Copyright ® 2008 Dankahadal.com

                                                                                                              

                                                        

             Contact Us:-    shiine@dankahadal.com

Madaxweyne Shariif oo Warqadishiisa Shaqo ka gudoomay Safiirka dowlada Ingiriiska ee Somalia

 

Booqasho ay shalay Muqdisho ku tageen Wafdi uu horkacayay Xoghayaha Arimaha Dibedda Ingiriiska William Hague ayuu la Socday Safiirka Cusub.

Safiirkan Cusub ayaa noqon doona mid si Rasmi ah uga shaqeeya Magaalada Muqdisho, kadib markii loo saxiixay Warqadihiisa Shaqada, waxaana arin wanaagsan oo Horumar ah ku tilmaamay in UK ay Safaarad ka furato Muqdisho Madaxweyne Shariif Sh Axmed.

Xogaha Arimaha Dibedda ee Ingiriiska William Hague ayaa booqashadiisa Muqdisho ku sheegay in ay ku saabsaneed Casumaad ay u fidinaayeen madaxweyne Shariif si uu uga qeyb galo shirka London ka dhici doona 24-ka bishaan.

Mr. Hague ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ka aqbalay ka qeyb galka Shirkaas oo sidoo kale ay kasoo qeyb gali doonaan qaar ka mid ah Maamul goboleedyada Soomaaliya iyo Dowladaha Caalamka intooda badan.

Waa Masuulkii ugu Sareeyay ee ka Socda Ingiriiska oo Caasimadda Soomaaliya booqsho ku taga ku dhawaad 20 Sano


 

Xafiiska Wararka dankahadal

Bergen Norway

shiine@dankahadal.com

AMA-dankahadalcom@hotmail.com