Markab dagaal oo laga leedahay dalka Faransiiska oo qabtay 35 ka mid ah Burcad Badeeda Soomaalida
Markab dagaal oo ay leedahay dawladda Faransiiska, isla markaasna lasheegay in uu ujoogo xeebaha Soomaaliya la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaaliya, ayaa qabtay 35 ka mid ah Burcad Badeeda Soomaalida, kuwaas oo marayay biyo ka baxsan Soomaaliya, sida lugu sheegay war laga helay dawladda Faransiiska.
Markabka dagaalka oo mudo dheer daba socday Burcadan ayaa qabtay, markii ay gudaha ugaleen biyaha caalamiga ah, oo ay aad uga fogaadeen biyaha Soomaaliya, sida lugu cadeeyey qoraal laga helay ciidamada jooga biyaha dalka Soomaaliya.
Saraakiisha Midowga Yurub ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlaha ay ka hayaan biyaha Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in ay hada ka farakayaan halkii la geyn lahaa burcad Badeeda la qabtay, ee tirada badan, iyagoo tibaaxay in ay macquul tahay in lagu wareejiyo maamulka Puntland, Kenya iyo dalal kale.
Markabka laga leeyahay dawladda Faransiiska ayaa hada jooga wali biyaha Soomaaliya, waxaana dushiisa sarre su’aalo lugu weydiinayaa burcad Badeeda la qabtay, waxaana aan la garan Karin halka rasmiga ah ee laga dajin doono Burcad Badeedan.