Copyright ® 2008 Dankahadal.com

 

 

 

                                              Contact us:-    shiine@dankahadal.com

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in dowladda Ethiopia ay sii deyneyso Xidlhibaanadii dhawaan lagu xirxiray dalkeeda

 

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay xaalada Xidlhibaanadii dhawaan lagu xirxiray dalka Ethiopia iyadoona uu sheegay in dowladda Ethiopia ay ogolaatay sii deyta Xildhibaanadaasi.

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqore ayaa waxa uu ka hadlay xaalada Xildhibaanadii dhawaan lagu xirxiray dhulka Islaamulka Soomaalida ee ay Ethiopia maamulato.

Waxa uu sheegay boqore in xaalada Xidlhibaanada ku xirxiran dalka Ethiopia ay kawada hadleen gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo dowladda Ethiopia ayna balan qaaday dowladda Ethiopia in ay soo deyn doonto Xidhibaanadaasi.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay Cismaan Cilmi Boqore iska warqab la’aanta ka dhaxjirta gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada, waxaana uu sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay magaalo weyn islamarkaana waxa kaliya ee la isaga war qabi jiray ay tahay kalfadhiyada Baarlamaanka uu yeelan jiray, hase ahaatee mudooyinkii ugu dambayay ay arintaasi gaabsi gashay isagoo Mas’uuliyada ugu weyn dusha ka saaray gudoomiyaha Baarlamaanka.

 

 

 

Xafiiska Wararka dankahadal

Bergen Norway

shiine@dankahadal.com