Ciidamada dowladda oo ku jira diyaar garow dagaal oo ay kula wareegayaan guud ahaan magaalada Muqdisho
Iyadoo maalmo ka hor magaalada Muqdisho ay soo gaareen Hal guuto oo ciidamo ah oo tababar ugu soo dhamaatay dalka Uganda, tababarkaasi oo ay bixiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka, ayaa waxaa hada soconaya diyaar garow dagaal ay dowladda wado, kaasoo qorshihiisa u horeeya uu yahay sidii ay Muqdisho u qabsan lahaayeen .
Boqolaal askari ayaa la geeyay Dekadii hore ee Muqdisho iyo Hotelkii Curuba oo aan sidaa uga fogeyn goobaha ay dagaalada ka dhacaan ee waqooyiga Muqdisho, kuwaasoo la isku hor fadhiyo.
Rag badan oo ka tirsan dowladda ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay si talan-taali ah warbaahinta ugu dhurayeen, in ay dowladdu dagaal qaadi doonto dhowaan, taasoo dadka dhegihiisa ku badatay haatana ay qaarkood ka xiisa dhigeen, iyadoo dhinaca kale ay socdaan tacadiyadii loo geysanayey shacabka Soomaaliyeed