Isu socodkii Gaadiidka iyo Dadweynaha ee Mandheera iyo Beled Xaawo oo hakad la galiyey
Waxaa Hakad la galiyay gabi ahaanba isu socodkii Gaadiidka iyo Dadweynaha ee Magaalooyinka Mandheera oo ku taalo Kenya iyo Beled Xaawo oo Soomaaliya ah.
Qarax lala eegtay CIidamada Kenya ayaa Shalay ka Dhacay Magaalada Mandheera ee Xadka ku taallo.
Ciidamada Kenya ayaa Xalay iyo Saakay ka wada Gudaha iyo Hareeraha Magaalada Mandheera Baaritaano Xoogan oo ku wajahan Qaraxii Shalay.
Ciidamadu waxa ay Hakiyeen Isu Socodkii Dadweynaha ee labada Magaalo, iyadoo guud ahaan Xadka labada Magaalo la xeray.
Dadweynaha Ganacsatada ah iyo Ardayda Wax ka barta Mandheera ayay Saameynta ugu badan ku yeelatay arintaan, maadaama aan isu-socod badan jirin.
Bilihii u Dambeeyay ayaa Waxaa Magaalada Mandheera dhowr jeer ka dhacay Qaraxyo lala beegsaday Ciidamada Kenya