Copyright ® 2008 Dankahadal.com

                                  Contact Us:-    shiine@dankahadal.com

Al Shabaab oo ku amaray Xisbul islaam inay ka baxaan Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir



Al Shabaab ayaa shalay fariin u direy masuuliyiin ka tirsan Xisbul islaam gaar ahaan kuwa gacanta ku haya saldhiga Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, waxaana ay amar ku siiyeen in ay ka baxaan halkaasi.

Hasa ahaatee saraakiisha xisbul islaam ayaa ka biyo diiday amarka Al Shabaab, waxa ayna sheegeen in marna halkaasi si fudud uga bixi doonin,

Saaka ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada xisbul Islaam ee jooga Saldhiga yaaqshiid dufeeyso ay ka sameeysteen hareeraha Saldhiga ka dib markii ay ka warheleen in ay ku soo socdaan maleeshiyo Al Shabaab ah.

Dadka deegaanka ayaa saaka walaac ka muujinya xiisada u dhaxeeysa Al Shabaab iyo Xisbul islaam , waxaana saaka saan saan colaadeed laga dareemayaa degmada Yaaqshiiid ee gobolka Baandir
.

 

 

Xafiiska Wararka dankahadal

Bergen Norway

shiine@dankahadal.com