Dagaalo u dhaxeeyo maleeshiyo beeleedyo oo ka dhacay deegaanada Bacaad-Weyn iyo Camaara ee degmada Xarardheere
Dagaalo ayaa ka soo cusboonaaday deegaanada Bacaad-Weyn iyo Camaara oo ka tirsan degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug kuwaasoo u dhaxeeyo maleeshiyo beeleedyo walaalo ah.
Sida ay sheegayaan wararka dagaaladan oo u dhaxeeya Cayr iyo Saleebaan ayaa waxa ay qarxeen shalay gelinkii dambe, waxaana wararka saaka ka soo baxay ay sheegayaan in qasaaraha uu kordhay.
Xariiro saaka aan la samaynay deegaankaasi ayaa waxaa naloo sheegay in ay dhimashada marayso 4-qof oo saddex ka mid ah yihiin garabyadii dagaalamaysay halka qofka kale uu yahay qof shacab ah.
Waxaa kale oo jira dhaawacyo ka dhashay dagaal beeleedkaasi oo socday ilaa xalay fiidkii hore, laakiin markii xilli habeen ah la galay dagaalka si iskiis ah ayuu u istaagay.
Beelaha ku dagaalamaya deegaanka Bacaad-Weyne iyo deegaanada kale waxaa saaka lagu soo waramayaa in ay soo kala gaareen gurmadyo ciidan kadib qeylo dhaan labada dhinac kala dirsadeen.
Xafiiska Wararka dankahadal
Bergen Norway
shiine@dankahadal.com