Copyright ® 2008 Dankahadal.com

 

 

 

                                                               Contact us:-    shiine@dankahadal.com

Madaxweyne Shariif oo magaalada Dare-salaam kulan kula qaaday dhogoosa Tanzania Jakaya Kitwete

 

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya uu horkaacaayo ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Dare-salaam ee wadanka Tanzania, iyadoo Madaxweynaha wafdigiisa kulamo la yeesheen madxada dalkaasi oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Jakaya Kitwete.

Madaxda labada dal ayaa kulamadooda waxa ay ka dhaceen aqalka madaxtooyada dalka Tanzania ee State House-ka, wuxuuna Madaxweynaha Tanzania Katwe uu wafdiga dowladda Soomaaliya u sheegay in Tanzania ay gacan ka siinayso dowladda KMG ah ee Soomaaliya dhinacyadda tababarka ciidamada Booliska iyo Milatariga, si ay dalka uga sifeeyaan Alshabaab.

Jakaya Kitwete waxa uu sheegay inay diyaariyeen goobihii, qalabkii iyo macallimiintii tababari laheyd ciidamada Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale sheegay Madaxweynaha Tanzania in dowldiisu ay ka qeyb qaadaneyso u gar gaarida dadka soomaaliyeed ee ku xoola beelay abaarihii ka dhacay qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya.

Dowladda Tanzania waxay kaloo sheegtay inay diyaarisay boqolaal tan oo mucaawimo ay ugu talo galeen dadka ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo madaxda dalkaasi sheegeen inay garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu mahadceliyay Madaxweynaha iyo Dowladda Tanzania sida ay mar walba garabka u siiyaan Dowladda Soomaaliya, islamarkaana wuxuu ku booriyay inay mar walba ka war hayaan xaalada dalka Soomaaliya

 

Xafiiska Wararka dankahadal

Bergen Norway

shiine@dankahadal.com

AMA-dankahadalcom@hotmail.com