Copyright ® 2008 Dankahadal.com

                                        

Contact Us:-    shiine@dankahadal.com

Bare Cali Bare oo kamid ahaa Saraakiisha sare ee Xizbul Islaam garabkooda Raaskamboni oo lagu dilay Suuqa Bakaaraha

 

Warar daqiiqado ka dib markii uu dilka ka dhacay Bakaaraha na soo gaaray ayaa xaqiijinaya in gudaha Suuqaasi lagu dilay Bare Cali Bare oo ahaa Sargaal sare oo ka mida Xizbul Islaam garabkeeda Raaskambino.

Abaara 12:00-Duhurnimo xiliga Muqdisho ayaa waxaa Suuqa Bakaaraha lagu dilay Bare Cali Bare oo ahaa Sargaal ka hoos shaqeyn jiray Xasan Turki balse dhawaanahan la mshaqeynayay Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa ragga Xizbul Islaam ka dhex muuqday.

Koox hubaysan ayaa mar qura rasaas ku kulmisay Sarkaalkaasi oo ay la socdeen Laba ilaala ah daarta Maalin Taajir Bakaaraha meel aan ka dheereen halkaasi oo u ku dhintay Sargaalkaasi iyadoo ay badbaadeen ilaaladii la socotay.

Kooxda dilka gaysatay ayaa waxa ay isaga carareen goobta ay ku dileen Sargaalkaasi iyadoo xaalada ay noqotay mid cakiran oo dad badan iyo ciidamo ay soo buuxiyeen gudaha Suuqa Bakaaraha Muqdisho.

Ciidamada Xizbul Islaam ayaa dhaqdhaqaaq xoogan ka wada suuqaasi Bakaaraha iyadoo laga baqanayo in dilal ama dagaal uu ka dhaco Suuqa Daawada iyo deegaanada ku dhow dhow

 

 

Xafiiska Wararka dankahadal

Bergen Norway

shiine@dankahadal.com