Al Shabaab oo weerar bambaano ku qaaday goobaha gobolka Gedo ay kaga sugan yihiin Ciidamada Kenya
Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in deegaan lagu magacaabo Al-wiila ee hoostaga dagnada Garbahaareey ciidamada Kenya ee ku sugan lagu qaaday weerar loo adeegsaday bambaanooyin iyo miinooyin dhulka lagu aasay.
Macadda qasaaraha weerarkaasi ka soo gaaray ciidamada Kenya ee ku sugan dagmada Garbahaarey, hase ahaatee saraakiil ka tirsan dowladda ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada Kenya weerarka kadib ay rasaas dhinacyada u ridayeren taasi oo aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Dhinaca kale dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemayaa dagmada Buurdhuubo ee isla gobolkaasi halkaasi oo laga soo sheegayo in ciidamada Ethiopia ay taangiyo la soo galeen, waxaana wararku ay intaasi raacinayaan in ciidamadii Al Shabaab ee ku sugnaa halkaasi iyana ay bilaabeen in boholo waaweyn ay wadooyinka ka qodaan.
Saraakiil ka tirsan dowlada waxa ay sheegayaan in ciidamada Ethiopia ay doonayaan in ay u gudbaan dagmada Garbahaarey oo ay isku hayaan ciidamada Kenya iyo Shabaab, inkastoo aan la’ogayn sida uu ku dambeyn doono jawiga goobaha iminka ay xiisadaha dagaal ka taagan yihiin.
Xafiiska Wararka dankahadal
Bergen Norway
shiine@dankahadal.com
AMA-dankahadalcom@hotmail.com