Copyright ® 2008 Dankahadal.com

                                                                                                              

                                                        

                      Contact Us:-    shiine@dankahadal.com

Laba ka Mid ah Ciidamadii uu hogaaminayay Amxed Madoobe oo isu soo dhiibay Maamulka Al Shabbab Ee G/Jubbooyinka

 

Maamulka xarakada alshabaab ee degmada Kismaayo ee xarunta wilayada gobbalada jubbooyinka ayaa waxa uu sheegay in ciidamo horay uga ka tirsanaa Ciidamadii uu hogaaminaayay Axmed Maxamed Islam(Axmed Madoobe) ay isku soo dhiibeen maamulkooda.

Gudoomiyaha degmada Kismaayo Sheikh Xasan Yacqub Cali, ayaa waxa uu sheegay in 2 askari oo ka tirsanaa ciidamadii uu hogaaminaayay Axmed Maxmed (Madoobe’) ay isu soo dhiibeen maamulka degmada Kismaayo, waxaana ay ciidamadani ahaayeen kuwii dagaalka kula jiray wilaayada jubbooyinka.

Guddoomiya degmada Kismayo Sheikh Xasan Yacquub Cali ayaa waxa uu sidoo kale sheegay inay jiraan ciidamo kale inay maalmaha soo socdo ay isku soo dhiibi doonaan mamulka xarakada al shabbab ee jubooyinka.
2badan askari ee isa,soo dhiibtay ayaa waxa ay magacyadooda kala yihiin Maxamed Xuseen Axmed iyo Mahad Maxamed Nuur, waxana ay saxaafada u shegeen inay ka tirsanaayeen ciidamadii duurka ku jiray ee uu hogaaminayay Axmed Maxamed Islaam (A. Madobe)

Ma ahan markii ugu horaysay oo ay ciidamo ka mid ah kuwa Axmed Madoobe ay isku soo dhiibaan xarakada al shabbab ee jubbooyinka sida ay inta badanaa warbaahinta u xaqiijiyaan masuuliyiinta maamulka wilaayada jubbooyinka

 

xafiiska wararka dankahadal
Kismayo Somalia

Farxaan Maxamd

jubbastate@gmaila.com

 

Xafiiska Wararka dankahadal

Bergen Norway

shiine@dankahadal.com