Copyright ® 2008 Dankahadal.com

 

 

 

                                    Contact us     shiine@dankahadal.com

                                               

Kooxo hubeysan oo dad ku laayey Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in ragg hubeysan ay xalay weerar qasaare geystay ku qaadeen ragg soomaali ahaa oo isugu jiray, dhalinyaro, culumaa’udiin iyo ganacsato

Weerarkan ayaa ka dhacay wadada lagu magacaabo Kismaayo Road, gaar ahaan meel ku dhow Hotelka Jubba, halkaasoo dabley aan la garenyn ay rasaas ku fureen.

Labo ruux ayaa ku dhimatay, labo kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarkaas oo ahaa kii u horeeyay ee Soomaali lagu qaado, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dmabeysay.

Sheekh Caan ah oo ka soo jeeda Jubooyinka iyo nin kale oo ganacsade reer Gaarisa ah ayaa weerarkaas si xun ugu dhaawacmay, halka labo dhalinyaro kale ay ku dhinteen.

Booliska Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay inay wadaan howl galo ku aadan cidii ka dambeysay, isla markaana ay gacanta ku soo dhigi doonaan kooxaha ka dambeeyay.

 

Xafiiska Wararka dankahadal

Bergen Norway

shiine@dankahadal.com

AMA-dankahadalcom@hotmail.com