Ciidamo Ithopian ah oo soo gaaray degmada Yeed ee gobalka Bakool
Cutubyo ciidamo Itoobiyaan ah ayaa soo gaaray degmada Yeed ee gobalka Bakool, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda KMG iyo dadka deegaanka.
Waxaa lagu soo waramayaa dhaq dhaqaaqyo amaanka la xiriira inay bilaabeen ciidamadan Itoobiyaanka ah.
Macalin Maxamed Axmed oo ka tirsan saraakiisha dowladda KMG ayaa wuxuu sheegay imaanshaha ciidamada Itoobiyaanka in ay qeyb ka tahay sugidda ammaanka xuduuda ay wadaagaan labada dal ee Somalia iyo Ethiopia.
Waxaa arrintan ay ku soo beegmeysaa xilli xaalado aad u adag oo dhinaca ammaanka ah ay ka jiraan magaalada Muqdisho, iyadoo saraakiisha dowladda KMG ay ka arrinsanayaan, sida wax laga yeeli karo.