Copyright ® 2008 Dankahadal.com

                                                                                                              

                                                        

                    Contact Us:-    shiine@dankahadal.com

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday xalay xarunta hawlgalka ciidamada badda Yurub ee la dagaalanta burcad-badeedda Soomaaliya

 

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa booqday xalay xarunta hawlgalka ciidanka badda dalalka Yurub ee la dagaalanta burcad-badeedda Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa soo dhaweeyey saraakiil reer Yurub ah oo ay ka mid ahaayeen Rear Admiral Peter Hudson iyo Admiral Bartalome, Admiral Soar, Admiral Ort iyo safiirro iyo madax ciidan oo Yurub ah, kuwaas oo warbixin dheer Madaxweynaha ka siiyey dadaallada, hawlgalada iyo tabta ay Midowga Yurub kula dagaalamaan kuna xakameeyaan burcadda badda Soomaaliya.

Intaas kaddib Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa loo furay albaabadda barta hawl-galka ee ciidankaas iyaga oo la tusay qaabka hawl-galada la dagaalanka burcadda. Dhanka kale, madaxda Midowga Yurub iyo wafdiga Soomaaliya ee Madaxweynuhu uu hoggaaminayo waxa ay is dhaafsadeen fikrado la xiriira sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Kulankaas kaddib ayaa saraakiisha midowga Yurub waxa ay casho sharaf u sameeyeen wafdiga Madaxweynaha iyaga oo Madaxweynaha guddoonsiiyey hadiyado.

 

Xafiiska Wararka dankahadal

Bergen Norway

shiine@dankahadal.com