Hey’adda nabadsugida oo soo bandhigay wiil dhalinyaro oo doonayay inuu isku qarxiyo Madaxweyne Shariif
Hey’adda nabadsugida qaranka ayaa soo bandhigay wiil dhalinyaro ay sheegeen inuu doonayay inuu isku qarxiyo Madaxweynaha, kadib markii ay shalay ka qabteen garoonka diyaaradaha Muqdisho
Taliyaha ciidamada nabadsugida Air Porka Col. Burhaan ayaa sheegay in wiilkan dhalinyarada ay in muddo ah ku daba jireen, isla markaana uu damacsanaa inuu qaraxa ka fuliyo garoonka.
''Wiilkan dhalinyarada muddo ayaan ku raad-joognay wuxuu rabay inuu qarax ka furliyo garoonka, qeybta VIB-da ayaan ka qabanay, Ceelasha ayaa laga soo diray, wuxuu waday howlo sahmin ah, garoonka ayuuna sawiro ka qaadanayay''ayuu yiri Col. Burhaan.
Sidoo kale wiilkan dhalinyarada oo magaciisa ku sheegay Ismaaciil Axmed Yuusuf ayaa sheegay inuu ku dhashay magaalada Kismaayo, kana tirsan yahay Shabaab, waxaana uu cadeeyay inuu waday howlo indha indheyn ah sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu sheegay in tan iyo jimcihii la soo dhaafay uu garoonka ka waday howlaha, isla markaana uu sawiro ka qaadayay, inkastoo saraakiisha ammaanka ay sheegeen inuu damacsanaa in Madaxweynaha isku qarxiyo.
Maalintii shalay oo Madaxweyne Shariif dib ugu soo laabtay Muqdisho iyo maalintii jimcaha oo uu ka dhoofayay garoonka ayaa wiilkan dhalinyarada ay bilaabeen in ciidamada nabadsugida ay il gaar ah ku eegaan.
Waa markii u horeysay ee Nabadsugida ay garoonka gudihiisa ka soo qabtaan nin ay sheegaan inuu doonayay inuu is qarxiyo, ha yeeshee waxay tani muujineysaa feejignaanta hey’adaha ammaanka ay bilaabeen mudooyinkan