Ciidamada Itoobiya oo xalay galbeedka Magaalada B/weyn lagu weeraray
Kooxo Hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig Ciidamada Itoobiya ku lahaayeen galbeedka Magaalada B/weyn, iyadoo weerarkan ahaa mid xoogan oo saqdii dhexe dhacay
Sida wararku sheegayaan weerarka kadib ayaa iska hor imaad fool ka fool ah uu dhex maray ciidamada Itoobiya iyo kooxihii weerarka qaaday, waxaana dadka reer B/weyn ay hurdada kaga salaleen hubka iyo rasaasta la is dhaafsanayay.
Xaafada Howlwadaag oo aheyd halka iska hor imaadka ka dhacay ayaa saaka waxaa ka soconaya howl galo ay wadaan Ciidamada Itoobiya, kaasoo dad fara badan ay ku qab qabteen.
Weerarkan oo ahaa kii u horeeyay ee lagu qaado Ciidamada Itoobiya ayaa qeyb ka noqonaya weeraro qaraxyo maalmahan lagula beegsanayay ciidamada gudaha magaalada.
Maalintii shalay ayay aheyd markii meydad dhowr ah oo wabiga dul sabeynayey iyo qaar la soo dhigay wadooyinka , kuwaasoo ay dileen Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya