Copyright ® 2008 Dankahadal.com

 

 

 

                                                          contact us:-    shiine@dankahadal.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

SIDEE MAANTA U CIIDEEN JAALIYADA SOOMAALIYEED EE MAGAALADA BERGEN EE DALKA NOWRAY

Waxaa maanta oo ah maalintii 1aad ee munaasabada ciidul Adxaa si aad u weyn looga ciiday magaalada Bergen ee caasimada labaad ee Dalka Norway iyadoo jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool magaaladaas iyo hareeraheeda ay u wada ciideen si wadajir ah taasoo ay kawada maqsuudeen dhamaan kasoo qeyb galayaashii munaasabadaas, Waxaa si wadajira uga soo wada qeyb galay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed sida waalidiinta, dhalinyarada, haweenka, odayaasha, waxgaradka, iyo caruurta, waxeyna u dhacday sidii loogu talagalay iyadoo goobta lagu soo bandhigay majaajilo, murti, maaweelo, qudbado, muxaadaro, talooyin iyo tusaaleynba iyadoo meesha aysan ka maqneyn sugaanta soomaaliyeed, waxaana guntii goobta lagu wada cunay noocyadii kala duwanaa ee munaasabadaa qiimaha badan loogu talagalay iyadoo cabitaankiina uusan meesha ka maqneyn kuleyl iyo qabowba, Hadaba hadeynu nahay bahda dankahadal waxaan hambalyo halkan uga direynaa guud ahaan umadda soomaaliyeed iyo gaar ahaan jaaliyada soomaaliyeed ee reer Bergen inagoo leh CIID MUBAARAK KUWADA CIIDA CAAFIMAADSAN sanadkan kiisa xigana baraare iyo horumar ku gaara inshaa'allaah Amiin,

 

 

Xafiiska Wararka dankahadal

Bergen Norway

shiine@dankahadal.com

AMA-   dankahadal@live.no