Ra'iisal Wasaare Gaas "Soomaaliya oo leh dowlad caalamku aqoonsan yahay dadkeeda ma aqbali karaan in Qarniga 21-aad maxmiyad la geliyo"
Ra'iisal Wasaare C/Weli Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee wadanka Kenya waxa uu ka hadlay aragtidiisa ku aadan ahmiyadda uu shirka magaalada London ee dalka Ingiriiska u leeyahay dadka iyo dalka, wuxuuna sheegay Ra'iisal Wasaaruhu in shirkaasi uu Soomaalida u yahay fursad aad u weyn.
Waxa uu sheegay Ra'iisal Wasaare Gaas in shirka ka dhacaya magaalada London ay ka qeyb gelayaan dhammaan qeybaha Soomaalida, iyo in ka badan 40-wadan iyo hay'ado caalami ah, kaasi oo sida uu sheegay beesha caalamku uga hadleyso sidii Soomaaliya ay uga bixi lahayd xilliga KMG.
"Soomaaliya oo leh dowlad caalamku aqoonsan yahay dadkeeda ma aqbali karaan in Qarniga 21-aad maxmiyad la geliyo" ayuu yiri Ra'iisal Wasaare C/Weli oo beeniyay in shirka London ujeedadiisu yahay in Soomaaliya la geliyo maxmiyad.