Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo kuxigeenkiisa oo isku Khilaafsan xiliga doorashada Madaxtinimo
Khilaaf xoog leh ayaa soo kala dhex galay Maamulka Galmudug, kaasoo ku saleysan mudada xilka uu heynayo Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin, kaasoo xubnaha Baarlamaanka ay sheegeen inuu idlaaday.
Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Galmudug Cowke C/raxmaan ayaa sheegay in mudada xilka uu heynayo Madaxweynaha Galmudug ay ku egtahay sanadka soo socda ee 2013.
Mr Cowke ayaa sheegay in markii uu xilka qabanayay Madaxweyne Caalin sanadkii 2010, uu dastuurka u yaala uu dhigayay inuu saddex sano xilka heynayo,
"Wuxuu dhigayay Dastuurka noo yaala in Madaxweynuhu saddex sano uu xilka sii heyn karo, markii tanaasul uu sameeyay madaxweynihii hore, xilkana uu la wareegay, taas ayaana go'aanku ahaa"ayuu yiri Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Galmudug.
Laakiin qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inuu dhamaaday waqtigii Madaxweynaha, isla markaana ay dhici doonto doorasho.
Xiisadaha siyaasadeed ee ka bilowday Maamulka Galmudug ayaa salka ku haya mudada xilka Madaxweynaha oo sida la sheegay sii dhamaaneyso.
Musharaxiin uu ka mid yahay Cabdi Qeybdiid ayaa doonaya inay isu soo taagaan Madaxweynenimada Maamulka Galmudug