Ciidamada dowladda oo ka hortagay kooxo doonayey inay dhacaan mid kamid ah Xawaaladaha magaalada Muqdisho

 

Gudoomiyaha degmada Waabari ee dowladda KMG Soomaaliya Axmed Meyre Makaraan ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay qorshe abaabulan oo kooxo hubaysan ay ku doonayeen in ay ku dhacaan mid ka mid ah Shirkadaha Xawaaladaha ee ku yaalla degmadaasi gaar ahaan Xaafadda Via Liberia.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Kooxahaasi ujeedkooda uu ahaa in ay dhac balaaran u gaystaan Shirkadaasi kaasi oo uu sheegay in ay ka hortageen ciidamada Maamulka degmada balse waxa uu sheegay in ay u suura gashay Kooxahaasi in ay qaataan mid ka mid ah qorayihii lagu ilaalinayey Shirkada iyo 4 teleefanada gacanta oo ay lahaayeen macaamiisha Shirkadaasi.

Gudoomiyaha degmada Waabari ayaa waxa uu intaasi raaciyay in ay ku raadjoogaan kooxihii ka dambeeyay falkaasi islamarkaana ay rajaynayaan in ay gacanta kusoo dhigaan, isagoo digniin u jeediyay kooxaha kale ee ku howlan falalkaasi

 

Xafiiska Wararka dankahadal

Bergen Norway

shiine@dankahadal.com

AMA-dankahadalcom@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

                                                                                

 

Copyright ® 2008 Dankahadal.com

 

 

 

                        Contact us:-    shiine@dankahadal.com