|

ISBAHAYSIGA SOO SAARISTA BUUGGAAGTA SHEEKOOYINKA EE
AWAAMA
AWAAMA BOOKS PRODUCT ASSOCIATION
AAS-AASKII ISBAHAYIGA
Isbahaysiga Soo saarista Buugaagta Sheekooyinka ee AWAAMA oo ah Isbahaysigii ugu horeeyay ee noociisa ah oo Dalka ka
hana-qaada waxaa Dhidibada loo taagay 05/02/1995
SABABTII LOO AAS-AASAY
Xilligaa isaga ah waxaa guud ahaan Dalka ka jirey Musiibooyin Dabiici ah iyo kuwo ay Dadku abuureen, gaar ahaan Magaalada Muqdisho waxaa Xilligaa ka jirey Abaartii la magac baxday (Caga-Bararka) iyo Dagaalkii loo yiqiin (Afar-Biloodka) Xaaladahaas jirey dartood Dhalinyaradii waxay noqdeen kuwo aan maqlin wax aan ka ahayn Beel hebel ayaa Dagaalkii ku adkaatay Beel Hebel....... Beel Hebel........ Guud ahaan waxa ay dadku ku sheekaystaan ayaa waxay ahayd Dagaal, Si haddaba loo Abuuro Xaalad Nabad gelyo iyo Deganaan, Dhalinyaradana looga soo jeediyo Colaada iyo hadal haynta Qabiilka ayuu Isbahaysigu Wuxuu hindisay Habkii iyo qaabkii arintan loo geli lahaa, wuxuuna markii ugu horeysay bilaabay qoraalo Sheekooyin Buuggaag Novelis ah kuwaasoo ka hadlayay Dhaqanka, Jacaylka iyo is dhexgalka Bulshada, Saddexdaa qodob oo Saldhig u ah Nabada ayaa waxaa lagu guulaystay in Dhalinyaro badan ay fursad u helaan in ay Buuggaagtaas u gacan banaanaadaan iskana ilaabaan Hadaaqii Dagaal oo ay ku hadaaqi jireen Maxaa yeelay Jacaylku waa Astaan Nabadeed waana Xaalad abuuri karta isu soo dhawaad iyo is dhexgal, guushii arintaa laga gaarayna waxay ahayd mid wada samaysay Dhalinyaradii Dagaalada isaga soo horjeeday iyadoo la arkayay Maliishiyooyin Ciyaarta Dagaalka Qeyb ka ahaa markii dambana u leexday Dhinaca Aqrinta Sheekooyinka. Waaya-aragnimadii laga dhaxlay arintaa ayuu Isbhaysigu horey ugu sii tallaabsaday inuu soo saaro Buuggaag kale oo Aqoon kororsi ah sida kuwo laga barto Luqadaha Ingiriisiga, Talyaaniga iyo Xisaabta taasoo noqotay mid mar kale albaabada u furta in Isbahaysigu uu yeesho Yool ama bartilmaan
uu higsado iyadoo danta ugu weyn ay ahayd in la helo dhalinyaro ka tanaasusha waxyaabaha xun xun una soo jeesata ama ka qeyb qaadata dib u dhiska Dalka oo ah waajibka Dhalinyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay inay gacan ka gaystaan Nabada, Taageerada iyo Dib u dhiska Dalka oo uu bur-burku ka soo gaaray Dagaaladii muddada Dheer ka socday guud ahaan Dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho...............
WAX YAABIHII UU ISBAHEYSIGU QABTEY INTUU JIREY
Wuxuu isbaheysigu ku talaabsadey markiiba guulo waaweyn oo ay bulshoweynta soomaaliyeed markiiba dareemeen, waxaana kamid ah buugaag isigu jirta Jaceylka,waxbarashada,siyaasada,diinta, & arimaha guud ee bulshada oo uu markiiba u soo bandhigay umadda soomaaliyeed ,wuxuuna isbaheysugu noqdey mid ay markiiba magaciisa xifdiyaan shacabka soomaaliyeed maadaama uu u taaganyahay haqabtiridooda, wuxuuna isbaheysugu bulshada wax ugu soo bandhigayey buugaag,idaacadaha dalka ka jiro, wargeysyada, taasina waxey sii kordhisay taageeradii bulshada u heysay waxaana qasab noqotey in xafiisyo dibada looga furo isbaheysiga maadaama dalabaad badan ka yimid shacbi weynaha soomaaliyeed ee qurbaha ku nool waxaana xafiiskii ugu horeeyey laga furey magaalada Nairobi ee cariga Kenya, waxaana xigay magaalada Qaahira ee cariga Masar waxaana sii koradhay baahidii ay isbaheygu u qabeen bulshada qurbaha kunool waxaana dalabaad badan ka yimid umadda soomaaliyeed ee kunool Qaarada yurub oo ah meesha ay ugu badanyihiin soomaalida waxuuna isbaheysiga oo marwalba u heelan bulshadiisa uu xafiis ka furay qaarada yurub gaar ahaan magaalada OSLO ee cariga NORWAY waxaana arintaa si aad ah usoo dhaweeyey bulshadii soomaaliyeed wuxuuna markiiba bilaabay isbaheysigu inuu haqabtiro umaddiisa wuxuuna markiiba soo saarey
warsidihii ugu horeeyey ee soomaali ah ee kasoo baxa dalalka iskandanivianka yurub wuxuuna durbadiibana ku baahay qaarada yurub oo idil .
MARXALADIHII UU SOO MARAY ISBAHAYSIGA AWAAMA
In kastoo Isbahaysigu uu soo maray Marxalado aad u kala gedisan haddana ma ahayn mid u dabca duruufihii adkaa ee Dhaqaalo xumo lahaa iyo Nabad gelyo xumo lahaa, Maxaa yeelay Isbahaysigu wuxuu ahaa mid ka madax banaan Siyaasad, Qabiil iyo wixii la mid ah Sidaa darteed ayuu wuxuu ku Shaqeynayay is dhexgalka Bulshada Soomaaliyed oo xilligaa kala Shakisanayd ama aan is aaminsanayn si taa looga gudbo ayuu hadafka Isbahaysigu wuxuu ahaa mid sii wada Shaqadii uu qabanayay, siina horumariya Qoraaladii uu Bulshada Dhexdeeda ku faafinayay oo ka waramayay Dhaqanka, Jacaylka, Anshaxa iyo Nabada qodobadaas oo ahaaa Hanaankii lagu joojin karey ama furaha u noqon karey soo celinta Isjacaylkii Ummadda Soomaaliyeed ee Colaadaha ku kala irdhoobay.
Ma ahayn Ujeedada Isbahaysiga kaliya inuu qoraalo ku ekaado, wuxuuna ku qasbanaa inuu qaado talaabooyin kale oo dheeraad ah, si Isbahaysigu uu u noqdo mid fur furan oo wax la qeybsada qeybaha kale gaar ahaan inta ay isku fikirka yihiinwuxuuna Isbahaysigu xiriir uu la sameeyay Qeybihii Saxaafada ee Xilligaa jirey si saxaafadu ay ehel ugu ahaato Isbahaysigan oo qudhiisa saxaafada oo qeyb ka noqon karey, waxaana Sanadkii 1995kii Xiriir uu dhex maray Isbahaysiga soo saarista buuggaagta AWAAMA iyo Maamulka Wargeyska AYAAMAHA oo ah Wargeyskii ugu horeeyay ee soo dhaweeya Isbahaysiga, Sidoo kale Idaacaddii Codka Nabadeynta Soomaliyeed ayaa iyaduna noqotay Idaacaddii ugu Horeysay ee Xiriir la samaysa Isbahaysiga. Xiriirka uu Isbhaysigu sameeyay ma hayn mid ku kooban labadas hay'adood balse
muddo ka dib Isbahaysigu wuxuu Xiriir la sameeyay Wargeysyada GOOL iyo LAACIB SPORTS oo ka faalooda Arimaha Ciyaaraha, waxaana Maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhayay Xiriirka Isbahaysiga iyo Qeybaha kale ee warbaahinta, iyadoo Isbhaysigu uu fikir ku biiriyay sidii loo abuuri lahaa Ikhtiraacida wargays aan ahayn wargeysyada Siyaasadda iyo Isboortiga, Halkaasna waxaa ka abuurmay Wargeysyo baddan oo ka hadla Arrimaha Qoyska iyo Dhaqanka taasoo noqotay fiklrad si weyn loo qaato maantana la helayo Dhalinyaro fara badan oo ku howlan soo saarista Jaraa'idada ka hadla Arrimaha Qoyska, Dhaqanka iyo Jacaylka.
Isbahaysigu kuma ekaan oo kaliya Soo saarista Buuggaagta balse isaga qudhiisa ayaa u tafa xeytay sidii uu u soo saari lahaa Wargeys u gaar ah wuxuuna ku guulaystay Isbahaysiga Markii ugu horeysay in uu soo saaro wargeyskii ka tarjumayay HadafkaIsbahaysiga wuxuuna la magac bbaxay AMBAQAAD wuxuuna badanaa diirada saari jiray Wararka Caalamka iyo Gudaha, wax qabadka Isbahaysiga iyo wax soo saarkiisa. balse nasiib xumo uu hakaday wargeyskaas inuu shaqeeyo sababo jira awgeed balse guushii taas xigtay waxay ahayd markii qaar ka tirsan Xubnaha Isbahaysiga ay iskood u soo saareen wargeysyo ka tarjumaya Dhaqanka, Qoyska iyo Jacaylka kuwaasoo kala ahaa:-
1. Wargeyska ILEYS CAASHAQ waxaa tifaftire ka ahaa C/samad C/qaadir Faarax (Hanad) iyadoo Madaxa wargeyskuna uu ahaa Gudoomiyaha Isbahaysiga Aadan Macalin C/laahi (Aadaamo)
2. Wargeyska XUBBI waxaa tifaftire ka ahaa Ibraahim Daa;uud Muudey (weynax)
3. Wargeyska IFTIINKA-AAYAHA waxaa tifaftire ka ahaa C/laahi Nuur Xasan (Shiino) Madaxa wargeyskana waxaa ahaa Gudoomiyaha Isbahaysiga Aadan Macalin C/laahi (Aadaamo)
4. Websitka dankahadal.com oo uu tifaftire ka yahay C/laahi Nuur Xasan (Shiino)
madaxa wararkana uu ka yahay Abuukar Max’ed Jimcaale (Abmojiyare)
XUBNAHA ISBAHEYSIGA AWAAMA WAXA AY KALA YIHIIN
1. Aadan Macalin C/laahi (Aadaamo)
2. Abuukar Max’ed Jimcaale (Abmojiyare)
3. C/qaadir Max’ed Jimcaale (Macalinyarow)
4. C/laahi Nuur Xasan (Shiino)
5. C/samad C/qaadir Faarax (Hanad)
6. Cali Max’ed Cismaan (Ameeriko)
7. Ibraahim Daa’uud Muudey (Weynax)
8. Xasan Muuse Sabriye
9. Shamso Xasan Axmed (Shankaroon)
10. Sacdiyo Xuseen Macow
11. Amiin Ibraahim Xasan
12. Cismaaciil Faarax Amiin
13. Ilyaas Cali Max’ed (Ilya Cali)
14. Cabdi Aweys Xasan (Bastaluus)
15. C/laahi Mustaf Xasan (Shameeri)
|