|
Dagaalo xalay mar kale ka dhacay gobolada Gedo iyo Jubbada hoose
Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaalo xalay ka kala dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo iyo deegaanka Qooqaani ee Jubbada hoose, iyadoo dhinacyadii dagaalamay ay guulo kala sheegteen.
Inta la’ogyahay 8-ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badanna way ku dhaawacmeen kadib markii xalay dagaal Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab ku dhexmaray degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Dagaalka ayaa waxa uu yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen degmada Luuq ee gobolka Gedo halkaasi oo dhinacyadaasi ay isku adeegsadeen rasaas xoogan sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Saacado kadib ayaa dagaalka markii uu ku fiday gudaha degmada waxaa soo galay Ciidamo ka tirsan dowladda Ethiopia kuwaasi oo iyana Al Shabaab ay isku adeegsadeen rasaas iyo madaafiic xoogan oo baqdin iyo cabsi ku abuurtay dadka shacabka ah ee ku sugan degmadaasi.
Dhinaca kale deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG ah oo gacan ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al Shabaab, waxaana la sheegay in dagaalkaasi ay qaadeen Al Shabaab inkastoo aan la’ogayn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi
Xafiiska Wararka dankahadal
Bergen Norway
shiine@dankahadal.com
AMA- dankahadalcom@hotmail.com |