Saraakiisha ciidamada dowladda oo kala dhex galay Maleeshiyo beleed shalay dagaal uu ku dhex maray Waqooyiga Muqdisho
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa kala dhex galay Ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo shalay gelinkii dambe dagaal culus ku dhex maray Waqooyiga Muqdisho, iyadoo ciidamadan ay hab beeleed u dagaalameen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in labada ciidan oo ka soo jeeda Jufooyinka Waqooyiga Muqdisho dega maalmahan uu u dhaxeeyo xurguf xoogan, taasoo ugu dambeyn salka la gashay is ugaarsi gaar ah.
Dagaal shalay ka dhacay Isgoysyada Jubba iyo Maana-booliyo ayaa waxaa ku geeriyootay ilaa labo ruux, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo ay ku jireen dad rayid ah oo ku ganacsanayay.
Saraakiil ka tirsan Dowladda oo uu ka mid yahay Jeneraal Gacma-Duule oo ah Taliyaha Ciidamada Lugta ee Dowladda ayaa ku baxay xiisada gaartay gacan ka hadalka, iyadoo la sheegayo in markii dambe lagu guuleystay in la kala dhex galo.
Xaalada ayaa saaka u muuqata mid degan, waxaana soconaya waan waan iyo dadaalo ay wadaan Odayaal ka soo kala jeeda Labada Beelood oo isku dayaya in ay dhameeyaan xiisada maleeshiyaadkan ka dhex qaraxday.
Ilaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Dowladda KMG oo ku aadan Maleeshiyaadkan ku dagaalamay Waqooyiga Muqdisho oo ahaa xoogag ay dowladda bilihii la soo dhaafay ku tiirsaneyd, bacdamaa ay ku jireen aagaga dagaalka.