photo

                                                                                

 

Copyright ® 2008 Dankahadal.com

 

 

 

                                                         Contact us:-    shiine@dankahadal.com

 
 
www.worldofkisses.com

 
 

  • matchmakingside.
    www.match.com
  • Free Personals Chat
    Find Your Soul Mate Or Network With Friends On Paltalk. Chat For Free!
    Paltalk.com

 
 

 

 

Meet Muslims For Marriage
Thousands of Muslims Online Now Create Your Profile. Meet Someone.
 

  • Marry Muslim Girl
    Meet Muslim girls & women. Chat, dating & marriage. Join free now.
     
  • Muslim Matrimonials
    Find The Perfect One This Season. View Free Profiles This Valentine's
     
  • Women Seeking Older Men
    Post your profile free! Let young beautiful Cali women write you
     
     
  • Love, friendship, romance
    Give yourself a chance to find your luck. Lonely attractive singles.

     

  • Ukrainian girls
    Elected Ukrainian girls for long term relationship and marriage!
     
  • Filipinas look for love
    Pretty girls from Philippines look for serious relation worldwide

     

  • Nolosha Cusub
    Ma doonaysa nabadqab iyo khayr? Warka wanaagsan ma maqashay?
    noloshacusub.net
  •  
  • Open XML supports the features that businesses demand.
    openxmlcommunity.org/
  •  
  • Call Somalia
    Watch Rebtel double your money pay $10, get $20 to call with!

     

    Nolosha Cusub

    Intee laga hela magangal? Yaa inoo siin karaa nabaaddiino?
    noloshacusub.net
  • AYAAN DARAN

     

    Qeybtii 6aad

     Asli markii ay indhaha kala qaaday ayay ogaatay in wixii ay aragtay ay riyo waqti lumis ah ahayd. Xilligaas waxa la joogay kowdii duhurnimo, labada duhurnimana Cambaro iyo Aw Jaamac oo ahaa waalidkii Asli ayaa sida ay caadadu ahayd qado u soo qaadayey, Asli waxay ka werweraysay waalidkeedu marka ay yimaadaan qaybta daawooyinka in loo sheegi doono in halkan la keenay, markaasna ay wax waliba fashilmi doonaan.

    "Alla abbahay isagaa is dilaaya, ama aniguu i dilayaa haddii uu i ogaado inaan uur leeyahay!! Alleylehe waa in aan cararo oo Cusbitaalka ka dhuunto" Ayay Asli ku fakareysay.

    Aw Jaamac iyo Cambaro sidii caadada u ahaan jirtay duhur walba waxay isu soo raaci jireen Cusbitaalka si ay u booqdaan Asli oo labadooda indhood ay ka jeclaayeen. Markii la gaadhay waqtigii qadada ayaa waxa shaqadii ka yimid Aw Jaamac oo lalaadinaya Bac Xabxab iyo Liin Macaan ku jiraan, dabadeedna wuxuu yidhi "Anigu galabta iskaa wax u qabso ayaan u noqonayaa Asli u geeya qadada, khudaartana u miira aad ayay u anfacaysaaye, iguna salaan una sheeg in aan caawa oo dhan aan la joogi doono iyo in aan akhbaar iyo hadiyad uga hayo walaalkeed Cali-Ammuur".

    Aw Jaamac markii qadadii uu afka ka qaaday buu jaanta rogay, wuxuuna tagay xaafadda Wadajir oo uu ka socday dhismaha Dugisyada Waxbarashada Khasabka ah. Cambaro kama ay dambayn waxa badan Aw Jaamac waxayna u soo ambabaxday Cusbitaalka Digfeer.

    Cambaro iyo Kuusey ayaa iyagoo faraxsan oo qoslaaya soo galay qaybtii daawooyinka ee Cusbitaalka Digfeer wax yar ka dibna waxay Cambaro dalaq tidhi qolkii ay ku ogeyd Asli, hase yeeshee markii ay aragtay sariirtii Asli oo haweeney kale ku huruddo, Ayay is moodsiisay oo ay la noqotay in ay marin habowday oo qolkii gaftay, hase yeeshee intii aanay dib uga noqon ayay waxay garatay Muslimo oo madaxa la soo kacday in muddo ahna jiiftey sariirtii Asli ku dhegganeyd, Cambaro dib ayey isla qolkii ugu noqotay markii ay Muslimo xaggeeda u dhaqaaqeysayna waxay ka il buuxsatay dadka qolka jiifay oo badh garatay.

    Cambaro oo yaabban ayaa Muslimo ku tidhi "Walaal iska warran! Meeday Asli, maxaa ku dhacay, inaan qolkii gafay ayaan mooday oo anoo dib u noqon raba ayaan ku arkay".

    Markii Muslimo u hollatay oo damacday inay Cambaro u sheegto Asli iyo wixii ku dhacay, ayaa waxaa si lama filaan ah u soo gashay Kalkaaliso Cadar oo intay Cambaro gacanta qabatay ku tidhi "Eeddo … Asli waxaa loo beddeley qaybta naga korreysa, qolka 25ad ee orod u tag". Intii aanay Cambaro ka bixin qaybtii daawada ayaa Muslimo ka daba timid una sheegtay in Asli Uur ku soo baxay awgeed loogu beddelay qaybta haweenka.

    Cambaro ereygaasi wuxuu uga dhignaa falaadh sumaysan oo wadnaha ka abaartay, waxaana ka dhacay jeegii caanaha ahaa oo ay gacanta ku haysay, waxa qooyey dhidid hadalkiina wuu ka soo bixi waayay.

    "Alla goblamayeey!! Alla goblamayeey!!! In ay ii saqirirto ayaa la ii qaatay", Cambaro oo ku barooraneysa ayaa intay Kuusay gacanta soo qabatay ku tidhi "Naa intaad cuntada haweenka jirran u kala qaybisid ina keen gurigey ayaa ba’aye"!!!

    Shanqadhii alaabtii iyo baroortii Cambaro ayaa laga maqlay qaybihii u dhowaa oo dhan, waxaana dadkii ku soo xoomay goobtii oo buuq ka bilaabmay. "Gabadheedii ayaa uur ku soo baxay, maxay u ceshen wayday iyo ma gabdhaha waqtigan jooga ayaa haddii aanay iyagu is dhowrin la celin karaa", muran ah ayaa dhinac kasta ka yeedhay.

    Cambaro oo aad moodeysid in wadkeedii loo soo sheegayayaa u soo luuday albaabka cusbitaalka oo ay durbadiiba Tagsi ka raacday. Kuusay markii ay aragtay in Cambaro ka tagtay ayay dib u soo noqotay, waxayna u tagtay Asli oo markii ay Kuusay aragtay naxdin la soo boodday.

    -Iska warran yaa kula socda?

    -=Habaryar Cambaro ayaa ila socotay.

    -Oo meeday?

    -Albaabka ayey ka noqotay iyadoo barooraneysa ayayna Tagsi raacday.

    Asli warkaas wuxuu ku gilgilay leebkii hore ugu tagnaa, waxay cusbooneysiisay urugadii iyo ilmadii, waxayna iyadoo hinraageysa tidhi, "Alla see ayaan yeelaa Hooyo iyo Aabo wey ogaadeen, bal yaa u sheegay!!!".

    Kuusay oo samiirsiin iyo dejin ula jeedda kana naxsan jirrabka haysta Asli ayaa ku adkeysay in ay dulqaadato iyadoo ku tidhi "Dhibayaatada kugu dhacday sanooyin bey kaa weyn tahay, sidii Alla ka dhigo Ayayna noqon".

    Cambaro oo meeshii laga saraa aysan dhiig lahayn oo Ilmadu ka dhammaatay, ayaa gurigi soo gashay iyadoo tagsiilihii keenay u garabka hayo, wuxuna Suuban oo reer Aw Jaamac ay deris ahaayeen u sheegay in Cambaro besteed tahay una baahan in sariirteedii la jiifiyo si ay u nasato.

    Suuban ayaan markii ay aragtay diifta ka muuqata Cambaro waxay u qaadatay in Asli ay sakaraad tahay ama geeriyootay, markaasay iyadoo qudheedu naxsan intay ku soo dhawaatay ku tidhi: "Walaal Cambaro maxaa kugu dhacay.. xaggee laga hayaa, Asli ka warran, maxaa dhacay"!! "Alla iyadoo dhimataa la ii qaatay .. Alla ilaahow ceebtayda astur"ayaa Cambaro ku celcelisay, waxayna ugu dambeystii u sheegtay Suuban in Asli uur laba bilood iyo badh ah ku soo baxay

    Lasoco qeybta Xigta  Insha'allah

     

    Waxaa qoray: Dr. C / laahi Sheekh Xuseen

    (Hanti-Wadaag)


    Xafiiska Arimaha Bulshada dankahadal

      Bergen Norway

     shiine@dankahadal.com