Taliska Hay’adda Nabad sugidda oo howlgallo cusub ka bilaabaya Magaalada Muqdisho

Agaasimiha Hay’adda Nabadda sugidda dowladda KMG ah Axmed Macalin Fiqi oo la hadlayay Warbaahinta Dowladda ayaa waxa uu sheegay inay bilaabayaan howlgallo cusub oo lagu xaqiijiyo ammaanka Magaalada Muqdisho, loogana hortagayo goobaha qaraxyada la dhigo ee ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir. 

Axmed Macalin Fiqi waxaa uu sheegay in howlgalladaasi ay ka bilaabi doonaan Kontorollada Magaalada Muqdisho si looga hortago shaqsiyaadka loo adeegsado in qaraxyada ay ka fuliyaan gudaha Muqdisho.

Agaasimiha Hay’adda Nabadda sugidda dowladda KMG ah ayaa waxa uu tilmaamay inay jiraan baaritaano ay ku hayaan qaraxyo bambaano oo muddooyinkii dambe lala beegsanayay Xarunta Hay’adda UNDP ay ka dagantahay gudaha Magaalada Muqdisho.

Hadalka Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda dowladda KMG ah ayaa imaanaya xilli mudooyinkii dambe Ciidamada Nabad sugidda dowladda ay Muqdisho ka wadeen howlgallo ay ku xaqiijinayaan ammaanka inkastoo aan la’ogayn howlgallada cusub waxa ay kaga badalnaan doonaan kuwii hore.

 

Xafiiska Wararka dankahadal

Bergen Norway

shiine@dankahadal.com

AMA- dankahadalcom@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

           

Copyright ® 2008 Dankahadal.com

Conact us     shiine@dankahadal.com