Ciidamada dowladda iyo Al Shabaab oo xalay ku Dagaalamey Degmada Dhooblay
Inta la’ogyahay lix ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalena way ku dhaawacmeen kadib markii Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab uu dagaal ku dhexmaray degmada Dhooblay ee gobolka Jubbada hoose.
Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxaa degmadaasi ku qaaday Ciidamo ka tirsan Al Shabaab, waxaana la sheegay in Ciidamada Shabaabka ay muddo ku sugnaayeen gudaha degmada hase ahaatee markii dambe ay faarujiyeen.
Saraakiil u hadashay dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in Al Shabaab weerar fulaynimo ah ay kusoo qaadeen degmada Dhooblay, iyagoo sheegay inay dileen 10-ruux oo ka tirsanaa AL Shabaab sida ay hadalka u dhigeen.
Xaaladda ayaa wali kacsan waxaana la filayaa in mar kale halkaasi uu dagaal ka dhaco, waxaana dagaaladaani ay qeyb ka yihiin kuwa maalmihii u dambeeyay ay Shabaabka ku qaadayeen fariisimaha Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin gobolada Jubbooyinka.