Copyright ® 2008 Dankahadal.com

                                                                                                              

                                                        

                    Contact Us:-    shiine@dankahadal.com

Ciidamada Kenya oo la wareegay degmada Badhaadhe una sii dhaqaaqay dhanka degmada Bu’aale

 

Ciidamada Kenya oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya ayaa dagaal kula wareegay degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose,

Sida wararku sheegayaan Ciidamada Kenya oo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka ayaa saaka ka soo dhaqaaqay deegaanka Hosingow, waxaana u suura gashay inay qabsadaan Badhaadhe.

Afhayeenka Milateriga Kenya Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in guushii ugu weyneyd ay gaareen isla markaana Shabaab ka qabsadeen degmada Badhaadhe, waxaa uu sheegay inay dhabar jab xoogan ku tahay Shabaab.

Axmed Madoobe oo ah Madaxa jabhada Raaskambooni ayaa sheegay inay horay uga gudbeen degmada Badhaadhe, isla markaana deegaano dhowr ah ay hada ku sii jeedaan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda ay ku wajahan yihiin degmada Bu’aale oo xarun u ah Gobolka Jubada Dhexe.

 

Xafiiska Wararka dankahadal

Bergen Norway

shiine@dankahadal.com

AMA- dankahadalcom@hotmail.com