino guriga ilaa uu xanuunka ka soo badanaayo" Anigoo hadalkaas marna ka naxay marka ku farxay ayaan markiiba ku iri:- "Al-xamdu lilaah waa kheyr iyo bishaaro, Hadeer sidey tahay Xaaladeeda" waxay iigu jawaabtay:- "Al-xamdu lilaah hadeer wey nabad qabtaa, sidaan umulisada uga keenay xanuun kale ma qabanin, banaankana uma soo bixin waxaan u malaynayaa in ay hurudey" anigoo aan weli hadal kale u celinin ayay hadana ii sii raacisey oo ay igu tiri:- "Hooyo wax kastaa iska dhici kara inta ay gabadhan ka foolanayso habeenkii waqti fiican soo hoyo ileyn mas’uuliyad culus ayaa ku saaran" anigoo dareensan sida hooyadey ay uga welwelsan tahay arinta gabadhan hadalka ay igu tirina aad ugu faraxsan ayaan ku iri:- "Hooyo Macaan waa runtaa inta ay howshan meel nooga dhacayso taxadar xoog leh ayaa loo baahan yahay, insha alaah waan dadaali doonaa Hooyo intii tabartayda ah
adigana waxba ha is murjinin sidii alle ka dhigo ayay noqonaysaa" intay garabka gacanta iiga qabatay ayay igu tiri:- "orod hooyo seexo waad ducaysan tahay ilaahay wax dhib ah nama tusin doonee"gacantii ay garabka iiga taabatay inta aan soo qabtay ayaan ka dhunkadey ka dibna waxaan u sheegay in ay iyadana iska seexato oo ay welwelka iska yareyso, waa yahay intay igu tiri ayay qolkeedii hoosta ka soo xiratay .
Mar alla markii ay hooydey hoosta ka soo xiratey Qolkeedii anigana qolkii gaarka ii ahaa ayaan soo abaarey bal si aan u hubiyo Xaalada Zamzam, markii aan gudaha u soo galey sidii caadada ii ahaan jirtey marka aan guriga imaado ee la igu soo dhaweyn jirey ayaa markiiba ii muuqan waydey, shaki ayaa I galay, labo talaabo ayaan horey u soo qaadey si shanqarta socodkayga ay u dareento oo ay dhankayga u soo aado, ha sheegin cid shanqartayda maqashey ma jirin, talaabadii sadexaad anigoo aan weli qaadin ayaan yaqiinsaday in Xanuunka Zamzam hayaa uu aad u daran yahay maadaama sakanadii yaraa ee aan qolka ku dhex jirey ay soo dhaqaaqi weyday, Isla markiiba indhahaygii ayaan u soo jaleeciyay dhankii ay iga xigtay Sariirta mise waxay indhahaygu qabteen Zamzam oo huwan go’ aad u weyn wax dhaqdhaqaaq ahna aan lahayn, anigoo aad u naxsan ayaan soo dhinac istaagay sariirtii ay ku jiiftay, madaxa intaan u salsalaaxay ayaan dhinac kaga fariistay Sariirtii, Zamzam oo taabashadii aan madaxa ka taabtay ku soo toostay ayaa intay madaxa kor u soo qaadey igu tiri:- "Khaliif Ilaahay ma ku nabad keenay" markaasaan ugu jawaabay:- "Haa, al-xamdu lilaah ilaahey waa I nabad keenay ee adiga ii waran hooyo ayaa ii sheegtay in aad galabta xanuunsatey, sidee laguu qabtay" waxay iigu jawaabtay:- "Walaahi khaliifoow galabta xanuun daran ayaa I qabtay, alxamdu lilaah hadeer waan fiicanahay oo xanuunkii saa’idka ahaa ee I hayay galabta ima hayo" "Abaayo niyada kheyr u sheeg waxba ma ahan ilaah ayaa saqiri doono insha alaah" ayaan hadalkeedii u sii daba dhigay .
Zamzam markii aan hadalkaas ku iri si naxariisi ku dheehan tahay ayay kor ii soo eegtay, gacantii aan madaxa ugu salaaxay ayay soo qabatay ka dibna faraheeda iyo farahayga intay is dhex gelisay ayay labadeeda naas bartankooda dhex gelisay iyadoo I leh:- "ilaah ayaan u mahad celinayaa hadii aad nabad iigu soo laabatey, walaahi inta aad iga maqan tahay sida aan kaaga wel welo, oo aan niyada kuugu hayo ilaah ayaa og ee aboowe macaane ii soo ducee in ilaahay ii fududeeyo oo uusan foosha igu dhibin" hadalkaas qiirada leh markii ay dhegahayga ku soo dhaceen anigoo dhan ayaa wada gariirey naxariis guud ayaa jirkayga oo dhan wada saameysay markaasaan anigoo u laab qaboojinaya Zamzam indhahaygana ay ilimo ku soo joogsadeen ayaan ku iri:- "Walaahi Zamzameey haddii ruuxa bini’aadamka awood u lahaan lahaa inuu laabtiisa u soo bandhigi karo ruuxa kale ee uu jecel yahay si kalsooni looga helo waan kuu soo bandhigi lahaa oo waxba kaama hagradeen, balse ilaahii na abuurtay ayaan taas qadarin in ay dhacdo, raaxadii noloshayda, nuurkii qalbigayga, iftiinkii indhahayga ayaa alle kaa dhigaye, ma maxaad moodey in jacaylku kaligaa kugu kooban yahay Xabiibi" intey qosol ilko cadayn ah ii muujisay ayay igu tiri:- "waan ogahay in uusan kaligay igu koobnayn balse xaalkaygu siduu yahay sow kuuma sheegi kari aboowe" "dabcan haa, waad ii sheegi kartaa laakiin marna ha is dhihin kaligaa ayaa wax jecel ee laguma jeclo" ayaan markiiba u raciyay hadalkeeda, intay faraheeda mida ugu dheer daanka iigaga riixday iyadoo qoslaysa ayay igu tiri:- "laga bilaabo caawa waxaa igu balan ah khaliifoow markaad seexanayso in aan kuu gabyo oo aan ku amaano ileyn amaan ayaad iga mudan tahaye, miyaanay ahayn mise dacwo ayaad ka qabtaa" "Maya Abaayo dacwo kama qabo, haduusan iga oohinayn oo uusan laabtayda gedinayn waan iska rabi lahaa in aad I amaanto" ayaan markiiba ugu jawaabay qosol wada jir ah ayaan hal mar dhak dhak ka wada siinay labadeena .
Kaftankii iyo sheekadii yareyd ee na dhex martey aniga iyo Zamzam markii ay noo dhamaatay ayaan ka soo istaagay sariirtii aan ku fadhiyay dharkii aan xirnaa ayaan iska bixiyay ka dibna casho ay miiska iigu sii diyaarisay ayaan labo mar tab taabtay ka dibna inta sariirta dhabar dhabar isugu tuurey ayaan hurdo dheer galay .
Samo ayaan ku waa bariisanay labadeena wax xanuun ah oo qabtay Zam zam ma jirin anigana sidii caadada ii ahayd shaqadaydii ayaan iska aadey, duhurnimadii markii aan dib ugu soo laabtay gurigana wax dheeri ah la iima sheegin oo Zam zam iyadaaba qadadii karisay sida ay hooyadey ii sheegtay, nin labo mowjadood ay ku furan yihiin waqtigana aan la socon ayaan ahaaye galabnimadii markii la gaarey sida qorshuhu uu ii ahaa waxaan isku soo diyaariyay kulanka adag ee aan la yeelan rabo Suleeqo Siyaad Cumar inkastoo aan ka baqaayay in Zam xanuun qabto ama hooyo ay igu tiraahdo meel ha aadin hadana aniga wey iga go’nayd in aan Suleeqo habeenkaas u tago oo aan go’aan kama dambays ah ka soo qaato, goor casir liiqad ah qoraxduna ay baalka sii dhiganaysay ayaan ka soo dhaqaaqey hoygii aan ku noolaa ee ku yaaley Xaafadda Yaaqshiid intii aan wadada dheer ku sii jirey oo dhan waxaan ka welwelsanaa oo aan qalbiga iska weydiinayay
sida xaalku noqon doono haddii ay Suleeqo ku adkaysato diidmada ay igu diidan tahay in aan meher qarsoodi ah la sameeyo, anigana aan la shir tago go’aanka adag ee aan isla soo qorsheynay aniga iyo saaxiibkay, Hadaba su’aasha meesha iman karta ayaa waxay tahay ma sidaas ayaan ku kala haraynaa Aniga iyo Suleeqo? Jacaylkii mudada dheer soo jiitamayayna ma sidaasuu ku bur burayaa? Walaahi waa mashaakil culayskiisa leh ilaahoow ii fududeey .
Inkastoo go’aankayga dhabta ah uu ahaa in aan isaga soo hayaamo haddii qorshaha aan wato uu ii hirgeli waayo hadana waxaan laabtayda ku sasabayay in naxariista eebe aan laga quusan oo xaalku sida aan u maleeyo uusan noqon doonin oo ilaah uu faraj ii furi doono, anigoo sidii ruux waalan oo kale isula hadlaya mashquulka ay arintan igu dhalisey awgeed ayaan u soo leexday wadadii ku toosnayd Guriga Suleeqo isla markii aan jiirada soo galey waxay indhahaygu qabteen Suleeqo oo taagan banaanka gurigooda, markii aan indhaha ka qaadey waxaan niyaystay in aan u yeero si aan indhaha ula raaco laafayaheeda marka ay dhankayga u soo talaabo qaado, hase yeeshee anigoo aan u yeerin ayayba kor dheer iga aragtay mar alla markii ay indhaheenu isku dhaceen ayay dhankayga u soo talaabo qaadey iyadoo dadka xaafada la degan ee banaanada fadhiya iska eegaysa, markiiba qalbigaa la ii dhaafey, waan kala bat batey, baqdin aan hore uga baqi jirin Suleeqo ayaa ilaahay igu dhaliyay, waxaan ka baqey inuu socodku iga lumo Maadaama ay ku soo jeeday dhankayga .
Qalbi is jecel lama kala qarin karo ayaa horey loo yiri waxaadba moodaa in magnat uu isku keen wado marka aad aragto sida uu wadnahaygu u ruxmaayo, qosolkeeda dhoola cadaynta u badan markaan arkay ayaan niyada iska iri:- "alla gabadhu baarisanaa oo hadana boqorsanaa", farxad ayay la qosqoslaysaa anigana wadnaha iyo jirkoo dhan aya I dubaaxinaya waa la kala war la’yahay, suleeqo markii ay ii soo dhawaatey ayay gacanta ii soo taagtay iyadoo I leh:- "ii waran aboowe macaan ma ii fiican tahay" intaan salaantii gacanta ka qaadey ayaan ku iri:- "aad iyo aad ayaa loo wanaagsan yahay ee adiga xaalkaga ka waran" waxay igu tiri:- "hadaan ku arko jirada I hayso oo dhan wey I deysaa" markii ay hadalkaas igu tiri waxaan damcay in aan hab siiyo oo isku duubo labada dhaban ka dhunkado hase yeeshee meesha oo wado ahayd iyo dhinacyadeena oo ay dad marayeen ayaa ii saamixi weyday in aan falkaas sameeyo, balse inta aan gacantii ay igu salaantay soo wareejiyay ayaan talaabada isla soo qaadnay ilaa aan guriga ka soo wada galno ana gacanta ayaan haystay iyadana dhexda ayay I haysatay, gurigii markii aan soo galnay waxaan waayay cid ka shanqreysa waxaan qiyaasey inuu cidlo yahay oo ay Suleeqo kaligeed joogto, markiiba qolkii fadhiga ee caadada ii ahaa in aan ku wada sheekaysano ayaan u sii gudubnay ka dibna si wadajir ah ayaanu isu dhinac fariisanay si sheekadii taxanaha noo ahayd aan halkeeda uga sii ambaqaadno .
Suleeqo habeenkaas maro nooca aliindiga ee hidaha iyo dhaqanka soomaaliya ayay xirneyd mana ku arag waligay intii aan wada soconay iyadoo xiran, inkastoo ay ii sheegtay in ay mar marka qaar xiran jirtey, hadana runta markaan ka hadlo aad aad ayay ugu qurxoonayd xirashada maradaas, waxaan iska jeclaan lahaa in habeenada aan u imanayo ay soo xirato maradaas balse anigaa kala xishoodey in aan codsigayga u soo gudbiyo, Suleeqo xaalkayga kama war qabin habeenkaas aniga ayay igu mashquulsanyd mar wey qoslaysaa mar aniga ayay I soo eegaysaa intaas ay samaynayso ilama hadlayso oo aniga ayay hadal iga sugaysaa anigana meeshii aan hadalka uga bilaabi lahaa ayaaba iga maqneyd oo jawigaygu ma fiicnayn mowjado hirar waaweyn wata ayaa I harqinayay qadar dhowr daqiiqo ah markii aan isku howlay ayaan ugu dambayntii la soo booday:- "Suleeqooy sida aad la socoto aniga iyo adiga waxaa naga dhaxeeya xiriir aad u wanaagsan oo maanta la dhihi karo wuxuu u dhow yahay in uu guul ku dhamaado, inkastoo ay jirtey arin aan beryahanba isku hayney oo aan isla meel dhigi weynay, muddo ku dhow todobo bilood ay soo jiitamaysay haddan caawa danta ugu weyn ee aan u soo baxay ayaa waxay tahay in aan xal kama dambeys ah ka gaarno arintaas hadii laga gaari waayana waxaan qabaa in runta la isku sheego oo aan been dambe la isku maaweelinin ma garatey?" Suleeqo markii ay hadaladaas dhegaheeda ku soo dhaceen waxay hakisey qosolkii, dhaqsana jawaab wey u bixin weyday cabaar ayay indhaha war wareejisay sidii ruux wax soo xusuusan raba oo kale, waa yaab ma hadalkayga ayay ka naxday, ma wax kalaa u bidhaamay, ma arintan lagu soo hadal qaadayo ayaysan ogoleyn waan garan waayay runtii, anigoo la yaaban waxa ay la hadli la’dahay ayaan hadana mar kale ku celiyay anigoo leh:-"Maxaad la aamusan tahay maad ila hadashid oo iiga jawaabtid su’aasheyda mise meesha aan kaala hadlaayo ayaad ilowsan tahay oo waxaad rabtaa in aan ku xusuusiyo" "Maya aboowe ma ilowsani oo waan la socdaa meesha aad igala hadlayso balse jawaabta aan ka bixin rabo ayaa xoogaa aad iigu adag inkastoo aad dhowr mar igala hadashay arintan hadana weli waxaan u malaynayaa in ay adkaan doonto sida an ka yeeli lahaa" ayay iigu jawaabtay, anigoo hadalkaas ka xanaaqsan ayaan ku iri:- "Gabar weyn oo ilaahey caqli siiyay ayaad tahay oo samaha iyo xumaanta kala taqaan, sidee xal ugu heli la’dahay arintan, ileyn waad kala garan kartaa waxa ay dantu kuugu jirto iyo waxa aanay dantu kuu jirin, hadiise ay lugooyo meesha taalo ama aadan I rabin ii sheeg yuusan waqtigu iga lumine, cid qasab kugu leh ma jirto" Suleeqo su’aalahaas kul kulul markii aan u soo bandhigey waxay dareentay in aan caadi ahayn markaasey intay fadhigii ay ku fadhiday ka soo kacday ayay kursigii iga soo hor jeeday fariisatay, si ay wajiyadeenu si toos ah isugu dhacaan, markii ay I soo hor fariisatay ayay igu tiri:- "Aboowe aniga qalad ayaad iga fahamsan tahay, waad og tahay doodeenu mudo badan in ay soo jiitamaysay oo nin waliba ra’yigiisa uu soo bandhigaayay, ma ahan maanta in aad ii fahamto in aan rakaato wato ama aan adiga ku lugoynayo, amaba aan ku rabin runtii waan ku jeclahay oo kaama maarmo sida aan kuu jeclahayna ilaah ayaa iga marqaati iiga ah, mana ahan khaliifoow in aad isku xirto qorshaha aan isku hayno iyo xiriirkeena, dantayda aniga ayaa og waan ku baryayaa arintan aad igu colaadinayso dib iigu dhig ilaa waqti" runtii hadalkaas aad ayaan uga xanaaqey waxaanba u arkey in Suleeqo marnaba aysan raali ka ahayn in aan wada aqal galno oo aan hal meel ku wada noolaano maadaama ay waqti kale oo hor leh ay sii qabsanayso, kud ka guur qanjo ka guur ayaan u aqaanaa tan oo kale, ilaah ayaan idinku dhaarshaye intee lagu arkay gabar jacayl sheeganayso hadana wiilkii ay jeclayd in ay la aqal gasho ka meermeerayso .
Anigoo hadalkeeda inuu yahay wax lagu qoslo u muujinaya ayaan ku iri:- "Abaayo macaan aniga waan ku jeclahay, iyo kaama maarmo iyo la’aantaa ma noolaan karo ayaad I leedahay, runtii anigaba kaama maarmo oo waan ku jeclahay hadana waxaan u baahanahay oo aan u hamuun qabaa guurkaaga, ma ii sheegi karta sabab macquul ah oo aad igu diidi karto in aan isa soo mehersano ama aan waalidkaa kaa doonto hadii aadan lugooyo igu wadin" Suleeqo markii ay hadalkaas iga maqashey madaxa ayay hoos u foorarisey iyadoo weli laga dareemayo in aysan ku qanacsanayn sida aan aniga wax u rabo, runtii madax foorarsigeeda inta aan ka xanaaqey ayaa mar kale si kulul ula hadlay waxaan ku iri:- "weli wey ii dhiman tahay intaan aduunyo soo joogay gabar la leeyahay aan ku guursado ama aan waalidkaa kaa doonto ee aan ogolayn, haddana sabab macquul ah oo ay ku diidan tahay aan sheegayn, dad waaweyn ayaa nahay oo caqli leh, looma baahna in aan is qiyaano ama aan been isku sheegno, ii sheeg waxa jira waxba ha iga qarinin, hadii aad guurka diidan tahay cid kugu qasbayso ma jirto, haddii aad aniga khaliif ahna ii diidan tahay ii sheeg waan ku dhaafayaa oo faraha ayaan kaa qaadayaa ee ii sheeg wax macquul ah ha ii aamusnaanin caawoo dhan" runtii hadalkaas Suleeqo waaba uga sii darey oo in ay hadasho weyba diidey ilaa qadar shan daqiiqo ah markii aan is ag fadhiney welina ay hadli la’dahay madaxeediina uu weli hoos u fooraro ayaan ku iri:- "I dhagayso Suleeqo ilaahay dhib ma abuurin waan u jeedaa in aad la xishoonayso in aad igu tiraahdo kuma rabo, balse anigaa sida wadkayga u dareensan in aadan rabin guurkayga, ruux weyn tag lama yiraahdo wuxuu ku tagaa la tusaa ayay dadkii naga horeeyay dhihi jireen Abaayo waad mahadsan tahay boqolkiiba boqol waxaan ku tagi lahaa waad I tusisey ee nabadey, gabdho ayaa kaa badan oo diyaar ah" markii aan istaas ku iri hadal kale uma celin oo fadhigii aan ku fadhiyay ayaanba ka soo istaagay anigoo go’aankaygu yahay in aan isaga tago, mar alla markii aan fadhigii ka soo istaagay oo ay dareentay in aan dhaqaaqi rabo ayay Suleeqo bilowday in ay ooydo weliba oohin qeylo ah, anigana oohinteedii waxba kama dhigan oo dhankii uu iga xigey albaabka ayaan u talaabo qaadey anigoo iyada ku dhahaaya :- "Suleeqo, oohin aad hadeer ooyso kuu maxay tareysaa Abaayo? Hadiiba aad diidan tahay in aan ku soo mehersado ama aan waalidkaa kaa soo doonto, ilinta yeysan kaa dhamaanin ayaan ku leeyahay koley aniga Khaliif ah waan kaa calool goostay ee bye bye",.
Intaanan gaarin albaabka laga baxo ee qolka fadhiga ayay fadhigii ka soo istaagtay intay isku key duubtey ayay oohin ooda jabsatay iyadoo igu leh:- "aboowoow ha iga tagin waan ku baryaayaa, waan ku jeclahay aniga ha iga tagin waan ku baryaayaa wuuu…wuuuu.hiiiii.hiiiiii" Suleeqo wey joojin weyday boorkii iyo oohintii ay bilowday ilaa ilintii indhaheeda ka soo hoorey ay qoysey shaarkayga, anigoo oohinteeda saa’idka ah ka naxsan ayaan dhabarkii ay igaga dhaganayd ka soo wareejiyay si toos ah ayaan wajigayga uga hor keenay wajigeeda si aan u aamusiyo intaan ilintii indhaheeda ka soo hoortey ka tirtirey ayaan ku iri:- "Aniga kuma nicin kumana nici doono inta aan noolahay, laakiin adiga ayaa caawa ii cadeeyay in aad I nacday" Suleeqo oo indhuhu guduuteen qadarkii yaraa ee ay oynaysay ayaa intay garka iga qabsatey igu tiri:- "Aboowe wax alla wixii aad ku qanacsan tahay ayaan kuu samaynayaa ee raali iga ahow kun jeer, waan kaa qaldamay boqolkiiba boqol raali iga ahow" Anigoo hadalka ka soo yeeray ku farxsan hadana iska sii hubinaya ayaan ku iri:-"Hadalkaas dhab ma kaa yahay mise weli wax kale ayaa kuu laaban" "Maya, aboowe waxba iima laabno laga bilaabo saacadan diyaar ayaan kuu ahay in aan kuu raaco meel alla meeshii aad rabto xitaa gurigiina waan kuu raacayaa haddii aad rabto" ayay iigu jawaabtay iyadoo weli indhaheedu ay ilintu ka socoto, "Waa hagaag" intaan iri ayaan qolkii dib ugu soo laabtay ka dibna kursigii aan markii hore ku fadhiyay
ayaan ku soo fariistay iyadana meel aan iga dheerayn ayay soo fariisaty ka dibna madaxeeda ayay jilbaha ii saartey iyadoo weli oohintii wada, naxariis ayaa I gashay, jacayl laabtayda ku gaamurey sanado badan ayaa markiiba soo maaxey anigoo dhan ayaa jiriricoodey oo xaadeydii ayaa hal hal u istaagtay markaasaa anigoo madaxa u salaaxaya ku iri:- "iska aamus khaliif madoobe go’aankiisii wuu ka soo laabtey wuu kula joogayaa ilaa ay naftu ka baxayso ee qalbiga kheyr u sheeg oo samirka kaasho waxba naga halaabi maayaan".
Suleeqo markii ay hadalkaas maqashay wey soo toostey madaxeediina kor ayay u soo qaadey iyadoo aan la fiirin karin wajigeeda sida uu u bararay oohintii ay oyday darteed markaasey iyadoo iga xaqiijinayso in aad hadalkaas aniga ku dhahay iyo in kale ayay igu tiri:- "khaliif runtaa miyaa aboowe? Oo ma ka laabatey go’aankii aad iga qaadatey mise weli waad ii xanaaqsan tahay oo cuqdad ayaad ii qaadey" intaan gacatayda dhabanka ugu salaaxay ayaan ku iri:- "Maya abaayo, wax cuqdad ah kuuma qabo, mana kuu qaadi karo mar hadiiba aad diyaar u tahay in aan is mehersanayno," farxad darteed intay labada dhaban iga dhunkatey ayay igu tiri:-"khaliif sida aan kuu jeclahay ilaah ayaan u sheegtaa, runtii aniga kaama maarmo, waxaanba u maleeyaa haddii aan ku waayo in aan dhimanayo, heerka uu taagan yahay jacaylka aan kuu qabo lama qiyaasi karo xitaa haddii dhiigayga laga baaro" intaan ku qoslay ayaan ku iri: "Keygana ka waran" intay iyadana markeedii qososhey ayay igu tiri:-"igama liidatid laakiin boqolkiiba waxbaan ku dheerahay sow sidaas ma aha" Madaxa intaan u ruxey anigoo u muujinaya in ay saxan tahay ayaan hadana mar kale ku iri:-"Sida kheyrku ku jiro ilaah ayaa og, caawa waxaan isla meel dhignay in aan soo afjarno xiriirka naga dhaxeeya labadeena oo aan meher xalaal ah ku soo gunaanudno, kheyr alaha kaa siiyo marka hore sida aad iiga ogolaatey marka xiga goormee ayuu noqonayaa ama aan ka dhiganaa meherka, ileyn waad og tahay waqtiga intiisii badnayd adiga ayaa soo cunaye" Suleeqo kor ayay ii soo eegtay markaan hadalkaas ku iri anigoo is leh ma berito ayay ku dhihi doontaa mise saa dambe, ayay hadana dhinaca kale u jeesatay waxay ku mashquushay in ay faraheeda is gel geliso kala bix bixiso, jawaabtii aan ka sugaayay ima siinin, wax hadal ahna kama dhihin anigoo waliba u dareensan in ay la xishoonayso maalintii ay u qaban lahayd in aan isku raacno meherka, cabaar markii ay aamusnayd ayay markii dambe igu tiri:- "bal ka waran hadaan Isniinta soo socoto ka dhigano" Anigoo ku faraxsan maalinta ay noo iclaamisay in aan ka dhigano meherkeena oo ay ku sheegtay Isniin ayaan markiiba la soo boodey:- "O.K. waxba kama qabo, maalmaha oo dhan waa isugu key mid, hadaanay adiga dhib kugu ahayn" waxay igu tiri:- "dhib iguma aha aboowe, waaba maalinta kaliya ee aan jaaniska fiican leeyahay ee aan kaga faa’iideysan karo arintan fulinteeda" "waa fursad qaali ah, hanaga luminin ee aan ka faa’iideysano abaayo" ayaan u daba dhigay hadalkeeda, intey igu qososhey ayay igu tiri:- "Aniga diyaar ayaan kuu ahay waxba haka baqin ee xagee isku arkaynaa oo aan ku balamaynaa, ma adigaa guriga iigu imaanayo mise shirkada ayaan kuugu imaadaa Maalinta Isniinta?," waxaan ugu jawaabey:- "Gurigiina iyo shirkada midna kuma balamayno, waxaad iigu imaanaysaa oo aan ku balamaynaa Farmashiye AL_SHABAAB oo ku yaala inta u dhaxaysa Black sea iyo Hotel Salaama maalinta Isniinta saddex saac ilaa afar saac subaxnimo" intaysan weli ii jawaabin ayaan ka baqey in ay garan weydo meesha aan u tilmaamey markaasaan si aan u sii fahamsiiyo meesha aan u timaamey ayaan mar kale ku iri:- "Ma garatey Farmashiyaha AL_SHABAAB iyo meesha aan kuugu tilmaamey wuxuu ku aadan yahay xarunta wargeyska Qaran iyo Laacib Sports Laamigana dhanka woqoyi ayuu ka saran yahay".
Tilmaantii labaad markii aan u sheegay ayaa sidii ruux wax soo xusuustay oo kale intey u soo boodey ayay iigu jawaabtey:- "Haa hadeer ayaan gartey, sow ma ahan farmashiyaha u joogo wiilka dheer ee salxaha leh ee qosolka badan oo sheekaaloowga ah, inkastoo magaciisa aanan xasuusan haddana Keynaan inuu ahaa ayaan u maleeyaa sow sidaas ma aha" intaan ku qoslay ayaan ku iri:- "haa waa runtaa, waa isaga laftiisa, laakiin waxaan ku weydiiyay xaggee ku baratey wiilkaas ileyn adiga black sea ma deganid oo reer boondheere ayaad tahaye" Suleeqo oo hadalkaas dhibsanayso ayaa intey afka ii qal qaloocisey igu tiri:- "Haddii Black sea iyo agagaarkeeda aanan deganayn ama dad qaraabo ii ah aysan deganayn Farmashiye AL_SHABAAB iyo Keynaan ma baran kari miyaa?" intaan hadalkeeda la yaabey meesha ay iigu rogtay ayaan ku iri:- "Waad baran kartaa cid kuu diidan ma jirto, laakiin Mudadii aan xiriirka lahayn oo dhan adigoo xaafada Black sea booqanaya ama qaraabo salaan u aadayo ama ka sheekaynaya xitaa kuma arkine, sidee wax u wadaa" intey indhaha ged gedisay iina muujisay xanaaq yar, sidii ruux aan u diidanahay garashada ay Keynaan garatay ayay igu tiri:- "Keynaan Axmed Cabdi waa laguu yaqaanaa Farmashiye AL_SHABAABna waa laguu yaqaanaa maxaa kale".
Yaab iyo amakaag ayaaba iga soo harey markaan arkey sida jawaabta gaaban la ii siiyay, anigana isma waaline si aan iyada u qanciyo ayaan markiiba ula soo boodey:- "hubsasho ayay iga ahayd waayo Marna ma
fileyn Abaayo in aad aqoon u leedahay Farmashiye AL_SHABAAB waxaanba ka baqaayay in Tilmaanta Farmashiyaha aad toosin weydo oo aad ka lunto, waaba kheyr hadiiba farmashiyaha AL_SHABAAB iyo Saaxiibkay Keynaan aad si fiican u taqaano," Suleeqo oo markan fadhiga kursiga hagaagsanayso ayaa igu tiri:- "Keynaan waxaa I bartey Gabar aan saaxiibo nahay oo reer black sea ah oo farmashiga Macaamil wanaagsan la leh, maalin aan xaafadeeda joogay ayaan farmashiyaha u soo raacey, maalintaas ayaan bartey Keynaan ka dibna isma arkin" "haddii hal maalin oo kaliya aad la kulantey Keynaan sidee ku garatey inuu yahay wiil bashaash ah oo sheekaalow ah ileyn wax macquul ah ayaa loo baahan yahay, mise aqoonta aad u leedahay intaas wey ka badan tahay oo aniga ayaad iga qarinaysaa" ayaan hadalkeedii u daba dhigey, suleeqo oo iska difaacaysa su’aashii cuslayd ee aan weydiiyay ayaa markiiba la soo boodey:-"Walaahi aqoon dheeri oo intaas dhaafsiisan uma lihi laakiin soo dhaweyntiisii iyo sida uu saaxiibtey ula qosolaayay ulana sheekaysanaayay maalintaas ayaan gartey inuu yahay wiil fur furan oo kaftan badan," markay intaas igu tiri hadal kale uma celinin oo waan isaga aamusey si aysan uga shakin su’aalaha badan ee aan weydiinayo .
Cabaar markii aan ka aamusnaa ayaan ugu dambayntii go’aansadey in aan sii dhaqaaqo maadaama waqtigu uu isa sii guraayo intaan fadhigii ka istaagey ayaan ku iri:-"Koley iyo koley keynaan waa nin saaxiibkay ah, sida aad dabeecadiisa ka sheegtayna waa run, subaxa Isniinta meeshaas ayaa inoo balan ah haduu alle yiraahdo, war la qabo xiiso ma leh ayay soomaalidu tiraahdaa, hadeerna waa sii tagayaa waa waqti dambe intaan ka badan lama sii fadhin karo mise war kale ayaa iigu kaa dhiman" Suleeqo iyadana sidoo kale fadhigii ayay ka soo istaagtay iyadoo I leh:- "Maya waxba iima dhina wixii war ah horey ayaan u dhamynay, waa inoo isniinta iyo Farmashiye AL_SHABAAB" wax yar ka dibna waxaan ka soo baxay albaabka weyn ee laga galo guriga Suleeqo Siyaad Cumar anigoo farxad la duul duuli raba.
Habeenkaas si nabad ah ayuu waagu iigu baryay shaqadaydii caadiga ahayd ayaan aadey galabnimadii markii aan ka soo rawaxey shaqadii ayaan horey u soo marey saaxiibkey waxaan uga waramey wixii aniga iyo Suleeqo na dhex marey iyo wixii aan kuwada balaney oo dhan, aad iyo aad ayuuna ugu riyaaqey saaxiibkay, wuxuuna ii balanqaadey in maalinta Isniinta ah uu ii soo diyaarinayo gaarigii lagu aadi lahaa degmada wanla weyn, iyo waliba tashiilaadkii nagu bixi lahaa maalintaas, go’aanka saaxiibkay kama hor iman waan ka qaatey waana u mahad celiyay ka dibna waqtiga oo ciriiri nagu ahaa awgii
ayaan ugu dambayntii ku wada balaney in aan isugu imaano subaxa Isniinta gurigeena ka dibna aan soo wada aadno Farmashiye AL_SHABAAB oo ah halka aan ku balansanahay aniga iyo Suleeqo Siyaad Cumar .
Ma dhamaado waqtigaa ma dhamaado waqtigaa soo dhaweysataaye dheeree dheeraa mudaduye, Sadexdii maalmood ee iga xigtey Maalinta Isniinta laba bilood ayay igala dheeraatey, maalintii usbuuc ayay igala dheereyd, halkii saacna maalin wuu igala dheeraa waa bini’aadam iyo xaalkiisii wuxuu waqtigu is guro sakenba saken uu riixo ayaa habeenkii isniintu soo galaysay anigoo jiifa gurigayga baalkaygana ay hurudo Gacalisadayda Zam Zam qalbigayguna uu ku maqan yahay qorshaha beri ii degsan ayuu xanuun kedis ah qabtey Zam Zam, sida aan qiyaasey marka hore waxay isku dayday in ay is adkayso oo aysan iga kicin hurdada macaan ee aan ku jiro ilaa uu xanuunka ka soo siyaado, nasiib wanaag aniga Khaliif ah ma hurdin habeenkaas oo niyada ayaan ka soo jeeday waxaan ka shakiyay gal galadkeeda badan, iyo dhaqdhaqaaqeeda, intaan soo fariistey ayaan ku iri:- "Zam zam maxaa kugu dhacay Abaayo" intey iyadana indhaha kala qaadey ayay igu tiri:- "Aboowe xanuun ayaa I haya" waxaan ku iri:- "Xanuun saa’id ah miyaa ku haya" Markiiba "Haa" ayay iigu jawaabtey, hadal dambe uma celinin oo sariirtii aan ku jiifey ayaan ka soo boodey si aan hooyo u soo toosiyo markiiba hooyo ayaan albaabkii u garaacey markii ay iga furtey ayaan u sheegay in Zam zam xanuun daran uu hayo "Ilaahoow nagu shar tir" intey tiri ayay I soo hor kacday waxayna soo gashay qolkii ay Zam zam ku jirtey dhowr su’aalood oo ku saabsan xanuunkeeda ayay markiiba weydiisay Zam Zamna jawaab fiican wey ka bixin weyday xanuunka hayo darteed balse gacanta ayay ugu ishaartey in aad loo hayo, Hooyadey waa qof waayo arag ahe markiiba waxay amartey in aan kaxayno oo aan u geyno Naagtii Maalintii dhaweyd loo geeyay, si haddii ay fool tahay ay u umuliso markiiba aniga iyo hooyadey garbaha ayaan ka soo galney inkastoo guriga Umulisada uusan naga dheerayn haddana jiid jiid badan ka dib waxaan ku guulaysanay in aan keeno gurigii Umulisada .
Markiiba Umulisadii howsheedii ayay gudo gashey anigana banaanka guriga ayaan iska fariistey si aan uga war dhowro waxa soo yeeri doono, muddo labo saacad iyo bar markii aan banaanka fadhiyay welina aan wax war ah ka helin Xaalka Zam Zam ayay mar dambe Hooyadey iyo Islaantii soo wada baxeen markiiba fadhigii ayaan ka soo istaagey bal si aan uga hor tago oo aan akhbaar uga helo Nasiib daro wajiyadooda markii aan fiiriyay kama dareemin farxad iyo reyn reyn
siiba hooyadey murug saa’id ayaa ka muuqatey waxaan u qaatey iney Zam Zam geeriyootay, intaan aad u naxay ayaan hooyadey weydiiyay waxa soo kordhey, iyadoo codkeedu uu aad u hooseeyo ayay igu Tiri:- "Hooyo Macaan Zam zam weli ma dhalin, oo wey dhiman tahay, balse halis ayay ku jirtaa haddii aan dhaqtar fiican loo helin waxaa laga yaabaa in ay nolosheeda ku weydo," hadalkaas naxdinta leh markii ay dhegahayga ku soo dhaceen waan gariiray oo hadalkii oo dhan ayaa igu xirmey indhihii ayaa I kala tageen, cabaar markii ay hooyadey iga sugtay jawaab oo aan bixin waayay ayay hadana mar kale igu tiri:-"Hooyo Macaan waxba ma ahan siduu ilaahay ka dhigo ayay noqonaysaa ee orod Xasan shufeer soo kici taxsigiisa ha soo qaato Isbitaalka SOS ayaan geynaynaa sida ugu dhaqsiyaha badan, "Waayahay" intaan iri sidii ruux soo nibdadey ayaan gadaal u soo gadoomay .
Sakano ka dib Aniga iyo Xasan Shufeer oo wadano taxsi ayaan dib ugu soo laabanay gurigii Umulisada wax yar ka dibna Zam zam ayaan soo saarney taxsigii waxaan toos u soo aadney Isbitaalka SOS saacadu markaasey waxay tilaamaysay 2:30 Habeenimo (Sideed saac iyo bar habeenimo) jawiga magaaladu wuxuu ahaa mid aad u degan wax shanqar ah oo la maqlaayay ma jirin, mugdi ayay ahayd magaalada oo dhan, mana arag ruux bini’aadam ah intii aan wadada ku sii jirney, hase yeeshee sidii aan u sii soconay ayaan gudaha u galney Isbitaalkii markiiba kuma rafaadin oo Dhakhtarkii heeganka ahaa habeenkaas ayaa na qaabiley ka dibna Zam Zam oo ay xaaladeedu aad u liidatey dhiig bax ku yimid darteed ayaa loo gudbiyay Qolka lagu umuliyo Haweenka, aniga iyo xasan shufeer waxaa nalagu amrey in aan banaanka iska joogno ilaa howsha gabadhan ay ka soo dhamaaneyso .
Dhaxan aad u xoogg baddan ayaa habeenkaas dhacaysay anigana runtii adkeysi waan u yeelan waayay oo waxaan is arkey anigoo gariiraya, markiiba darbi u dhawaa meeshii aan taagnaa ayaan iska hoos fariistey si aan uga gabado dhaxanta, ka dibna waxa aan gudo galey fakir anigoo ka fekeraya xaalka Zam zam sida uu noqon doono, Xasan shufeer oo ahaa taksiilihii na soo qaadey markuu arkey in aan maqanahay oo aan fakir iyo isla hadal ku jiro ayuu iga gaabsadey oo iskuma dayin xitaa inuu I dejiyo ii caqli celiyo si aan fikirka isaga yareeyo, ana dan kama gelin hadalkiisa oo waxaa igu furnaa mowjado cul culus oo dabaylo wato oo marba dhan ii hanfinayay .
Xaaladda Zamzam wel wel iyo naxdin aan dhamaanayn ayay igu sii abuureysay marba marka ka sii dambaysa inkastoo aan warbixinteeda ay saacad saacad iila socodsiinaysay Hooyadey hadana ma ahayn mid aan ku qanco oo laabtayda qaboojisa, waxaan intaas oo dhan ka sii jeclaa in aan Dhakhtarka ku howlan ama kalkaalisada u ah aan la kulmo, intaba iima suurto gelin waxaan darbigii fadhiyo oo marba qofkii ka soo baxa qolkaa aan u maleeyo dhakhtarkii ayaa ugu dambayntii waxaa qolkii ka soo baxdey gabar kalkaaliso u ahayd dhakhtarka oo xirneyd dharka lagu aqoonsado kalkaaliyaasha, intaan fadhigii ka soo istagaay ayaan gabadhii ka hor tagay bal si aan uga helo xaalada rasmiga ah ee ay ku sugan tahay Zamzam, markiiba inta aan salaamey ayaan weydiiyay in ay warbixin iga siiso xaalada Zam zam, waxayna iyadoo aan ii istaagin oo aan wax qiimayn ah ii samaynin igu tiri:- "Aboowe, gabadha foolanayso sow ma aha, xanuunkeedu wuu kala dheer yahay mana dhalin weli ee anaga naga war sug" ka dibna socodkeedii ayay iska sii wadatey, sida yasmada ah ee ay hadalka iigu gaa gaabisey intaan la yaabay ayaan indhaha la sii raacey lugaheeda xiito xiitada ah ee aad moodo lugo sagaaro oo aan socodkba loogu talo gelin, ka dibna waxaan niyada iska iri:- "war waxan fiiriya waxaa la leeyahay waa kalkaaliso, intay na dajin lahayd oo ay si quman wax noogu sheegi lahayd iyadaaba isku maqan, Allow yaa murugta I haysa iyo xanuunka aan ogahay ee haaya Zam zam mar dhadhansiiya, walaahi sida ay hada u laafyoonayso uma laafyooteen", anigoo aad uga xanaaqsan sida aan jeclaysan ee ay iila dhaqantay kalkaalisadii ayaan u soo talaabo qaadey dhankii albaabka nasiib wanaag dhakhtarkii ku jirey Qolka oo aan u maleeyay inuu howsha soo dhameeyay balse u soo baxay Salaadii subax ayaan jaanis u helay bal si aan u waraysto su’aashii ugu horeyay ee aan weydiiyo ayaa ahayd : "Ditoore ka waran xaalada gabadha?" intuu gadaal I soo fiiriyay ayuu igu yiri:-"Xaaladeeda ha kuu dambaysee Maxay kuu tahay gabadha?" waxaan ku iri:- "Waa xaaskayga Ditoore" intuu gacanta kor u qaadey ayuu igu yiri:- "Oow waan gartey, duqda gudaha ku jirto gabadha hooydeed miyaa?" "Haa waa hooyadeed" ayaan markiiba ugu jawaabay, Anigoo aan fahamsanayn micnaha uu ula jeeday su’aalaha badan ee uu I weydiiyay, ayaa intuu indhaha si fiican iigu soo godey ayuu igu yiri:- "Saaxiib Gabadha xaaladeeda waa iska normal, inkastoo weli aysan dhalin oo ay aad u dhiig baxday hadana waxaan ku rajo weynahay in saacadaha soo socda ay dhali doonto insha alaah," "Ditoore Haddii gabadhu ay aad u dhiig baxeyso sow uma baahno in dhiig lagu shubo si aysan u naf bixin" ayaan mar kale weydiiyay, wuxuuna isagoo la yaaban hadalkayga uu iigu jawaaby:-"waa runtaa dhiig wey u baahan tahay, laakiin cirbad dhiig joojin ah ayaan ku durnay, haddii xanuunka hadda hayo uu soo siyaado dabcan markaas ayaa laga yaabaa in loo baahdo dhiig lagu shubo balse Aniga ayaa
idinla socodsiin doono insha alaah" Anigoo Hadalkiisa aad ugu qanacsan su’aal kalana aan u celinin aya isagoo talaabada sii qaadaya wuxuu igu yiri:- "waxba ha wel welin wey dhamaanaysaa insha alaah" markaasaan anigoo u mahadcelinaya ditoorkii ku iri:-"waa yahay waad mahadsan tahay Ditoore".
Ditoorkii markii uu iga tagey qabow ayaan dareemay, laabtaydii oo dhan wey xasishey, culayskii saa’idka ahaa ee madaxa iga saarnaa wuu iga dagey, fudeyd ayaan markiiba dareemay markaasaaan niyada iska iri:- "alla kala wanaagsanaa oo kala baarisanaa dhaqtarka iyo kalkaalisada bal maxaa u diidey in ay sidan oo kale ii qanciso inkaar qabtada ileyn biniaadamku qancis ayuu u baahan yahaye, wax yar ka dib meeshii aan taagnaa ayaan ka soo dhaqaaqey waxaan dib ugu laabtay darbigii aan xalay oo dhan dhaxanka kaga Qoraxdii markii ay soo baxdey oo dhamaan falaaraheedii ay dhulka ku iftiimisay shaqaalihii heegan ku qornaana ay isu diyaariyeen in ay shaqada ka baxaan ayaa waxaa isbitaalka SOS noogu yimid Abtigey iyo Xaaskiisa iyo dad kale oo qaraabada ka mid ah, markiiba dhankoodii ayaan u talaabo qaadey si aan u siiyo warbix ku saabsan zam zam, war bixintiimarkii ay iga dhagaysteen welina ay u hamuun qabaan in ay arkaan gabadhooda ayay hooyadey ka soo baxdey qolkii ka dibna anagoo wada jir ah ayaan wada galnay qolkii maadaama na loo fasaxay in aan soo arki karno inta Dhakhtarku maqan yahay .
Runtii subaxaas sida xaalkaygu noqday ma garanaayo waayo lugihii ayaan qaadi waayay markii aan indhaha ka qaadey Zam zam oo uu rafaad xoog leh ka muuqdo in xanuun daran uu hayana aad fahmi karto sida ay indhaha u kala qaad qaadayso iyo sida ay dadka ula hadlayso, markiiba Hooyadey ayaa warbixin guud naga siisay dhibaatadii ay xalay ilaa saakey martay Zam zam iyadoo ugu dambayntii hadalkeedii ku soo xirtey:- "Ninkii Dhakhtar ahaana siduu salaada subax u baxey naguma soo laaban balse warkiisii ugu dambeeyay wuxuu lahaa haddii gabadhan beri laba Saac ilaa Saddex ay dhali weydo waxaa qasab ah in aan qaliin ku samayno si loo kala badbaadiyo iyada cunuga yar ee caloosheeda ku jira" Hooyadey markii ay hadalkaas sheegtay cid ku faraxday ma jirin murug iyo tiiraanyo hor leh ayaan ka qaadney dhamaanteen wixii qolka ku jirey oo dhan qaarkood wajiga ayay hoos u foorariyeen murugo darteed halka qaarna ay faatxada aqrinayeen oo ay ilaahay uga baryayeen inuu u fududeeyo, aniga khaliif ah Qolkii ayaan xamili waayay in aan sii dhex joogo waxaan go’aansadey in aan dibada uga baxo, hase yeeshee Anigoo aan Zam zam la hadlin in aan dibada u baxo ayaan la xishoodey, goobtu ma ahayn meel lagu wada hadli karo oo sidii la rabo wax la isugu sheegi karo dad badan ayaa nala joogay anigoo cagaha jiidaya ayaan u soo talaabo qaadey sariirtii ay Zam zam ku jiiftay, markii aan soo dul istaagay ayaan madaxa gacanta ka saarey anigoo ku leh:- "Abaayo, ii waran sidee Caafimaadkaagu yahay" ZamZam oo laga dareemayo in aysan hadli Karin xanuunka hayo dartiis ayaa intay indhaheeda kor u soo qaadey cod naxuus leh igu tiri:- "Aboowe xanuunkayga aad ayuu u daran yahay, waxaan sheego waa dambi ee ilaahey waxaan ka baryaa inuu ii fududeeyo, ee ii soo ducee aboowe" Hadalkaas qiirada leh markii ay Zam zam igu tiri indhahayga ilimo kulul ayaa ku soo joogsatey waan awoodi waayay xitaa in aan dhaqso u jawaabo, intaan diif yar oo ka soo hoorey sankayga iska diifiyay ayaan ku iri:- "Abaayo Macaan Xanuunka ku haya kaama qaadi karo, ee ilaahay waxaan kaaga baryaayaa inuu ku caafiyo oo xanuunka ku hayo kaa qaado" "Aamiin" oo cod laciif ah ayay iigu jiibisay ducadii, biniaadanku tabartiisu aad ayay u yar tahay xanuun yar hadii uu qabto awoodii iyo lixaadkii uu ku faani jirey markuu caafimaadka qabey lama arkaayo hadana wax yar ayaa ku cibri qaato oo garta inuusan biniaadanku awood lahayn ee uu ilaahay subxaanuhu watacalaa awooda sare leeyahay .
Qadar shan daqiiqo ah markii aan dul taagnaa sariirtii ay Zam zam ku jiiftay, niyadayduna ay aad u kacsan tahay ayaan ugu dambayntii dibada uga soo baxey qolkii meel koone ah oo aan dad badan joogin ayaan u soo baxay bal si aan niyada u nasiyo, darjiin yar oo ubaxyo qurux badan ay ku yaaliin ayaan salka dhigtay, ubaxyadii kale ee ka dhawaa meesha ayaan indhaha la raacey waxaa I cajab geliyay sida midabadooda quruxda badan ay isu dhex galeen "alla qurux badanaa nimcada ilaahey" ayaan niyada iska iri, anigoo daawashada ubaxyadii ku mashquulsan ayaan eegay saacad gacanta iigu xirneyd mise waxay ku taagan tahay 8:30 (laba saac iyo bar), markiiba waxaa niyada igaga soo dhacdey in aan Suleeqo Siyaad Cumar la balansanahay, naxdinta qaarkeed waaba loo dhintaa wadnahaa I go’i gaarey naxdin darteed anigoo dhan waan kala bat batey oo wax aan sameeyo ayaan garan waayay, inkastoo ay ii muuqatey inuusan waqtigu ii saamixi karin in aan balantaas u fuliyo sidii loogu talo galey, haddana talo ayaa isku key ciirtey wax aan sameeyo ayaan garan waayay ileyn kama tagi karo Zam zam oo aan xaalkeeda meel u dhicin, hadii aan ka tago oo aan fuliyo balanta
Suleeqo waxaan noqonayaa nin qeyrul mas’uul ah oo aan dantiis aqoon, ceeb iyo sharaf xumana wey ii sii dheer tahay, Suleeqana kama baaqan karo oo fursada aan maanta u haysto u malayn mayo in aan mar kale ka heli doono, "tallow sideen ka yeelaa tani waa ku qabato iyo qadar alle" ayaan dhowr jeer ku cel celiyay, intii aan isla hadalkaas ku jirey marna damiirkaygu ima siinin in aan Zam zam oo fool ah aan ka tago oo aan aado balanta Suleeqo, haddana sidaas oo ay tahay waxbaa iga tan badinayay oo ii jiidayay dhanka Suleeqo, amarkii ku qabsanayo kun sano ayuu kaa weyn yahay qadarta eebe lama celin karo culeyska iga fuuley arintan in ay kheyr ii tahay ayaan niyada ku qaboojiyay, ka sheekayn ma leh daqiiqadihii yaraa ee aan isla hadalka ku jirey sida xaalkaygu ahaa ee aan ku sugnaa inkastoo uu garan karo oo kaliya qofka arin noocan ah oo kale ay u wada kulmaan .
9:00 (sagaalkii subaxnimio) ama sadex saac qofba siduu u yaqaan markii ay goor sheegtadu isku dul taagtay ayaa Isbitaalka SOS waxaa iigu yimid saaxiibkay Siciid Suleymaan markii aan indhaha sarey ayaan u soo istaagey oo ka hor tagey markiiba salaan ayuu ii soo taagey isagoo waliba I weydiinaya sida ay wax u jiraan wuxuuna Igu yiri:- "Khaliif iiga waran gabadhii Zamzam ahayd sidee xaalkeedu yahay, aniga waxba kama ogayn Sahro ayaa hadeer markaan guriga tagey ii soo sheegtay in aad Isbitaalka SOS u qaadey Zam zam" "saaxiib Xalay 7 Saac fooshii qabatey ayaa weli haysa mana dhalin, dhakhtarkii howsheeda hayayna wuxuu noo sheegay ilaa manta 3 saac hadii ay dhali weydo in qaliin lagu samayn doono si loo kala badbaadiyo iyada iyo cunuga yar ee caloosha ku jira" ayaan markiiba ugu jawaabay, Saaxiibkay oo wajigiisa laga dareemayo in uu la tiiraanyoodey warbixintii aan ka siiyay Zam zam ayaa mar kale igu yiri: "Walaahi waa mashaakil, ilaahay ha u fududeeyo, anaga bini’aadam ayaan nahay wax aan samayn karno ma jirto" markaasaan anigana ugu jawaabay "Haa waa runtaa wixii ilaahay keeno waa kheyr, sidii ilaahey ka dhigo ayay noqonaysaa" wax yar ka dibna qolkii ay ku jirtey Zam zam ayaan isku daynay in aan gudaha u galno si uu saaxiibkay u soo arko hase yeeshee waa naloo diiday in aan gudaha u gudubno, markiiba meel gees ah ayaan iska fariisanay bal si aan uga wada hadalno qorshihii maanta aan ku balansanayn in aan fulino sidii laga yeeli lahaa maadaama ay noo muuqato in aysan suurto geli Karin, intii aanan hadalkaba furin ayuu saaxiibkay Siciid igaga hor marey isagoo igu yiri:- "Saaxiiboow waan kuu jeedaa maanta in howl culus ay kuu taalo Gabadhii Suleeqo ahaydna waad og tahay in aad maanta balansanaydeen sidee wax yeeli rabtaa" anigoo aad uga murugaysan nasiib darida maanta igu habsatey ayaan markiiba ugu jawaabey :
"Saaxiib waa runtaa maanta howl culus ayaa I hor taalo oo sidey noqon doonto aan la ogayn, aniga koley iima muuqato balantii Suleeqo aan la lahaa maanta in aan fulin karo, dantu waxay noqonaysaa in aan ka baaqsado, sow sidaa ma aha" markaan hadalkaas ku iri wuxuu iigu jawaabey:- "Waa runtaa, saaxiib oo ma haysatid waqti aad balantaas ku fulin karto, oo adiga ayaaba u baahan maanta in lagu kaalmeeyo, hadana waxaan aad uga xumahay fursada Maanta naga fakanayso, oo aan qiyaasayo in aysan mar kale na soo mari doonin" "Waan ogahaya laakiin maxaan samayn karaa" ayaan u sii daba dhigay, intuu hadalkayga ku qoslay ayuu igu yiri:- "ka waran hadii aan aniga u tago, oo aan u sheego in balantii ay kula lahayd ay baaqatey" waxaan ku iri:- "Ma xuma laakiin Hadii aad u tagto maxaad u shegaysaa ileyn kuma taqaano" wuxuu igu yiri:- "Aqoon ugama baahni mar hadii aan magaceeda saddexan iyo kaaga oo sadexan aan u sheego waliba aan u sii raaciyo balanta maanta aad la leedahay waxa ay ku saabsan tahay sow ima aminayso" anigoo ku qoslaayo hadalkiisa ayaan ku iri:- "Haa, wey ku aamini kartaa, laakiin aniga waxaan qabaa in aan loo tagin maxaa yeelay hadii loo tago dhibaato xoog leh oo aan hadhow la xalin Karin ayaa iigaga iman karta, sidaas darteed in ay I weydo oo uu waqtiga meesha uga dhamaado, ayaa iiga kheyr roon ma garatey, hadhow markaan isbitaalka ka baxo aniga ayay ii taalaa sidii aan ku maslaxeyn lahaa" wuxuu igu yiri:- "Saaxiboow wixii kuu kheyr roon adiga ayaa yaqaan aniga saaxiibkaa wax yey ka halaabin ayaan is lahaa hadiiba ay sidaas tahay taada ayaan raacayaa, raali gelinteeda waa kugu kaligaa" waxaan ku iri:- "Caqligayga ayaan u kaashanayaa naag waad iska taqaanaa waa iska masaakiin hadii hadal naxariis leh lagula hadlo waa iska qaboobeysaa oo kuleylkii iyo Xanaaqii hayay oo dhan way iska ilaaweysaa, howshaas aniga igu hale saaxiib" intuu igu qoslay mar kale ayuu hadana I weydiiyay :- "Saaxiib waxaan ku weydiiy Keynaan aqoon ma u leeyahay Suleeqo mise uma laha" waxaan ku iri:- "Aniga koley isma barin oo in ay Dumaashidiis tahay ma yaqaan laakiin Maalintii aan wada balamaynay ayay ii sheegtay in ay taqaano Keynaan oo ay ku baratey gabar saaxiibteed ah oo xaafada Black Sea degan laakiin inuu isaga yaqaano ma sheegi kari" intuu dhabarka iga dharbaaxay ayuu igu yiri:- "OK waaye hadayba iyada taqaano Keynaan, Isaga ayaaba laga yaabaa inuu soo dhaweeyo oo uu naga qanciyo haddiiba ay u sheegto danta ay u socoto" anigoo hadalka saaxiibkay ka dhex boodaya ayaan ku iri:- "Haa, waa runtaa Keynaan nin shar yar ma ahan anigaa kaa aqaan haddiiba uu jaanis ku helo oo uu ogaado in ay aniga I raadinayso waxaa xaqiiqo ah inuu meel iga saarayo, laakiin waxa ii daran hadii aysan u sheegin in ay aniga I raadinayso" hal mar ayaan wada qosolnay oo sacabada isku
garaacnay .
Ugu dambayntii waxaan hadalkii wad wadno aniga iyo saaxiibkay waxaan isku afgaraney wixii dhacaayaba ha dhaceene in aan Maanta balanta Suleeqo la oofin Karin, balse beri ama habeen dambe waqtigii ay noqotaba in aan guriga ugu tago oo wixii aan ku qancin karo oo raganimo ahna aan ku qanciyo, inkastoo saaxiibkay uu aad uga xumaa nasiib darada dhacday hadana qadarta eebe lama celin karo amarkii ku qabsanaayo kun sano ayuu ka weyn yahay ayaa la yiri, saaxiibkey waxaan ku qanciyay in Arinta sidii alle ugu talo galey ay noqotey, balse qancinteeda ay tahay arinta ugu weyn ee u baahan ka fikirid .
Waqti aad u fara badan markii aan aniga iyo saaxiibkay ka wada hadalnay arinta Suleeqo ayaa ugu dambayntii anagoo weli sidii isula taagan ayay hooyadey ka soo baxdey Qolkii ay ku jirtey Zamzam, markii aan indhaha ku dhufanay ayaan hadalkii hakinay aniga iyo saaxiibkay, dhankeedii ayaan u soo talaabo qaadney markii ay naga hor timid ayay noo sheegtay in dhakhtarku uu amrey in Zam zam ay markan u baahan tahay qaliin loona baahan yahay dhiig lagu shubo inta qaliinku socdo, naxdin darteed wadnahaa qac I yiri, maxaa yeelay ma jeclaysan warkaas naxdinta leh inkastuu qaliinku halis yahay dadka badankiisana aysan jeclayn hadana waan ku qasbanaa in aan ogolaado talada Dhaktarku soo jeediyay, markiiba ma sii sugine gudaha ayaan qolkii ay ku jirtey Zamzam u galney aniga iyo saaxiibkey iyo hooydey dhakhtarkii ayaan ka wareystay arintii wuxuuna noo sheegay in la qali doono Zamzam si loo kala badbaadiyo iyada iyo cunuga yar ee caloosha ku jira wuxuuna na amrey in aan diyaarino dhiigii lagu shubi lahaa inta uu qaliinku socdo .
Markiiba dhiig diyaarin iyo baaris ayaan ku dhaqaaqney nasiib wanaag Saaxiibkay Siciid saleymaan ayay isku dhiig noqdeen nooca +A , 500cc ayaa laga miirey ka dibna dhakhtarkii wuxuu isku diyariyay in uu galo qaliin, Anigana wadnaha ayaan farta ku hayay waxaan is lahaa maxaa soo yeeri doono sidee xaal noqon doonaa hase yeeshee nasiib wanaag dhowr daqiiqo iyadoo aysan ka so wareegin ayaan ka war helnay in Zam zam uu ilaahay u fududeeyay intaan la qalin ka hor waxayna dhashay wiil meyd ah, wax waliba waxaa iiga wel wel badnaa caafimaadka Zamzam, hadiiba uu ilaahey kala keenay alxamdu lilaah, ayaan niyada iska iri, wax yar ka dibna meydkii ayaan soo aasney .
Abaarihii afartii galabnimo oo rubi la’ ayaan ka soo dhaqaaney ,,,,,,,,,,,,
Isbitaalka SOS, ka dib markii ay nooga soo dhamaatey howshii aan halkaas u tagnay habeenimadi xalay, Hooyadey iyo abtigeyna waxay isku af garteen in Zamzam la geeyo guriga aabaheed si loogu baxnaaniyo halkaas, markiiba waxaan si toos ah u soo aadney gurigii abtigey daqiiqado ka dibna gurigii abtigey ayaan soo gaarney, Xitaa Hooyadey waxay ii sheegtay in ay gurigaas ku hari doonto, anigana ilaa todobadii iyo barkii habeenimo ayaan la soo joogey ka dibna waxaan soo abaarey gurigii aan ku noolaa, markii aan gurigii soo gaarey nin daalan ayaan ahaaye markiiba qubeys ayaan isku boobey salaadii cishaha ayaan cagajiid ku tukadey ka dibna Zamzam ayaan ilaahey uga baryey inuu caafimaad taam ah siiyo cabaar markii aan saligii ku fadhiyay ayay hurdo I qabatey oo aan is arkay anigoo madaxa rux ruxaayo markiiba saligii ayaan soo laablaabey waxaan soo galey qolkeygii ka dibna sariirtii ayaan madax madax isugu tuurey labadaydii gacmood intaan is gel geliyay ayaan madaxa ka hoos mariyay si aan u helo hurdo macaan.
Shan daqiiqo markii aan indhaha isku hayay welina aanan hurdin ayay mar kaliya qalbiga igaga soo dhacdey Suleeqo Siyaad Cumar iyo balantii aan la lahaa Maanta anigoo aad uga xun nasiib darida maanta igu dhacday ayaan niyada iska iri:- "Ana sidan ayuu xaalkaygu yahay Suleeqana sidaan qiyaasayo wey ii xanaaqsan tahay labo kala baridey kala war la’ alow sahal amuuraha"
Naf jacayl hayaa ma hargasho hurdo wey nacdaa ma hiigsatee ninkii ku heesay been kuma heesin, habeenkaas hurdadii aan madaxa la lulaayay salaada cishaha ka dib meel ay ka baxdey ayaan garan waayay, waxaan ku mashquuley qaabkii aan isaga maareyn lahaa Suleeqo Siyaad Cumar marka aan u tago kulanka ugu horeeya ee aan la yeelan doono iyo waqtiga munaasibka ah ee aan u tagi karo, Habeenkaas intiisa badan wuxuu waqtigu iigaga dhamaadey xal u helida arintan inkastoo markii dambe aan iska hurdey hadana go’aanka aan ka qaatey wuxuu ahaa in aan habeenka khamiistu soo galayso ugu tago gurigooda inta ka horeysase aanan isku howlin oo aan niyada dejiyo si ay u hesho nasasho ku filan .
Sidii qorshaha iigu jirtey habeenimadii khamiista markii la gaarey galabnimadeedii ayaanba isku sii diyaariyay kulankaas adag si aan dano kale u yeelanin, anigoo aad uga wel welaya qaabka aan ula kulmi doono Suleeqo iyo sida xaalku noqon doono ayaan ka soo dhaqaaqey gurigaygii intii aan wadada ku soo jirey oo dhan waxaan ka fikiraayay cudurdaarka aan ka bixin doono balantii aan ka baaqsadey
iyo qaabka ugu haboon ee aan ku kasban karo mar kale Suleeqo hase yeeshee talaba talo ayay keentaa qorshana qorshe ayuu keenaa anigoo aan weli wax qorshe ah diyaarsan xaaladaydu ay aad u kacsan tahay jawigayguna uusan deganayn ayaan soo hor istaagey albaabka laga galo guriga Suleeqo markiiba garaacis ayaan ku bilaabay wax yar ka dib Suleeqo walaasheed ayaa iga furtey markiiba Salaan ayaan u gudbiyay iyadana si asluubaysan ayay iiga qaadey ka dibna in an hore u soo galo ayay gacanta iigu tilmaantey, anigoo talaabada aayar aayar u qaadaya ayaan u soo dhaadhacay gudaha guriga mar aan u sii dhawahay qolkii fadhiga welina ay I daba socoto Suleeqo walaasheed ayay Suleeqo ka soo baxdey qol ku dheganaa qolkii fadhiga iyadoo ilko cadaynaysa ina leh:- "alla waa Khaliif ii waran aboowe, side tahay caafimaadkaaga ka waran, waan ku waayay maalmahan maxaa kugu dhacay oo aad iigu iman weyday" anigoo wadnuhu I gariirayo kana naxsan sida kediska ah ee ay salaanta iigu dhiibtey ayaan dhankeedii u soo jeestay anigoo ku leh:-"Nabad abaayo, al-xamdu lilaah waan fiicanahay balaayo ma jirto ee adiga ii waran bal" "Aniga waan iska caafimaad qabaa wax dhibaato ah ma jiraan al xamdu lilaah" intay iigu jawaabtey gacantana iga qabatey ayay ii hor kacdey qolkii fadhiga anigana iyada ayaan u hogaansamey oo qolkii fadhiga ayaan ka daba galey ka dibna fadhigii kuraasta ayaan wada camiranay waana iska soo hor jeesanay sidii caadada noo ahaan jirtey wax yar ka dibna waxaaba noo bilaabatey sheekooyin iska caadi ah iyadoo aan weli igu soo hadal qaadin balantii naga baaqatey, hadana intii ay sheekadu noo socotey oo dhan waxaan la yaabanaa gabadhii aan ka baqanaayay ee aan is lahaa iyadoo xanaaqsan ayaad u tagaysaa xagee hadalka ugu bilaabaysaa iyo sidee dhihi doontaa oo iska faraxsan iska qoslaysa oo waliba dabeecadihii aan ku aqiin aan waxba iska bedelin oo iska sheekaynaysa, arintaasina waxay igu dhalisey kalsooni baqdintii igu jirteyna wayba iga baabi’sey ka dibna waxaan iska go’aansadey in aan marka hore ka raali gareeyo baaqashadii aan ka baaqdey balantii aan lahayn ka hor intaysan wax iga su’aalin sababtii aan uga baaqdey ileyn iima diyaarsanayn qorshe aan ku andacoodo .
War jiraaba cakaaruu iman, Anigoo marna faraxsan marna cabsanaya ayaa si kalsooni ku jirto ugu iri:-"Een abaayo waad la socotaa in aan aniga iyo adiga aan balansanayn maalintii Isniinta ahayd, waadna ka warqabtaa in aanan is arkin oo qorshihii aan ku balansanayn in aan fulinana uu halkaas ku bur burey sidaas darteed caawa waxaan kuugu imid in aan kaa raali gareeyo qaladkaas dhacay ee aan aniga u sabab ahaa mana ahayn runtii mid aan ku talo gal u sameeyay ee wuxuu ahaa mid xaga alle ka qornaa, walaahi hadii ad I
aaminayso Habeenii isniintii howshii aan ku mashquuley ayaan galabta ka soo farxashay anigoo aan weli nasan daalkiina uu iga muuqdo ayaan is iri adigoo aan Suleeqo soo arag soona raali gareyn ha seexan sidaas darteed ayaan caawa kuugu imid waadna dareemaysaa in aysan caawa ahayn habeenkii caadada noo aheyd ee aan wada kulmi jirney" Suleeqo oo aan wajageeda wax isbedel ah aanan weli ka dareemin oo sidii ay markii hore u faraxsaneyd uun u faraxsan ayaa markiiba iigu jawaabtay:-" Mashaakil ma laha aboowe, wax waliba waqti ayay leeyihiin, hadiiba la caafimaad qabo oo la nool yahay waqtigii alle ugu talo galey ayay qabsoomeysaa waxba ma aha anigana raali ayaan ka ahay ma garatey" anigoo aad ugu faraxsan jawaabta waafiga ah ee ay Suleeqo iga siisey raali gelintaydii ayaan markiiba la soo boodey:-"Abaayo macaan in aan ku raali geliyo waan ku qasbanahay maxaa yeelay ninka balanta kuu dhigay waliba kugu qasbay adigoo aan raali ka ahayn wuxuu ahaa aniga haddana ninka balanta gooyay waa aniga, hadii aad adiga ii goyn lahayd gar bayba ahaan lahayd in aad hadalkan igu tiraahdo laakiin ogow raali gelintu insaanimada ayay ka mid tahay waana kaaga mahad celinayaa sida aad raali gelinta iiga qaadatey" Suleeqo oo markan go’a ay huwaneyd hagaajisanaysa ayaa igu tiri:-"Anigu koley dacwo ma qabo oo kuma lihi maxaad iigu goysay oo aad beenta iigu sheegtay waayo waxaan dareensanahay in aadan ka baaqan lahayn balantaas hadaadan ku mashquulin howsha aad ii sheegtay in aad darted u baaqatey sow sidaas ma aha" intaan ku qoslay ayaan ku iri:- "Walaahi gabar aad u caqli badan ayaad tahay sidan kuuma malaynayn waad ii gabaneyd ee ilaahay ha kuu dhaafo caqligaaga" "dhamaanteenba caqli waan wada leenahay ee Allaha noo wada dhaafo" ayay iyadoo qoslaysa iigu jawaabtay .
Farxadaydii farxad farxad sii dhaaftay ayay noqotey markii ay Suleeqo i dareensiisey in aaney waxba u arkin baaqashadii aan ka baaqdey Maalintii Isniinta waxayna meesha ka saartey arintan shakigii iyo humaagii igaga jirey in aaney Suleeqo diyaar u ahayn in aan is mehersano, waxaan dareemay in Suleeqo ay aad ii jeceshahay oo ay igu kalsoon tahay waxaan kaloo xaqiiqsadey Suleeqo in aysan iga maarmi Karin oo ay aad isugu key dhiibtay wax walba oo aan sameeyana ay ka jeceshahay inuu xiriirkeenu sii socdo, maxaa yeelay gabar aan caqli lahayn haddii ay ahaan lahayd goor haraa lagu kala tagi lahaa jacaylkii mudada badan soo jiitamayayna meeshaas ayuu ku burburi lahaa waana wax xaqiiqo ah oo la hubo (labaatan jir intuu geed ka booduu talo ka boodaa ).
Anigoo weli raba in ay sheekadu noo sii socoto ayaan damcey in aan wax ka weydiiyo wixii ay la kulantay maalintii aan balansaneyn ee aan u gooyay markaasaan ku iri:- "iiga waran bal maalintii Isniinta maxaad kala kulantey Farmashiye Shabaab, Keynaan ma is aragteen?, ma isu sheegtay?, ma ku soo dhaweeyay?, mise daawadisii ayuu iska gadanaayay oo danba kaama gelin" Intey indhaha mirig mirig ka siisey sidii in ay ka naxdey su’aashii aan weydiiyay ayay mar dambe la soo boodey ;- "May may Keynaan isma arkin, saddex jeer oo aan farmashiyaha tagay wiilal kale ayaa joogey oo aanan garaneyn markii aan weydiiyayna waxay ii sheegeen inuusan dheerayn, xitaa gabadhii aan kaaga sheekayn jirey ee aan madaxeeda ku bartey Keynaan wey ila socotey saddexdii jeer ee aan farmashiga tagey" waxaan ku iri:- "Haddii Keynaan aad weyday maxaad wiilasha joogey farmashiga ii weydiin weydey in aan imid iyo in kale" waxay iigu jawaabtey :- "Maya Aboowe kuma weydiin waan ka xishoodey laakiin keynaan ayaan rabey haddii aan is arki lahayn in aan ku weydiiyo oo aan fariin kuugu dhaafo" waxaan ku iri:- "Saddex jeer haddii aad farmashiye Shabaab ku soo laabatey oo aad I weyday, Keynaana aad weydey, ka waran sow iima xanaaqin aniga oo iima qaadan in aan ahay nin beenlow ah" waxay igu tiri:-"Haa, marka hore waan xanaaqey korkayga meeshii la saro dhiig ma lahayn, haddana waan iska sabrey waxaan isku qanciyay oo aan is iri ma adigaa caafimaadkiisa ka warama markaad wiilka isugu xanaajinayso, sow lagama yaabo inuu xanuunsan yahay ama ay si kale wax u jiraan, haddii sidan uu ku maqnaado iska sug intuu isaga kaaga imaanayo oo uu kaaga sheegi doono Sababta uu kuugu gooyay" runtii markii ay jawaabtaas i siisey aad baan uga xumaadey markaasaan anigoo mar kale qancinaya ku iri:- "aad baan uga xumahay abaayo in ay arintani dhacdo, kun jeer ayaan ku leeyahay mar labaad ka raali ahow qaladkaas dhacay" "Maya aboowe dhibaato ma leh wax qoran ayay ahayd hadiiba aad adiga ii caafimaad qabto, aniga waxba uma arko oo caafimaadkaaga ayaa wax waliba iiga qiimo badan maxaa yeelay waad ila joogtaa oo waad I hor fadhidaa waad ii sheekaynaysaa, wax howl ah oo naga halaabey maba jiraan, wixii aan qabsan karno hadeerba waan qabsan karnaa sow ma aha" ayay iigu jawaabtey.
Anigoo qalbigayga inuu baraf dhex marey aad moodo sida aan ugu farxay hadalkaas ayaan ku iri:- "Maashaa alaah, isheyda alaha kaa koriyo wax badan oo badan ayaad gabdhaha facaaga dheer tahay, waa dhif gabar laga qancin karo arintan oo kale maxaa yeelay waxa laga yabaa in ay kugu doodiso maxaad iigu goysay, maxaad igu soo wargelin weyday markaagii horeba kama fiirsan iyo wax la mid ah
qadarta eebe wixii ku dhacay miyaan ka hadli karaa aniga waabe yaabe" intey Suleeqo hadalkii iga soo dhex gashay ayay igu tiri:- "Khaliifoow meeqa gabdhood ayaan aqaanaa oo wiilal xiriir kala dhexeeyay intey arintan oo kale iyo wax ka sii fudud isku qabteen ku kala tagey war hadii jacaylkayga aanan u sabreyn maxaa igu qasbaayo marka hore in aan wiil balan ka qaado ama aan xiriir la yeesho" "waa maya" ayaan markiiba ugu jawaabay markaasey hadalkii sii wadatey iyadoo leh:- "Miisaan ayaa loo baahan yahay marka hore hadii ruuxa aad saaxiibka la tahay aysan kuu miisaanayn dabeecadiisa dadnimadiisa iyo caqligiisa, maxaad ku andacoonaysaa hadhow ileyn adigaa meel cidla ah oo aan nolol jirin nolol u doontay, alla akhasanaa gabdhaha qaarkood naga daa".
Kama sheekayn karo Habeenkaas hadalada xadidan ee xikmada iyo caqliga ku dhisan ee marba marka ka dambaysa ka soo burqanayay Suleeqo Siyaad Cumar waana habeenkii iigu horeysay ee aan arimo noocan ah ka wada hadalno mudadii aan xiriirka lahayn, runtii wey ii dhineyd cimrigeyga intii aan gabar soo shukaansanayey gabar la mid ah ama ku caqli ah Suleeqo, wel welkii iyo cabsidii aan guriga ku soo galey ha sheegin waxaan is arkey sidey sheekadu noogu socotey anigoo iska faraxsan oo caadaas maraaya, Suleeqana sidayda oo kale ayay aad u faraxsanayd waaba hadii aysan iga farxad badneyn inkastoo farxadeeda aan ku qiyaasey in ay ahayd anigoo caafimaad qaba oo ay mar kale ila kulantay sida aan hadalkeeda ka dhadhansadey hadana waxay iigu muuqatey in ay iga farxad badnayd habeenkaas .
Dhowr daqiiqadood oo kale markii aan is hor fadhinay sheekadii noo socoteyna ay hakad naga gashey ayaan ku fikirey bal in aan mar kale dib u soo nooleeyo Qorshihii naga baaqdey sidii aan ka yeeli lahayn iyo waliba waqtigii aan ka dhigan lahayn intaba maadaama baaqashadii hore la iska qanciyay sidii ay ku timid, hadana ookiyaal indhaha iigu jirey intaan iska siibey ayaan masar jeebka iigu jirey la soo baxey ka dibna dhidid yar oo wajiga igaga yaaley intaan aayar isaga masaxey ayaan ku iri:-"Koley qorshihii aan ku heshiiney waa sidiisii wax is bedel ah ma jiraan maadaama balantii hore ay naga baaqatey sow ma haboona in aan hadana mar kale balan dhigano si uusan waqtigu noogu sii dheeraanin ileyn geeso lo’aad kuleylka ayaa lagu gooyaaye" Suleeqo oo aan u maleeyay in ay su’aashaas dhibsatey sida aan ka dareemay wajigeeda ayaa hadana markiiba la soo boodey iyadoo ii muujinaysa qosol yar:-"khaliifoow waadba daalan tahaye xagee hadana balan kale noogu wadaa, horta daalka ku hayo ka soo
naso, aniga waan kuu joogaa diyaarna waan kuu ahaye" walaahi markii ay hadalkaas I tiri iskuma dayin xitaa in aan wax ka iraahdo waan gareystay waana isaga aamusey anigoo madaxa ugu muujinaya in aan raali ka ahay .
Aamusnaantaydii intuu shaki ku abuurey ayay igu tiri:-"Khaliif dhib miyaad u aragtaa hadalkayga ii sheeg sida kula quman ee aad raaliga ka tahay waan kuu yeelayaa" xishood ayaaba I galey markay hadana hadalkaas ii sii raacisey waxaaba igu adkaatey in aan sida aan rabo ka hadlo ala jacaylku dhib badanaa mar dambe ayaan ugu jawaabey:-"Maya abaayo sida aad go’aanka u gaartey ayay noo ahaanaysaa aniga deg degsiimo iguma jirto hadiiba aad diyaar ii tahay" Suleeqo markii aan jawaabtaas siisey wey aamustey oo in ay i soo eegto ayay howl ka dhigatey indhaheeda quruxda badan ayay si toos ah ugu soo jeedisey wajigaygii iyadoo weliba u diidan libiqsi, cabaar markii ay i deymoonaysay anigana aan shaqo ka dhigtey in aan marna iyada fiiriyo marna hoos fiiriyo ayay ugu dambayntii intay gacanta I soo qabatey oo ay iga dhunkatey ayay igu tiri:- "khaliif sida ay niyadaadu jeceshahay in aan kuu sameeyo ayaan jeclahay ma arkaysaa qadarkii yaraa ee aan indhaha kugu gubaayay waxaan ka fikiraayay in aan kuu sheego maalinta aan jaaniska leeyahay ee aan ka dhigan lahayn qorshaheena hase yeeshee wey ii ahaan weyday in aan hadeer kuu sheego balse waxaan jeclahay habeenkan habeenka xiga ee aan wada kulmi doono in aan kuu sheego insha alaah adigana sidaas iiga qanac aboowe" wax aan ku hadlo ayaan garan waayay oo hadalkii ayaaba afku soo qaban waayay farxad darteed, balse ugu dambayntii intaan anigana ku dayday oo gacanteedii soo qabtey oo dhunkadey ayaan ku iri:- "Abaayo macaan maalmaha ilaahey waa isugu key mid oo ma kala jecli balse waxaan ilaahey ka baryaayaa maalinta kheyrku noogu jiro inuu na waafujiyo" inaatanan hadalkiiba dhamaynin oo aan ka sugaayo in ay Aamiin tiraahdo ayaan arkay labadeedii indhood oo ay ka soo hoorayaan ilin markaasaa anigana inta caloosha la ii dhaafey sideedii oo kale u ilmeeyay .
Fadhigii intay ka soo istaagtey ayay soo fariisatey dhinacayga ka dibna waxay bilowdey in ay faraheeda igaga masaxdo ilintii iga soo hoortey ana sidoo kale ayaan dhabanadeeda ka masaxey ilintii ka soo hoortey indhaheeda, sheekadii iyo hadaladii aan is weydaarsanaynay hakad ayaa naga galey oo qof waliba wax baa u bidhaamay oo uu ku mashquuley, si kastaba aha ahaatee qorshihii aan habeenkaas ka lahaa Suleeqo Siyaad Cumar waan ku guulaysatey inkastoo aan ku balaney mar kale in aan ka dhigano qorshihii meherka ee naga
halaabey maalintii dhaweyd .
Abaarihii 9:00 kii habeenimo ayaan ka soo dhaqaaqey hoygii Suleeqo anigoo aad maqsuud uga ah sida wanaagsan ee aan isula meel dhigney qorshihii naga halaabey iyo sidii mar kale loo sixi lahaa, ka dibna waxaan soo marey Zam zam si aan xaalkeda u soo ogaado maadaama habeen walba aan soo booqan jirey wax yar ka dibna waxaan cagaha soo dhigtey gurigii aan ku noolaa .
Habeenkii aan balaney aniga iyo Suleeqo markii la gaarey anigoo boqolkiiba boqol aad ugu rajo weyn in ay iga soo af jaranto arintan igu daba dheeraatey ayaan u soo talaabo qaadey gurigii Suleeqo, daqiiqado ka dib waxaan soo gaarey gurigii Suleeqo Siyaad Cumar albaabka laga galo ayaan soo istaagey laba jeer haddii aan garaacey waxaa nasiib wanaag albaabkii iga furtey walaasheed markiiba salaan ayaan u gudbiyay iyadana si wanaagsan oo xushmad ku dheehan tahay ayay iiga gudoontay ka dibna in aan horey u soo galo ayay iigu baaqdey ana waan ka ogolaadey intaan guriga horey u soo galey ayaan ku hakadey barandada guriga, Suleeqo walaasheed intey ganjeelkii soo xirtey ayay dhankaygii soo aadey iyadoo ileh :- "Maxaa kugu dhacay oo aad meesha la taagan tahay maad horey u sii gashid guriga mise marti ayaad iska dhigaysaa oo waxaad rabtaa in gacanta lagaa qabto" "Maya marti iskama dhigaayo ee Intaad albaabka ka soo xireyso ayaan ku sugayay oo kaliya" ayaan markiiba ugu jawaabey, iyadoo ii qoslayso intey horey ii dhaaftey ayay igu tiri:- "haye soo soco hee hadaadan marti ahayn guriga waa gurigaagii", qolkii fadhiga ee caadada ii ahaa in aan Suleeqo kula sheekaysto ayay ii horkacdey ana waan daba kacey ilaa aan iska soo horjeesano labadeena oo aan wada fariisano laba kursi oo iska soo horjeeda cabaar markii aan wada kaftaney ayay ii sheegtay in ay Suleeqo maqan tahay oo ay imanayso mar dhow, anigoo hadalkaas aad uga xumaadey ayaan weydiiyay meesha ay aadey maadaama aan balansaneyn waxay ii sheegtay in ay aadey gabar ay saaxiibo yihiin oo Xaafada la degan oo wiilal marti ah u imanaysay si ay marti qaad ula diyaariso, hadalkaas wuu ii cuntami waayay waxaan is iri "kaaley wiilasha la marti qaadayo miyaa kaa sharaf badan sidey ku dhaci kartaa adigoo Suleeqo la balansan in ay sidan samayso waliboo iyadoo og in ay jirto arin xasaasi ah" waan fahmi waayay sida ay wax u jiraan gabadhii Suleeqo walaasheed ahayd ayaan hadana mar kale weydiiyay goorta ay baxdey, waxay iigu jawaabtey:- "Toban daqiiqo ka hor ayay baxdey iyadoo waliba aad uga xun" Anigoo hadalkeeda sii jilcinaya ayaan haddana weydiiyay :- "iyadoo aad uga xun maxaad ula jeedaa"
waxay hadana iigu jawaabtey :- "Micnaha raali kama ahayn in ay baxdo, balse gabadha saaxiibteed ayaa aad isugu xumeysay xitaa waxay u sheegtay in aad adiga Khaliif ah aad u imanayso weyna ku qanci weyday, Suleeqana si aysan saaxiibteed uga xumaan ayay u raacdey markaasey aniga ila balantey oo ay I tiri khaliif hadii uu yimaado u sii sheekey intaan uga imaanayo" anigoo aan weli ku qanacsanayn hadalkaas ayaan gabadhii weydiiyay:- "Haddii gabadha saaxiibteed ay wiilal marti qaadeyso maxaa Suleeqo ka galey" waxay igu tiri:- "Walaahi ma garanaayo balse waxaan qiyaasayaa in ay gacan ka siinayso xagga raashin karinta" markay intaas igu tiri su’aal kale ma weydiniin waan isaga aamusey cabaar markii ay i ag fadhidey oo ay aragtey in aan hadalkii badnaa joojiyay ayay dibada u baxdey wax yar ka dibna waxayna ii keentay Cabitaan iyo macmacaan isugu jira dolshe, Buskud iyo xalwo, hadana intey dibada u laabatey ayay waxay I soo ag dhigtey dhowr album oo aad u qurux badan ka dibna meeshii ay markii hore fadhidey ayay fariisatay waxayna bilowdey in ay shaah noo wada shubto iyadoo labadeenaba aan labada indhood iska eegeyno oo kaliya wax hadal oo aan is dheefsaney ma jirin, labo mar markii aan shaahi ka laacey gobol doolshe ahna aan afka sii geliyay ayaan gacanta ku soo qabtey mid ka mid ah Albumadii ay miiska ii soo saartey ka dibna waxaan bilaabey in aan beyt beyt u kala furo markaan beyt cusub soo rogaba Suleeqo walaasheed ayaa ii sharxeysay dadka sawirka iiga muuqda sida ay kala yihiin haday walaalo yihiin hadey saaxiibo yihiin ama qaraabo kore intaba inkastoo sawirada badankood ay u badnaayeen sawiro dibada lagu soo galey hadana meesha kama marneyn reerka suleeqo oo intooda badan isku sawirey Footooyin iyo guriga, albumkii sadexaad markii aan gacanta ku soo dhigey oo aan bartamaha maraayo ayay indhahaygu qabteen Suleeqo oo la sawiran wiil hadana garbaha iska haysta oo si aad ah u wada labisan, waan ka naxey waxaan isku dayay in aan aqoonsado wiilka balse nasiib daro waan awoodi waayay in aan indhahayga si fiican ugu eego naxdin aan sawirka ka naxey darteed, anigoo aan Suleeqo walaasheed sharaaxad ka sugin ayaan haddana bogga kale u sii rogey mise kuwo ka sii daran ayaaba ku jira oo sida ay isula sawiran yihiin aadan indhaha u dhamayn Karin, Markiiba hinaaso ayaa igu dhashey maxaa yeelay haddii aan is dhihi lahaa waa walaalo ee adigaan aqoon fiican u ahay qaabka ay sawirka u galeen ayay maskaxdaydu diiday in ay walaalo yihiin, maxaa yeelay dadka walaalaha ah sawirada ay galaan iyo kuwa saaxiibada ah isku qaab looma galo isku ujeedana ma aha sawirada qaar waxaa lagu qaadey guriga dhexdiisa gaar ahaan qolka fadhiga iyo barandada guriga
qaarna waxaa lagu qaadey meel doog ah oo ay ubaxyadu ku badan yihiin, waxaan u qaatey marka hore inuu wiilku qoyska ka tirsan yahay
hadana markaan arkey sawirada badan iyo qaababka kala duwan ee ay isulu sawiran yihiin waxa iga galey shaki aad u weyn xitaa jawigii farxada lahaa ee aan ku imid guriga wax weyn ayaa iska bedelay, neef weyn intaan iska soo tuurey ayaan niyada iska iri:- "War nacas yahow markaad maskaxda iska waaleyso, maad iska hubsatid oo iska weydiisid walaasheed ileyn iyadaa kaaga aqoon roon oo maantoo dhan ku bareysay dadka albumka ku sawiran" Markiiba ra’yigaas ayaan ku dhiiradey markaasaan anigoo farta ugu fiiqaya sawirada meesha ka muuqda midkood ayaan ku iri:- "Abaayo waa kuma wiilkan Suleeqo la sawiran Ma idinkuu idinla dhashey" Markiiba lama daahine waxay iigu jawaabtey :-"Maya nalama dhalan ee maxaa dhacey Khaliif………!! miyaaney Suleeqo ku barin wiilkan" anigoo hadalkas ka shakisan ayaan ugu jawaabey "May abaayo ima barin Barin, ee yuu yahay wiilka", jawaabta aan su’aasheeda ka bixiyay intey ku qososhay ayay igu tiri:- "Macquul ma ahan sidee iila hadlaysaa mise aniga ayaad igu ciyaareysaa aboowe oo waad og tahay" "Maxaa ciyaarta meesha keenay haddii aan aqaano ama aan ogahay miyaan ku weydin lahaa sidee iila hadlaysaa abaayo" ayaan markiiba ugu jawaabey, intey hadalkayga la yaabtey ayay igu tiri:- "Haddii aysan Suleeqo wiilkan ku barin oo ay run kaa tahay boqolkiiba boqol wey kaa gar daran tahay, waxaa laga rabey in ay mar hore ku barto balse dhib ma leh aniga ayaa Caawa ku baraya ee barasho wanaagsan wiikan magaciisa waxaa la dhahaa Mustaf xasan Guhaad waa walaalkeen abtigeen ayaa dhaley wuxuuna jooga dalka Ingiriiska, waana wiilka aad madaxiisa isku barateen Adiga iyo Suleeqo ma garatey" Anigoo Xaaladeyda sidii ay markii hore ahayd ka soo yara dagey qalbigana uu ii qaboobey, aadna aan u gartey in uu yahay wiilka lacagta soo xawilo bil walba ee ay iiga sheekaysay Suleeqo markii aan isbaranaynay ayaan ku iri:- "hadda ayaan gartey Abaayo sow ma ahan wiilka bil walba lacagta idiin kugu soo xawilo shirkadda" "Haa" ayay markiiba iigu jawaabtey, anigoo sharaxaad sii bixinaya ayaan ku iri:- "Wiilka magaciisa oo kaliya ayaan aqaaney Suleeqo ayaa dhowr mar iiga sheekaysay iina sheegtay in aad walaalo tihiin oo uu London ku nool yahay, reerkana uu soo biilo balse wax intaas wax dhaafsiisan iigama sheegin, aragtidiisana wey ii dhineyd oo intii mudo ahayd ee aan gurigiina iman jireyna caawa ka hor ma arag sawirkiisa, hadii aadan caawa I bari lahayn maba barteen" Suleeqo walaasheed oo albumka baalashiisa sii gedinaysa deymo hoosana igu fiirinaysa ayaa hadana igu tiri:- "Hadayba saas tahay weli Aqoon kale ayaa kuugu sii dhiman" anigoo hadalkaas ka naxsan ayaan markiiba la soo boodey:- "Maxay tahay Aqoonta iigu dhiman haddiiba
aan muuqaalkiisa bartey caawa" gadaal intey u santeecsatey wajigeedana ay si toos ah iigu soo abaartey ayay igu tiri:- "In ay Xaaskiisa tahay ma kuu sheegtay" "Maya" ayaan markiiba ugu jawaabey, markaasey iyadoo hadalka ii sii wada waxay hadana igu tiri:- "In ay kuu sheegto wey kaala xishootey ayaan umalaynayaa" Runtii Hadalkaas waxaan u qaatey in ay igula kaftamayso oo ay og tahay in aniga iyo Suleeqo uu naga dhaxeeyo xiriir saaxiibtinimo, maadaama reerka oo dhan ay wada og yihiin sida ay Suleeqo horey iigu sheegtay, kaftankeeda anigoo aanan waxba ka dhigan hadana teeda u raacaya ayaan ku iri:- "Naag marwo ah waa la yaqaan dadka kuma darsamayso, Suleeqo in la qabo iska daayee waligeed ineysan nin shukaansan aniga ayaa ka marqaati ah maxaa kale" intey hadalka iga soo dhex gashey ayay igu tiri:- "Khaliifoow warkayga kaftan ayaad u malaysaa ee sahrada iga yar ama hooyo ma kuugu yeeraa si aad u xaqiiqsato, walaahi khaliifoow hadaan runta kaaga hadlo labo sano kama yara hadeysan ka badney inta ay xaaskiisa tahay oo ay ku mehersan tahay" Runtii suleeqo walaasheed waxa ay ku hadlayso in aysan kaftan ahayn ayaan markiiba dareemay, inkastoo markii hore uu shaki yar igu jirey haddana waxaa ii xaqiiqowdey warka ay sheegayso in uu run yahay, ileyn wax ay been igaga sasabanayso ayaanba jirin .
Wiish ayaa igu yeeray oo wadnahaa I go’I gaarey, naxdinta aan ka naxey darteed, fadhigii ayaan isku celin waayay, dhidid ayaa makiiba iga soo hoorey, cirka iyo dhulka meel aan joogo ayaan garan waayay nabar aadan fileyn naxdin ma leh ayay soomaalidu tiraahdaa si walba oo aan sameeyo jawigii caadiga ii ahaa waan ku soo noqon waayay, markiiba waxaan go’aansadey in aan fadhiga isaga kaco oo aan iska baxo hadana waxaan diidanaa in Suleeqo walaasheed ay iga dareento isbedelka igu dhacey maadaama aysan la socon inuu xiriir saaxiibtinmo naga dhaxeeyo aniga iyo walaasheed intaan geesinimo iska baarey ayaan si bool xoofteyn ugu iri gabadhii:-"Walaahi walaashaa Suleeqo gabar fiican ma aha barashadii aan barteyna waa tu lagu qasaarey maxaa yeelay, Aniga iyo adiga oo caawa oo kaliya jaanis isku helnay in aan wada sheekaysano ayaa wax badan oo badan oo aan ka dhego xirnaa inta aan noolahayna aanan ogaan lahayn iiga sheekeeyay, sida aan qiyaasayo hadda iyo wixii ka dambeeyo Suleeqo kama filanaayo in ay ii sheegi doonto in ay tahay xaas la qabo, maadaama aysan horeyba iigu sheegin, adigana waad ku mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad wax iigu sheegtay" iyadoo qosol dhoolo cadeyn ah ii mujinayso ayay igu tiri:- "waxba ma aha aboowe wax jira oo aadan ogayn oo kaliya ayaan kuu sheegay waana isku leenahay, aniga iyo
suleeqana waan kuu siman nahay oo gabdho walaalahaaga oo kale ayaan nahay haddii aysan arintan kuu sheegine koley xumaan kaagama qarin ee waqtigeeda ayaa iska dhinaa, haddiise aad rabto in aad ogaato ka hor inta aysan iyada kuu sheegin caawaba waad weydiin kartaa markey kuu timaado ma garatey".
Nimaan wax ogeyn ilaahey ma cadaabo ayay soomaalidu tiraahdaa "Markey caawa kuu timaado weydii ayay iska leedahay ma oga ololka laabteyda ku shidan, iyo ciilka aan iyada u qabo," "yaa u sheega in fadhiga aan hadeer dhex fadhiyo gurigooda uu I dhibayo, iyadana waxaan loo joogin ayay isaga hadlaysaa" ayaan niyada iska iri anigoo ciil bastey ah, Inkastoo Suleeqo walaasheed aan ka xaqiiqsadey sir badan oo Suleeqo u qarsaneyd oo ay aniga iga qarinaysay si uusan xiriirkeenu u burburin hadana Nasiib wanaag wuxuu Caawa ilaahay iiga gargaarey bohoshii ay igu ridi lahayd ee ay iila damacsanayd mudadii aan xiriirka lahaynmaadaama ay ila saaxiibtey iyadoo nin ooradiis ah oo aan madax bananeyn, alla naagaha qaarkood doqonsanaa, maba ku xisaabtamayaan in la ogaan doono oo sirtooda la heli doono si kastoo lagu helaba .
Bal fiiri qiyaanadeeda Aniga waxay iiga sheekaysay in reerka oo dhan ay wada og yihiin, ayna ka warhayaan Xiriirkeena ana markaan arkey sida qof waliba ii soo dhaweynayo iina ixtiraamayo waxaan u qaatey in arintaas darteed la igu soo dhaweynayo laakiin Suleeqo qiyaano ayay ka ahayd si ay aniga iyo qoyskooda noo kala badbaadiso ayayna u sameysay, balse haddii jacaylka aan iyada u qabo uusan daacad iga ahaan lahayn caawa sirteeda faraha iiguma shubteen walaasheed ay isla dhasheen ee ay halka guri kuwada nool yihiin, haddiise uu warku run noqdo ninka la qiyaamey ee beenta lagula saaxiibey waa aniga .
Anigoo sidii u yaaban xaaladeyduna ay aad u kacsan tahay hadalkiina aan yareeyay ayaa albaabka la soo garaacey Markiiba meysan hakanine intey fadhigii ka boodey ayay igu tiri:- "Inay Suleeqo tahay ayaan u maleeyaa ee I sug intaan albaabka ka soo furaayo" markii ay qolkii ka baxdey oo ay aadey albaabka ayaan anigana ka soo istaagey fadhigii aan fadhiyay anigoo uu xanaaq daran iga muuqdo ileyn fadhi iima yaalo oo naag marwo ah oo la qabo ayaan qolka u fadhiyaa anigoo waliba ka damacsan in aan meher masaafo ah la galo, ilaahow iga kori waa danbi iyo indho xumo iyo sharaf ka dhac aan loo dulqadan Karin .
Mar aan la simanahay Barandada guriga ayaan wax yar gadaal u hakadey bal si aan u kala ogaado cida albaabka soo garaacdey ee laga furi rabo, nasiib wanaag gabar kale oo iyaga la dhalatey ayay noqotey, anigana bartii aan taagnaa kama dhaqaaqin ilaa ay Suleeqo walaasheed iigu timaado Barandadii markii ay I aragtey in aan barandada taaganahay bixidna aan diyaar u ahay ayay igu tiri:- "Maxaa kugu dhacey khaliif oo aad u soo baxdey ileyn Suleeqo waqtigan wey soo dhow dahaye, maad wax yar sii sugtid" anigoo qancinaya qiimeynaya sida ay wanaageyga u jeceshaahay ayaan ugu jawaabey:- "Maya abaayo waan sugi lahaaye waxaan soo xusuustey wiil aan xaafada kula balansanaa sidaas darteed hadii Suleeqo aysan weli iman ilaa waqtigan waan isaga tagayaa, u sheeg habeen dambe ayaan u imanayaa ee ha I sugto" Mar marsiinyihii aan sameystay wax war ah kama keenin oo sidii aan rabey ayay noqotey weyna I fasaxdey intaan gabadhii u mahad celiyay ayaan ka soo degay albaabka gurigooda .
Anigoo madaxu I qarxi rabo xanuunka aan guriga Suleeqo ka soo qaadey darteed ayaan ka soo dhacey gurigaygii xitaa xaaskeyga Zam zam ee aan habeen walba soo booqanjirey ma soo booqan, qolkaygii jiifka ayaan u gudbay, guux aan dhamaaneyn ayaa maskadeyda ku furnaa oo mar mar aan u maleeyo in dheguhu I xirmi rabaan, dharkii ii xirnaa ayaan iska soo bixiyay ka dibna shukumaan yar ayaan dhabarka soo saartey si aan u fariisto ugana nasto jardiin yar oo uu lahaa qolka aan deganahay, runtii habeenkaas wuxuu ii ahaa habeenkii iigu naxdinta badnaa iiguna yaabka badnaa ee isoo mara abid, mar waxaan ka naxey gabahii aan jeclaa ee ay naftayda u oomaneyd oo aan habeen iyo maalin ku taamayay guurkeeda oo la I leeyahay waa xaas la qabo, marna waan yaabaa oo waxaan la yaabaa gabadha da’daas la ‘eg ee hadana qiyaanada intaas la’eg sameynaysa waa aduunyo gadoon iyo Aakhiro samaan, walaahi waligey ma dareemi lahayn mana ogaan lahayn in Suleeqo tahay Xaas hadaaney walaasheed caawa I soo hor dhigi lahayn albumadii badnaa ee aan daawadey, inkastoo markii hore maqnaanshaheeda aan aad uga xumaa hadana hadeer waxaan u arkaa inuu kheyr ii ahaa maxaa yeelay ilaahey wuxuusan kula damasanayn cid kugu ridi kartaa ma jirto, meherkii aan la maagana iyo khiyaanadii ay ila rabtey in ay igu samayso ilaah ayaa iga bad baadiyay wallow aanan fahamsanayn ula jeedada ay ka lahayd in ay samayso arintan foosha xun iyadoo da’daas ah…….
Inkastoo wax aan ku sifeeyo aan garan waayay arintan, hadana ra’yi ahaan waxaa ii soo baxdey in aan la kulmo waxna ka su’aalo sababaha ku kalifay in ay sidan samayso balse damiirkeyga wuu I siin waayay in aan mar dambe la kulmo Suleeqo ama aan wax ka su’aalo maadaama ay igu noqotey sheydaamad ileyn sheydaan lama aamino karo .
Qalbigayga marna wey ka go’I weyday sida xun ee ay iila dhaqantey gabadhii aan gabdhahoo dhan ka xushey ee aan is lahaa nolosha la qeybso, mar walba oo aan soo xusuusto oo ay qalbigayga ku soo dhacdo meel baa I damqanaysay ileyn jacayl daran ayaan u qabay inkastoo wax lagu sii jeclaado ama uu qalbigayga uu ku damqado aysan ii muuqan haddana mar marka qaarkiis wax aan macquul ahayn oo aan dhici Karin ayay iigula muuqanaysay anigoo iska dhaadhicinaya in warkaasi been yahay maadaama ay tahay gabar aad u yar qiyaanada intaas la’egna aysan ku dhaqaaqi karin, qof aad naftaadii ku aamintey isagana tiisii kugu aaminey hadduu jalaafo aadan ka fileyn kuu dhigo sow dhibaato ma aha, Suleeqo inkastoo aan aad u jeclaa niyadeydii oo dhana aan raaciyay, reerka ay ka dhalateyna aan aad isu baraney oo aan is dhexgalney haddana waxaa ii cuntami wedey in aan iyada darteed reerkooda u gooyo, reerkooda walaaltinimo iyo Soomaalinimo in aan isku xiriirino oo aan guriga ku imaado ayay qabaan anigana waxaan qabaa in Suleeqo xiriirka naga dhaxeeya la og yahay oo la igu qiimeynaayo, haddii aan xiriirkooda gooyo waxaan ka baqayaa in la igu eedeeyo oo la I dhaho nin xun ayaad tahay, Anigana nin la qiyaamey oo jacayl been ah lagu abuurey ayaan ahayn shaxda sidaas u culus gabadha samaysay guri ay ku nooshahay waji aan ku tago iima muuqdo labo kala daran kal war la’ ayaa la yiri mana goyn karo mana xiriirin karo .
Waxaan talo gorfeeyaba aakhirkii waxaan hoosta ka xariiqey oo aan go’aan adag ku gaarey in aan Suleeqo iyo reekooda faraha isaga qaado oo aan kala amaan helno aduunku waa balaaran yahay meeshay doonaan ay ka biyo cabaan, laba habeen ka dib Saaxiibkey Siciid Sulaymaan ayaan arintii la socodsiiyay una sheegay qiyaanadii ay igu sameysay Suleeqo, Saaxiibkey isagoo aad ula yaaban kana naxsan burburka ku yimid jacaylkayga ayuu isagana igula taliyay in aan faraha isaga qaado oo aan iska ilaawo, angina waan ku raacey .
Muddo todobo maalmood markii ay ka soo wareegatey oo aan weli war ah ka la’ahay dhankii suleeqo ayaan si fiican u sii xaqiiqsadey in warkii ay ii sheegtay Suleeqo walaasheed uu run yahay, haddiiba todobo maalmood ay Suleeqo maqnaanshahayga ka soo wardooni weyday, oo ay iigu iman weyday Shirkada Xawilaada, nasiib wanaag maalintii sagaalaad subaxnimadeedii anigoo fadhiya goobtii shaqada waxaa muraayada laga qaato lacagaha xawilaada ii soo istaagtey gabar aanan igu cusbeyn muuqaalkeeda hase yeeshee aan garan waayey meesha aan kula kulmey, aad ayay gabadhu u labisleyd waliba si cajiib ah oo aadan indhaha u dhameyn Karin intey si saani ah qoorta hoos u soo dhigatey iskuna soo aadisey meesha muraayadu ka go’an tahay ee ay dadku ka qataan lacagaha ayay igu tiri:- "Kaliif sidee tahay,? ma fiican tahay aboowe" anigoo wajigeeda indhaha la sii raacaya bal si aan u garto ayaan ugu jawaabey:- "Nabad abaayo waa la fiican yahay ee adiga iska waran" "aad ayaan u fiicanahay belaayo ma jirto" ayay markiiba iigu jawaabtey, anigoo weli soo qaban la’ meesha aan ku arkey gabadhan ayaan ku iri:- "Haye Abaayo, Maxaan kuu qabtaa?" "Adiga ayaan kuu baahnaa ee wax yar ma ii soo bixi kartaa" ayay si hoose iigu tiri iyadoo malaha u qaadatey in aan gartey, anigoo codsigeeda iska hubinaya ayaan ku iri:- "Aniga khaliif ah miyaad ii baahan tahay Abaayo" "haa" ayay markiiba iigu jawaabtey, "raali iga ahow abaayo, kuraastaas i sii fariiso intaan kaaga imaanayo" intaan ku iri ayaan u yeeray wiil kale oo shaqada ila wadi jirey si uu shaqada ii sii wado inta aan gabadhan la sii hadlaayo .
Markiiba dhankii gabadha ayaan soo aadey kursigii ay ku fadhidey ayaan dhinac kaga fariistey, ka dibna masar jeebka iigu jirey intaan la soo baxey ayaan ku iri:- "Haye Abaayo warka I sii maxaa darnaa" gabadhii oo qoslaysa ayaa igu tiri:- "Maya aboowe wax daran ma jiraan, adiga ayaan dan yar kaa lahaa inkastoo aad I fahmi la’dahay laakiin aniga ayaan ku fahamsan ma garatey" intaan hadalka ka soo dhex galey ayaan ku iri:-"Walaahi anigaba wajigaaga iguma cusba, laakiin meeshii aan kugu arkey ayaan ilaa iyo hada garan la’ahay" intey mar kale igu qososhey ayay hadana igu tiri:- "Aboowe in aad I hilmaantey waan u jeedaaye ee Aniga aan isku kaa sheegayo, magacaygu waa Shukri Siidoow, waxaan ahay Suleeqo saaxiibteed, haddii aad xusuusato maalin aad guriga Suleeqo joogtey ayaa la iskeen barey adigoo funaanad cad iyo surwaal jiinis ah wata" "Haa hada ayaan ku gartey ee raali iga ahow, aduunyada xaalkeeda ayaa sidan iska ah, ii waran bal sidee tahay maanta waad soo dheeraatay"ayaan si boobsiis ah ugu iri, markaasaa iyadoo indhaha dhulka ula raaceysa ayaa igu tiri:- "Walaahi khaliifoow waa runta oo maanta waan soo dheeraadey, waxa I keenayna waa dan, dantana la iskuma naco, balse fariin culus oo aan Suleeqo kaaga waday ayaan kuu wadaa, inkastoo ay iiga warantey khaladkii ay kugu sameysay iyo beentii ay kuu sheegtay hadana markaan si hoose isu wareysanay waan gareystay hadalkeeda, dadkuna isku mid ma aha oo waa kala fikrad duwan yihiin, koley aniga fariin qoraal ah ayay ii soo dhiibtey adigoo aniga I xushmaynayaa waxaan kaa codsanayaa in aad fariintaas iga gudoonto" Markaan magaca Suleeqo maqley, haddana Markey Shukri Siidow ii sii cadeysay khaladka dhacay inuu sax yahay oo Suleeqo ay xaas tahay, Cirka iyo dhulka ayaa ila wareegay xanaaq dartiis, waxaanba ku sigtey in aan fadhiga uga kaco Shukri oo aan shaqadeydii dib ugu laabto hadana in aan Shukri ku xad gudbo ayaan ka xishoodey maadaama ay adeege tahay, anigoo aan jeclayn in ay dareento xanaaqeyga ayaan ugu jawaabey:- "Suleeqo ma ahan qof sharaf badan, oo la aamini karo runtii khaladka ay igu samaysay iyo beentii ay ii sheegtay weli laabteyda kama go’in, inkastoo shirqoolkii ay ila maaganayd uu ilaahey iga badbaadiyay, hadana wax aan isu sheegno meesha maba yaalaan muusaa bi diin ciisaa bi diin, arageedana ma rabo hadalkeedana ma rabo ee ha iga raali ahaato warqadeeda iyada u geey iyada ayay anfacaysaa" Shukri oo aad ula yaabtey hadalkayga ayaa si degan ii tiri:- "Khaliifoow bini’aadamku khalad wuu geli karaa oo muxuu u galay lama dhaho, carab iyo ilko wax isaga dhow ma jiro hadana wey is qaniinaan, Suleeqo qalad ayay sameysay hadana waxay rabtaa in ay kaa raali geliso oo ay kaa qanciso sababtii ay ku dhacdey, anigu kuma lihi Suleeqo qaladkeeda ku raac, ee waxaan rabaa fariinta ay ii soo dhiibtey in aad ila aragto oo aad soo aqriso kana soo fakirto haddii hadalkeedu uu ku qancin waayo cid qasab kugu leh ma jirto, hadiise aad ku qanacdo oo aad ka raali noqoto adinka ayaa wada xiriiraya, ma garatey," Macquul ayuu ila noqdey hadalkii shukri, inkastoo aan markii hore diidanaa hadana waxaan ku fikirey in aan warqada ka qaado oo aan arko waxa ku qoran oo ay igu qancin rabto ka dibna go’aanka anigaa iska leh sidaan doono ayaan ka yeeli karaa mowqifkaygana cid bedeli karta ma jirto, anigoo masarkii wajiga isaga titiraya ayaan ku iri:- "Shukriyeey I dhagayso, adiga waxaad tahay qof la soo adeegsadey oo fariin loo soo dhiibtey, mana tihid runtii qof aan xumeyn karo, sida dadka qaarkood aan ula dhaqmi lahaa kuulama dhaqmi karo oo waad igaga duwan tahay oo xagayga sharaf ayaad ka leedahay, Suleeqo fariin ka socoto iska daaye magaceeda xitaa ma maqli karo waqtigan la joogo, adigase waan ku xushmeynaya Suleeqo darteed kuuma xumeyn karo warqada waan kaa qaadayaa oo kuguma celinaayo ma garatey" markiiba Shukri hadal iima celin malaha waxay ka yaabtey xanaaqa aan u qabo Suleeqo, markiiba intey ii mahad celisey ayay boorso yar oo ay wadatey ka soo saartey bashqad aad u qurux badan oo aan ahayn nooca dalka soomaaliya laga Isticmalo, ka dibna faraha ayay iga saartey iyadoo I leh;- "Kaliif waad mahadsan waad I sharaftey alaha ku sharfo, waxaanse kaa codsanayaa in aad ii sheegto goorta aan jawaabta kuugu imaanayo" markiiba bashqadii ayaan ka gudoomey anigoo weli qiimaynaya codsigeeda ayaan ugu jawaabey:- "Shan iyo toban maalmood ka dib ayaad iga soo wardooni kartaa insha alaah," intey kursigii ka soo kacdey ayay igu tiri "Shan iyo toban maalmood ka dib ayaa inoo balan ah iyo halkan haduu alle yiraahdo insha alaah" intaan anigana fadhigii ka soo kacey ayaan ku iri:- "insha alaah sidaas ayaa inoo balan ah’" ka dibna "Waa yahay waan sii baxayaa ee nabadey" intey igu tiri ayay bilowdey in ay u talaabo qaado dhankii uu ka xigey albaabka, si aan u sii sagootiyo ayaan anigana dhowr talaabo la soo qaadey ilaa aan si wadajir uga soo wada baxno albaabka weyn ee Shirkada .
Mar alla markii aan ka soo laabtey sii dhaweyntii Shukri kuma laaban shaqadeydii oo Xafiiskii maamulaha ayaan soo aadey bal si aan u arko fariinta Suleeqo ii soo dirtey markiiba kursi meel gaar ah yaaley ayaan ku fariistey bashqadii ayaan kala furey waxaan ka soo saarey warqad aad u dheer oo ay ku qoran tahay far aad u qurux badan ka dibna intaan lugteyda midig tan bidixda dul saartey ayaan bilaabey in aan aqriyo warqadii Suleeqo waxayna u qorneyd sidan :-
To:- Mr. Khaliif
From:- Suleeqo
Ujeedo:- Raali gelin Awalan iga gudoon Salaan Macaan oo seedaha jirkoo idil sahal u soo martey salantaas oo aan salguurin kana soo maaxatey maskax caafimaad qabta oo cudur iyo cuqdad laga meyray, aboowe caafimaadkaygu inkastoo uusan wanagsanayn hadana al xamdu lilaah waan iska ladnahay, adigana waxaan ilaahay kaaga baryaayaa sidayda iyo si ka wanaagsan .
Runtii maanta waxaan ku dhex jiraa marxalad aad u adag oo aan ku kala saari Karin maalin iyo habeen waxa la joogo waana dareensanahay meesha la iga haysto in ay tahay qaladkii aan kugu sameeyay iyo khiyaanadii aan nafsadeyda khiyaaney waxaan kaa codsanayaa in aad ilaah dartii igu cafiso marka hore, kun jeer iyo ka badana aad iga raali ahaato .
Ma jeclayn waligey in aad iga xanaaqdo ama aad iga carooto balse maanta ayay dhacdey taas, muragada iyo walbahaarka maanta I haysto ma garan karo meesha ay ku danbayn doonaan haddii aan adiga ku waayo, indhahaygu wey diideen in ay joojiyaan ilmada ka hooreyso, afkeyguna wuu diidey inuu raashinka si saani ah u qaato, ma waalni mana fayoobi mana ka sheekayn karo marxalada aan maanta ku suganahay sida ay tahay, balse adigu ma tihid mid iga rumaysanaya waxa aan sheeganaayo waayo waxaa kuu muuqdo oo weli qalbigaaga ka guuxaya khaladkii aan kugu sameeyay, laakiin aboowe macaan ma is weydiisey Suleeqo oo sidaad ogeyd kuu jeclayd waxa ku kalifey in iyadoo xaas ah oo qabo ay sidan samayso oo ay ku qiyaanto, inkastoo aan dareemayo inuusan warkeygu kugu soconayn haddana waxaan kaa codsanayaa haddii ay ku soo gaarto warqadan in aad I siiso fursad aan ku kulmi karno mar kale aniga iyo adiga si aan kaaga sheekeeyo sababaha igu kalifey anigoo da’daas ah, xaas la qabana ah in aan ku qiyaamo oo aan kula saaxiibo .
Waa iga codsi mar kale aboowe xanaaqa iska yaree aniga weli waan ku jeclahay oo sidaad igu ogeyd iyo waliba si ka daran ayaan kuu jeclahay, ma kula tahay nafsadeyda in aan ku been abuuranaayo oo jacayl aan I hayn iska sheeganaayo runtii waa maya, khaladka aan kaa galey waxaan jeclahay siduu ku dhacey in aan ku fahamsiiyo ee adiga iga ogolow in aan hal mar oo kaliya kulano, ka hor inta adan iga qadan go’aan .
Aboowe khaliif kun jeer iyo ka badan ayaan ku baryayaa warkayga ha dhayalsan xanaaq kasta oo ku haya I qiimee inta aan ka kulmeyno ka dib go’ankaad doonto iga qaado aniga ayaa raali ka ah….
Suleeqo Siyad Cumar Tiro sadex jeer ah ayaan ku cel celiyay aqrinta warqada si aan u dhuuxo inkastoo aan fahmi waayay waxa ay ii sheegi doonto marka aan ka ogolaado kulanka ay iga dalbanayso Maadaama ay ii cadeysey in ay xaas tahay oo la qabo hadana waxaan is iri cimri dhamaadey ceeb laguma sagootiyo bal iska arag waxa ay kuu sheegi doonto ileyn wax ay mar marsiiyo ka dhigato meesha maba yaalle .
Waxaan aad uga qoomameeyay nasiib darida iga haleeshay dhanka Suleeqo maadaama aan u qabey jacayl xad dhaaf oo dhuuxa iyo lafaha I dhalaaliyay, runtii isma lahayn Suleeqo ayaa si sahal kugu dhaafi doonto oo aad weyn doontaa .
Aqrintii warqaa markii aan dhameeyay ayaan laalaabey waxaan ku celiyay bashqadii aan markii hore ka soo bixiyay ka dibna talo ayaa igu dhalatey waxaan ka fikirey sidaan ka yeeli lahaa jawaabta la iga sugaayo hase yeeshee go’aan rasmi ah waan ka gaari waayay ugu dambeyntii go’aankeyga waxaan ku xirey saaxiibkey Siciid Suleymaan wixii uu igula taliyo in aan sameeyo ileyn aniga nin jacayl hogaaminaayo ayaan ahay sideedaba ruuxu markuu wax jecel yahay waxba uma muuqdaan talo uu kaligiis goostana meel ma geyso waxaa haboon inuu talada wadaajiyo saaxiibka ay isku sirta yihiin, sidaas darteed ayaan u qaatey go’aanka ah in aan marka hore kala tashto saaxiibkey .
Labo maalmood ka dib ayaan nasiib u yeeshay in aan saaxiibkey ku kulano gurigooda waxayna ahayd galabnimo khamiis qiyaastii 5:00 galabnimo, jawiguna wuxuu ahaa mid aad u kulul, socodka dadkuna uu aad u yar yahay waxaan wada fariisanay aniga iyo saaxiibkey geed weyn oo ku hor yaaley gurigooda markii aan is wareysanay ka dib ayaan uga sheekeeyay sidii ay wax u dhaceen iyo xaalku meeshuu hadda maraayo Siciid oo aad ula yaabey hadalkayga loona maleeyo inuusan rumeysnayn hadalkaas ayaa markiiba la soo boodey :- "wax dhici karo ii sheeg Saaxiib ha igu ciyaarine" "Maxaan kugu ciyaarayaa, waxa aan kuu sheegaayo oo dhan waa run, iyada lafteeda ayaa warqada iigu soo qortey oo ii xaqiijisey inuu jiro warkaas," Saaxiibkey intuu indhaha taag taagey isagoo la yaaban hadalkayga ayuu mar kale igu yiri:- "Walaahi waa mucjiso haddiiba Suleeqadii aan ogaa ee aad iiga sheekaysay wanaageeda iyo ixtiraamkeeda ay xaas la qabo tahay sidee gabdhaha yar yar ee soo koraya lagu aaminayaa sow lama dhihi karo aakhiro sabaan ayaa la joogaa gabar da’daas jirto oo la qabo oo hadana wiil kale been kula saaxiibayso, aawey jacaylkii ay sheegan jirtey oo ay kugu beerlaxawsan jirtey, mise wuxuu qorshaheedu ahaa kaliya in ay adiga jacayl kugu beerto" Anigoo hadalka saaxiibkey aad ugu qanacsan una muujinaya sida gabadhaas da’da yar ay ii qiyaantey ayaan ku iri:- "Walaahi gabadhii aad ogeyd ee faankeeda iyo amaanteeda aan kaa bad badin jirey sidan ayay samaysay, qofkii iyada aqoon u leh ee looga sheekeeyo waxa ay samaysay siduu ku aamino xitaa wey adag tahay" intuusan hadal kale igu dhihin ayaan hadana mar kale hadalkii ka qaatey waxaana ku iri:- "Koley warqadii ay ii soo qortey waxay iiga dalabanaysay in aan hal mar la kulmo si ay iiga qanciso sababta ku kaliftay in ay arintan foosha xun igu samayso, anigana weli go’aan kama gaarin sidii aan ka yeeli lahaa codsigeeda maxaa yeelay maskaxdeyda waxaa weli ku shidan dhaawicii ay ii geysatay" Saaxiibkey ayaa intuu hadalkayga ku qoslay igu yiri :- "Maxaad u malaynaysaa ama ay kula noqon kartaa in ay kugu qanciso hadii aad la kulanto" intaan iska dhigay qof ka xanaaqey hadalkaas ayaan ku iri:- "Saaxiib naag la qabo oo xaas ah wax ay igu qanciso ama aan hadalkeeda dambe ku aamino iima muuqato mana ka hadli karo balse af joogo looma adeego iyadaan ka sugaynaa waxay ka dhihi doonto" saaxiibkey intuu hadana mar kale igu qoslay ayuu igu yiri:- "Saaxiib sir naageed lagama sal gaaro ayaa horey loo yiri, Suleeqo oo gabar yar ah waad aragtaa qiyaanada ay samaysay intey la’eg tahay, aniga waxaan qabaa in aad Suleeqo balan u qabato oo aad la kulanto oo aad soo ogaato sababta ay sidaas u samaysay, hadii warkeedu uu noqdo mid macquul ah oo la qaadan karo waa Ok, balse hadii uu warkeeda kuu cuntami waayo waxba yeysan ku raali gelinin xitaa walaaltinimo haday kaa dalbato ha ka ogolaan" anigoo aad ugu faraxsan talada saaxiibkay ayaan ku iri:- "Ok talo fiican waaye, waa igu balan in aan sidaas yeelo wixii soo kordhana dib ayaan kaaga soo sheegi doonaa insha alaah" "koley adiga ayaan kaa war sugayaa xaalku siduu noqdo" ayuu hadalka ii daba dhigay .
Galabtaas aniga iyo saaxiibkay aad ayaan isugu dheeraanay inkastoo qorshaha ugu weyn uu ahaa kulanka Suleeqo lala yeelan doono iyo waxa ka soo baxi doona hadana waxaan isku af garaney in aan culeyska saarno arinta Suleeqo oo marar badan soo noq noqotey sidii aan u soo af jari lahayn, ka dibna waxaan ku balaney in wixii qorshe ah ee soo kordha aan ka wada hadalno kulanka Suleeqo ka dib, mar uu soo dhaw yahay Aadaanka Salaada maqrib ayaan ka soo dhaqaaqey gurigii saaxiibkay anigoo aad moodo in culeyskii I saarnaa badankiis uu iga dagey wax yar ka dibna waxaan soo gaarey gurigii abtigey si aan u soo booqdo Zam Zam maadaama ay weli ku sugneyd gurigooda cabaar ayaan la soo joogay oo aan u soo sheekeeyay inkastoo bixideeda ay maalmo uga dhinaayeen hadana waxaan ku qasbanaa in aan cabaar la sii joogo oo aan madadaaliyo si aan u maqsuudiyo maadaama ay xaaskayga tahay, abaarihii 8:30 fiidnimo ayaan ka soo dhaqaaqey ka dibna waxaan toos u soo aadey gurigeyga .
Muddo hal usbuuc ah markii ay ka soo wareegatay Maalintii la ii keenay warqadii Suleeqo ka socotey welina aan war kale ka helin xageeda ayaa maalintii dambe waxaa goobtii shaqada iigu timid Shukri Siidow oo ahayd xiriiriyihii aniga iyo Suleeqo markii aan indhaha ka qaadey ayaan u soo wareegay intaysan soo istaagin muraayada lacagta laga qaato intaan ka hor tagey ayaan salaamey iyadana wey iga qaadey ka dibna waxaan ugu baaqey in aan wada fariisano meel koone ah oo ay taaley dhowr kursi oo loogu talo galey in ay fariisataan dadka lacagaha loo soo diro, iyadoo dhoola cadaynaysa ayayna iga ogolaatay cadsigayga ka dibna fadhigii ayaan wada camiranay waxaana noo bilabatay sheekooyin goos goos ah oo aan isaga xaal wareysanaynay wixii soo kordhay intii aan kala maqnayn, cabaar markii ay sheekadii noo socotay kaftankiina uu noo dhamaadey ayay shukri hadalkii la boodey waxayna igu tiri:-"Khaliifow waad la socotaa ayaan u malaynayaa maanta in ay tahay maalintii aad igu balamisey, in aad jawaab iga siin doonto dhambaalkii Suleeqo sow sidaa ma aha" "Haa" ayaan markiiba ugu jawaabey, ka dibna hadalkii ayay mar kale qaadatey waxayna igu tiri:- "OK waad mahadsan tahay hadiiba aad xusuusan tahay aniga waxaanba ka baqaayay in aad igu tiraahdo waan ilaabay balantii" intaan ku qoslay ayaan ku iri:- "Maxaad sidaas ii leedahay ma waxaad ii malaysay nin aan balan lahayn, aniga sidaad ii moodey ma ahi aniga nin balan leh ayaan ahay, ma aqaan haday saaxibtaa war been ah iiga kaa sheegtay ileyn naag dambi gashay waaye" Shukri oo indhaha ka leexsanayso timaheeda ayaa igu tiri:- "Maya aboowe sidaa kama wado ee waxaan is lahaa nin qalad laga galey waaye waxaa macquul ah inuu aad u kacsan yahay oo uu iska ilaawo, ee igama ahayn wax kale, hadiise aad wax u aragtey raali iga ahow" "Maya raali ayaan ahay dhibaato ma leh waan kula kaftamaayay" ayaan markiiba ugu jawaabey, intaas markii ay sheekadu noo marayso ayuu hadalkii hakad naga galey oo aan kala aamusnay inkastoo aniga aan hadalka bilaabi karey hadana waxaan jeclaa in ay iyada iiga hor marto oo ay iiga waranto wixii ay kala kulantay Suleeqo maalintii ay warqada iiga keentay ka dib, cabaar markii aan is ag fadhinay welina ay aniga hadal iga sugayso ayaan ku iri:-"Shukri iiga waran saaxiibtaa Suleeqo, ma iga sabartey mise weli waxay iga rajaynaysaa in aan la kulmo, sidee xaalkeedu yahay" Shukri oo aan hadalkaas iga fileyn ayaa iigu jawaabtey:- "Walaahi Suleeqo in ay qalad aad u weyn kaa gashay ma dafirsana oo wey qirsan tahay hase yeeshee waxay aad u jeceshahay in ay kula kulanto oo ay kaaga waranto sababihii ku qasbay in ay sidaas samayso waa hadii ogolaansho xagaaga laga helo oo aad la kulmayso" anigo qosol yar u muujinaya ayaan shukri ku iri:- "Shukriyay dulmiga intaas la’eg qofkii sameeyay miyaad adiguna ku raacsan tahay in aan la kulmo oo aan hor fariisto" intey qosol yar ii muujisey ayay igu tiri:-"Khaliifoow inkastoo aanan jeclayn qof qaladkaas sameeyay in la hor fariisto oo lala kulmo hadana waa saaxiibtey oo waxaan ka fadhin la’ahay calaacalka iyo oohinta ay igu hayso maalin walba, anigana waan iska calool jilcahay oohinteeda iyo calaacalkeeda uma adkeysan karo taas ayaana igu qasbaysa in aan ergo u noqdo" "OK waan ku gartey sidee jeceshahay marka in aan kuu sameeyo maadaama ay saaxiibtaa ku dhibayso oohinteedana aad u adkeysan la’dahay" ayaan si hoose ugu iri, markaasey la soo boodey:- "Walaahi aniga waxaan jeclahay in aad saaxiibtey Suleeqo aad la kulanto oo ay kaaga waranto sababtii ay kuu qiyaantey si aad adigana u ogaato sababta iyadana ay u qanacdo" .
Hadalkii shukri afkeeda ka soo yeeray inkastoo uu ahaa ga’aankii aan markii horeba la soo shir tagay hadana waxaan ka jeclaa in aan madaxa ciida ka ilaaliyo oo aan iska dhigo qof aan kulanka Suleeqo diyaar u ahayn oo ay qasab iyo ju-juub ku tahay, si aan Shukri u dareensiiyo in aan iyada wajigeeda qiimaynaayo oo aan iyada darteed Suleeqo ula kulmaayo ayaan ku iri:- "Abaayo runta markaan kaaga hadlo aniga ma jecli marna in aan Suleeqo wajigeeda hor fariisto oo la kulmo balse anigoo adiga ku qiimaynaayo darteed ayaan u ogolaanayaa in aan la kulmo waliba waxaan rabaa in aan ku kulano gurigiina meel kale aniga ma ogoli" Shukri oo intii aan hadalka wadey wajigeeda laga dareemayay is bedel weyn ayaa markiiba la soo boodey:- "Waad mahadsan tahay boqolkiiba boqol waana wax aan kaa filaayay, waxaadba u malaysaa in wixii uurkeyga ku jirey aad la socotey maxaa yeelay aniga iyo saxiibtey waxaan isku af garaney haddii adiga ogolaansho laga helo inuu kulanka ka dhaco gurigeena adigana sidii noo qorsheysnayd ayaad ka dhawaajisey mar labaad ayaan arintan kaaga mahad celinayaa iyo waliba sida aad ii sharaftey oo aad iigu fududeysay dalabkii aan ergada ka ahaa, waxaanse ku weydiiyay goormee ayaan ka dhiganaa balanta" Anigoo raali ahaanshahayga dareensiinaya iyadana qiyaar gelinaya ayaan ku iri:- "Waqtigii aad doonto ayaad ka dhigan kartaa aniga diyaar ayaan kuu ahay" markaasey igu tiri:- "Khamiista soo socoto ka waran" waxaan ugu jawaabey;- "Diyaar waxba kama qabo" waxay hadana igu tiri:- "ka waran hadii aan Khamiista 10:30 subaxnimo kuugu imaado halkan" waxaan ugu jawaabay:- "waxba kama qabo waa ra’yi fiican subaxa khamiista 10:30 iyo meeshan ayaa inoo balan ah" Shukri Siidow markii aan Balantaas kala qaadaney hadal kale maba sii gelin oo waxay ii sheegtay in ay magaalada dano kale ka leedahay oo ay u baahan tahay in aan fasaxo iyadoo waliba aad iigu mahad celisey sida aan howsheeda ugu fududeeyay oo aan u soo dhaweeyay qorshihii adkaa ee ay u socotey dhowr daqiiqo ka dibna fadhigii ayaan ka wada istaagnay waxaan toos iskula saan qaadnay dhankii uu naga xigey albaabka laga baxo dhowr talaabo ayaan la sii qaadey si aan u sii sagootiyo, markii aan ka soo laabtey sagootintii Shukri Siidow waxaan gudo galey shaqo maalmeedkii caadiga ii ahaa ee aan ka qaban jirey shirkada .
Laba maalmood ka dibna waxaa la gaarey waqtigii balanta, iyadoo uusan wax shaki ah iiga iigaga jirin kulanka maanta waxa uu noqon doono ayaan subaxnimo hore ka soo dhaqaaqey gurigii aan ku noolaa goobtii shaqada markii aan imid ragii ila shaqeynay ayaan ku wargeliyay in aan maanta dan weyn leeyahay oo ay iga tashtaan kheyr alaha siiye iyagiina wey iga ogolaaden codsigaygii, ka dibna kursigii aan maalintii hore ku wada sheekeysanay ayniga iyo Shukri Siidow ayaan iska fariistey si aan ugu sii sugo inta ay ka imaanayso .
Abaarihii 10:20 daqiiqo ayay shukri Siidow oo sida ay u labisan tahay aad la tacajabayso ka soo gashey iridka weyn ee laga soo galo Shirkadda markiiba intey indhaha igu dhufatay ayay u soo dhaqaaqdey dhankii aan ka xigey anigana ma sugine markiiba kursigii aan ku fadhiyay ayaan ka soo istaagey si aan uga hor tago, markiiba salaan ayay ii soo gudbisay anigana waan ka qaadey ka dibna in aan diyaar ahay ayaan u sheegay iyadana sidoo kale ayay ii sheegtay in ay diyaar tahay iyadoo waliba igu leh:- "Raali iga ahow haddii aan kugu soo daahey" "Maxaa daahid ah maba la gaarin waqtigii balanta" ayaan si qancin ah ugu iri, wax yar ka dibna gaari yar oo ay wadatey ayaan ku soo dhacney anagoo ku wajahan hoyga ay ku nooshahay Shukri Siidow .
Intii aan gaariga saarneyn oo dhan waxay Shukri Siidow iga wareysnaysay sida aan u arko kulanka maanta iyo in aan saadaal ka bixiyo waxa uu ku dhamaan doono, inkastoo aanan jeclaysan in aan taas ka hadlo hadana Shukri oo gabar fiican ahayd waxaan u sheegay in ay ku xiran tahay hadba waxa ay la soo shir tagto saaxiibteed Suleeqo anigoo waliba iyada u sheegay in ay garsoore noo tahay oo aysan noo kala eexan, Shukri waxay kaloo ii sheegtay in culeyska ugu weyn ee ka harey uu ahaa ogolaanshihii aan ka ogolaadey in aan Suleeqo la kulmo, 90% ay ku rajo weyn yihiin in ay iga guuleysan doonaan, war jiraaba cakaaru iman waan wadi arki doonaa hadii alle idmo ayaan hadalkii oodhan ugu koobey .
Qadar shan iyo toban daqiiqo ah markuu gaarigu na soo wadey, ayaan ugu dambeyntii soo gaarney gurigii Shukri ay degenayd, gaarigii ayaan ka soo wada deganay ka dibna gudaha guriga ayaan wada galney iyadoo ay I hor kacayso Shukri Siidoow, qolkii fadhiga ee martida loogu talo galey oo uu yaalo fadhi carbeed aad u qurux badan ayaan soo galney, darbiyada qolka fadhiga oo dhan waxaa ku dheganaa sawiro farshaxan oo muujinaya kheyraadka dabiiciga ee dalkeena ilaahay ku manaystay, intaan indhaha la raacey ayaan meel koone ah kaga fariistey mid ka mid ah kuraastii fadhi carbeedka ahayd, Shukrina meel aan iga fogeyn ayay fariisatey iyadoo I leh:- "Khaliif barasho wanaagsan gurigan waa gurigeena waa markii kuugu horeysay ee aad timaado insha alaah waxaan jeclahay maanta wixii ka dambeeya inuu noqdo guri aad leedahay oo kale oo aadan marti ka noqon, gacmo furan ayaan kugu soo dhaweynayaa soo dhawow mar labaad ayaan ku leeyahay" anigoo aad ugu faraxsan sida xushmada leh ee ay Shukri iigu soo dhaweysay gurigooda ayaan ugu jawaabey:- "Waad ku mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad iigu soo dhaweysay gurigiina, inkastoo ay ii tahay markii iigu horeysay hadana waxaan balan qaadayaa maanta wixii ka dambeeya in aanan marti ka ahaan doonin oo aan ka dhigan doono mid ka mid ah guryaha aan Muqdisho ku leeyahay oo kale" Shukri Siidoow oo qosol isku celinaysa ayaa igu tiri:- "ha lagu arko booto looma baahno" qosolkeeda mid la mid ah anigoo u muujinaya ayaan ugu jawaabey:- "Ha isugi waayin, adaa I nici doonee" hal mar ayaan wada qosolnay, intii aan wada hadalkaas ku jirney ayaa la keenay cabitaan iyo raashin aan ku qiyaasey in loo diyaariyay kulanka aan yeelanayno aniga iyo Suleeqo, raashinkii ayaa meel gees ah la dhigey gabadhii raashinka keentay markii ay laabatay ayay Shukri ii sheegtay in quraac iyo qadaba aan guriga ku leeyahay oo aan la ogolayn in aan baxo inta laga gaarayo shanta galabnimo, anigoo aad u yaaban oo is leh maanta shirqool miyaa lagula maagan yahay maxay tahay sida wax loo qorsheeyay ayay Suleeqo oo xiran xijaab aanan ku baran waligay kuna arag intii aan xiriirka wada lahayn ay noogu soo gashay Qolkii, runtii indhaha uma dhamaystirin oo markii aan arkey in ay iyada tahay ayaan isaga jeestay, qolkii markii ay soo gashay sidey u soo socotay ayay soo ag fariisatey Saaxiibteed Shukri waxayna igu tiri:- "Waan ku salaamey Khaliif" "Waan kaa qaadey" ayaan markiiba uga jawaabey, "Caafimaadkaaga ka waran" ayay mar kale I su’aashey, markaasaan ugu jawaabey:- "Al xamdu lilaah waan caafimaad qabaa 100%, ee adiga iska waran" "anigana sidoo kale ayaan u caafimaad qabaa" ayay iigu jawaabtey, ka dibna waan kala aamusney oo su’aal kale ima weydiin ana ma weydiin .
Shukri Siidoow oo intii aan hadalada is weydaarsanaynay oo dhan naga aamusnayd ayaa hadalkii qaadatey maadaama ay ahayd qofkii ka soo shaqeeyay in aan mar kale isa soo hor fariisano aniga iyo Suleeqo oo dambigii aan ogaa iga gashay waxayna hadalkii ku bilowday:-" Maanta waxaa ii farxad ah in aan gurigan ku kulano anagoo nabad ah oo caafimaad qabna taasna ilaah ayaa mahadiisa iska leh isaga ayaan ku mahadinaynaa kuna shukrinaynaa ka sokow waxaan jeclahay maanta oo khamiis ah in ay noqoto maalin xusuus gaar ah idinku reebi doonto marka aad ka wada hadashaan qaladkii dhacay ee keenay inuu bur buro xiriirkii idinka dhaxeeyay, waxaan rajaynayaa in kulankan uu noqdo mid aad isku af-garataan waxna iska fahamsiisaan qaladkii dhacay anigoo qiyaasayaa in qof waliba uu ku faraxsan yahay aragtida midka kale, hadana guul iyo is faham ayaan idiin rajaynayaa wixii hadal ah ee dhimana adinka ayaa dhamaysan doono aniga waan ka baxey" Shukri Siidow intaas oo hadal ah markii ay isku daba taxdey ayay fadhigii ka istaagtey iyadoo noo muujisey in uu hadalku noo furan yahay, Quraacdii na loogu talo galey ayay na soo ag dhigtey wax yar ka dibna qolkii ayay isaga baxdey .
Waxaa qolkii fadhiga ku soo harey aniga iyo suleeqo oo aan wajiga isa siin Karin, Quraacdii na loo keenay ayaan bilowney in aan cuno anagoo aan wada hadlin oo ruuxba ruuxa kale uu isha la raacayo dhaq dhaqaaqiisa ilaa aan quraacdii ka farxalano, oo aan isu diyaarino in aan wada hadalno, runtii ma jeclayn in aan hadalka u furo maadaama aan ahaa ninka dambiga laga galey ee hadana loogu yeeray in cafis la weydiisto, qadar sadex daqiiqo ah markii aan is ag fadhinay oo uusan wax hadal ah na dhex marin ayay intey dhankaygii u soo dhawaatey igu tiri:- "Aboowe maanta aniga ayaa kuu yeeray koley waad fahmaysaa waxa aan kugu yeeray, waxaan jeclahay in aan wax kaaga sheego sida ay wax u dhaceen adigana waxaan kaa codsanayaa in aad si fiican hadalkayga u dhagaysato, hadii aan ku qaldanahay iyo hadii kaleba, ileyn bani’aadam ayaan ahay bani’aadankuna wuu qaldami karaa" "waa runta bani’aadamku wuu qaldami karaa balse midka aad adigu samaysay ma la dhihi karaa waa lagu qaldamay hadaan si ula kac ah loo samaynin" ayaan ugu jawaabay, Suleeqo oo aan jeclaysan hadalka aan ka hor geeyay ayaa la soo boodey:- "dadku wey kala fikrad duwanaan karaan, qof walibana si ayuu wax u arki karaa, balse aniga waxaan qabaa in aanan ku qaldanayn markaan runta ka hadlo oo sida ay wax u jiraan u sheego, ee adiga I sii jaanis aan hadalkayga ku dhamaysto" anigoo madaxa u ruxaya una muujinaya in aan raali ka ahay dhagaysiga hadalkeeda ayaan ku iri:- "Waa yahay wixii aad hayso soo daa aan kaa dhagaystee".
Indho shareerkii u xirnaa intey iska qaadey fadhigii ay fadhideyna hagaajisatay ayay hadalkii ku bilowdey sidan :-
Dagaaladii Sokeeye markii ay dalka ka bilawdeen waxaan degenayn agagaarka dugsiga sare ee 15 may Aabahay Siyaad Cumar iyo laba wiil oo ila dhashay igana weynaa dagaaladii sokeeyey ayay ku dhinteen kama warqabin geeridooda oo degmada qoryooley ayaan u qaxney labaatan maalmood iyagoo aasan ayaan ka war helnay baroor iyo oohin waxba ma tartee waxaa wax waliba noogu darnaa nolosha xun ee soo wajahday qoyskeena gurigii aan lahayn wuu burburey oo madfacii diley aabahay iyo walaalahay ayaa burburiyay, rajo kama lahayn in aan muqdisho ku soo laabano oo aan mar kale nolosheenii dib u soo ceshano waayo dhaqaale noogama dhiman aabahay qof xogtiisa ama sirtiisa haysayna ma jirin sidaasey nolosheenii mugdi u gashay, mudo laba sano ayay nolosheenii ciriiri ku jirtey oo maalin qad maalin wax hel ahayd ilaa markii dambe uu naga war helay abtigey oo ku noolaa dalka ingiriiska isaga ayaa nasoo gacan qabtey ilaa waqtigan aan kula hadlaayana gacanta nagu haya .
Magaalada Muqdisho oo aan ka maqnayn muddo labo sano iyo ka badan ayaan hadana dib ugu soo laabanay, guri kiro ah ayaan ilaa mudoo sadex sano ah aan degenayn ka dibna abtigey ayaa noo iibiyay guriga aan hadeer deganahay wuxuuna hooyadey u balan qaadey inuu ilmaha la korin doono inta uu nool yahay oo aysan wax murug ah is gelin dhamaan walaahay oo aan aniga u weynahay iskool ayaan wada bilownay isaga ayaana lacagta naga bixin jirey biilkeenana isaga ayaa kafaala qaadey, dhowr sano markii ay ka soo wareegatay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho booqasho noogu yimid wiil ka mid ah wiilasha uu dhalay abtigey oo lagu magacaabo Mustafa waligeen isma arkin oo anagoo aan aad u yar yar ayay reerkooda muqdisho ka guureen una guureen dalka ingiriiska wiilkii si fiican ayaan ugu soo dhaweynay Muqdisho lix bilood ayuu nala joogey wuxuuna ku dhamaystay farxad iyo damaashaad ka dibna dalka ingiriiska ayuu dib ugu laabtey .
Laba bilood ka dib ayaa abtigey la soo hadlay hooyadey wuxuuna ka dalbadey in aniga Suleeqo ah la ii guuriyo wiilkii abtigey dhalay ee Mustafa hooyadey iyadoo aan aniga ila tashan ayay abtigey ka ogolaatey una sheegtay in aan diyaar u ahay in la ii guriyo walalkey Mustafa, laba maalmood ka dib ayay Hooyadey igu wargelisay inuu abtigey I soo doontey oo ay iyadana ka ogolaatey, runtii hadalkaas wuu ii cuntami waayay isla markiiba waan ku diidey oo waxaan u sheegay in aanan rabin oo aan guursanayn wiil aan walaalo nahay cidii doonto ha dhashee, hooyadey hadalkayga wey ka xumaatey si walba oo ay wax iigu sheegtay warkeeda waan diidey ilaa markii dambe ay ii sheegtay in aan ku qasbanahay in aan wiilkaas guurkiisa aqbalo, hadii kale waxay tiri nolosha aan hadeer ku jirno kuma jireyno waxay iiga warantey oo ay I taabsiisay nolosheena in ay ku dhisan tahay Reer abtigey, waxay sawir guud iiga muujisay iney dan noo wada tahay ogolaanshaha guurka wiilka abtigey, waxay farta iigu fiiqdey in aan ka fiirsado hadalkaas oo aan bohol ku ridin dhamaan nolosha qoyskeena, hooyadey iyadoo oynaysa waxay igu tiri:- "Hooyo macaan abtigaa wixii uu nagu tarey waad u jeedaa, wuxuu kafaalo qaadey inuu idin korin doono dhamaantiin alla ka sakow, Adigaa u weyn reerka oo qaangaar ah intaad hadalka abtigaa u dhego nuglaan lahayd oo wuxuu ku amro yeeli lahayd ayaad diidan tahay in aad ka ogolaato guurka uu kula gacloodey wiilkiisa, ogow haddii aad diido guurka wiilka abtigaa inay nolosheenu mugdi galayso, laga bilaabo saacadan aniga iyo adigana aanan isla noolaaneyn, ee hooyo macaan waan ku baryaayaa wanaaga iyo sharafta aan abtiga xagiisa ku leenahay intaad ilaaliso iska ogolow guurka Mustaf, ciyaalnimo yey ku qaadin maskaxdaada dib ugu noqo waad og tahay abtigaa wuxuu noo qabtey cid noo qabatey ama hada ka dib noo qaban doonto in aysan jirin, ma aragtay waligaa ruux aabahaa ka socda oo sidee tihiin na yiri ama booqasho noogu yimid waxba yuusan na siin haduu doono, maalintuu aabahaa dhintey ayaa noogu war dambaysay, hooyo macaan hadalkayga ha dhayalsan meeshii ugu danbaysay ayay xaaladu mareysaa ma iga ogolaatey guurka wiilka abtiga mise waad iga diidey aniga ku qasbi maayo gabar weyn ayaad tahay oo qaangaar ah hadaad danteena fiirin weydo ogow inaadan u xashaashi dooni sida aad hadeer u xashaasheyso".
Runtii hadaladaas uurkutaallada leh intii ay hooyadey ii wadey oo dhan indhaheeda waxaa ka hoorayay ilin, intaan ilintii hooyadey ka da’aysay u adkeysan waayay ayaan bilaabay in aan gacantayda kaga tirtiro, wax yar ka dibna waxaan u sheegay in aan ka ogolaaday diyaarna aan u ahay wax walba oo ay igula taliso in aan u sameeyo, hooyadey go’aankii aan qaatey ayay aad ugu riyaaqdey, weyna ku faraxdey, waxayna iigu ducaysay inuusan ilaahey I tusin wax I dhiba inta aan noolahay, bil ka dibna waxaa gurigeena ka dhacdey xafladii meherka ee aniga iyo Mustafa ma jirin cid I jujuubtey ama igu qasabtey anigoo raali ah ayaan meherkii galay mana jirin xiligaas xiriir aan cid kale la lahaa noocuu dono ha ahaadee waayo maba la gaarin waqtigeedii oo waxaan ahaa gabar yar .
Wixii maalintaas ka danbeeyay waxaan noqdey naag xaas ah oo la qabo, rajana ka leh in ay Mustaqbalka in ay dalka ingiriiska kula aqal gasho walaalkeed Mustafa, hase yeeshee meeshii aan malabka ka sugaayay dacar qaraar ayaa iiga timid, wiilkii mustaf ahaa sidii aan filaayay ama aan ku rajo weynaa ma noqon, waayo wuu I hanan waayay, wuu ila soo xiriiri waayay, iskuma dayin xitaa inuu hal mar si toos ah iila soo xiriiro si aan uga wada hadalno mustaqbalkeena, haduu telefoon soo diro oo aan ka qabto inta I salaamo ayuu igu dhihi jirey hooyo iigu dhiib, anigana hadal kuma darsan jirin oo hooyadey ayaan ugu dhiibi jirey telefoonka si ay u wada hadlaan, hooyadey waxay mooda in aan kala sheeko boganay aniga iyo mustaf oo uu iyada salaami rabo, balse xaal allaa og, inkastoo aan xaaskiisa ahaa hadana markaad fiiriso siduu iila dhaqmaayo waxaad moodaa inuusan dan iyo muraadba iga lahayn ma hooyadey ayuu qabaa mise aniga ayuu I qabaa bal muu aniga ii sheekeeyo oo uu I quruxsado intuu hooyadey u sheekeyn lahaa, alla raga qaarkii marka la qiimeeyo oo la sharfo oo madaxa la saarto maxay belaayo isaga dhigaan, runtii aniga waxaan jeclaa inuu ii sheekeeyo oo aan iska wareysano wixii xaal ah ee soo kordhay ka diba arin meesha ay mareyso aan isla socodsiino, ha sheegin war inuu I qabo oo aan xaaskiisa ahay iyo in kale shaki ayaba iga galey, dhowr mar ayaan go’aansadey in aan hooyadey uga dacwoodo hadal la’aanta iyo sida uusan ii qimeynayn wiilkan maadaama aanan dabeecadiisa dhabta ah aqoonin, hase yeeshee markaan u tag is iraahdo waxaan soo xusuustaa sheekadii dheereyd ee ay hooyadey iiga sheekeysay iyo ilintii faraha badneyd ee maalintaas ka soo qubatey indhaha hooyadey ayaan iska dhaafi jirey oo aan iska aamusi jirey .
Muddo dhowr bilood ah markuu xaalkeygu sidaas ahaa welina aysan waxba iska bedelin ayaan kaligey iska dhaadhiciyay inuu wiilku gaalo raac yahay ama uu yahay dadka qamriga caba ee aan dantaba ka gelin xaaskooda iyo caruurtooda, ileyn qof caadi ah oo miyir qaba sidan ma sameeyeen, waxaan talo ku goostey in aan fadhiga ka kaco oo aan arintaas baaritaan ku sameeyo inta goori goor tahay, haddii aan baaritaankayga ku guuleysto oo aan wax soo ogaado gaado in aan hooyo iyo abtiba faraha ka saaro oo aanan waxba ka qarin kana dalbado in la iga furo wiilkaas, arintii ayaan ku dhaqaaqey gabar aan saaxiibo ahayn oo walaasheed deganeyd dalka ingiriiska ayaan arintii la socodsiiyay waxaana ka codsadey in ay wax igala qabato weyna iga ogolaatey, gabadhii walaasheed ayaan si wadajir ah telefoon ugala hadalney iyadoo joogta dalka Ingiriiska markaan is baraney ka dib ayaan dhibaatada I haysato oo dhan uga sheekeeyay anigoo waliba u xusey saameynta uu qoyskeena ku yeelanayo arintan hadii si toos ah looga hor tago iyadoo aan cadeymo la haysanin, ka dibna waxaan ka dalbadey in ay wax igala qabato oo ay baaritaan dhab ah ku samayso wiilkaas sida uu xaalkiisu yahay magaciisa oo sadexan iyo telefoonka laga helo ayaan u qorey, gabadhii iyadoo aad uga xun culeyska I saaran ayay iga ogolaatey codsigayga waxayna ii sheegtay inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl geli doonto .
Iyadoo uu xaalku meeshaas maraayo welina aan wiilkii warkiisii la’ahay ayaan aniga iyo adiga isku baraney Shirakada Xawilaada ee aad u shaqeyso inkastoo barashadeenu ay markaas ahayd mid walaaltinimo hadadana runtii maalintii ugu horeysay ee aan shirkada kuugu imid ee aad lacagta igu dhibtey oo aad markii dambe i maslaxeysay ayaad qalbiga ii dhaaftey, inkastoo aan xaas ahaa hadana wixii waqtigaas ka dambeeyay xaaladeydu ma fiicnayn, maxaa yeelay jacaylka la sheego dhegta ayaan ka maqli jirey ka hor inta aanan ku baran balse markaan ku bartey oo aan dhowr mar kulanay ayaan runtiisii arkey, ma fileyn runtii in nin rag ah uu ilaa xad sidaas u hanan karo qalbigayga anigoo waliba xaas ah, adigana igama liidanine talaabadii ay laabteydu qaadey mid la mid ah ayaad qaadey oo anigoo ku jecel ayuu adigana jacayl kuu dhuuntey, waan dareensanaa in jaceylka I haya mid ka daran uu ku hayo hadana ma heyn awood aan keyga ku soo bandhigto ileyn naag la qabo ayaan ahaa, habeen walba markaan salaada cishaha tukado waxaan ilaahey ka baryi jirey inuu arinta mustaf meel iga saaro salaatul istiqaara ayaan dhowr mar u tukadey xitaa si uu ilaahey arintiisa meel iiga saaro .
Anigoo ku laba labaynaya hadii jacayka aad ii qabto aad ii soo bandhigato oo aad iga dalbato in aan xiriir wada yeelano ka hor inta aysan arintan iga dhamaan sida aan ka yeeli lahaa, go’aankii aan qaatana aanan ku dhiiranayn ayaan markii dambe ku fekeray in aan runta kuu sheego oo aan waxba kaa qarinin hadii aad iga dalbato in aan xiriir yeelano, haddana waan ku dhiiran waayay oo waxaan is iri hadii aad u sheegto in aad xaas tahay, waxaa la arkaa in aad sidaa isku weysaan oo aad dib dambe isku arki weydaan, sidaas darteed waxaan go’aansadey in aan waxba kuu sheegin oo aan kaa qariyo sirteyda ilaa iyo inta aan ka guul helaayo arinta Mustaf, anigoo taladaas ku afar fareystay ayaad maalin maalmaha ka mid iila soo shir tagtey jacaylkii aan mudada dheer tabaabushaha ugu jirey oo aan u oomanaa in mar uun la ii daah furo, nasiibku hadduu kuu hiiliyo cid kaa celin karto ma jirto, waxaad ii sheegtay in aad I jeceshahay oo aad iga rabto in aad xiriir ila yeelato, kaama diidin oo waan kaa ogolaadey in aan xiriir wada yeelano anigoo og in aan xaas la qabo ahay, maxaa yeelay waxaan ku xisaabtamayay in aan xaas la qabo sii ahaan doonin oo aan noqon doono gabar madax banaan oo aayaheeda ka tashan karta bilooyinka soo socda marka uu ii dhamaado baaritaanka ii socdo, hadana niyadeyda awood uma lahayn in ay diido dalabka aad iila timid ileyn mar hore ayaan kuu arkey in aad tahay ruuxa kaliya ee kasban kara nolosheyda ina hanan kara .
Sidaas darteed ayaan balan iyo axdi aan maqsuud ka wada nahay kuwada galnay labadeena, dadku qalad ayay u arki karaan arintaas laakiin aniga waxay ii ahayd badbaadin aan nafsadeyda ku badbaadinaayo maadaama ilaahey uu qalbigayga kugu abuurey, runtii wax weyn uma arkin qabista uu mustaf I qabey in ay wax u dhimi karto balanta iyo axdiga aan wada galnay, maadaama aan qalbiga ka goostey oo aanan rabin in aan ooridiisa saxda ah sii ahaado, waxaan ku haminayay oo aan niyada ku hayay goortey ahaataba in aan madaxeyga ka qaadan doono marka uu ii soo dhamaado baaritaanka la iigu maqan yahay, inta ka horeysana uu xiriirkeena si caadi noogu sii socda, waxaan aad isaga ilaalin jirey in aad mar uun ogaato ama aad maqasho in aan xaas la qabo ahay ka hor inta aan ka helaayo madax banaani buuxda .
Xiriirkeena ka hor wixii aan ka welweli jirey waxaan ka nafisay markaan saaxiibo run ah oo is jecel aan noqonay, maalinba maalinta ka danbaysa waxaa igu sii kordhaayay jacaylka aan kuu qabo adiga, heer waxaan gaarey markaan guriga joogo aan gabdhaha walaalahay ugu yeero magacaaga, koley waad dareemi kartaa jacaylka heerkaas I gaarsiiyay inuusan sahlanayn, markaad ila joogto iyo markaad iga maqan tahay adiga ayaan niyada kugu hayn jirey, iyadoo xaalku uu meeshaas marayo jacaylkaagiina uu igu si siyaadayo, baaritaankii la iigu maqnaana aanan weli ka rajo dhigin ayay maalin maalmaha ka mid ah iigu timid guriga gabadhii aan saaxiibada ahayn ee aan walaasheed ka dalbaday in ay jawaab iga soo siiso xaalka Mustaf, waxay iigu bishaareysay in baaritaankii aan ka sugaayay walaasheed lagu guuleystay, anigoo aad ugu faraxsan ayaan qolkii fadhiga wada fariisanay si ay iigu xaal waranto nasiib daro waxay ii sheegtay in aysan faahfaahin ka bixin Karin oo aan waxba loo sheegin, balse lagu wargeliyay oo kaliya in akhbaar la iiga haayo Mustaf, markii aan ku hungoobay in aan saaxiibtey ka helo sirta rasmiga ee Mustaf ayaan markii dambe isku af garanay in aan walaasheed telefoon kula hadalno si ay warbixin rasmi ah noo siiso, isla galabnimadii ayaan telefoon u dirney gabdhii nasiib daro waxaa nalagu war geliyay in ay subixii hore safar u aadey dalka Switzerland labaatan maalmood ka dibna ay soo laaban doonto, Mar haddii gabadhii rajada mustaqbalkayga ay ku xirneyd la waayay oo safar dheer ay ku maqan tahay ayaan mar kale isku dayay bal in aan saaxiibtey mar kale weydiiyo si wax uun aan uga helo nasiib daro waxay iigu dhaaratey in aan waxba looga sheegin kaliya lagu wargeliyay in Mustaf akhbaar laga haayo, faruuryaha intaan qaniinay ayaan niyada iska iri:- "labaatan maalmood miyaan hadana sugi karaa waa yaabe"
Waan ogaa in aysan labaatan maalmood waxba ahayn oo la sugi karo hadana waxaan sidaas u lahaa intaad arimahaaga ka gun gaareyso sirtaadu yeysan kashifmin, maxaa yeelay wax waliba waxaa iiga sha’ni badnaa arinta Mustaf oo meel iiga dhacdo, ilaahey ma kuu gargaaraa mise gafuur gafuur ayuu kuu ridaa nasiib daro mudadii labaatanka maalmood iyadoo aysan ii dhamaanin ayaad khaliifoow iila timid in aan is meher qarsano waliba waxaad ii sheegtay in aad deg deg u rabto iyadoo aysan jirin culeys aan ogahay oo nagu qasbaayay labadeena in aan si deg deg isku mehersano, waliba waxaad ii cadaysay in aan sii joogi doono oo aanan wada aqal geli doonin haddii aan ismehersano xitaa, markii aan ku weydiiyay sababta ku kalifaysa in aan meher deg deg ah samayno haddiiba aanan hore ka aqal galeynin, waxaad iigu jawaabtay inuu yahay go’aan aad adiga kaligaa soo gaartey wax kasta oo la sheegana aadan ka laaban doonin, nin aan labadeyda indhood ka jeclahay ayaad tahay hadalkiisana aanan diidi Karin haddana dhibaatada aan ku dhex jiro aan ka warheynin kaliya ay u cadahay in loo fuliyo go’aankii uu soo gaarey, anigana runtii sirteyda in aan kashifo ama aan kugu raaco go’aankaaga wax dan ah iiguma jirin xiligaas, maxaa yeelay hadaan sirteyda kuu kashifo oo sida ay wax u jiraan kuu sheego waxaan ka baqey in aad iga cararto iguna cidleyso jacaylka ba’an ee aad igu beertay, haddii aan go’aankaaga kugu raaco oo aan meher qarsoodi ah samayno waxaan ka baqey in aan noqdo laba ninley aan aduun iyo aakhiro waxba u oolin, anigoo aan garanayn sida aan wax ka yeeli laha ayaan aakhirkii dambe go’aan ku gaarey in ku meer meeriyo inta xaalkeygu wax iska bedelayo, waad la socotaa in aan marar badan kaa codsadey in aad dib noogu dhigto meherka balse aad igu diidey adigoo ku adkeysanaayo go’aankii aad horey u gaartey runtii dib u dhigida aan kaa dalbdey igama ahayn nacayb ama diidmo aan ku diidanahay meherka aad iga dalbatey ee daruufo iyo dhibaato aniga shaqsiyan I haystay darteed ayaan u lahaa dib noogu dhig adigase waad garan weyday oo waxaad igu noqotey malakul mowd .
Kulan kasta oo aan yeelano arintaas ayaad bilow uga dhigi jirtey adigoo waliba igu cadaadinaya in aan mar uun kaa ogolaado balse nasiib wanaag muddo shan bilood iyo ka badan ayaan ku meer meerinaayay oo aan kuu diidanaa in aad iga hesho go’aan rasmi ah, inkastoo go’aankaagii adkaa aan kaa dabcin waayay haddana adigoo qanacsan oo aan dood iyo dacwo qabin ayaad habeen walba iga tagi jirtey .
Rajadii mustaqbalkayga ee ku xirneyd Gabadhii safarka u aadey Switzerland dhaqso wey u soo laaban weyday wax warkeeda haayana waan waayay xitaa waalidkii dhalay war kama haynin, dantii aan ka lahaana cirka ayay isku shareertay adigiina waad ii dabcin weyday ,
mar haddii xaalku uu is bedeli waayay waxaan isu arkey in aan ahay gabar nasiib xun oo aan khaliif madoobe calfan doonin, mar hadii aan haleeli waayay dantii aan ka laha aduunka, balse xaal ilaah ayaa og anigoo weli ku wareersan sidii aan ku maareyn lahaa jacaylkayga adigana aan isaga kaa badbaadin lahaa ayaad habeenkii dambe soo jeedisay in aan ugu danbayn go’an kaa siiyo in aan meherka diyaar u ahay iyo in kale ama aan ku kala tagayno jacaylkii iyo xiriirkii mudada badan naga dhaxeeyay, waxaad igu canaanatey in jacaylka aan sheeganaayo uu been yahay adigoo waliba dhahaya intee lagu arkey naag jacayl sheeganayso hadana ruuxii jeclaa guurkiisa diidayso, aniga maxaan diidi karaa maxaanse ogolaan karaa, hadiise aanan ku jeclayn jilbahaga kuma ooyeen habeenkii aad fadhiga inta iiga kacdey ee aad I tiri isma naqaan hadaad meherkii diidey .
Walaahi khaliifoow habeenkaas sidaan u ooyay waligay uma ooyin intaan aduunka soo joogay, ilintii faraha badneyd ee dhabarkaaga qoysay habeenkaas xitaa waad ku qanci weyday oo jixinjix kaama gelin waxaadna ku adkeysatay inuu jacaylkayga been yahay waligayna aadan I aamini doonin haddii aanan kaa ogolaanin meherka, nin go’aankiisu cad yahay gadaalna aan loo loodin Karin, hadana ololka maskaxda iyo laabta igaga shidan aan la socon, maxay oohin aan ooyo iyo calaacal aan calaacalo ay ka dabcin kartaa mowqifkiisa waa maya .
Markaan arkey culeyska I soo wajahay iyo mustaqbal xumida igu soo fool leh ayaan go’aan ku gaarey in aan kaa ogolaado codsigaaga oo aan kuu yeelo sida aad jeceshahay"……………………………..
Suleeqo Markey intaas mareyso ayay ooydey oo ay joojisey in ay sheekda sii wado markey isku daydaba in ay sii wado hadalka hadana wey ooydaa oo iska aamustaa……….. markaan arkey in asyan hadli Karin ayaan ku iri:- "Suleeqo hadii dhibka aad sheeganayso uu jirey maxaad marka hore iigu sheegi weyday intaad adigoo xaas la qabo ah aad meher kale geli lahayd, oo dambi aad u weyn aad xambaarsan lahayd," iyadoo cunuhu xiran yahay ayay la soo boodey :- "Sideen kuugu sheegi karaa oo aan kuu dhihi karaa xaas ayaan ahay, hadiise aan ku sheego in aan xaas ahay jacaylkayga ma ii hirgeli lahaa oo wax ma iigala qaban lahayd mise waad iga ordi lahayd" anigoo iyada qancinaya ayaan ku iri:- "Adiga midaas ogolaanshaha ayaad ka hadlaysaa ka waran maalintii aan ku balaney Farmashiye Shabaab haddii aan aniga kuu goyn lahayn maxaad samayn lahayd sow foolxumo ma dhici lahayn in adigoo xaas la qabo ah aad angina meher kale ila gasho waliba danbi aan shaqo ku lahayn qoorta ii geliso" Suleeqo oo iska ooynaysa ayaa igu tiri:- "Walaahi khaliifoow ma jeclayn in aan ku balamiyo oo aan kaa ogolaado in aan meher isku raacno hadii jacaylka aan kuu qabo aadan ku tilmaami lahayn mid aan jirin ama aadan fadhiga iiga kici lahayn maalintii aan jilbahaaga ku oynaayay, adiga ima dareensanayn laakiin aniga maslaxad ayay ii ahayd ogolaanshaha aan kaa ogolaadey in aan meherka kuu raaco maxaa yeelay ku talo galkeygu wuxuu ahaa in aan kuu gooyo oo aan kuu imaanin hadiiba aad adiga ku qancayso oo xiriirkeenana uusan ku burbureyn, maalintii aan ku wada balaney in aan isugu imaano farmashiye al shabaab sida ilaahey og yahay ma tagin, mana jirin waji aan ku tago maadaama ay horey iigu qorsheysnayd in aan gooyo" Suleeqo markay ii cadeysay anigana aan ogaadey in maalintii balanta ahayd aysan imaanin farmshiye Al-Shabaab yaab iyo amakaag ayaa ilaahey igu dhaliyay, madaxa ayaan hoos u foorariyay waxaan soo xusuustay maalintii aan ka maslaxaynaya baaqashadii aan ka baaqdey balantii aan u dhigay iyo sidey isaga key dhigtey ruux tagey farmashiye Al-shabaab, iyo waliba sida ay raali gelinta iiga qaadatey iyadoo aan ii muujinin wax xanaaq ah, maasha la yiri sir naageed lagama sal gaaro, alla sir badanaa naagaha qaarkood bal fiiri sida ay u da’ yar tahay iyo shaxda aan la loodin Karin ee ay dhigayso walaahi wax aan ku hadlo ayaan garan waayay markaan anigana dib u soo xusuustey wixii aan ku maqnaa maalintaas, aniga ayuu ahaa ninka meherka rabey ee dadka qasbaayay ee laga harsan waayay hadana aniga ayuu ahaa ninka gooyay oo beenta sheegay, waxaan gareystay inay maslaxad noo ahayd labadeenaba oo xag alle laga diidanaa in aan ku kulano farmashiye Al-shabaab.
Suleeqo dhibka ay sheeganayso ayaa u diidanaa in ay meher ila gasho, anigana qorshe aanan fileyn ayaa I qabsadey oo xaaskeygii awalba aan ka qarinaayay Suleeqo ayaa iga foolanaysay, anigoo dhidid badan uu iga soo hoorey sidaan dhulka ugu foorarsanaa ayaan mar kaliya madaxa kor u soo qaadey waxaan ku iri:- "markaas ka dib side wax yeeshay ii wad bal sheekada", Suleeqo ayaa markiiba hadalkii la boodey oo tiri:- "Walaahi labadii habeen ee aad iga maqneyd oo dhan ma seexan waxaan aad uga welwelaayay in aad xiriirka ii jarto oo aad iga harto dib danbana aad iigu soo laaban weydo, maadaama aan kuu fulin waayay qorshihii aad iga lahayd waliba waxaan aad u xusuustey sida uu shakiga kaaga jirey in aan ku jeclayn oo aan been kugu wado, iyo ficilka aan sameeyay oo loo qaadan karo in aan ahay gabar aan ku jeclayn, waxaan habeenkii oo dhan isku mashquuliyay sidaan hadana mar kale dib u kasban lahaa qalbigaaga una soo nooleyn lahaa xiriirkeena, wixii ilaahay laga baryo waa xaqiiqo in la helaayo nasiib wanaag habeenkii aad guriga iigu timid sidii aan ilaahay ka baryay ayuu qorshuhu noqdey adiga ayaaba aniga maslaxo iigu yimid sidii in aan aniga dambi kaa galay anigana habeen oo dhan ayaan u soo jeeday sidii kuu maslaxayn lahaa iyo meeshaan hadal kaaga bilaabi lahaa" Intaas markii ay marayso Suleeqo walina indhaheeda ay ilintu ka hooreyso ayaan niyada iska iri :- "Laba kala baridey kala war la" Suleeqo hadalkii ayay sii wadey oo waxay tiri:- "Ilaahay mahadii waxaan habeenkaas hurdey hirdo aad u macaan markaan xaqiiqsadey in aad weli gacanta iigu jirto oo aadan ii careysnayn, ilaahy wuxuu qadarey intaan aniga cafis ku weydiisan lahaa in aad adiga I weydiiso, daacadnimadayda iyo sida aan kuu jeclahay oo iga dhab ah ayaan intaas oo dhan aan ku helay, hadii khiyaano iyo wax la mid ah aan wadan lahaa mar hore ayaa ilaahey sirteyda kashifi lahaa, sadex maalmood ka dibna gabdhii ku maqneyd Switerland eek u xirneyd rajada mustaqbalkayga ayaa dib ugu soo laabatey dalka ingiriiska markii aan telefoon kula hadlayna waxay ii sheegtay iney ku guuleysatay arimihii aan u direy oo dhan waliba waxay ii sheegtay in ay bar taqaano Mustaf balse aysan magacisa hore u aqoonin, waxay gabadhii ii sheegtay inuu mustaf ka mid yahay raga laga fiican yahay ee caanka ka ah dalka ingiriiska, inkastoo warbixintaas aan aad uga naxey hadana aniga dan ayay ii ahayd oo noloshaydii oo dhan ayaa ku xirneyd in aan mustaf kala faaruqno tanina waxay ii ahay fursad aan aad uga faa’iideysan karo oo hadii aan walidkay ula tagana aan garab iyo gaashaan ku heli karo, galabtaas aan gabadha telefoonka kula balansanaa ayay ahayd habeenkii aan kaa soo daahi jirey oo ay walaashay kuu kashiftey sirtii aan muddo badan kaa qarin jirey angina aan halganka ugu jirey in aan kaaga waramo marka aan soo kala faaruqno aniga iyo Mustaf, mana dhicin taas oo xaalku wuxuu noqdey inuu khaliif iga xanaaqo oo iga aamin baxo iguna tilmaamo in aan qiyaaney oo aan been kula saaxiibey, sida ilaahay og yahay oo ay wax u dhaceen waa sedan danta ayaan igu qasbtey in aan kaaga waramo oo aan kuu sheego haadii aan iga aaminayso iyo haddi kaleba" Suleeqo Markey intaas mareyso hadalkii ayay joojisey waxayna bilowdey in au iska ooydo oo ay aamusi weydo iyadoo ereyada afkeeda ka soo baxaya mar marka qaarkiis ay ahaayeen :- ! "Alla nasiib xumiyaa, alla nasiib xumiyaa, anigoo da’dan ah maxaa dhibaatada ii xambaarshey, alla maxaa ii xambaarshey…..alla alla nasiib xumiyaa alla nasiib xumiyaa………".
Cabaar ayaan isaga aamusnaa oo aan iyada ka sugaayay inta ay ka oohin boganayso. Ileyn ruux oynaya ilintuna ay ka hooreyso waxba looma sheegi karo, inkastoo sheekadii dheereyd ee ay iiga sheekeysay iyo oohintii badneyd ay wax weyn ka bedeshay mowqifkii aan markii hore ka taagnaa Suleeqo hadana waxaan suurto gal ahayn in aan la sii joogo gabar xaas ah oo la qabo, anigoo garan la’ wax aan u sheego iyo si aan u qanciyaba ayaan ugu danbayntii ku iri:- "Suleeqo warkaaga waan gartey, in aad xaas tahayna waan gartey, hadaan hadalkaaga ku qanco oo aan ku aamino iskana ilaawo qaladkii iyo qiyaanadii aad igu samaysay, maxaad ii qaban kartaa anigase maxaan kuu qaban karaa, waad og tahay isma guursan karno, xiriirkeenana ma socon karo, sidaas darteed sow ma haboona in aan is nabad gelino oo aan is masaamaxno?" Suleeqo oo dhaqdhaqaaqeyga iyo hadalkayga aad ula socotey ayaa markii aan codsigaas u soo jeediyay iska oydey, runtii waan aamusin waayay si kasta oo aan ula hadley, anigoo aad u yaxyaxsan kana yaaban oohinteeda badan ayay igu tiri:- "Khaliifoow waan ogahay in aan is guursan Karin xiriirkeenana uusan socon Karin, balse waxaan la oynayaa jacaylka xad dhaafka ah ee aan kuu qabo ee aad igu cidlaynayso iyo fogaanshaha uu iga fogaanayo muuqaalkaaga iyo waliba nacaybka aad ii qaadi doonto" markii ay intaas oo erey ah ay igu tiri ayaa anigoo iyada maslaxaya waxaan ku iri:- "waa khasab in aan kala fogaano oo anan isugu imaanin wax sheeko ah mar kale maxaa yeelay nin ooridiis ayaad tahay oo ay xuduudeedu xiran tahay, waxaaba qalad ah joogista aan hadeer kula joogo ma garatey, sheekadii aad iiga sheekeysay ee murugada badneydna waan fahmey abaayo adiga ayaaba dhiban oo u baahan in laguu garaabo, waxaan ku leeyahay ilaahay ha kuu fududeeyo, oo dhibka aad ku jirto ilaahay ha kaa saaro, aniga kula hadlaya ee khaliif ahna waxaan kuu cadaynayaa in aanan waxba kuu qabin, khaladkii aad igu samaysayna adigaaba iga qanciyay sida uu u dhacay waana ku qanacsanahay boqolkiiba boqol oo dacwad kama qabo balse waxaan ku leeyahay wax waliba calaf ayay leeyihiin ilaahey ma qorin in aan aniga iyo adiga is calfano ama uu xiriirkeena sii jiro iska sabar niyadana kheyr u sheeg waxaa la arkaa inuu Mustaf kuu kheyr roon yahay, wixii saacadan ka danbeeya walaaltinimadii aan isku baraney ha inoo ahaato wixii intaas ka dheeri ah anigu ma ogoli" Suleeqo markii ay hadaladaas dhegaheeda ku dhaceen runtii wey hakatey oo sida aan qiyaasey hadal ay igu dhihi lahayd ayay dib ula noqotay, sidii ruux nabar bogsoodey uu damqadey intay wajiga u kaduudey ayay dhabarka ku santeecisey kuraastii fadhi carbeedka ka dibna waxay bilowday in ay wajiga iska masaxdo iyadoo marna aniga I fiirinayso marna fiirinayso albaabka laga soo galo qolka aan ku wada jirno .
Qiyaastii sadex daqiiqo mar ay ka soo wareegatay intii aan kala aamusnayn ayay mar kaliya gacanta kor u taagtay sidii ruux ka jawaabaya su’aal la weydiiyay, intaan madaxa u ruxey ayaan ku iri:- "Haye soo hadal" Suleeqo oo laga dareemayo inuu wax u dhimay go’aankii aan u soo bandhigay ayaa cod nuxuus ah igu tiri:- "marka hore waxaan kaaga mahad celinayaa sida aad ii sharaftey oo aad waqtigaaga qaaliga ah iigu hurtey in aad iga dhagaysato sheekadii dheereyd ee aan saakey kaaga sheekeeyay inkastoo Hadal gar ah oo aan jirin meel looga baxsado aad igula hadashay hadana khaliifoow waan ku qasbanahay in aan ku qanco hadalkaaga oo aan raali ka noqdo balse hal arin ayaa jirta oo aan rabo in aad iga ogolaato" anigoo codsiga ay iga codsanayso aan garan Karin waxa uu yahay ayaan markiiba la soo boodey :- "Muxuu yahay arinka jira ee aad iga dalbanayso", Suleeqo oo aan indhaha ii dhamayn Karin xishood dartii ayaa igu tiri:- "Khaliif waad u jeedaa xaal meeshuu maraayo iyo nasiibkaygu siduu noqdey waa ceelna iima qodna cidna iima maqna, mustaf nin iima noqdo oo xaalkiisu waa bariga dhexe, adigii niyada ku lamaanaa ee qalbigayga iftiimin jireyna waad iga tagaysaa jacaylkii aan mudada badan soo dhiseynay maanta ayuu gabalkisii dumayaa oo maalin kale lagama yaabo in aan isugu nimaadno, waxaa ii muuqda maanta in ay tahay maalintii ugu dambaysay ee aan sheeko isu soo hor fariisano, Suleeqo ahaan arinkaas aad ayaan u dhibsanayaa xanuunka aan ka qaadi doonana waxaan u maleeyaa in aanan ka caafimaadi doonin hadii codsiga aan wato aad igu diido, Aboowe waxaan kaa codsanayaa oo aan kaa baryaayaa in aad iga war sugto intaa aan Mustaf ka soo xoroobayo oo ay arimahayga iiga soo dhamaanayaan, si hadhow aan meeshii uga sii wadano xiriirkeena intaas oo kaliya ayaan kaa baryaayaa in aad balan iiga qaado, hadii aan soo guuleysto in aan xiriirkeena halkiisa ka sii wadano hadiise aan ku fashilmo oo aan Mustaf ka soo xoroobi waayo fasax ayaad tahay" Markaan ogaadey codsiga ay iga codsanayso in uu yahay in aan sii sugo inta ay howlaheeda ka soo dhamaanayaan ayaan markiiba la soo boodey :- "Abaayo Macan waxba ha is ciil ciilin anigaba jacaylka ku haya mid ka daran ayaa I haya, inkastoo aanan si sahal ah kugu ilaabi karin hadana waxaan ku qasbanahay in aan kaa fogaado oo aanan kuu soo dhawaanin inta aad xaas la qabo tahay, ileyn wax kale oo ii banaan oo aan samayn karo ayaan jirin" Suleeqo markii ay hadalkaas maqashay wey iska quusatey, waxayna bilowday in ay iska aamusto oo ay hadalka iga goosato, wax yar hadii la sii joogay oo aan weli is hor fadhino waxaa indhaheedii ka soo hoorey ilin aad u fara badan oo aan joogsi lahayn, intii ay ilintaas ka socotey marna iskuma dayin in aan kala hadlo oohinteeda inkastoo ay ku wanaagsanayd in ay iska masaxdo oo ay iska tirtirto si aysan Shukri Siidow noogu soo gelin Qolka hadana taas ma dhicin .
Iyadoo xaalku uu meeshaas maraayo ayay shukri Siidow noogu soo gashay qolkii iyadoo aan dareensanayn sida ay wax naga yihiin, balse markii ay aragtey ilinta ka socota saaxiibteed ayay iyadana bilowdey iney xabadka gacanta ku garaacato sidii ruux geeri loo soo sheegay oo kale, talaabada intey soo boobtay ayay u soo dhawaatey saaxiibteed markiiba waxay bilowdey in ay garbasaarteeda kaga tirtirto ilintii badney ee ka soo hoortey indhaheeda ka dibna waxay bilowdey in ay saaxiibteed dajiso una caqli celiso si ay u joojiso oohinta badan, waxayna ku tiri:- "Abaayo Macaan qof weyn ayaad tahay maxaa kugu dhacay oo aad la oynaysaa, miyaadan ogeyn abaayo ilaahay wuxuu kula doono shar iyo kheyr in lagu shukrinaayo, ma ahan abaayo in aad is oohiso ama aad niyada aad uga shaqeysiiso adigoo aadan ogayn waxa kuu kheyr roon, kaliya waxaa loo baahan yahay sabar iyo calool adeyg" .
Shukri Siidow in ay tahay gabar waayo arag oo xil kas ah maalintaas ayaan xaqiiqsadey maxaa yeelay iyadoo aan wax iga su’aalin sida ay wax u dhaceen ayay saaxiibteed kala kor dhacdey in ay sabar siiso oo ay ku qanciso in wixii alle xagiis ka qoran aan oohin iyo cabaad waxba looga qaadeyn, aad baan ula dhacay sida wanaagsan ee ay runta u taabsiisay wallow aan ka sii jeclaa in ay ku tiraahdo adiga iyo khaliif isma calfanaysaan oo naag la qabo ayaa tahay hadiiba uu kaa ogolaaday inuu kaa cafiyo qiyaanadii aad ku samaysay ma ahan in aad isu oohiso, walaahi waxaad moodaa waanadii Shukri Siidow u soo jeedisay Suleeqo in ay aad ugu qanacdey maxaa yeelay waxay markiiba joojisay oohintii badneyd, waxay iska bi’isay madluunimadii ka muuqatey wajigeeda, waxay iska dhigtey qof xayi ah oo ku qanacsan in waxa dhacay ay ku dhaceen amarka eebe gadaalna aan loo celin Karin oo siduu ilaahey ugu talo galay ay u dhaceen .
Markaan arkey jawigu siduu yahay oo aan qiimeeyay waxaa ii soo baxdey in aanan sii joogi Karin meeshan oo aan isaga dhaqaaqo intaan fadhigii ka soo kacey ayaan Shukri Siidow ku iri:- "Shukri Siidow abaayo waa waqti dambe waxaan codsanayaa in la I fasaxo, aniga iyo Suleeqo sheekadii naga dhaxaysay way noo dhamaatey waana is af garaney hadii nasiib daro calafkeenii uu is diidey waxaan u sheegi lahaa walaashey Suleeqo in fakir badan iyo oohin badan aysan waxba tarayn, Adigana waxaan kaa codsanayaa intaad dajin karto bal deji oo sabar sii aniga waan sii baxayaa waxaan idin rajaynaya kheyr iyo is arag dambe oo xiiso leh" markii aan intaas oo hadal ah is daba dhigay ayay Shukri Siidow intey kor u soo istaagtey iigu jawaab celisey:- "Aboowe aad ayaad u mahadsan tahay walaal jira alaha kaa dhigo maxaa yeelay inta aad noo samaysay dadka qaarkii lagama helo, insha alaah aniga iyo saaxiibtey markey ahaataba waan kuu abaal gudi doonaa, " "adigaa mudan" intaan ku iri ayaan u dhaqaaqey dhankii albaabka .
Suleeqo markii ay aragtey in aan dhaqaaqi rabo ayay fadhigii ka soo istaagtey iyadoo aad iiga mahadcelinayso wanaagii iyo sharaftii aan kula dhaqmi jirey intii aan saaxibada ahayn iyo sida aan daacada uga ahaa jacaylka naga dhaxeeyay iyadoo waliba iga codsatey in aan mar kale iska cafiyo danbiga ay iga gashay, anigoo aan jawaab ka bixin taas ayay hadana mar kale hadalkii qaadatey oo waxay wax iga weydiisay codisigii ay iga codsatey waxa aan ka qabo in aan u sheego ka hor inta aanan bixin, anigoo qosol yar u muujinaya ayaan markiiba ugu jawaabey;- "waqtigeeda marka la gaaro ha inoo ahaato laakiin hadda kama hadli karo" "Ma sidaas ayaad iila garatey" ayay igu tiri iyadoo garabka iga dharbaaxeyso, "Xal kale inuusan meesha oolin waad u jeedaa ee iska sabar" ayaan markiiba ugu jawaabey ka dibna wey igu qososhay wax yar ka dibna banaanka ayaan u soo baxey iyadoo ay ila socdaan Suleeqo iyo Shukri .
Abaarihii shantii iyo barkii galabnimo ayaan ka soo dhaqaaqay guriga Shukri waxaan la igu soo qaadey gaarigii yaraa ee markii hore la igu keenay guriga, darawalka gaariga waxay Shukri ku amartey inuu I geeyo gurigeyga, anigoo sida la ii qiimeeyay sharafteeda dhowraya ayaan darawalkii si hoose ugu sheegay kaliya inuu I geeyo goobteydii shaqada ee uu markii horeba iga soo qaadey wuuna iga ogolaadey .
Markii aan aan soo gaarey Shirkada darawalkii gaariga ayaan iska fasaxey, maadaama uu soo dhawaa waqtigii salaada maqrib kuma sii hakanin Shirkada markiiba waxaan uga sii gudbay Gurigayga, waxay ii ahayd habeenkii iigu jawiga fiicnaa tan iyo markii aan Suleeqo xiriirka la yeeshay inkastoo uu iga bur burey jacaylkaygii, buur dheerna ay iga fuushay gabadhii aan mustaqbalka u saadaalinaayay in ay ooridayda noqoto hadana waxaa jawigayga farxad u bedelay sida fudud ee ilaahay iiga badbaadiyay sirteeda iyo qiyaanadeeda, salaadii maqrib markii aan tukadey meelna uma dhaqaaqin ilaa laga gaarey salaadii cishaha, markii aan salaadii cishaha tukadey ayaan bilaabey in aan dib xusuusteyda ugu celiyo sheekadii xanuunka badneyd ee ay Suleeqo iiga sheekaysay maanta waxaan aad ula yaabey caqilgeeda inta uu la‘eg yahay iyo sida ay ii sirtey iyo waliba sida aan u fahmi waayay in ay xaas la qabo tahay Mudadii aan xiriirka lahayn ee aan gurigooda tagi jirey, waxaan kaloo aad ula yaabey sida ay adkeysiga ugu yeelatay dhibaatada xanuunka badan ee la soo deristay inkastoo qalad aad u weyn ay gashay hadana marka aad si dhab ah ugu fiirsato sida ay wax ugu dhaceen Suleeqo iyo sida ay wax fashay waad ku qancaysaa mana u malaynaayo in gabdhaha qaarkood sidan yeeli lahaayeen .
Habeenkaas qalbigayga wax aan Suleeqo iyo sheekadii maanta ahayn wey ku soo dhici weyday, markaan iska yaabay ayaan bilaabay in aan tasbiixsado oo aan ilaahey ka baryo inuu niyadeyda ka saaro jacaylkii aan u qabey Suleeqo, iyadana uu ka qaado dhibaatada ay ku dhex jirto, ilaahay baryadii waa iga aqbalay niyadeydiina wey xasishay ka dibna hurdo macaan ayaan habeenkaas ku waabariistey .
Laba maalmood markii aan sii joogey Xusuustii Suleeqana aan sii ilaabayo ayaan habeen sadexaadkii booqasho ugu tagey saaxiibkay siciid si aan ula socdosiiyo meesha uu xaal maraayo ileyn saaxiib kale ma lahayn oo ila taliya, saaxiibkey siciid sulaymaan markii aan la kulmay wixii dhacay oo dhan ayaan uga sheekeeyay, anigoo min bilow ilaa dhamaad uga sheekeeyay qisadii dheereyd iyo qiyaanadii ay igu samaysay intii aan xiriirka lahayn ee ay ii kashiftay maalintaas, markii aan u dhameeyay saaxiibkey arintii maskaxdiisii wey kala weynaatay oo meel uu u jiheeyo ayuu garan waayay ilaa markii dambe aan sheekadii ugu soo gunaanudey wixii aan ku soo kala tagney aniga iyo Suleeqo wuxuu aad uga naxay Xaalada xun ee Suleeqo la soo gudboonaatey wuxuuna ilaahey uga baryay inuu u fududeeyo, aniga khaliif ahna wuxuu ilaahay iiga baryay inuu quluubtayda ka masaxo jacaylkii aan Suleeqo u qabey ee ku xidideystay dhamaan waayaha jirkeyga, saaxiibkey wuxuu sidaas iigu ducaynayo wax kale ma ahayn wuxuu ahaa saaxiibka kaliya ee ka war qabey jacaylkayga isagoo waliba ogaa in aan xaas leeyahay, aniga iyo saaxiibkey markii aan kala sheeko boganay ayaanu kala tagney anagoo ku balaney in la iska ilaawo Suleeqo .
Sadex usbuuc ka dibna waxaan gurigeyga dib ugu soo celiyay Xaaskeyga Zam zam oo muddo fara badan baxnaanin ugu maqneyd guriga aabaheed, soo noqoshadeedii waxaan u gowracey laba neef oo ari ah si aan u saaro qur’aan maadaama bilicdii iyo quruxdii ay lahayd ay aad isu soo bedeshay, qur’aan saarid ka dib nolol ku lamaanan farxad iyo rey reyn damaashaad iyo qosol, kaftan iyo ciyaar oo ay hormuud ka tahay Xaaskeyga qaaliga ah ee Zam zam ayaa mar kale dib iigu bilaabatey iyadoo bishii ugu horeysay uu ilaahay noogu bedelay kheyr iyo bishaaro oo ay uur lagu farxo ku qaadey, farxadii iyo damashaadkii waxaa nala wadaagtey Hooyadey maadaama aan ku wargelinay .
Xaaskeyga Zam zam baarinimada ka sakow ma ahayn naagaha nimankooda kala dagaalama in ay isbedel ku sameyaan noloshooda dhan kasta, waxay ahayd fariid aan wax la siistaa jirin, in ay fikrad iga maqan igu kordhiso mooyee waligeed kama hor iman qorshe aan anigu wato ha ahaado mid aan markaas ku dhaqaaqi rabo ama mid mustaqbalka aan rajaynayo, Habeenada qaar marka aan guur iyo wax la mid ah aan isku soo hadal qaadno, waxay ii cadayn jirtey in aysan jirin cid iga hortaagan in aan guursado, baarinimadaas iyo hadaladaas kalsoonida ku dhisan marka ay Zam zam igu tiraahdo gabadhii Suleeqo ahayd ee qiyaanada igula saaxiibtey ayaa qalbigayga ku soo dhici jirtey, markaasaan iska dareemi jirey inuu weli igu dambeeyo Jacaylkii Suleeqo ee aan u haystay inuu mar hore ka ba’ay qalbigayga, inkastoo aanan jeclayn inuu mar kale qalbigayga ka shanqaro jacaylkii Suleeqo hadana mar marka aan aniga iyo Xaaskayga isku soo hadal qaadno arimo guur niyada ayay ku soo dhici jirtey .
Diidmada aan diidanaa inuu mar kale dib u soo laabto jacaylka Suleeqo waxaa ugu wacnaa qiyaanadii ay igu samaysay intii aan xiriirka lahayn, hadana qalbigayga kama faaruqeyn mar marka qaar wey igu soo dhici jirtey, si aan isaga baabi’iyo heer waxaan gaarey aan ka baqo oo aan ka dhuunto marka aan arko ruux iyada u eg xitaa maalmaha aan shaqada joogo aad ayaan isaga ilaalin jirey in aan ku kulano shaqada iyadoo raadinayso lacagtii loogu soo xawili jirey shirkada, bilihii ugu horeeyay waxaa shirkada iman jirtey walaasheed waa gabadhii ii kashiftey sirtii Suleeqo, iyada lafteeda waan iska ilaalin jirey in aan wada kulano waayo waxaan aad uga baqi jirey in ay wax iga su’aasho sababaha aan u iman waayay gurigooda maadaama ay iigu dambaysay habeenkii ay ii sheegtay in walaasheed ay xaas tahay, sideedaba hadalka haduu bato waxaa khasab ah in ay kashifaayo sir kale oo aan la ogayn oo ah xiriirkii qarsoodiga ahaa ee naga dhaxeyn jirey aniga iyo Suleeqo ee aan ka warqabin reerkooda, dadaal kasta oo aan sameeyayna marna qalbigayga waan ka goyn waayay jacaylkii ay Suleeqo ku beertay .
Muddo sideed bilood ah markii ay ka soo wareegatay ayaa maalin maalmaha ka mid ah anigoo ku dhex jira shaqadeyda waxaa Shirkada Xawilaada ee aan ka shaqeeyo soo caga dhigatey Suleeqo siyaad Cumar oo aysan ka muuqan bilicdii iyo quruxdii ay raga ku soo jiidan jirtey kuna indho sarcaadin jirtey marka ay hortooda ku soo laafyooto labis aad u qurux badana isku soo taagto, qofkii hore u aqooni jirey markuu arko maalintaas waxaa hubanti ah inuu shaki ka geli lahaa iney iyada tahay iyo in kale siduu anigaba shakiga iiga galey markii hore oo aan garan waayay in ay Suleeqo tahay iyo in kale inkastoo aan muddo badan moogaa hadana ruux aad jacayl wadaag ahaydeen sinaba kuma ilaabi kartid, Sidaas darteed markaan arkey Suleeqo oo talaabada u soo qaadeysa xagayga meel aan garanayn ayaa I gariirtey xitaa warqadii lacag bixinta ee aan markaas gacanta ku hayay ma xusuusto in aan saxiixay iyo in kale naxdin aan aragtideeda ka naxay darteed .
Suleeqo sidey u soo socotey ayay soo dhinac istaagtey daaqada laga qaato lacagaha xawilaada, goobta waxaa taagnaa oo aan lacag siinayay laba gabdhood oo walaalo ah oo macaamil la leh shirkada markii aan u dhameeyay gabdhihii howl kale anigoo aan gelin ayaan saaxiibkey u yeeray si uu howsha u sii wado wax yar ka dibna waxaan u soo wareegay dhankii kale ee ay taagneyd Suleeqo markiiba intaan Salaamay ayaan ugu baaqey in aan wada fariisano kuraastii fadhiga, Suleeqo oo ay farxad ka muuqato ayaa intey Salaantiii iga qaadey jawaab qumana iga siisay su’aalihii gaab gaabnaa ee aan weydiiyay ayaa u soo talaabo qaadey dhankii kuraasta .
Markii aan kuraaskii ku wada fariisanay ayay Suleeqo hadalkii iiga hor martey waxayna igu tiri:- "Khaliif nin xun in aad tahay ayaan maanta qirayaa, maxaa yeelay hal habeen ama hal maalin xitaa in aad ii timaado oo reerkeena soo booqato waad ii quuri weyday nacayb aad ii qabto darteed, walaahi in aad sidii sheydaanka ii nacdey cidna la warsan maayo, aniga mar hore ayaan ku soo booqan lahaa ee adiga ayaan kaa baqaayay," Markey hadaladaas kul kulul hoosta iigu dhigtay ayaa si aan u qanciyo maadaama ay cuqdad nafsi is gelisay ayaan ku iri:- "Waa runtaa abaayo kuma soo booqan tan iyo maalintii aan ku kulanay guriga Shukri, balse sida ilaahey og yahay niyada ayaan ku hayay oo qalbigayga kama faaruqin, inta aanan ku soo booqan in aad adiga I soo booqato ayaa qorneyd, balse hadii la nool yahay waa la is arkiye, ii waran bal xaaladaada iiga waran, koley aniga waad ii jeedaa shirkadii aad igu ogayd ayaan ka badin la’a ahaye".
Runtii ma fahamsanayn ujeedada booqashadeeda inkastoo wax waliba ay dhici karaan haddana waxaan iska go’aansadey in aan iyada ka war sugo inta ay iiga cadaynayso ujeedada booqashadeeda, iyadoo indhaha la raaceyso gabdho hoteena marayay oo aad u labisnaa ayay igu tiri: "Walaahi khaliifoow wax dhibaato ah ma jiraan, adiga uun baan ku soo booqdey oo aan rabey in aan ogaado xaaladaada sida ay tahay maadaama aanan dhowr bilood is arkin" Anigoo kalsooni dhab ah u muujinaya ayaan markiiba la soo boodey:-"Abaayo macaan marka hore aad ayaad ugu mahadsan tahay booqashada aad I soo booqatey, marka labaad aniga xaaladeyda waa iska caadi al xamdu lilaah waan cabaa waan cunaa belaayo ma jirto", Suleeqo oo ka biyo didsan mahad celintaas ayaa markiiba la soo boodey:-"Booqashadu waa xaq ee ma ahan in aad iigu mahad celiso oo aad I tiraahdo waad mahadsan tahay ma garanaayo haddii booqashada aan aniga kaaga soo hor marey aad iigu mahad celineyso" anigoo hadalkeeda ku qoslaayo una diidan in ay mahad celinteyda xumaan u qaadato ayaan ku iri:-"Maxaa dhacay abaayo maxaad sidaas u leedahay ma waxaad igu diidan tahay in aad iga roon tahay oo aad I soo raadisey, ileyn adigaa maanta goobtii shaqada iigu yimid oo ka soo war dooney sida ay xaaladaydu tahay, mise xaqba uma lihi in aan kaaga mahad celiyo raadintii aad soo raadisey in aad ogaato xaaladeyda sida ay tahay" "Adiga waan kuu jeedaa booqashadayda ayaad la yaaban tahay ee I dhagayso booqashadayda waxbaa ii wehliya maanta" ayay iiga naxsatey iyadoo waliba si fiican dabada ugu hagaajisanaysa kursiga, iskama waalin intaan qosol yar u muujiyay ayaan ku iri:- "Bal soo daa waxa booqashadaada kuu weheliya aan kula arkee".
Suleeqo oo aad moodo markan inay cabsidii ka ba’ayso sida ay hadalada iigu tuur tuureyso ayaa ugu danbayntii igu tiri:- "Khaliif waad la socotaa maalintii aan ku kulanay guriga Shukri in hadal noo madlanaa, waadna xusuustaa xaalkeygu siduu ahaa maalinkaas, al xamdu lilaah horta ilaahey waa ii gargaarey oo maanta culeyskii I saarnaa maalintaas ima saarno, hooyadey ayaan arintii u bandhigay waliba jilbaheeda ayaan ku ooyay si aan u dareensiiyo dhibaatadeyda, hooyo waa iska taqaan wey calool jilcan tahay markiiba waxay ka damqatey dhibaatdeyda waxayna arintii u bandhigtey abtigay, falaqeyn ka dibna waxay isku af garteen in inta laga ogaanayo xaqiiqada la sugo oo aan lagu deg degin furiin .
Ilaah ayaa mahad iska leh Shalay galab ayay arintii soo dhamaatey oo aan kala faaruqnay aniga iyo walaalkey Mustaf, abtigayna si qaas ah ayuu iiga raali geliyay arinta dhacdey oo si ogaal daro ah u dhacdey maadaama uusan ka warqabin xaalka uu Mustaf ku sugnaa, Calaa kuli xaal maanta waxaan ahay qof madax banaan oo go’aankii ay rabto qaadan karta geedkey doontana miro ka goosan karta sidaas darteed ayaan kuugu imid" "Waan ku gartey" intaan ku iri ayaan iyadii war kale ka sugay si aan u ogaado waxa ay damacsan tahay in ay ku dhaqaaqdo, Suleeqo cabaar markaan ka aamusnaa oo ay aragtey in uusan hadal iga soo socon ayay ugu dambayntii igu tiri:-"Haddii aad hadalkayga weli beensanayso, oo aad is leedahay gabadhan wey been badan tahay oo rumba ma taqaan, hooyadey ayaan u wada tagaynaa iyada ayaa sida ay wax u jiraan kuu sheegi doonto kuuna sharaxi doonto" "Maya" intaan la soo boodey ayaan hadana u sii raaciyay:- "Maya abaayo hooyo uma tagayno adigaba waan ku aaminayaa," Suleeqo oo hadalkaas farxad geliyay ayaa mar kale hadalkii qaadatey waxayna igu tiri:- "Khakliif aniga wax kale kuuguma imaan waad og tahay, mar hadii aan madax banaanahay, sida aan wax kuugu sheegayna aad iga rumeysatay, waxaan jeclaan lahaa in aan mar kale dib u bilowno xiriirkii iyo jacaylkii naga dhaxeyn jirey," qalqal iyo cabsi aanan markii hore qabin ayaa igu dhashay, qalbiga ayaa I ruxmey laba labeyn ayaa markiiba laabteydii ku dhashay mar waxaan u arkey arintan fursad aan mar kale ku hanan karo jacaylka ba’an ee aan weli ka go’in laabteyda, marna waxaan u arkey in aysan ii haboonayn in aan mar kale Suleeqo balan iyo axdi la galo maadaama ay horey ii qiyaantay, qiyaanadeediina uu ilaahay iga badbaadiyay, Anigoo aan weli ka jawaabin Codsigeedii wax aan ku jawaabana aan garan la‘ahay ayay mar kale hadalkii qaadatey waxayna igu tiri:- khaliifow mudadii aan kala maqneyn oo dhan waxaan ka baqi jirey oo kaliya in aad xaas yeelato, oo aan sidaa isku weyno ilayn aniga Suleeqo ah ma jecli raga xaasaska leh, dhibaatadii iyo mashaakilkii ihayay mudadii aan kala maqneyn oo dhan arintan ayaa iiga wel wel badneyd ee Khaliifoow Xaas ma yeelatay mise sidaadii ayaad tahay" anigoo aysan baqdin igu jirin ayaan ugu jawaabay:-"Maya ma guursan oo sidii aad igu ogayd ayaan weli ahay, naag oo dhan markaad I sirtey ayaan ka aamin baxey, mana aamini doono mar dambe" "Xitaa Aniga" ayay markiiba la soo booday, intaan ku qoslay ayaan ku iri:- "Adiga maya, gooni ayaad ka tahay oo qalbigayga ayaad iftiinkiisa tahay, mana laga yaabo in adigoo nool uu iga baaba’o jacaylkaaga ama aan si sahal ah kugu ilaabo" Suleeqo waa sidey rabtaye markiiba wajigeeda waxaa hareeyay farxad aan ku qiyaasey in aysan dareemin bilooyinkii aan kala maqneyn oo dhan, waxaaba hubanti ahayd in ay isku key duubi lahayd oo ay labada daan iga dhunkan lahayd hadaan qol gooni ah wada joogi lahayn, balse maa caleesh goobtii shaqada ayaan wada joogney, Suleeqo markii aan u sheegay in aanan weli ilaabin oo ay qalbigayga hoy ku leedahay jacayl hor leh ayaa markiiba ku dhashay indhaha ayey ii dhamayn weyday oo waxay bilowdey in ay dhulka ku foorarsato, Suleeqo oo laga dareemayo in ay heshay wixii ay aduunka ugu jecleyd ayaa iyadoo uu weli wajigeedu ku fooraro dhulka waxay igu tiri:-"Walaahi khaliifoow isma lahayn markaan gurigeena ka soo baxaayay in aan la kulmi doono arintan farxada leh iyo soo dhaweynta qiimaha badan ee aad I soo dhaweysay, ogow waxaad dib u shidey shumicii damey ee ku booreystay laabteyda, waxaad wada dhaqaajisey dhamaan xubnihii dartaa fadhiidka noqdey ee gabey howshooda, ilaah ayaa mahad leh maanta hadaan mar kale kasbadey oo uu ila joogo jacaylkayga runta ah alla nasiib badniyaa" "Maashaa alaah bes iga dheh waxaanba ka baqayaa hadaad erey kale ku darto in aan sidii barafka u dhalaalo" ayaan ku iri si ay u sii qanacdo oo ay maqsuud u noqoto, qosol ayayba ka bixi weyday markaan sidaas ku iri dhakh dhakh dhikh dhikh……….
Jawi ka bedelan kii aan kaligay maalmahan ku dhex jirey ayaan guda galney aniga iyo Suleeqo saacadihii yaraa ee aan wada joognay waxaan heshiis buuxa kuwada gaarney in aan mar kale dib u soo nooleyno oo aan halkiisa ka sii ambaqaadno xiriirkii iyo jacaylkii naga dhaxayn jirney ee sanad ka hor bur burey, markii aan heshiiskaas isku afgaranay ayaan hadana isku soo qaadney in kulanka ugu horeeya uu ka dhaco guriga Suleeqo habeenka Talaadada ee nagu soo fool leh si aanu isula meel dhigno qorshaha cusub ee aan mar kale dib boorka uga jafeyno xiriirkii hore, Suleeqo heshiiskaas maqsuud ayay ka ahayd oo waxayba ka jeclayd in aan isla caawaba ka dhigano kulanka ugu horeeya balse aniga ayaa ka diidey .
Cabaar markii ay sheekadu noo socotey oo aan isku afgaraney goorta iyo meesha uu ka dhacayo kulanka ugu horeeya ee aan yeelan doono, ayaa waxaa na soo dhinac istaagtey islaan xaafada nala degenayd oo wiilasheeda badankood ay dibadaha jiraan oo ay aragtideeda iigu dambaysay dhowr sano ka hor, intaanan salaamin ka hor ayay aniga iyo Suleeqo nawada salaantey Salaantii markii aan ka qaadnay aniga iyo suleeqo ayay islaantii bilowdey in ay iga wareysato hooyadey iyo walaalahay iyo dhamaan caruurtii abtigey uu dhalay oo dhan xaaladooda iyo meesha ay ku sugan yihiin dhamaantood, markiiba in reerku nabad qabo oo ay weli ku sugan yihiin xaafadii ay nagu ogayd ayaan u sheegay, ka dibna waxay I weydiisay gabadha ila fadhida in ay tahay gabadhii uu abtigay dhalay ee la ii guurin jirey waxay ula jeedaa Zam zam, anigoo aan waxba ka dhigan fashilaada ay igu samaysay islaanta ayaan ugu jawaabey:- "Maya eedo, gabadhan waa gabar kale" markaasey igu tiri:-" anigu ma garnaayo iyadii ayaan moodey, ee wax ma kuu dhashay Eedo" "haa laakiin wuu iga saqiirey" ayaan ugu jawaabey anigoo dhibsanaya su’aalaheeda badan, hadana mar kale ayay duqdii igu tiri:-"Eedo Hadda wax siyaado ah ma leedahay" "Haa, hadii alle yiraahdo mar dhow waxaa laga yaabaa in ay dhasho" ayaan ugu gaabiyay duqdii, "Ilaahay ha kuu dhaafo, oo ha kuu barakeeyo," intey igu tiri ayay ii sheegtay in ay soo doonatey lacag loogu soo xawiley shirkada ka dibna lagu xujeeyay damiin, markiiba wiilkii shaqada hayay ayaan u sheegay inuu duqda lacagteeda siiyo, "Haye , eedo macaan kheyr alaha ku siiyo igu salaan hooyo iyo abti iyo dhamaan caruurta oo dhan" intey igu tiri ayay horey u aadey meesha lacagta laga qaato .
Duqdii markii ay iga tagtey ayaan u soo jeestay dhankii ay Suleeqo iga xigtey si aan u dhamaystiro sheekadii xiisaha badneyd ee noo socotey, hase yeeshee waxaan la kulmay wajiga Suleeqo oo aan ahayn sidii aan ku ogaa markii hore, xanaaq ayaa iiga muuqdey, waxaan dareemay inuu wax u dhimey sirtii ay iga heshay intii aan duqda wada hadlaynay laakiin aniga khaliif ah sirtaas fakatey waxba uma arkeyn maxaa yeelay marka horeba nin xaas leh ayaan ahaa oo ma ahayn nin doob ah, waqtigay ahaataba waan u sheegi lahaa oo kama qarin lahayn, Suleeqana dan ayay u ahayd in ay iska ogaato maadaama aan wada galayno heshiis cusub oo lagu soo nooleynaayo xiriirkeenii hore, hadii ay raali ka tahay oo ay igu rabto wey igu raacaysaa hadeysan raali ka ahayn khasab ma jiro, anigoo qorshahaas aan qalad u arkeyn rabana in aan ogaado sida uu u saameeyay warkii fashilaada ahaa ee ay duqda ka maqashay ayaan ku iri:-"Haye Suleeqo, maxaa ku helay oo aad dhabanada la haysataa mise hadalkii duqdu sheegtay ayaad ka yaaban tahay" intey indhaha igu soo taagtey ayay igu tiri:- "Run miyaa mise waa been waxa ay islaantu sheegaysay" Anigoo ku adkeysanaya fashilaadii igu dhacdey ayaan si degan ugu iri:- "Waa run ee maxaad aragtey" intey madaxa gacmaha saaratey iyadoo aad uga xun sida ay wax u dhaceen ayay igu tiri:-"Maxaad aragtey maxay tahay, miyaadan ilaahay ka baqeyn saacado ka hor ayaan ku weydiiyay in aad xaas yeelatay iyo in kale waxaadna ii sheegtey inaadan weli guursan ee ma maxay tahay xaaska aad sheegayso iyo waliba uurka laguu leeyahay" Anigoo u dhoolo cadaynaayo ayaan markiiba ugu jawaabay:- "waligayba waan lahaa ee adigey kaa qarsanayd mooye" intay hadana hadalkaas ka sii naxdey ayay xoogaa la hakatay jawaabtii ay ka bixin lahayd cabaar markii ay aamusnayd ayay iyadoo madaxa ruxayso igu tiri:- "Sorry, waan ka xumahay ma ahayn in aad been ii sheegto ina qiyaanto, adigoo xaas lehna aad I shukaansato oo aad xiriir ila yeelato, waxaa wanaagsaneyd intaad xaaskaaga iga qarsan lahayd in aad runta ii sheegto, ileyn nin rag ah ayaad tahay oo ay afar naag u banana tahay" intaan hadalkeeda ku qoslay ayaan ku iri:- "Nin naag uu qabo haduu qariyo ceeb ma samayn qiyaanana ma samayn hadaad adiga u aragto adigey ku jirtaa laakiin sida runta ah aniga nin xaas leh ayaan ahay, maadaama aan mar kale dib u bilaabi rabno xiriirkeenii dibna aan u soo nooleyn rabno jacaylkii naga dhaxayn jirey waxaa ila quman in aan hadeer runta isu sheegno, oo aanan wax dambe isu qarin, hadaad is leedahay khaliif wuu ku qiyaamay been buu kuu sheegay aniga kuma qiyaamin ee wax baan kaa qariyay waana kaa xaal marinayaa arintaas ee maxaa kale" .
Suleeqo oo hadalkayga u aragtey mid jees jees ah ayaa markiiba igu tiri:- "kuma qiyaamin laakiin waxbaan kaa qariyay waana kaa xaal marinayaa ayaad I leedahay hadaadan I qiyaamin maxaad iga xaal marinaysaa" "wax kale ma aha waxaan kaa xaalmarinayaa oo kaliya qarinta aan kaa qariyay in aan xaas lahaa ma garatey" ayaan markiiba ugu jawaabay inkastoo aan qiyaasay in aysan Suleeqo jawaabtaas ku qancin hadana waa iska bini’aadam oo wax ay ka tiraahdo ama ay ka yeesho ma leh maxaa yeelay waxaan ogahay in aysan iga maarmin oo ay I jeceshahay anigana waxaan hubaa in aan jeclahay oo aanan ka maarmin sidaas darteed run iyo ilkaba waa la cadeeyaa waxaan hadalka ugu adkeynayay ayaa ahayd in aan ka qanciyo wixii hore u dhacay anigoo sirteyda ku tilmaamaya in aysan qiyaano ahayn ileyn hadii aan isku cadeeyo in aan ahay nin wax qiyaamay waxay noqonaysaa in aan anigana sideedo o kale ka raali geliyo laakiin waxaa haboon in aan ku adkeysto sida aan warka ugu sheegay iyada ayaaba iska qancayso" Suleeqo oo laga dareemayo in ay aad uga xun tahay arinta dhacday ayaa cod naxuus ah igu tiri:- "khaliif waan u jeedaa in aad ku adkeysanayso inaadan waxba qiyaamin oo aad tahay nin wanaagsan xitaa haddii sirtaadi ay fashilantay, dhibaato ma leh aniga waxaan u arkaa in markii horeba aan ku wada saaxiibnay inaan isa sirno Laakiin maanta aan diyaar u wada nahay in aan runta isu cadeyno maadaama aan labadeeniiba wada fashilmanay hadeerna aan dib u soo nooleyno xiriirkeenii hore sow sidaas maaha" "Waa sidaas" ayaan ugu jawaabay Anigoo hadalkeeda ku qoslaaya, "Ok" intey tiri oo ay cabaar hakatey ayay hadana mar kale hadalkii sii wadey waxayna igu tiri:-"Waxaan kuu shaagayaa khaliifoow, in aanan waligay jeclayn in aan la sheekeysto nin xaas leh iska daa in aan la saaxiibee, laakiin adiga Khaliif ah mowqifkeygii gabarnimo ayaad wax ka bedeshay oo kuma dhiiran karo in aan kaa tago ileyn noloshayda ayaad tahay oo kaama maarmo waxaan ku qasbanahay in aan raali ka ahaado wixii aad adiga raali ka tahay wax waliba waxaa igala weyn jacaylka aan kuu qabo hal xaas iska daayee haddii sadexna aad leedahay diyaar ayaan kuu ahay".
Anigoo sacabada isku garaacaya una muujinaya sida aan ugu faraxsanahay go’aanka cad ee aay ii soo gudbisay ayaan anigana si ay u qanacdo ugu jawaabay "Maxaa ii diidaya in aan ku hanto oo aad oorideyda labaad noqoto mar hadiiba jacaylka aan kuu qabo mid la mid ah aad ii qabto walibana aad raali iiga tahay Xaaska aan leeyahay", Suleeqo oo ii muujinaysa qosol yar oo xishood ku laran ayaa intey gacanta ii soo taagatey ayay igu tiri:- "hadii jacaylka aan isu qabno uu sidan u weyn yahay maxaa sababey in aan labadeenaba isa sirno oo aan been isu sheegno" anigoo aan jawaab ka bixin ayaan gacantii ay ii soo taagtey ka qabtey ka dibna inta indhaha ku gubay ayaan ku iri:- "Wixii hore u dhacay waxba gadaal ha noogu celinin aniga waxaa ila quman in aan ka wada hadalno waxa hada na hor yaalo ee na sugaayo ma garatey abaayo" Suleeqo oo hadalkaas ku qanacsan ayaa markiiba iigu jawaabtey :- "Sideedaba aniga baahideyda waa adiga, hadiiba aad ila joogto diyaarna aad ii tahay dacwo ma qabo" ka dibna qosol ayay guda gashay.
Sheekadii maalintaas na dhex martey aniga iyo Suleeqo waxaan ku gaarney waqtigii salaada duhur iyadoo aan si wadajir ah isugu af garaney in aan dib u bilowno xiriirkii hore nooga dhaxayn jirney anago ku wada balanay in habeenka talaadada ee nagu soo fool leh aan isugu nimaadno guriga Suleeqo, salaadii duhur markii aan soo tukadey ka dibna Suleeqo ayaan banaanka ula soo baxey si aan u sii sagootiyo.
Markii aan ka soo laabtey sagootintii Suleeqo ee aan Shirkada gudaha u soo galey waxaa markiiba qalbiga iiga soo dhacdey sida uu noqon doono xiriirka cusub ee aan dib u bilaabi rabno aniga iyo Suleeqo inuu sidii hore ahaan doono iyo in kale, maadaama kalsooni daro aad u weyn ay na soo dhex gashay inkastoo taas laga heshiiyay hadana waxaan aaminsanaa in ay ku xiran tahay sida qof walba uu muujiyo kalsooni iyo daacadnimo mar kale .
Isla habeenimadii ayaan u dhaqaaqey guriga saaxiibkey Siciid Suleymaan si aan ula socodsiiyo go’aankii aan wada qaadaney aniga iyo Suleeqo, nasiib wanaag isagoo ay la joogto Saaxiibtiis Muslimo ayaan ugu tagey guriga, waqtiga oo igu yaraa darteed saaxiibkey intaan hadalkii oo dhan u guud marey ayaan u sheegay meesha uu xaal maraayo saaxiibkey isagoo aad ugu faraxsan go’aanka aan qaatey ayaa iigu hambalyeeyay sida raganimada leh ee aan u qaatey go’aanka isagoo waliba igula kaftamaya jacaylka dhabta ah ee aan u qabey Suleeqo ayuu igu yiri:- "Wax badan Suleeqo waad ii amaantey dabeecadeeda iyo quruxdeeda, hadana waan ogaa inaad jeceshahay oo ay qalbiga kaaga taalo, hadii ay diyaar kuu tahay ha daahinin ayaan ku leeyahay" saaxiibkey aad ayuu uga war qabey jacaylka aan u qabo iyo sida ay iiga go’neyd in ay oorideyda noqoto, inkastoo xumaan yar ay na soo kala dhex gashay hadana xogta rasmiga ee jacaylkeyga ayuu ka warqabey, Saaxibkey waxaan kula balamay wixii soo kordha in aan u soo sheegi doono hadii alle yiraahdo ka dibna gurigaygii ayaan dib isaga so laabtey .
Galabnimadii Isniinta ayaan ku baraarugay in habeenimada caawa ah aan la balansanahay Suleeqo, isla daqiiqadihiiba waxaan guda galay in aan isku diyaariyo kulankaas qaaliga ah, abaarihii 6:45 daqiiqo ayaan ka soo dhaqaaqey gurigii aan ku noolaa anigoo ku jiheysan guriga Suleeqo, jawigu wuxuu ahaa mid aad u degan waxaa dhacayay dabaylo aad u qabow dadka qaarna ay ku dhaxmoonayeen, wadada dheer ayaan isku taagey anigoo ay masaxdaeydu ka guuxeyso kulanka caawa maadaama ku dhawaad sanad aanan tagin hoyga Suleeqo, jawigayga habeenkaas wuxuu u dhaxeeyay farxad iyo naxdin inkastoo qabow daran uu jirey hadana aniga wajigayga dhidid ayaa ka socdey, oo maba dareensanayn qabowga dhaxanta badan ee habeenkaas dhacayay .
Waxaan soo luudaba aakhirkii waxaan isa soo taagey albaabka laga galo guriga Suleeqo intaas gees u istaagay ayaan garaacey albaabkii, cid ila hadashay ma jirin hadana mar kale ayaan garaacey markiiba cod aan u maleeyay inuu ahaa Codkii Suleeqo ayaan maqley, markaasaan garaacii ku celiyay mar kale, isla markiiba albaabkii ayaa la furey iyadoo la leeyahay "waa kuma" mise waa Suleeqo Siyaad Cumar, intaanan u jawaabin ayaa waxaa isku dhacay labadeena waji intay aad ugu faraxdey aragtideydii ayay markiiba ii soo gudbisay salaan, si diiran ayaan salaantii uga qaadey ka dibna in aan gudaha u si galno ayay iigu baaqdey.
Markii aan gudaha u sii galay guriga ee aan weli gaarin barandada guriga waa igu soo baxey dhamaan gabdhihii la dhashay Suleeqo oo ku faraxsan imaanshahayga markiiba salaan guud ayaan is weydaarsanay salaan iyo is xog wareysi ka dib waxaan u sii gudbay qolkii fadhiga, salka intaanin sii dhigan ayaa waxaa qolkii noogu soo gashay Ambiyo Sh. Yuusuf oo ahayd Suleeqo hooyadeed fadhiga intaan ka kacay ayaan salaan kala hor tagay inkastoo maamada ay aad iigu eedeysay mudadii aan kala maqneyn oo aan soo Salaami waayay lana soo xiriiri waayay maadaama ay Suleeqo oo kaliya ay danbi iga gashay reerka intiisa kale aysan dambi iga gelin hadana markii dambe waan iska qancinay kna raali geliyay qaladkii dhacay, ka dibna fadhigii ayaan dib ugu soo laabtey, Hooyo Ambiyana fadhigii ayay nala camiratay iyadoo aniga iyo Suleeqo noo caqli celinayso, waxay maamada noo soo qaadatey maahmaahyo badan oo aan horey u maqli jirey iyadoo uga dan lahayd in ay wax naga fahamsiiso faa’iida ay leedahay isku xirnaanta iyo isla socoshada iyo is xiriirinta waxay xustay in qofku uu horumar gaari karo marka laga helo daacadnimo iyo run sheegid intaas hadii laga waayo waxay tiri, qofkaas waxaa dhintey sumcadii iyo sharaftii uu bulshada dhexdeeda ku lahaa, ka dibna waxay u soo daadegtay arimihii qaaska ahaa ee aniga iyo Suleeqo naga dhaxeeyay ee aysan horey ula soconin, markiiba eeda badankeed waxay dusha uga tuurtey gabadheeda maadaama iyadoo xaas la qabo ah ay xiriir hoose ila samaysay, hadana waxay ku canaanatey qiyaanada ay dhamaanteen nagu samaysay oo ahayd mid aan loo dulqaadan karin ugu dambayntii waxay hadalkii ku soo gabagabeysay in ay iga raali geliso qaladkii horey u dhacay ee ay gabadheeda igu samaysay iyo sidii ay iila dhaqantay, waxayna iga codsatey in aan iska cafiyo oo aan iska ilaawo wixii qalad ee horey dhacay, balse wixii caawa ka bilowdo walaaltinimadii iyo wanaagii aan isku baraney meesheedii aan ka sii wadano hooyo Ambiyo waxay hadalkeedii noogu soo gabagabyso "na soo booqo guriga waa gurigaaga habeen iyo maalin wuu kuu furan yahay".
Anigoo aad ugu qanacsan raali gelintii ay hooyo Ambiyo ii soo jeedisay kuna faraxsan sida kalsoonida la ii siiyay wixii caawa ka danbeeyo inuu gurigu yahay gurigayga oo kale ayaan hooyo ambiyo u mahad celiayay una muujiyay sida aan raaliga uga ahay waanadii iyo raali gelintii ay ii soo jeedisay, waxaan kaloo horteeda ka cadeeyay in Suleeqo qaladkii ay iga gashay aan u cafiyay oo aan waxba u qabin, Hooyo Ambiyo oo wajigeeda laga dareemayo in ay ku qanacdey hadalkayga ayaa intey fadhigii ka istaagtey nagu tiri:- "iska sii sheekeysta aniga waan sii baxayaa, kheyr ayaan idiin rajaynayaa" "haye hooyo macaan" ayaan si wadajir ah ugu dhawaaqney ka dibna qolkii ayay dibada uga baxdey waxaana qolkii isugu soo harey aniga khaliif ah iyo Suleeqo Siyaad Cumar .
Habeenkaas waxay ii ahayd habeen farxadeed oo aan sina u ilaabi doonin waligey maadaama Suleeqo hooyadeed ay horteena ka cadeysay in ay aad u jeceshahay wadajirkeena iyo iska warqabkeena sida laga dhadhansan karo hadaladeeda, habeenkaas aniga iyo Suleeqo waxaa na dhex martey sheeko aad u xiiso badan oo aad u dheer inkastoo sheekadeenu ay u badneyd sidii aan mar kale uga ilaalin lahayn inuu kala dhantaalmo xiriirkeena ama uu burburo ku yimaado sidii markii horeba dhacdey markaas ka diba u yimaado kala tag, waxaan diirada isla saarney habeenkaas oo aan isku af garaney in wixii horey u dhacay aan mar kale la isku soo hadal qaadin kaliya lagu dadaalo sidii horey loogu socon lahaa inta laga gaarayo yoolka aan mustaqbalka tiigsanayno, si fiican oo is afgarad leh ayay sheekadu noogu dhamaatey inkastoo aan waqti dambe ku gaarey hadana waxba uma arkeyn oo wax waliba waxaa iiga farxad badnaa Suleeqo oo aan mar kale gacanta ku soo dhigey, Aniga iyo Suleeqo waxaan isku af garaney in kulamadeena aan ka dhigano habeenka talaadada halkii markii hore uu ka ahaa habeenka jimcaha .
Jawi aad u wanaagsan oo is afgarad leh ayuu nogu dhamaadey kulankii u horeeyay labadeena Anigoo maqsuud iska ah ayaanu kala tagney, runtii habeenkaas ma jirin wax wel wel ah oo aan isu muujinay intii aan wada hadalka ku jirney wax waliba sidii la rabey ayay noogu dhamaadeen ka dibna anigoo aad u faraxsan ayaan ka soo dhaqaaqey gurigii suleeqo .
Laba habeen ka dib wixii dhacay iyo isbedelka soo kordhey ee farxada leh waxaan ku wargeliayay saaxiibkey Siciid Suleymaanisagana sidaan aniga ugu farxey ayuu isagana ugu farxey wuxuuna igula dardaarmey in aan dedejiyo guurka aan ka damacsanahay Suleeqo inta aan isu xiiso qabno maadaama la yiri geeso lo’aad kuleylka ayaa lagu gooyaa, taladii saaxiibkey aad ayaan ugu qancey waana uga mahad celiyay ka dibna wixii maalintaas ka dambeeyay waxaan bilaabay in aan u diyaar garoobo aql galka Suleeqo siyaad Cumar waxaan arintii la socodsiiyay hooyadey iyo xaaskayga Zam zam weyna soo dhaweeyeen qorshaha aan wato waxayna ii balan qaadeen in ay hiil iyo hooba ay ila garab taagnaan doonaa mar walba .
Muddo sadex bilood iyo maalmo ayay igu qaadtey in aan wax walba oo tashiilaad ah oo loo baahan yahay aan ku diyaarsado anigoo aan waxba la socodsiin Suleeqo, markii aan howlahaygii wada dhamaystityey kaliya ay iga dhiman tahay Suleeqo ayaan habeen habeenada ka mid aan ku wargeliyay qorshaha aan wato iyo waliba sida dhaqsaha leh ee aan u rabo in aan arinta ku soo afjaro, Suleeqo markiiba wey iga ogolaatey ka dibna waxaan hadalkii ula tagney anagoo wada jirna hooyo Ambiyo Sheekh iyadana wey nagu raacdey oo wax war ah nama gelin hadiiba anagoo heshiis ah aan u tagney, hooyo ambiyo markii ay nagu raacdey go’aankii aan ula tagney ayay bilowdey in ay noo duceyso waxay ilaahey nooga baridey in aan noqono kuwii isku waara abidkood ubad kheyr qabana kala hela aniga iyo suleeqo oo gacmaha kor u taagena ayaan AAMIIN ugu jawabney .
Wixii habeenkaas ka dambeeyay waxaan gudo galey in aan la xiriiro qoyska ay ka dhalatey Suleeqo si maalinta kama dambeysta ee xaflada arooskeena loo iclaamiyo nasiib wanaag habeenimo isniin ah ayay arintii soo dhamaatey waxaana la isku af gartey in laba Usbuuc ka dib laga dhigo xaflada Arooska .
Laba Usbuuc ka dib waxaa xaafada aan ku dhashay laga dhigay xaflad Aroos oo aad u heer sareysa waxaana ka soo qeyb galay dhamaan wixii asxaab aan laha oo dhan iyo dhamaan shaqaalihii aan shirkada xawilaada iskala shaqeyn jirney iyo marti shafaraf kale oo aad u fara badan habeen ay jimco soo galeyso ayaan nasiib u yelanay aniga iyo Suleeqo ilaahayna uu nagu garab galey in aan si wadajir ah ugu aqal galno magaalada Muqdisho gaar ahaan gurigii aan markii hore la deganaa Xaaskeyga ZamZam .
Zamzam raali ayay ka ahayd in aan Suleeqo la aqal galo kulana aqal galo qol aan ka fogeyn qolka ay degan tahay micnaha hal guri in aan wada dejiyo ayay raali iiga ahayd, Zamzam marna wax isbedel ah iima muuujin intii aan todobada ku jirey waxay ahayd horseedihii igu dhiiro geliyay in aan iyada iyo Suleeqo iyo Hooyadey hal guri isugu keento waxaa hubaal ah haddii aan iyada ogolaansho ka heli lahayn in aysan ii suurto geli lahayn arintan aan ku dhaqaaqey kheyr alaha siiyee Zamzam waxay taariikh aan la iloobayn ku reebtay laabteyda ka dib markii ay u dulqaadatey in ay hooyo ka noqoto guriga mas’uuliyada labada qoysna ay gacanta ku dhigto Suleeqo lafteeda raali ayay ka ahayd sida aan ula dhaqmey iyo xaaska labaad ee aan la soo dejiyay inkastoo dumarka qaarkii aan laga helayn arintan hadana Suleeqo markii ay ku soo biirtey qoyskeena waxay la soo baxdey baarinimo aanan horey uga baran, howshii guriga ayay la qabsatey iyada iyo zamzamna aad ayay isku fahmeen is fahamkoodana wuxuu farxad aad u weyn ku dhaliyay hoyadey oo heshay labo gabdhood oo baari ah oo habeen iyo maalin kor taagan, hooyadey habeen iyo maalin gacmaheeda kor ayay u taagnaayeen iyadoo dhamaanteen noogu duceyn jirtey inuu ilaahay na barakeeyo .
Baarinimada Zamzam iyo Suleeqo wuxuu muran aan dhamaaneyn ka dhex abuurey bulshadii aan la nooleyn qaasatan dadka deriska nala ahaa kuwaasoo mar walba muran ka dhigan jirey in ay isku qab qabsadaan waa la isla qabaa iyo la islama qabo waa Zamzam iyo Suleeqo bal maxaa ka galey .
Wixii waqtigaas ka dambeeyay nolol raaxo leh oo barwaaqo ah oo aan waligay ilaahay ka baryi jirey ayaan dhex galay ilaahayna waa ii nimceeyay mar walba oo aan indhaha ku dhufto Zamzam iyo Suleeqo oo adeeg isu diranaya howsha gurigana si hagar la’aan isula qabanaya iyagoo aan is fiireyn is ficleyn sankana aan isku taageyn intaan aad ugu farxo ayaan ilaahay u mahad naqi jirey kuna shukri jirey nimcooyinkiisa .
Dhamaad
20/12/2006
W/Q:- Abuukar Max’ed Jimcaale (Abmoji yare)
//////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////
NASABKII RASUULKA SCW
Sida la wada ogsoon yahay nasabka Rasuulka SCW ama abtirisiinyihiisu wuxuu galaa nabiyullaahi Ismaaciil oo uu dhalay nabi Ibraahim. Abtirsiinyada nabiga SCW waxay u qaybsantaa saddex qaybood: Qaybta u hooreysa marka nabiga SCW laga soo bilaabo waxay ku eg tahay ilaa Cadnaa, waana qayb culimada islaamka oo dhan ay isku waafaqsan tahay isla markaasna la hubo sixadeeda; Qaybta labaad oo iyaduna ka bilaabato Cadnaan waxay ku eg tahay ilaa nabi Ismaaciil, hase yeeshee waa qayb ay culimadu isku khilaafsan tahay sixadeeda in badan oo culimada ka mid ihina way ka gaabsadaan, qaar kalena way ka hadlaan; Qaybta saddexaad oo ka bilaabata nabi Ismaaciil ilaa laga gaaro nabi Aadan aad ayaay u adag tahay xaqiijinteeda iyo sixadeeda waxana wanaagsan in laga dhowrsada oo aan la dhex dabaalan.
Waxaan markaa soo qaadaneynaa qaybta ugu horreysa ee ay culimada islaamku isku waafaqsan yihiin dhabnimadeeda hadday noqon lahaayeen kuwii hore iyo kuwii dambeba, waxaana weeye sidatan:
Maxammed binu Cabdullahi binu Cabdimudhalib (Shaybah) binu Haashim (Camar) binu Cabdimanaaf (Muqiira) binu Qusayi (sayd) binu Kilaab binu Murra binu Kacab binu Nadar (Qays) binu Kinaana binu Khuseyma binu Mudrik (binu Ilyaas binu Mudar binu Nisaar binu Macad binu Cadnaa.
Rasuulka SCW jilibkiisa waxaa la oran jirey reer binu Haashim, waxaana loogu magac daray awoowgiisii labaad, Haashim binu Cabdimanaaf. Haashim wuxuu ahaa nin ka sheegganaa reer Makka, wuxuu waraabin jirey xujeyda oo uu aabbihiis Cabdimanaaf ka dhaxlay, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee jideeyey labadii safar ee suuratul Quraysh sheegtay oo ay qurayshtu u kala safri jirtay Shaam iyo Yamaan.
Haashim Wuxuu dhalay afar wiil oo kala ahaa: Asad, Abu Seyfi, Nadla' iyo Cabdimudhalib iyo shan gabdhood oo kala ahaa: Sharaf, Khaalida, Daciifa, Ruqiya iyo Junna. Waxaa sagaalkooda ugu yaraa Cabdimudhalib oo ahaa nibiga SCW awowgiis.
Cabdimudhalib siduu ku dhashay waxay ahayd aabbihiis Haashim ayaa Safar ugu kacay Shaam, wuxuuna sii maray Madiina oo uu ku guursaday kulana aqalgalay Salma bintu Camar. Haashim wuxuu sii watay safarkiisii Shaam. Markuu Shaam tegey ayuu xanuunsaday, muddo dabadeedna wuxuu ku geeriyooday magaalo la yiraahdo Qusa oo Falastiin ku taala. Salma, oo uur lahayd markuu Haashim tegey, waxay dhashay wiil ay u bixisay Sheyba. Haashim markuu dhintay waxa mas'uuliyaddii waraabinta xujeyda qaaday walaalkiis Mudhalib. Mudhalib markuu hawshaas muddo hayey ayuu Madiina aaday si uu u soo wado wiilkii uu walaalkiis Haashim ka tegey (Sheyba). Markuu Madiina yimid ayuu Salma ka codsaday inay wiilka ku darto hase yeeshee way u diidday, markaasuu ku yiri "waxaan u dhiibayaa hawshii aabbihiis iyo xaramkii Alle", sidaa ayeyna ugu dartay. Mudhalib markuu Makka ku soo noqday isagoo wiilkuu adeerka u ahaa wada, ayaa waxaa arkay dadkii Makka joogey markaasey wiilkii u maleeyeen addoon uu Mudhalib soo iibsaday sidaas darteed ayey wiilkii ku dheheen Cabdimudhalib (addoonkii Mudhalib), markaasuu mudhalib ku yiri "war hooggiinee, waa wiilkii walaalkay Haashim". Sidaas ayaa wiilkii Sheyba ahaa kula baxay naaneystaas Cabdimudhalib.
Cabdimudhalib wuxuu dhalay toban wiil iyo lix gabdhood, waxaana tobanka wiil lakalal oran jiray: Xaarith, Subayr, Abuu Dhaalib, Cadullahi, Safar, Cabbaas, Xamsa, abuu Lahab, Qiyidaaq, Muqawim. Lixda Gabdhoodna waxay kala ahaayeen: Safiya, Arwa, Ummu Xakiim, Bara'Caatika iyo Ummayma. Cabdimudhalib wuxuu noqday nin cajiib ah oo qureysh oo dhan ka tilmaaman, wuxuu noqday odeygii qureysheed sida lo ogsoon yahayna wuxuu leeyahay qisooyin caan ah oo kala duwan, halkanna aynaan ku soo wada koobi karin, waxaana ka mida ahaa Duullaankii Abraha iyo Qodiddii Samsamka, kuwaas oo isaga iyo qureyshba Ilaahay ugu gargaaray.
DUULLAANKII ABRAHA UU KU SOO QAADAY KACBADA
Abraha oo ahaa nin xabashi ah oo yaman wakiil uga ahaa boqorkii xabashida ayaa markuu arkay sida carabbi kacbada ugu xajineyso waxaa galay maseyr markaasuu magaalada Sanca ka dhisay kaniisad aad u weyn isagoo raba inuu carab ka jeediyo xajkii ay kacbada u xajin jireen.
Arrintii ayaa waxaa maqlay nin reer bani kinaana ah markaasuu kaniisaddii tegey oo qibladeedii wasakheeyey. Abraha markuu arrintaa ogaadey wuu ka xanaaqay wuxuuna go'aansaday inuu kacbadda dumiyo. Wuxuu soo kaxaystay ciidan gaadhaya 60,000 oo askari oo wata sagaal ama saddex iyo toban maroodi, maroodigii ugu weynaana isaga ayaa saarnaa. Abraha iyo ciidankiisii waxay soo socdaanba markay Makka ku soo dhow yihiin ayey geel Cabdimudhalib lahaa qabsadeen markaasaa Cabdimudhalib ergo ugu tegey isagoo doonaya in geeliisii loo soo daayo. Abraha wuxuu yiri: "kacbadiinnii ayaan duminayaa, adna geel baad dooneysaa!" Cabdimudhalib wuxuu ugu jawaabey: "geela anigaa leh, kacbadana Rabbi baa leh isagaan kaa difaacanaya" wuxu markaa Abraha yiri "haddii aydan ila dagaallamaynin Makka isaga baxa" qureyshna sidii ayey yeeshay, geeliina waa loo sii daayey Cabdimudhalib.
Ka dib markuu Abraha soo gaaray togga Xasar ee Musdalifa iyo Mina u dhexeeya ayaa maroodigii istaagey oo diiday inuu u dhaqaaqo dhinicii kacbada, marka dhinaca kale loo jeediyana waa ordayey. Xaaladdu markey muddo sidaa ahayd ayaa Ilaahay markii dambe u soo diray shimbiro mid walba waddo saddex dhagax oo ay ku kala waddo afka iyo labada lugood. Ninkii uu dhagaxaasi ku dhacana wuu googo'ayey oo wuu dhimanayey. Dhagaxaantii dadkii dhammantood kuma wada dhicin ee waxay ku dhacday intuu Rabbi u qaddaray, intii kalena waa carareen iyagoo isjiiraya. Ninkii Abraha ahaa isagoo naf xumi ku jirto ayuu tegey Sanca oo uu ku dhintay. Qureysh oo markii ciidanku yimid buuraha ku kala carartay, markeey Abraha iyo ciidankiisii waxa qabsaday arkeen ayey guryohoodii ku soo laabteen. Qisadan waxaa ka warrantay suuratul-Fiil waxayna dhacday sannadkii uu Rasuulku SCW dhashay. waxaana loo bixiyay sannadkaas; sannadkii maroodiga (Caamul fiil).
QODIDDII SAMSAMKA IYO NADARKII ABDI MUDHALIB
Maalin ayaa Cabdimudhalib oo hurda manaam loogu yimid lana amray inuu faago ceelka samsamka oo muddo hore duugmay, meel uu ahaana aan la garanayn. Manaamkii ayuu ku weydiiyey meeshuu ceelku ahaa waana loo sheegay. Goortuu hurdadii ka kacay ayuu meeshii tegey isaga oo uu la socdo wiilkiisii Xaarith oo uu markaas carruur ka qabay wuuna qoday. Markii ceelkii la helay ayaa qureysh kula doodday oo tiri: "Cabdimudhalibow waa ceelkii aabahayo Ismaaciil waxaana ku leenahay xaq ee aan kula wadaagsano." Hase yeeshee Cabdimudhalib wuu ka diidey arrinkaa oo wuxuu yiri: "mayeelayo arrinkaan aniga ayaa la igu khaas yeelay". Muddo markii la dooday oo arrinkii lagu kala bixi waayey ayaa la go'aansaday in loo xukun tago habar wax sheegsheegta. Habartii ayaa la wada aaday. Goortii meel cidla ah oo dhexe la marayo ayaa Cabdimudhalib iyo nimankii jifadiisa ahaa, ee reer Cabdimanaf, biyihii ka go'een markaasey raggii kale ee qureysh oo la socday weyddiisteen, hase ahaatee wey u diideen iyagoo ka baqaya in ay dhammaantood oon u wada dhintaan.
Cabdimudhalib markuu arkay xaaladdu meeshay marayso iyo inay halis ku jiraan, meesha ay marayaanna ay tahay saxaraa wax ka dhowna uusan jirin, ayuu ku yiri raggii jifadiisa ahaa "nin walba qabrigiisa ha qoto hana dul fariisto, hadba kii dhintana waa aasaynaa". Sidii ayey yeeleen laakiin markay muddo joogeen ayaa Cabdimudhalib yiri "ma wanaagsana inaan meeshan iska fadhino ee aan soconno". Markuu hashiisii fuulay oo ay dhaqaaqday ayaa biyo ka soo burqadeen meeshay lugta ka qaadday, biyihii ayuu cabbay dhammaan raggii qureysh ee la socdeyna wuu ugu yeeray. Markay kulligood cabbeen, weelashiina ka buuxsadeen ayey Cabdimudhalib ku yiraahdeen" Ilaah baan ku dhaarannaye arrinkii waa laguu xukumay, dib dambana Samsamka kugula doodi mayno, Ilaahii meeshaan saxaraha ah biyaha kaa siiyey yaa Samsamkana ku siiyey ee u noqo waraabbintaadii, waxba habar u tegi maynee".
Markaa ayuuu Cabdimudhalib wuxuu ku nadray in haddii Ilaahay toban wiil siiyo oo ay wada hona qaadaan uu midkod Kacbada agteeda Alle darti ugu gowraco, halkaas ayaa markaas dib looga soo laabtay, meeshii markii hore loo socday.
Cabdimudhalib markii Ilaahay tobankii wiil siiyey oo ay wada hanaaqaadeen ayuu isugu yeeray oo u sheegay nadarkiisii, markay ku wada raalli noqdeenna sanamkii Huda ahaa ayuu ag geeyey una qori tuuray tobankoodii markaasaa waxaa soo baxay qorigii Cabdullaahi oo ahaa wiilkii uu carruurtiisa ugu jeclaa, Cabdimudhalib middi ayuu soo qaatey, wiilkiina gacanta ayuu soo qabsaday oo kacbada dhinaceeda la aaday si uu u gowraco hase yeeshee qureysh ayaa wiilkii ku dhegtay oo u diiday inuu gowraco siiba abtiyaashiis reer bani makhsuum, Cabdimudhalib wuxuu yiri sidee baan nadarkaygii yeelayaa, markaasay kula taliyeen inuu aado habar wax sheegta. Habartii markuu u tegey ayey ku tidhi "magtiinnu waa meeqa?" markaasuu ugu jawaabay "toban halaad", ka dib ayey tidhi "toban halaad iyo isaga u qori tuur, haddii ay tobanka halaad soo baxaan gowrac, hadduu isagu soo baxana geelii kordhi oo toban kale ku dar. Ka dib sidaa geela u kordhi oo hadba toban ku dar ilaa uu geelu soo baxo oo Rabbigiis ka raalli noqdo". Cabdimudhalib waa soo laabtay wuxuuna u qori tuuray toban halaad iyo wiilkii hase yeeshee waxaa qorituurkii ku dhacay Cabdullaahi, ka dib geelii ayuu hadba toban ku darayey qorituurkuna ku dhacayeye Cabdullaahi illaa uu gaadhsiiyey boqol geel ah oo qori tuurkiina ku dhacay geelii. Ka dib Cabdmudhalib wuxuu gowracay boqolkii geela ahaa.
Markaa wixii ka dambeeyey magtii qureysheed ee tobanka geelo ah ahayd waxaa noqotay boqol geel ah, islaamkuna markuu yimid boqolkii ayuu u sugay, oo uddaayey, Rasuulka SCW wuxuu yiri: "Anigu waxaan ahay ina labo gowrac" oo uu ula jeedo nebi Ismaaciil iyo aabbihiis Cabdullaahi.
Waxaa aan qisadaan iyo kuwa la midka ahba ka fahmeynaa sida qureyshu ahaayeen dad diin lahaa hase ahaatee shirki iyo inxiraaf galay, arrimo badanna waxay ku dhaameen dad badan oo maanta islaamka u nasab sheeganaya. Arrimahaas oo aannaan halkan ku koobi karin oo u baahan in iyaga kaliya qoraal ama baaritaan laga sameeyo waxaa tusaale inoogu filan sida markay dhib ku timaaddo ay Ilaahay keliya u baryi jireen ama siday ballanta u ilaalin jireen ammaanadana u xifdin jireen, beentana uga xishoon jireen, nadarkana u oofin jireen. Waxaana xaqiiqa ah in dad badan oo maanta islaamnimo sheegnaya aanan arrimahaas oo dhan laga wada helaynin aysanna nadar oofintiis u gowracayn ilmohooda ama boqol geel ah.
Cabdullaahi, oo sidaan soo sheegnayba ahaa nebiga aabbihiis, waxaa hooyadiis la odhan jirey Faadumo bintu Caa'id binu Cimraan binu Makhsuum. Cabdullaahi wuxuu guursaday Aamino bintu Wahab binu Cabdimanaaf binu Suhra bin Kilaab, waxayna isku dhisteen magaalada Makka, muddo yar ka dibna, Aamino oo uur leh, ayaa Cabdullaahi arrin u baxay oo aadey Madiina, halkaas oo uu ku geeriyoodey. Da'diisu waxay markaas ahayd 25 sano.
DHALASHADII & BARBAARINTII RASUULKA SCW
Wuxuu Rasuulka SCW dhashay sannadkii Caamul-fiil, maalin Isniin ah oo bisha Rabbiicul-awal ahayd laba iyo toban, 53 sano hijrada ka hor. Markuu dhashay waxay hooyadiis u cid dirtay awaawgiis Cabdimudhalib oo ay ugu bishaareyneysey dhalashada Nabiga SCW, Cabdimudhalib waa uu bishaareystey wuxuuna tegey kacbada oo uu Alle ku baryey wuuna ku shukriyey, Rasuulka SCW wuxuu u dooray magaca Maxammed oo ahaa magaca aan carabtu la bixi jirin, wuxuu guday maalinkii toddobaad. Waxaa kale oo la yiraahdaa wuxuu dhashay asaga oo gudan.
Waxaa Rasuulka SCW nuujisey dhowr maalmood Suweyda oo ahayd jaariyaddii Abii-lahab markaas ka horna adeerkiis Xamsa nuujisey hase yeeshee intii badnayd waxaa Rasuulka SCW nuujisey Xaliima binti abi-du'ayd (Xaliimatul sacdiay) oo uu qabay Xaarith binu Cabdul-cusaa oo kunyadiisa la odhan jirey Abi-kabshe, kunyadaas oo mararka qaarkood ay qureyshi Rasuulka ku magacaabi jireen ayna dhihi jireen ina Abi-kabshah. Habka ay ku nuujisey Xaliimo, waxaa jirtey caado ay carabtu lahaayeeen oo ahayd iney dumarku ka imaan jireen baadiyaha oo ay soo aadi jireen magaalooyinka si ay uga qaataan carruur ay nuujiyaan oo ay ujro (xoolo ama lacag) ku helaan, Xaliimo waxay tidhi: "Annagoo dumar badan ah ayaa magaalada Makka soo aadnay si aan carruur uga qaadanno, markaasaa loo bandhigay dumarkii oo dhan iney qaadaan wiilkan agoonka ah hase yeeshee dhammaantood wey diideen waxayna dheheen: "Maxaa ku samayneynaa inanka agoonka ah". Dumarkii oo dhan waxay heleen carruur markaas ayey Xaliimo ku tidhi ninkeedii: "Wiilkaan agoonka ah ayaan qaadayaa", isagiina wuu ka yeelay. Isla markiiba dameerkeedii socon waayey awal ayaa dameerradii kale oo dumarku wateen ka dheereeyey ilaa ay dumarkii Xaliimo ku yidhaahdeen: "noo tartiibi". Xaliimo naaseheediina caano ayey yeesheen, xoolihiina waa u darareen ilaa dadkii la degganaa ay la yaabeen barwaaqadaas oo ku yiraahdeen xoolo raacadoodii: "soo daajiya xoolaha meesha ay xoolo raacyada Ina Abi-Du'ayd daajiyaan.
Ka dib markay Xaliimo labo sano soo nuujisey Nabiga SCW ayey u soo celisey hooyadiis laakiin waxay ka codsatay iney sii hasyo, hooyadiis Aaminana way ka yeeshey, sidaa ayeyna ku ceshatay mar labaad. Ka dib Rasuulka SCW markuu afar ama shan sano jirey isagoo weli la jira Xaliimo ayaa maalin isagoo wiilal la ciyaaraya ayaa waxaa u yimid Jibriil markaasuu qabtay oo legday oo intuu qalbigiisa jeexay ka soo bixiyey cad yar markaasuu ku yiri: "tani waa dheeftii sheydaanku kugu lahaa", ka dib intuu dhaqay yuu meeshii ku celiyey. Wiilashii la joogey ayaa iyagoo ordaya u yimid reerkii oo ku yiri: "Maxammed waa la dilay", markaasey u yimaadeen isagoo miyir doorsoon, markii uu miyirsadayna waxaa uu u sheegay qisadii, markaasey reerkii go'aansadeen iney hooyadiis u celiyaan, weyna u celiyeen.
Ka dib Nabiga SCW hooyadiis ayuu la noolaa illaa lix sano ka gaarey markii uu lix sano jirey ayaa hooyadiis aaddey Madiina si ay u soo booqato qabriga ninkeedii Cabdullaahi iyadoo ay la socdaan soddogeed Cabdimudhalib jaariyaddeedii Ummu-ayman iyo Nabiga SCW. Bil ayey soo joogeen Madiina ka dibna dhammaantood wey soo laabteen hase yeeshee markii dhexda la marayo ayey Nabiga SCW hooyadiis xanuunsatay ka dibna wey geeriyootey, waxaana lagu xabaalay meel la yiraahdo Abwaa oo Makka iyo Madiina u dhexaysa. Halkaas ayuu Nabigu SCW ku noqday agoon iyo rajayba, waxaana kafaala qaaday awowgiis Cabdimudhalib oo aad u jeclaa una dhaqaaleyn jirey. Hase yeeshee labo sano ka dib markii uu Nabiga SCW siddeed sano jirey ayuu awowgiisna geeriyoodey, wuxuuna markuu dhimanayey kala dardaarmay Abii-dhaalib oo ahaa Nabiga SCW adeerkiis. Ka dib waxaa Nabiga SCW kafaala qaadey adeerkiis Abii-dhaalib oo uu la joogey ilaa uu ka hanaqaaday.
QISADII BAXIIRA
Markuu Rasuulka SCW 12 sano jirey ayaa adeerkiis Abii-dhaalib iyo rag kale oo qureysh ka mid ah ay safar ugu kicitimeen dhinaca Shaam, wuxuu markaa Rasuulku scw ka codsadey adeerkiis inuu raaco, adeerkiisna waa uu ka yeelay. Dabadeed markuu safarkii baxay waxaa uu sii maray meel la yiraahdo Busra oo ay safarrada qureysheed ee Shaam u socda sii mari jireen uuna degganaa nin raahib (suufi) ahaa oo Baxiira la oran jiray heystayna diinta masiixiga, cilmina u lahaa waxyaalihii uu ilaahay ku sheegay Tawreet iyo Injiil.
Ninkaas raahibka ah safarrada qureysheed waa ag mari jireen danna kama geli jirin; laakiin maanta waxaa uu arkay calaamooyin ku saabsan wiilkan yar oo safarka la socda, calaamooyinkaas oo kutubtii hore lagu sheegay, markaas ayuu ninkii martiqaad u sameeyey safarkii oo dhan. Waa ay la yaabeen waxayna yiraahdeen "weligayo waannu ku ag mari jirney martiqaadna nooma aadan samyn jirin ee maanta maxaa jira?", wuxuu ku yiri waa sax laakiin marti baad tihiine imaada. Markii ay u yimaadeen wuxuu yiri "Ma cid baad ka soo tagteen?", waxay ku jawaabeen yar ayaannu rarkii uga soo tagnay. Baxiira ujeeddadiisu waxay ay ahayd wiilka yar markaasu ku yiri "u yeera gabanka".
Markii la qadeeyey ayuu Baxiira su'aal weyddiiyey Abii-dhaalib oo uu ku yiri "wiilkan mxaad u tahay"? wuxuuna ugu jawaabey "Aabbe ayaan u ahay". Baxiira waxa uu yiri "suurogal maaha in wiilkan aabbihiis nool yahay ee maxaad u tahay?". Abii-dhaalib waxaa uu yiri "Adeer baan u ahay", intaa ka dib Baxiira wiilkii ayuu gees ula baxay wuxuuna weyddiiyey su'aalo, ugu dambeyntiina wuxuu ka arkay khaatumkii nebinimda oo nabiga scw garbihiisa dhexdooda ku yaalley.
Baxiira wuxuu ku yiri Abii-dhaalib "wiilkani arrin weyn ayuu yeelan doonaa, waxa aan anigu ka fahmeyna haddey nimanka yahuudda ihi ka fahmaan waa ay dilayaan ee ku celi magaaladiisii kana ilaali yahuudda", Abii-dhaalib markii uu alaabtiisii soo gateyba si degdeg ah ayuu ugu soo rogmaday Makka. Markaas ka dib waxaa uu Rasuulku SCW Makka ka baxay hal mar oo kale illaa hijrada laga gaarey. Rasuulka SCW markuu soo barbaaray waxa uu bilaabey inuu buuraha Makka ariga ku ilaaliyo.
GUURKII KHADIIJA
Markuu Rasuulka SCW 25 sano gaaray wuxuu guursaday Khadiija bintu Khuweydlad. Khadiijo waxay ahayd qof maalqabeen ah quruxna leh oo ka sheegganayd haweenkii qureysheed, waxayna da'deedu ahayd markaas 40 sano. Ka hor waxay soo guursatay nin ay laba carruur ah u soo dhashay. Khadiijo maalkeeda ayay hadba qof u dhiibi jirtey si uu ugu tijaareeyo waxayna wax ka siin jirtey faa'iidada. Waxay maqashay Maxammed binu Cabdullahi scw runtiisa, dabeecaddiisa wanaagsan iyo ammaanadiisa oo Makka oo dhan caan ka ahayd oo loogu magac daray loona bixiyey Maxammed Aammiin. Markaas ayey u yeertay Nabiga SCW una soo badhigtay inuu xoolaheeda maanta u tijaaro geeyo. Rasuulka SCW waa uu ka yeelay oo tijaaradii ayuu qaaday, waxayna ku dartay wiil u joogey oo la yiraahdo Maysara.
Nabiga SCW iyo Maysara waxay xoolihii u qaadeen Shaam halkaas oo uu Nebiga SCW ku soo iibiyey xoolihii uu kexeeyey isla markaasna wuxuu soo gaday wixii Makka looga baahnaa. Faa'iido aad u badan ayuu Nebiga SCW Khadiijo u soo hooyey taasoo u keentay kalsooni dheeraad ah iyo in ay aragtay ammaanadii iyo akhlaaqdii Rasuulka SCW.
Maysara wuxuu u sheegay Khadiijo waxyaabo mucjiso ah oo uu Nebiga SCW ku arkay, sidaa daraadeed Khadiijo markay ka aragtay Nebiga SCW arrimahaas iyo waxa la midka ah, waxay Rasuulka SCW u soo bandhigtay iney is guursadaan. Rasuulka SCW wuxuu la soo tashaday adeerradii wayna ka aqbaleen weyna u dooneen oo labadii eheyl ayaa isku yimid, halkaas ayaana Rasuulka SCW loogu meheriyey Khadiijo.
Khadiijo, oo uu Nebiga SCW qabay ilaa uu 50 sano dhaafay, waxay Nebiga SCW u dhashay carruurtiisa oo dhan marka laga reebo Ibraahim oo ay dhashay Maariyatul Qibdhiya. Waxayna Nabiga carruurtiisu ahaayeen saddex wiil oo la kala oren jirey: Ibrahim, Qaasim iyo Cabdullaahi (oo la oran jirey Dhayib iyo Daahir) iyo afar gabdhood oo la kala oran jirey: Seynab, Ruqiyo, Ummu-khalthum iyo Fadumo. Saddexda wiil wey saqiireen hase yeeshee gabdhihii way hanaqaadeen oo islaamka ayey la kulmeen weyna wada islaameen.
Gabdhaha waxaa loo kala guursaday sidatan: Seynab waxaa guursaday Abil Caas; Ruqiya iyo Ummu-kalthum waxaa kala guursaday laba wiil oo Abii lahab oo Nebiga SCW adeerkiis ahaa uu dhalay. Ninkaas oo Rasuulka SCW aad u dhibay caqabadna ku noqday dadkii iney islaamka qaataan ayaa markay soo degtay suuratu lahab wuxuu, Abii lahab u yeedhay labadiisii wiil wuxuuna ku yiri: "u fura Maxammed labadiisa gabdhood" wayna fureen ka dibna waxaa labadii gabdhood iska daba guursaday Cismaan binu Cafaan oo ay labadiiba k dhinteen; Faadumo waxaa iyada guursaday Cali bin Abii Dhaalib oo ahaa Nabiga scw ina adeerkiis.
Nebiga SCW carruurtiisa oo dhan way ka wada hor dhinteen Faadumo oo lix bilood ka dambeysey maahane, waxaana carruurtiisa ugu waynaa Qaasim, waxaa ku xigtay Seynab, waxaa ku xigtay Ruqiya, waxaa ku xigtay Umu-kalthum, waxaa ku xigay cabdullaahi oo ugu yaraa bah khadiija. Rasuulka scw carruurtiisu waxa ay dhasheen Naginimada ka hor Cabdullaahi iyo Ibraahim maahane, Cabdullaahi waa la isku khilaafaa in uu nabinimada ka hor dhashay iyo in uu ka dib dhashay, waxaase loo badan yahay in uu Nabinimada kadib dhashay. Ibraahim isagu wuxuu ku dhashay madiina sannadkii 8aad ee hijriga waxaana dhashay maariyatul qibdhiya saan soo tilmaanayba.
DHISITAANKII KACBADA
Sida la sheego waxaa la yidhaahdaa kacbada waxaa dhisay malaa'ig ama Nebi Aadam laakiin Qur'aanka iyo axaaddiista midna kama hadlin arrinkaas, sidaa darteed waxaa xaqiiqo ah oo Qur'aanka iyo axaaaddiistuba sheegeen in Nabi Ibraahiim iyo wiilkiisa Nabi Ismaaciil ay dhiseen. Waqtigii qureysheed, Nebiga oo 35 sano jira ah ayey qureysh waxay dheheen kacbadii maaddaama ay duugowday waa in aan dhisnaa oo aan maal u ururinaa, waxayna isku dhaarsadeen in aysan kacbada ku dhisin illaa wax xalaal ah maahane iyo in aysan gelin naag saaniyad ah xoolaheeda iyo xoolo Riba ah iyo wax qof bani aadam ah laga dulmiyey.
Nimankii qureysheed markii ay kacbada dhisaayeen waxaa ka go'ay xoolihii xalaasha ahaa ee ay haysteen sidaa daraaddeed waa ay ka soo soka mariyeen kacbada dhismihii Nabi Ibraahim labada tiir ee Shaam xigay. Markii ay dhismihii dhammeeyeen ayey isku khilaafeen ciddii xajarul-aswadka booskiisii dhigi lahayd maxaa yeelay qabiil walba wuxuu rabay inuu isagu magaca qaato.
Markuu arrinku qir iyo qir daadhey ayey waxay go'aansadeen qofka ugu horreeya ee albaabkaas ka soo galaa inuu kala saaro. Nasiib wanaag qofkii ugu horreeyey ee albaabkii ka soo glay wuxuu noqday Nabiga SCW markaas bay ku farxeen oo waxay dheheen waa Max'ed Aammiin kulligayo raalli baan ka nahay. Arrinkii bay Nagiba SCW u sheegeen markaas buu wuxu yir: "ii keena go", markii go'ii loo keenay buu yiri: "qabiil walba nin ha keeno" markii qabiil kasta nin keenay ayuu dhagaxii go'ii ku dhex riday nin walbana uu dhinac qabtay, markii meeshii la gaarsiyeyna intuu kor u qaaday ayuu saaray.
Arrintaan oo kale meelaha ay qureyshtu ku dhaantey dad badan oo maanta islaam u nasab sheeganaya maxaa yeelay qureyshi waxay garatay in cibaadada Alle iyo beytkiisa aan lagu dhisin xoolo xaaraam ah laakiin in badan oo muslimiin ahi waxaa laga yaabaa ineysan taas fahmin oo cibaadada ilaahay ay xaaraam u adeegsadaan, wax badan oo khayr ahna ay xaaraam geliyaan sida masaajiddada iwm.
Sidoo kale Ilaah way rumeysnaayeen, sida marka la yidhaahdo yaa abuuray cirka iyo dhulka, idinkana yaa idin irsaaqa, roobkana yaa keena waxay dhihi jireen "Allaah". Asnaamtana waa ay ogaayeen in aysan Ilaahyo ahayn laakiin waxay u sameeyeen suurado dad wanwanaagsan sida Nabi Ibraahiim iyo Nabi Ismaciil waxayna dhihi jireen Ilaah baannu ugu dhowaaneynaa, sida maantaba dadka u yiraahdaan awliyada Ilaah baannu ugu dhawaaneynaa. Sidoo kale markay ku safraan badda oo dhibi ku timaaddo Ilaahay ayey baryi jireen, laakiin maanta dad muslimiin sheeganaya ayaa hadday dhibi ku timaaddo awliyada keliya baryaya ama Ilaah iyo awliyada amaba Ilaah iyo Nabiga SCW.
SOO DIRITAANKII RASUULKA SCW
Markii ugu horreysey ee Rasuulka uu waxyiga ku bilaabanayey waxaa lagu bilaabay riyo wanaagsan oo hurddada ugu imaaneysey oo u cad sida oogga waabberi oo kale. Riyaadaas waxay socotey muddo lix bilood ah Rasuulku SCW wuxuu jecleystey inuu meel gaar ah ku cibaadeysto wuxuuna tegi jirey god la yiraahdo Qaaru Xiraa oo ku yaalley buurta Nuur oo Makka laba mayl u jirta, halkaas oo uu soo joogi jirey habeeenno intuu sahaydiisa (cuntaddiisa)
qaato, waxaa uu Rasuulka SCW ku cibaadeysan jirey iney diintii Nabi Ibraahiim aheyd iyo in kale ma kala cadda, laakiinse waxaa cad in shirkigii iyo asnaamtii taalley Khaliijul-carab uu ilaahay ka dhowray uuna nacay.
Wuxuu Nagiba SCW hadba sahaydiisa qaato oo uu godkaas ku khalweeyaba, maalinkii dambe ayaa Malag u yimid wuxuuna ku yiri: "akhri", markaasuu Nabigu SCW ku yiri: "wax ma akhriyo", ka dib intuu qabtey oo majuujiyey ayuu mar labaad yiri: "akhri" Nabiguna wuxuu yiri: "wax ma akhriyo", mar saddexaad intuu qabtey ayuu yiri: "ku akhri magaca Rabbigaagii abuuray (koonka), akhri Rabbigaana waa kan sharafta lehe, oo baray (dadka) qalimka, dadkana baray waxaysan ogeyn). (Suuratul-Calaaq 1-5) Markaasuu Rasuulku ka daba akhriyey, intaa ka dibna malagii waa uu tegey.
Rasuulku SCW isagoo naxsan oo wadnihiisu boodboodayo ayuu gurigiisii yimid markaasuu ku yiri xaaskiisii Khadiija: "I deda I deda" iyana wy dedday ilaa uu argagaxii ka tegey, markii naxdintii ka ba'day ayuu qisadii u sheegay Khadiija kuna yiri: "naftayda ayaan maanta u baqay" markaasay tiri: "ilaah baan ku dhaartaye Alle ku hoojin maayo weligaa mxaa yeelay martidana waad soortaa, xaqana waad u kaalmaysaa", markaa ka dib ayey Khadiijo wadday Rasuulka SCW waxayna u tageen Waraqata ibnu Nawfal oo ahaa Khadiijo ina adeerkeed, diintii Nebi Ciisena haystey ahaana nin oday ah oo aad u da'weyn oo indho la'kuna turjumi jiray kitaabka Injiil luuqadda Carabbiga. Markay u tegeen ayaa Khadiijo tiri: "ina adeer bal dhegayso wiilka aad adeerka u tahay", Waraqa wuxuu Nabiga ku yiri: "maxaad aragtay?" markaasuu Rasuulku SCW u sheegay qisadii. Waraqa markuu qisadii dhegaystey ayuu fahmay arrintii wuxuuna yiri: "kaa kuu yimid waa kheyr wadihii Nabi Muuse u imaan jirey" wuxuuna intaa sii raaciyey "shallaytadeydee maan noolaado marka qoomkaagu ku bixinayo".
Rasuulka SCW waxa uu la yaabay wanaagga iyo jaceylka uu dadkiisa dhexdiisa ku leeyahay iyo hadalkan ah Makka ayaa laga saari doonaa, markaasuu yiri: "oo ma i bixinayaan", Warqaa wuxuu yiri: "Haa, qof lama imaan waxa aad la timid ilaa waa lala colleytamay, haddii aan maalinkaa gaarana waan kuu gargaari" hase yeeshee Waraqa markaa ka dib muddo badan ma sii noolaan, waxyigiina waa is raacraacay. Ka dib Rasuulka SCW waxyigii muddo ayuu ka kala go'ay si argagaxu uga tago, debadeed wuxuu yiri Rasuulka SCW: "anigoo soconaya ayaan samada markaan arkay malaggii Qaaru Xiraa iigu yimid oo kursi ku fadhiya samada iyo dhulka dhexdooda markaasaan ka argagaxay ilaa aan dhulka ku dhacay.
Ka dib reerkaygii ayaan u tagay oo ku iri: "I dede i deda" markaasay i dedeen. Alle ayaa markaa soo dejiyey aayadahan: "(NABIGA) IS DADAYOW, KAC OO DIG RABBIGAANA WAYNEE, DHARKAAGAN DAAHIRI, WAXA XUNNA KA HIJROOD" (sida asnaamta) (Suurat Al-Mudathir)
HABABKII UU WAXYIGU UGU IMAAN JIRAY RASUULKA SCW
wuxuu waxyigu ugu imaan jiray Rasuulka SCW toddoba nooc oo kala ahaa sidatan:
1) Riyo wanaagsan oo hurdada ugu imaanaysay, taasoo u caddayd sida oogga waabberi waana tii waxyigu ugu bilaabmay.
2) Arrimo uu malaggu qalbigiisa ku rido isagoon malagii arag.
3) Malagga ayaa nin isugu soo matali jiray oo la hadli jiray ilaa ay mararka qaarkood asxaabtu ka arkeen.
4) Waxyiga ayaa ugu imaan jiray sida qaylada gambaleelka waxayna taasi ahayd habka ugu daran Rasuulka SCW ee waxyiga ugu imaan jiray oo wuu dhididi jiray.
5) Malagga ayaa ugu imaan jiray suuraddiisii Alle abuuray oo u waxyoon jiray, waxayna arrintaani dhacday labo jeer sida ay tilmaantay suuratu Wannajmi.
6) Alle ayaa uga waxyooday samawaadka dushooda sida habeenkii la dheelmiyey ee salaadaha lagu soo farad yeelay Alle ayaa toos ula hadlay siduu Nabi Muuse ula hadlay.
DADKII DIINTA UGU SOO HORREEYEY
Rasuuka SCW markii Allaah subxaanahu wataacaalaa soosaaraymas'uuliyaddaa weynanka badan oo ah mid qof bini aadan ah la saaro tii ugu cusleyd una baahan juhdi, dadaal iyo sabir, waxa uu bilaabay u qumitaankeedii isagoo ka bilaabaya meeshii laga soo direy ee Makka oo ahayd xaruntii diinta ee carbeed, kacbadiina ay ku taalley dadkii ku noolaana ahaayeen dad aad uga fog xaqa iyo islaamka. Wuxuu markaa Rasuulku SCW markii ugu horreysey dacwadii ku bilaabay si qarsoodi ah maxaa yeelay waxa dhici kari lahayd haddii uu markii u horreysey kala dhex kici lahaa inay dhib u keeni lahayd dacwada, sidaa dareeed Allaha Xakiimka ah ayaa ku ilhaamiyey Rasuulkiisa inuu bilowgii dacwada qarsoodi u guto, waxayna dacwadu sidaa ku soo socotey saddex sano.
Ugu horreyntii wuxuu Rasuulku dacwada ka bilaabay ehelkiis (gurigiisa), qaraabadiis iyo saaxiibbadiis intii ugu kheyrka badneyd ee uu wanaagga ku yaqaanney isna lahaa wey ajiibayaan xaqa. Waxaa dacwadii ajiibey oo noqday dadkii ugu horreeyey ee islaamka qaatay xaaskiisii Khadiijo bintu Khuweylad, saaxiibkiis Abubakar alsidiiq, mowlihiisii Seyd binu Xaarith iyo ina adeerkiis Cali binu Abii-dhaalib oo wiil yar ahaa.
Ka dib Abubakar alsiddiiq oo ahaa nin magac iyo sharaf ka leh Makka dhexdeeda, ahaana nin ganacsade ah ayaa markuu xaqa qaatey waxa uu sameeyey habkii lagu yaqiin qofka daaciga ah oo ahayd inuu markuuu xaqa qaato uu naftiisa ku tadbiiqiyo dabadeedna dadka kale u gudbiyo, wuxuu markaa Abuubakar dacwadii gaarsiiyey qaar ka mid ahaa saaxiibbadiisii uu ku kalsoonaa, waxaana isla markiiba dacwadiisii ku islaamay shan saxaabi oo Ilaahay diintiisa ku ciseeyey kana mid ahaa tobankii jannada loogu bishaareeyey, waxayna kala ahaayeen:
1. Cusmaan Binu Cafaan 2. Subyr binu Cawaama 3. Cabdiraxmaan binu Cawf 4. Sacad binu abii waqaas 5. Dalxa binu Cubeydillah
Ka dib waxaa ku soo xigsaday oo soo islaamay Bilaal binu Rabaaxa, Abuu Cubeyda Caamir ibnu Jarraax, Abuu Salama binu Cabdilasa, Arqaam ibnu abii Arqam, Cusmaan binu Madcuum iyo laba walaalihiis ah Quddaama iyo Cabdullaahi, Cubeyda binu Xaarith binu Mudhalib, Siciid binu Seyd iyo xaasikiisii Faadumo bintu Khadaab (Cumar binu Khadhaab walaalishiis), Khabaab ibnul-arat, Cabdullaahi binu Mascuud iyo kuwo kale waxaa uuna ibnu Haashim gaarsiiyey illaa 40 qof. Intaasoo dhan waxay ahaayeen dadkii islaamka ugu horreeyey, dabadeedna qof ayaa loo soo gelayey ilaa uu islaamkii magaaladii Makka ku fidey o lagu sheekeystey.
Odeyaashii qureysheed markii ay maqleen arrinkaas dan kama gelin oo waxay iska dhaadhiciyeen in Maxammed raacay diin ka mid ah diimihii jirey sidii markaa ka horba ay niman qureysh ka mid ahi u raaceen diimihii kale, laakin markay maqleen in dad badani Nabi Maxammed raaceen, maalin walbana ay sii siyaadayaan ayay baraarugeen hase yeeshee tallaabo weyn ma aysan qaadin saddexdii sano ee dacwadu qarsoodiga ahayd.
MUUJINTII DIINTA & DIGITAANKII RASUULKA SCW
Waxay dacwadii islaamku qarsoodi ku socotaba markii saddex sano la marayo ayaa Allaah Rasuulkiisa SCW amray inuu dacwadiisa muujiyo ummaddana uga digo cadaabka Alle waxaana ka mid ahaa aayadihii soo degay waqtigaas aayaddan.
Wuxuu Allah SW yiri: (U DIG QARAABADAADA KUU SII DHAW). (Suuratu-Shucaraa:214).
Rasuulka SCW markay aayaddani soo degtay wuxuu fuulay buurta Safa wuxuuna yiri: "Waa saabaxaa (waa wareey)", markaas ayaa dadki Makka joogay oo dhan ay soo yaaceen oo meeshii yimaadeen qofkii imaan kari waayeyna qof ayuu soo dirsaday oo ku yiri: "soo eeg wuxuu yahay". Markii meeshii la iskugu yimid ayuu Rasuulka SCW yiri: "ka warrama haddaan idin iraahdo toggaan fardo duullaan idinku ah ayaa soo maraya ma rumaynaysaan", markaasey dheheen "haa been kuguma aannaan baran", markaasuu yiri Rasuulka SCW "waxaan idinkaga digayaa cadaab daran oo idinka horreeya", Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu u yeeray qabiil walba oo qureysh ka mid ah illaa uu ka soo gaarey qabiilkiisii oo uu isna reer ugu sii dhawaaqay ilaa uu kasoo gaaray gabadhiisii Faadumo ahayd oo uu ku yiri "faaduma bintu Maxammedey naftaada ka badbaadi naar anigu Allaah ayaan ku dhaartaye inaanan Alle waxba kaaga tarayn". Sidoo kale muslim waxa uu wariyay in markii ay aayaddaani soo dagtay uu Rasuulku si guud iyo si khaas ahba ugu yeeray (quraysh) wuxuuna yiri qurayshey ka badbaadiya naftiina naar reer baniii kacabow ka badbaadiya naftiina naar. Arrintaas dadkii qureysheed way ka caraysiisey waxayna kicisey buuq magaaladii oo dhanna waa la isla dhex maray. Adeerkiis Abii-lahab oo ka mid ahaa dadkii meesha isugu yimid wuxuu Rasuulka SCW ku yiri: "halaag ha kuu sugnaado maalinta inta ka hartaye ma waxaan baad noo soo kulmisay". Allaah ayaa u jawabey oo ku soo dejiyey Suuratu Tabbad.Wuxuuna Allaah ugu bishaareeyey ninkaas iyo xaaskiisa cadaab daran maxaa yeelay Alle iyo Rasuulkiisa iyo dintiisa ayey la colleytameen. Ka dib Allaah wuxuu soo dejiyey aayadan.
Wuxuu Allaah SW yiri: (Muuji waxa lagu amrayo, Isagana jeedso Mushrikiinta). (Suuratul-Xijri:94)
Aayaddan waxa uu Allaah Rasuulka ku amray inuu muujiyo xaqa, gaaladana ka jeesto, Rasuulkuna SCW waa uu u qumay meel walbana waxa uu ka caddeeyey shirkiga iyo khuraafaadka ay ku jiraan iyo xumaatada ay asnamtu leedahay iyo iney Allah keliya waxidaan oo Ilaahnim u qiraan.
Odeyaashii qureysheed markey arkeen Maxammed SCW iyo diinta cusub ee uu la yimid iyo inuu khilaafay diintoodii iyo ilaahyadoodii kuna sheegay iney yihiin baadi ayeye olole qaadeen si ay dacwadaas iyo nuurkaas Alle u damin lahaayeen, baaddilka iyo xumaatada ay ku jiraanna u difaaci lahaayeen. Odeyaashii qureysheed tallaabooyinkii ay qaadeen waxaa ka mid ahaa in qaar ka mid ah ay u tageen Abii-dhaalib kuna dheheen "Abii-dhaaliboy, wiilka aad adeerka u tahay ilaahyadadii ayuu caayey, diintayadiina wuu ceebeeyey, waxgaradkayagiina wuxuu ka dhigey maangaab, aabbayaashayona wuu baadiyeeyey, marka ama naga qabo ama isku kaaya daa, adiguna annagaad nala mabda' tahay oo waad is khilaafsan tihiin makra aan kaa kaafino'. Abii-dhaalib wuxuu ugu jawaabay hadal jilicsan", odeyaashina wa laabteen.
Rasuulku SCW isagu waxaas uma jixinjixin dhegna jalaq uma siin wuxuuna gudayey dacwadiisii, maxaa yeelay cid aan Ilaahey aheyn oo uu maqlayaa ma jirto meel walbuuna xaqii kala istaagey. Odeyaashii qureysheed markii ay arkeen in tallaabadii hore ay waxba ku socon waayeen uuna soo dhowaadey waqtigii xajka, waxay bilaabeeen tallaabo kale waxayna isugu yimaadeen shir ay uga hortegayeen Nabiyullaah Maxammed SCW inuusan dacwada gaarsiin dadkaas tirada badan ee xajka u imaanaya waxayna u tageen nin duqowdoodii ka mid ah o la oran jirey Waliid ibnu Muqiira inuu keeno arrinkii Maxammed dadka looga ceyrin lahaa. Waliid wuxuu yiri: "hal arrin isku raaca hana is khilaafinina si aan qarkiin qaarka kale u beenin, si aysan dadku idiin fahmin, maxaa yeelay hadday qaarkiin dhahaan waa saaxir, qaarna dhahaan waa waalan yahay dadku way idin fahmayaan", markaasey dheheen adigu noo go'aami (middii aan isku raaci lahayn) wuxuu yiri: "bal idinku wax keena waan idin dhegaysanayaaye", odeyaashii ayaa warkii bilaabey oo yiri: "waa wax sheege (kaahin)", Waliid wuxuu yir: "Ilaah baan kudhaartaye ma aha kaahin, waana naqaannaa kuhannada iyo wax sheeggooda", waxay dheheen aan dhahno waa waalan yahay" wuxuu yiri "ma waalna, waana naqaannaa waallida iyo isku dhexyaaceeda" waxay dheheen aan dhahno waa saaxir" wuxuu yiri "ma aha saaxir, waana naqaannaa sixirleyda iyo sixirkooda", waxay dheheen aan dhahno waa gabyaa" wuxuu yiri "maaha gabyaa, waana naqaanna gabayga qeybihiisa oo dhan", waxay dheheen "maxaan marka dhahnaa", wuxuu yiri "hadalkiisu waa macaan yahay, wax kastoo aad tiraahdaanna wa la fahmeyaa inaaan waxba ka jirin ee bal muddo i siiya waan k a soo fekerayaaye', muddadii ka dib ayuu soo laabtay wuxuna yiri "saaxir baa ugu whow", taas ayaa markaas la go'aansaday oo la isku raacey. Ninkaas fekerkiisaasna waxa ka hadashey Suuratul-mudathir laga bilaabo aayaddaa 11 ilaa 30.
Ka dib markii go'aankii Waliid la isku raacey waxay bilaabeen sidii ay ku dhaqan gelin lahaayeen waxayna isku qeybiyeen waddooyinkii Makka soo gelayeye si qof walba oo soo mara ay ugu digaan arrinta uu wata Nabiga SCW iyagoo ku sheegaya saaxir. Sidoo kale waxay ka hadlayeen meelihii ay dadka xujeda ihi isugu imaanayey. Dadkii arrimahas aadka uga qeyb qaateyna waxaa ka mid ahaa Abii-lahab oo Nabiga scw adeerkiis ahaa wuxuuna samaynayey ninkaasi intuu Nebiga SCW daba galo ayuu cid kastoo Nabiga SCW u tago oo xaqa gaarsiiyo isagoo ka daba hadlaya ku lahaa "ha u rumeynina waa beenlowe, diintiisii buu ka iishee", qureyshna jidadkii Makka iyo meel walba intey tagaan ayey lahayeen 'iska jira waa saaxir dadkii kala geeyaye" laakiin arrintoodaasi waxay noqotay dacwo oo dad badan oo aan ogeyn Nabi Maxammed SCW dacwada uu wato ayaa ogaadey, cidohoodiina gaarsiiyey Nabiga cusub oo soo baxay.
Qureysh weli ma gaarin iney gacan ula tagaan Nabiga SCWiyo dadkii raacsanaa laakiin waxay ku jireen dacaayad iyo jeesjees iyo in dadka lagu diro oo la yiraahdo iska jira. Sidoo kale waxay mararka qaarkood Rasuulka SCW u soo bandhigayeen fikrado ay ku leeyihiin Ilaahaaga iyo diintaada qaar ka soo tanaasul oo ka soo dabac annaguna qaar baan ka tanaasuleynaaye. Waxay kaloo sameynayeen iney Rasuulka SCW rag u soo diraan oo dhahaan "haddaad madaxtinnimo rabto madax baan kaa dhiganeynaa, haddaad maal rabto waan kuu ururineynaa ilaa aad noqoto kan noogu taajirsan, haddaad jirran tahay maalkayaga ayaannu kugu bixineynaa ilaa aad ka caafimaaddo, haddaad gabar rabto gabdhaha qureysheed tan ugu quruxda badan ayaannu ku siineynaa" hase yeeshee arrimahaas oo dhan lagama yeelin. Ka dib markey arkeen in Nabiyullaahi Maxammed SCW diintiisa iyo dacwadiisa marna ka tanaasuleyn, shirkigooda iyo khuraafaadkoodana uusan ka aamuseyn ayey waxay aad u kordhiyeen dacaayadohoodii kala duwanaa maxaa yeelay Rasuulka SCW gacan ulama aysan tegi karin oo Abii-dhaalib ayey uga baqaayeen. Dacaayadohoodu waxay u qeybsanaayeen dhowr qeybood oo kala ahaa: 1) Rasuulka oo ay ku jeesjeesaan, xaqiraan, caayaan, ku oriyaan, wax kastana dhahaan. Arrimahaasna Allah isagoo tilmaamaya wuxuu ku soo dejiyey aayado kala duwan, waxaana ka mid ah:
((WAXAY DHEHEEN KAN QUR'AANKA LAGU SOO DAJINAYOW ADIGU WAAD WAALAN TAHAY)), (Suuratul-Xijir:6)
Sidoo kale Allaah isagoo inooga warramaya markay muslimiinta ku jeesjeesayaan wuxuu yir:
((KUWII DAMBAABAY WAXA AY AHAAYEEN KUWA KU QOSLA KUWII XAQA RUMEEYEY, HADDAY SOO MARAANA WAY IS QANJARUUFAN JIREEN, MARKAY EHELKOODA U LAABTAANA WAXAY AY LAABAN JIREEN IYAGOO (MUSLKIMIINTA) KU RAAXAYSANAYA, MARKAY MUMINIINTA ARKAANA WAXAY DHAHAAN WAA BAADIYEYSAN YIHIIN, LOOMANA DIRIN IYAGA IN AY (MUSLIMIINTA) ILAALIYAAN))
2. Waxaa ka mid ahaa dacaayadihii iyo been abuurashadii ay Rasuulka iyo qur'aanka ka fidin jireen iney dhahaan "waa been uu abuurtey ama dad kale ayaa soo baray" arrintaasna Allaah oo tilmaamaya wuxuu yiri:
3. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dacaayadihii ay qur'aanka iyo Rasuulka SCW kula dagaallami jireen iyagoo raba iney dadka u tusiyaan inuu Nabigu SCW wato sheekooyinkii ummadihii hore laga soo guuriyey in nin la oran jirey Nadir binu Xaarith uu aadey Faaris uuna soo bartey taariikhdii boqorradii Faaris ka dibna uu Makka ku soo laabtey, wuxuuna ninkaaas samayn jirey markii Rasuulka SCW meel ka istaago oo dadka dacwada gaarsiyo ayuu ka daba hadli jirey oo keeni jirey sheekooyinkaas dhihina jirey "Maxammed igama sheeko qurxoona".
Qureysh markey arkeen ineysan nooc walba oo dacaayad iyo xumaan ah waxba ku qaadi karin ayey waxay bilaabeen wada hadallo ay rabaan iney isugu soo dhowaadaan iyaga iyo Nabiga SCW oo isna xoogaa soo dabco iskana daayo diinta uu ku adag yahay iyana iiney tooda ka soo dabcaan oo meel dhexe la isugu yimaaddo waxna la wada qeybsado. Hase yeeshee Allaah subxaanahu watacaalaa oo had iyo jeer Rasuulka SCW tarbiyeynayey ayaa soo dejiyey aayado uu ku tilmaamayo inaan xaqa iyo baadilku wax wada qeybsan karin iyo inaan xaqu marna tanaasul oggoleyn.
Wuxuu yiri Allaah: ((WAXAAD DHAHDAA GAALOOY, MA CAABUDAYO WAXAAD CAABUDAYSAAN, IDINNA MA CAABUDAYSAAN CIDDA AAN CAABUDAYO, MANA CAABUDIN WAXAAD CAABUDEEN, IDINKUNA MA CAABUDAYSAAN CIDDAAN CAABUDAYO, DIINTIINAAD LEEDIHIIN ANNA DIINTAYDAAN LEEYAHAY)), (Suuratul-Kaafiruun).
Sidoo kale waxaa ka mid ahaa waxyaalahay Rasuulka SCW u soo bandhigi jireen oo ay rabeen in la isugu soo dhowaado in qaar odeyaashoodii ka mid ahaa ay Rasuulka SCWu soo jeediyeen in ilaahiisana sannad la caabudo, kuwoodana sannad la caabudo hase yeeshee Allaah ayaa soo dejiyey jawaabtii loogu jawaabi lahaa ehlu-baadilka.
Wuxuuna yiri: ((WAXAY JECELYIHIIN IN AAD U SOO DABACDO OO AY SOO DABCAAN)), (Suuratu-Qalam: 9)
Qureyshi markii intaas oo tallaabo ah ay waxba ku qaadi waayeen; dacwadii islaamkuna ay dhowr sano soo socotey, dadkii raacayeyna ay marba marka ka dambeysa sii siyaadayeen, ayey waxay saareen guddi ka kooban 25 nin oo ka mid ahaa odeyaashii qureysheed waxayna madax uga dhigeen Abii-lahab, waxayna u xilsaareen iney soo dejiyaan wixii Maxammed iyo asxaabtiisa lagula dhaqmi lahaa. Abii-lahab iyo ragiisii waxay soo go'aamiyeen in dadka Maxammed raacey gacan loola tago oo la ciqaabo. Dhibkii gacanta ayaana halkaas ka bilaabmay oo aad ayaa dhib loogu geystey Nabiga SCW iyo asxaabtiisa haba u sii darnaadeen dadkii masaakiinta ahaa ee qabiilka yar ka dhashay ama addoomada ahaa ee Nabiga raacay sida Bilaal, Suheyb iyo reer aala Yuusir iwm. Nabiga SCW isaga dhib badan oo loo geysan lahaa waxaa looga baqayeey adeerkiis Abii-dhaalib iyo shacabka laftooda oo uu sumcad weyn ku lahaa oo qof walba ka xishoonayey inuu gacan ula tago, hasa yeeshee sidaas oo ay tahay haddana dhib wayn ayaa ku dhacayey.
Dadkii dhibka Nabiga SCW ugu darnaa waxaa ka mid ahaa adeerkiis Abii-lahab oo aan soo marnay dadka kulmiyey Rasuulka SCW inuuku yiri "halaag ha kuu sugnaadee ma waxan baad noo soo kulmisey". Sidoo kale laba wiil oo uu Abii-lahab dhalay lana kala oran jirey Cutba iyo Cuteybaa waxay kala qabeen laba gabdhood oo Nabiga SCW uu dhalay kuwaas oo kala ahaa Ruqiya iyo Ummu-kalthum sidaan soo sheegnayba Abii-lahab oo Nabiga SCW ku colaadinaya wuxuu amray labadiisii wiil inay gabdhaha Rasuulka scw furaan, iyaguna way ka yeeleen. Waxaa kale oo ay siiradu werisey in markuu dhintey wiilkii Nabiga SCW ee Cabdullaahi ahaa uu Abii-lahab u tegay odeyaal qureysheed oo meel fadhiya kuna yiri: "bishaareysta Maxammed wiilkii ayaa ka dhintey oo waa abtar (gablan)". Dhibkaas Abii-lahab keligiis ma maamuli jirin ee reerkiisa oo dhan ayaa ka qeyb qaadan jirey oo sida la ogsoon yahay haweentii Abii-lahab oo la oran jirey Ummu Jamiil binu Xarbin waxay ahayd mid qodxaha dhigta dariiqa Rasuulka SCW isla markaasna aflagaaddo u geysata Nabiga SCW. Ummu Jamiil waxa ahayd haeen aad u carrab dheer oo dhib badan, markii ay soo degtay suuratu Lahab oo ilaahay iyada iyo ninkeeda cadaab ugu bishaareeyay, dhagax ayaey soo qaadatey waxayna u timid Rasuulka SCW iyo Abuubakar oo kacbada wada fadhiya iyadoo rabta iney dhagaxa Rasuulka SCW ku dhufato. Hase yeeshee Ilaahay wuu ka indha saabay Rasuulka SCW oo Abuubakar keliya ayey indheheedu qabteen markaas ayey ku tiri: "meeyey Maxammed waatuu hadda kula fadhiyaye, waana maqlay inuu i caayey ee haddaan arki lahaa dhagaxan ayaan ku dhufan lahaa", intaas keliya kuma harine waxay tirisay gabay yar oo leedahay "Mudamamaan waan caasinney amarkiisana waan diidney diintiisana waan nacney". mudamaman waxay ula jeeday Maxammed oo ay si khalad ah ugu dhawaaqaysay Allaah ayaana ka dhawray magaca Rasuulka caydeedii; Rasuulka SCW isagoo ka hadlaya sida Alle uga dhawray cayda nacaladda qureysh waxay caayayaan oo nacaladayaan mudamam maxamed ayaan ahay.
Sidoo kale dadkii Rasuulka aad u dhibi jirey waxaa ka mid ahaa Xakam ibnu Abil-Caas, Cuqba ibnu abii Muceydh, Cadiyyi ibnu Xamraa iyo kuwo kale. Dadkaasi waxay Rasuulka SCW ku dhibi jireen xitaa gurigiisa; maxaa yeelay qaar ka mid ah ayaa Rasuulka SCW deris la ahaa. Ibnu Isxaaq wuxuu weriyey Xakam ibnu Abil-Caas maahane intoodii kale inaan midna ka islaamin. waxaana ugu xumaa Cuqba ibnu Muceydh.
Waxa uu Bukhaari ka werirey Cabdullaahi ibnu Mascuud in maalin odeyaashii qureysh oo Abii Jahal madax u yahay kacbdana fadhiya ay arkeen Nabiga SCW oo kacbada ku tukanaya. Markaasay dheheen "yaa noo keenaya mandheerta geela reer hebel oo Maxammed markuu sujuudo dhabarka ka saaraya", waxaa si halhaleel ah u boodey Cuqba ibnu abii Muceydh, mandheertii ayuu keenay markaasuu sugey ilaa uu Rasuulka SCW ka sujuuday. Markuu Rasuulku SCW wejiga dhulka la helya ayuu garbaha ka saarey mandheertii. Abii-jahal iyo raggiisii markey arkeen qosol ayey iskula daateen, Rasuulkuna SCW sujuuddiisii ayuu iska sii watay. Cabdullaahi ibnu Mascuud wuxuu yiri: "arrinkaas waan u jeeday hase yeeshee far ma dhaqaajin karin", sidaa darteed waxaa timid Nabiga SCW gabadhiisii Faadumo oo k qaadday mandheertii iyagiina cayday. Rasuulka SCW markuu salaaddii dhammaystey ayuu Ilaahay baryey oo yiri saddex jeer "Allow qureysh qabo", dabadeedna mid mid ayuu u magacaabay raggii goobta joogay yiri: "Allow qabo Abii-Jahal. Cutba ibnu abii Rabbiica, Sheyba ibnu abii Rabbiica, Waliid ibnu Cutba, Ummaya binu Khalaf, Cuqba ibnu abii Muceydh", markaasey naxeen maxaa yeelay waxay rumeysnaayeeen ducada xaramku ay mustajaabo tahay. Cabdullaahi ibnu Mascuud wuxuu yiri "waxay ahaayeen toddoba, waxaana arkay toddobadoodii oo goobtii Badar la dhigay oo lagu guray ceelkii lagu gurayey meydkii gaalada", Cuqba ibnu Abii Muceydh (oo asna ka mid ahaa dadkii bader lagu qafaashey oo dhex lagu dilay) maahane. Sidoo kale waxaa Muslim weriyey in maalin Abuu-Jahal dadkii ku yiri "weli ma dhexdiinnaa Maxammed wejigiisa ciidda ku camcaminayaa" markaasey dheheen "haa", wuxuu yir "Laata iyo Cussa ayaan ku dhaartaye haddaan arko isagoo wejiga dhlka ku camcaminaya inaan qoorta uga istaagayaa oo wejigiisa si fiican u booreynayaa". Maalin dambe ayuu markaa arkay Nabiga SCW oo kutanaya, markaasuu ku soo dhaqaaqay si uu go'aankiisii u fuliyo, markuu ku dhaqaaqay ayaa dadkii arkeen isagoo gadaal gadaal u soo bodey oo gacmaha taagaya. Markaasay dheheen: "maxaa kugu dhacay", wuxuu yiri "god naar ah ayaa dhexdayada ka samaysmay". Nabiga SCW markii arrintaa la weydiiyey wuxuu yiri "haddii uu ii soo dhowaan lahaa malaa'igta yaa xubin xubin u kala dafi lahayd".
Allaahna isagoo ninkaas ficilkiisa tilmaamaya waxa uu qur'aankiisa ku yiri: ((ARRINKU SAAS MA AHANE DADKU (GAALADU) WAA XAD GUDBEEN, MARKUU ISKU ARKAY (GAALKANI) QANINIMO, RABBIGAA XAGIISAASE LOO NOQON, KA WARRAN MIDKA KA REEBAYA ADDOON (RABBIGIIS) U TUKANAYA, KA WARRAN HADDUU HANUUN KU SUGAN YAHAY (KAN LAGA REEBAYO) AMA UU AMRAYO TAQWO, KA WARRAN HADDUU (KAN WAX REEBAYAA UU ALLE) BEENIYEY OO KA JEESTAY (XAQII), MA WUUXAN OGAYN IN ALLE ARKAYO)), (Suuratul-Calaaq: 6-14)
Ka dib Abii-Jahal waxa uu yimid Rasuulka SCWwuxuuna ku yiri: "ma waanan kaa reebin arrinkaan? markaasaa Rasuulka SCW si adag ula hadlay isagan dhaqaaqay markaasuu Abii-Jahal ku yiri Nabiga: "waad ogtahay inaysan jirin cid iga gurmad badan: Allaah ayaa ninkaas u jawaabay waxa uuna qur'aankiisa ku yir:
((ARRINKU SAAS MA AHANE HADDUUUSAN JOOGIN WAXAANNU QABAN FOODDA, FOOD BEENTEEY AH OO GAF BADAN, HA U YEERTO (MARKAAS) GARGAARIHIISA, WAXAANUNA (UGU) YEERIN MALAA'IKTA SABAANIYA, ARRINKU SAAS MA AHANE HE MAQLIN (RABBIGAANA U) SUJUUD UNA DHAWOW)), (Suuratul-Claaq: 15-19).
Rasuulka SCW markii ay quraysh beenisay oo ay aad ula colaytantay si xunna ula dhaqantay Ayuu Ilaahay uga baryay in uu abaar ku rido wuxuuna yiri: "Allahayow iigu kaalmee in toddoba (sano oo abaar ah) oo toddobadii (nabi) Yuusuf oo kale ah ay dushooda ahaato: Alle waa uu ka aqbalay Nabigiisa baryadii wuxuuna quraysh ku riday abaar, markii abaartii haleeshay oo ay hal sano hasyay oo ay cirkii waxaan qiic iyo hunri ahayn ka waayeen aadna u rafaadeen ilaa ay bakhtiga ayo hargaha ka cuneen, ayaa Abii Sufyaan Rasuulka SCW u yimid oo ku yiri: "waxaad amraysaa hoggaansamidda Alle iyo in riximka la xiriiriyo, tolkaana way halaagsamayaan marka Alle u bar". Waxayna sheegeen (Quraysh) in haddii Alle ka qaado (abaarta) ay mu'miniiin noqonayaan markaasaa Rasuulka SCW Alle u baryey Allena waa ka aqbalay oo Quraysh dhibkii waa ka feydey, hase yeeshee kufrigoodii iyo gaalnimadoodii ayey sii wateen, ballantiina way ka baxeen. Allen isagoo arrinkaas tilmaamaya waxa uu yiri:
((SUG MAALINTA CIRKA LA IMAAN QIIQ CAD, OO DABOOLAYA DADKA KAASOO AH CADAAB DARAN, (WAXAY DHEHEEN) RABBIYOW NAGA FAYD CADAABKA WAXAAN NAHAY MUMINIINE, GOORMAY WAANTOOBIN, WAXA U YIMID RASUUL AY (RASUULNIMADIISU) CADDAHAY, MARKAASAY KA JEESTEEN ISAGII AYNA DHEHEEN WAA WAX LABBARE WAALAN)), (Suuratu-Dukhaan: 10-14).
///////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////////
|