Ciidamada Kenya iyo Al-shabaab oo xalay dagaal kulul ku dhexmarey duleedka Qooqaani
Ciidamo ka tirsan kuwa milateriga dowlada Kenya oo watay gaadiid kolonyo ah iyo dagaalyahaano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa xalay ku dagaalamay deegaano ku yaala inta u dhexeysa Qooqaani iyo taabta oo ka tirsan gobolka Jubada hoose ee dalka Somalia sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada KMG Somalia ee ku sugan gobolada jubooyinka magacoodana ka gaabsaday ayaa sheegay in dagaalkaas uu bilowday ka dib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay wadada u galeen kolonyada gaadiidka ah ee ay wateen ciidamada Kenya oo ka soo dhaqaaqay deegaanka Qooqaani, kuna sii jeeday dhinaca deegaanka kale Taabta loo yaqaano
Dagaal socday muddo saacado ah ayaa labada dhinac ku dhexmaray deegaano howd ah oo ku yaala wadada isku xirta Taabta iyo Qooqaani, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala gedisan oo ay ku jiraan madaafiicda garbaha laga tuuro iyo rasaasta darandooriga u dhacda oo laga maqlayey deegaano ku dhow halka dagaalkaas uu ka dhacay, iyadoo ciidamada Kenya ay markii dambe u suuragashay iney halkaas ka gudbaan socodkoodana sii wataan.
Ma cadda ilaa hadda qasaaraha dagaalkaas ka soo gaaray labada dhinac hase ahaatee wararka qaar oo laga helayo saraakiisha ciidamada jubooyinka ayaa sheegaya inuu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo labada dhinacba ka soo gaaray dagaalkaas, kaasoo qaar ka mid ah saraakiisha ay sheegeen inysan tirakoob sax ah ka heynin mana jiro war ku saabsan dagaalkaas oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Kenya iyo kuwa Al-shabaab