Ciidamada dowlada iyo Al-Shabaab oo xalay ku dagaalamay isgoyska Ex-koontarool Afgooye
Dagaal u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada dowlada ayaa xalay ka dhacay isgoyska Ex-koontarool Afgooye iyo xaafado ka tirsan degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, Sida wararku sheegayaan dagaalka waxaa uu yimid marki ay dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab weerareen xarunta Asluubta oo ku taala Ex-koontarool halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin cidamada dowlada.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dharbaaxo ku dhifteen kooxihi soo weeraray, waxa kale oo uu sheegay in saakay ay howlgalo ka sameeyeen halki uu dagaalka ka dhacay ciidamaduna ay joogaan Sarkuusta.
Waxaa jiro qasaaro ka dhashay dagaalkii xalay kadib marki ciidamada dowlada ay duqeeyeen xaafado ka tirsan deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho.